joogjoogsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogjoogsasho
(Joogjoogsasha-da)
1. Wax ku kor istaagtaagid.
2. Jimicsi gaar ah oo qofkii daal hayo ama muruqyadu xanuuna hayaan, inta la jiifiyo oo qof kale cag xoog korka uga saarsaaro, lagu ladnaado.
3. Hadba kala go'id, joogsasho, istaagid; xiriir la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjoogsasho
m.f.dh eeg joogjoogso. la-mid: joogjoogsad, joogjoogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumasho
-da: (magac, dhedig, keli) amley iyo wixii la mid ah, samaysasho.
tumasho -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar iyo sacab isku maaweelin. Tumashiyo ciyaar loo gudaa talo maaha.
tumasho -da: (magac, dhedig, keli) ku joogjoogsasho ama ku isistaagid.
tumasho-da: (magac, dhedig, keli) nin ka sinaysta gabadh aanu qabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjoogso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Socod hadba meel istaagid. 2. Ku j.: qof dhulka jiifa oo muruq hayo si turaal ah ugu istaagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
joogjoogso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Socod hadba meel istaagid. 2. Ku j.: qof dhulka jiifa oo muruq hayo si turaal ah ugu istaagid. m.f.dh, joogjoogsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogjoogso
v. stand on ~ upon; keep stepping on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogjoogso
(fal) soco oo kolba istaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogjoogso
de: stand on ~ upon; keep stepping on
lx: joogjoogso
nt: joogjoogsad (ka) [vn-m], joogjoogsasho (/da) [vn-f], joogjoogsi (ga) [vn-m]
pd: (joogjoogsaday)
ps: v3a=pl
key: joogjoogso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogjoogsad
(Joogjoogsad-ka)
Joogjoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjoogsad
m.l la-mid: joogjoogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogjoogsad
-ka: (magac, lab, keli) dhaqaaq uu kolba joogsi ku xigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgoosasho
m.f.dh eeg googgooso. la-mid: googgoosad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjoogsasho
m.f.dh eeg horjoogsad. la-mid: horjoogsad, horjoogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugujoogsasho
m.f.dh eeg isugujoogso. la-mid: isugujoogsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajoogsasho
m.f.dh eeg jilbajoogso. la-mid: jilbajoogsad, jilbajoogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbajoogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ruugag ku istaagid; labada dhudhun oo la laabto oo labada ruug lagu sarajoogsado. Dh: jilbajabsi, jilbadhigasho, jilbageeljiray, jilbajoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogjoogsi
(Joogjoogsi-ga)
Joogjoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjoogsi
m.l la-mid: joogjoogsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joog joogso
-joogsaday / tay: (v) [with preposition ku] put or press with the foot repeatedly ~ ku joogjoogso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarajoogsasho
m.f.dh eeg sarajoogso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarajoogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sarajoog samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) hore u dhicid kufitaan afka loo dhaco.
afgoosasho-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal u diiditaan ay canaani ku jirto; canaantan iyo gooddi qofka lagu aammusiiyo. Afgoosashada anaa diiday, marti ma aha ereygaygu, odhaahdiisa waan sheegan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloogsasho
m.f.dh eeg aloogso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax jooga ka yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagoogasho
(Hagoogasha-da)
Maro, kd., si hagoog leh u huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoogasho
m.f.dh eeg hagoogo. la-mid: hagoogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hagoogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjoogid
m.f.dh eeg joogjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogjoogid
-da: (magac, dhedig, keli) meel iska taagnida aan qiimo ku fadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joogjoogle
(Joogjoogla-ha)
Legdanka labo qof oo kala xoog badan oo kan xoogga badani labadiisa gacnood laabto oo lugaha keliya ku legdamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joogjoogle
m.l 1. Roob aan kala go' lahayn oo habeenkii da'a. 2. Legdan laba qofood oo kala xoog badan oo kan xoogga badani labadiisa gacmood laabto oo lugaha kaliya ku legdamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joogjoogle
m. n. wrestling in which the stronger gives an advantage to the weaker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogjoogle
-ha: (magac, lab, keli) harag neef loo ekeysiiyey oo lagu godliyo neef irmaan. Dh: maqaarsaar.
joogjoogle-ha: (magac, lab, keli) roob aan kala go' lahayn oo habeenkii da'a.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joogjoogle
cf: legdan
de: wrestling in which the stronger gives an advantage to the weaker (by using only his legs)
lx: joogjoogle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: joogjoogle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodrogasho
m.f.dh eeg oodrogo. la-mid: oodgeddisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodrogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg oodrogad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oqoonsasho
vl. n. acknowledgement, recognition
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oqoonsasho
de: acknowledgement, recognition
lx: oqoonsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: aqoonso
key: oqoonsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogobsasho
m.f.dh eeg rogobso. la-mid: rogob-sad, rogobsi, roqobsad, roqobsasho, ro-qobsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogobsasho
-da: (magac, dhedig. keli) muuqa maydhaxda muudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogrogasho
(Rogrogasha-da)
Alaabo ama wax kale ganacsasho; gedgeddisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogasho
m.f.dh eeg rogrogo. la-mid: rog-rogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rorogsasho
m.dh la-mid: roogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogobsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xobog xaquuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargoosasho
m.f.dh eeg aargooso. la-mid: aargoosad, aargoosi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato hore loo geystay, biilideedii qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgoosasho
m.f.dh eeg cadgooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka aargoosasho; ka aarsad; ka aargudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogofsasho
m.f.dh eeg dhogofso. la-mid: dhogofsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foororsasho
(Foororsasha-da)
Iyadoo la taagan yahay, qaarka sare, horay iyo hoos u laallaadin, u godid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foororsasho
m.f.dh eeg foororso. la-mid: foorarsad, foorarsasho, foorarsi, foororsad.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
foororsasho
stoop
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foororsasho
vl. n. act of bending over ~ stooping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foororsasho
-da: (magac, dhedig, keli) mid hoos gorodda u laalaadiyay ahaan. Dh: foorarsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foororsasho
a: foororsad (ka) [vn2-m], foororsi (ga) [vn2a-m]
de: act of bending over ~ stooping
lx: foororsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: foororsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggonsasho
m.f.dh eeg goggonso. la-mid: goggonsad, goggonsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gongonsasho
m.f.dh eeg gongonso. la-mid: gongonsad, gongonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsasho
m.dh la-mid: marooqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rommogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg rommogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoosasho
m.f.dh eeg sargooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) qorshaysasho, joongoosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogaysasho
m.f.dh eeg toogayso. la-mid: toogaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonsasho
m.f.dh eeg udgoonso. la-mid: udgoonsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax udgoon isku shidid; is udgoonayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog yeelasho; itaal yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogeysasho
m.f.dh eeg xoogeyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog yeelasho. Dh: quwaysasho, xoogaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yoxoobsasho
(Yoxoobsasha-da)
Yuurursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoxoobsasho
m.dh la-mid: yoxoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yoxoobsasho
vl. n. act of crouching, sitting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoxoobsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yoxoobsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yoxoobsasho
de: act of crouching, sitting
initial: y
lx: yoxoobsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: yoxoobsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doondoonasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax lumay daydayasho. Weli ma guursane doondonasho ayaan ku jiraa. Dh: doodoonad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaansasho
m.f.dh eeg hoogaanso. la-mid: , hoogaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirroorsasho
(Jirroorsasha-da)
Muruqyada oogada oo la uruursho oo la xoojiyo si aan xanuun loo dareemin; gowsaha isku qabsasho; adkaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joogyaraasho
-ha: (magac, lab, keli) qof ama wax kale, muuq ahaan, yari ama gaabni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soojeedsasho
-da: (magac, dhedig, keli) soojeedsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogorrogmasho
m.f.dh eeg dhogorrogo. la-mid: dhogorrogmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogorrogmasho
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan, dhogortii geddisnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorsoonaansho
m.l/dh la-mid: doorsoonaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Doorsoonaansho
Trasformazione
Transformation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorsoonaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg doorsoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgo'naansho
m.l/dh la-mid: googgo'naan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo noolaansho
-noolaanshaha: (n) resurrection (ri-sarek-shin); revival (rivaay-val) ~ dib-usoo noolaansha -da
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobboonaansho
m.l/dh la-mid: toobboonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobboonaansho
-ha: (magac, lab, keli) habboonaansho, gudboonaansho. Dh: toolmoonaansho, toobbooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toolmoonaansho
m.l/dh la-mid: toolmoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqjoogsasho
m.f.dh eeg dhaqaaqjoogso. la-mid: dhaqaaqjoogsad, dhaqaaqjoogsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqjoogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si kolna la socdo kolla la joogsado u socod. Dh: dhaqaaqjoogleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqoonsasho
(Aqoonsasha-da)
Aqoon u yeelasho; barasho; ogaansho; garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonsasho
m.f.dh eeg aqoonso. la-mid: aqoonsad, aqoonsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonsasho
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon u yeelasho. Dh: barasho, garasho.
aqoonsasho -da: (magac, dhedig, keli) cid kuu dhiganta ictiraafid. Dh: aqoonsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroorsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ceel iyo meel biyo leh geysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cosobsasho
-da: (magac, dhedig, keli) naq cusub, daaqitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoofsasho
m.f.dh eeg dhoofso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoofsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dal kale geysasho; dal kale u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegsasho
m.f.dh eeg engegso. la-mid: engegsad, engegsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsasho
m.f.dh eeg garowso. la-mid: garowsad, garowsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowsasho
-da: (magac, dhedig, keli) garaysasho; garawsad; garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godobsasho
(Godobsasha-da)
(qof) godob hore darteed, wax ugu qaybin, ama wax ku seejin ama uga eexasho.