joog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joog
(Joog-ga)
1. Dhererka dhulka salka ku haya, xagga cirkana u taagan; (jiif iyo joog = gudub iyo taag).
2. Iskujoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joog
joog¹: m.l 1. Cabbirka dherer ee wax taagani leeyihiin. 2. (-gag, m.l) Dhar ama kabo mar la isu qaadan karo. 3. la-mid: jeeg (1). Weel bir ama macdan ka samaysan, siddo iyo dabool leh oo wax lagu shubto.
joog²: m.l (juqraafi) Fogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago.
joog³: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Meel ku nagaan. 2. Jirid; noolaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
joog
joog¹: m.l 1. Cabbirka dherer ee wax taagani leeyihiin. 2. (-gag, m.l) Dhar ama kabo mar la isu qaadan karo. 3. la-mid: jeeg (1). Weel bir ama macdan ka samaysan, siddo iyo dabool leh oo wax lagu shubto.
joog²: m.l (juqraafi) Fogaanshaha qotonka ee ka sarreeya celceliska bad la simanta laguna cabbiray mitirro ama cago.
joog³: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Meel ku nagaan. 2. Jirid; noolaansho. m.f.dh, joogid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joog
Altitude, Height
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joog
Altitude, Height
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Joog
Altitude
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joog
v.st: be present, be located, remain at
joog v. stop, stay (in ~ at), stand, wait
joog vl. n. act of standing; staying, waiting; stance; height
joog m. n. jug, water pitcher
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joog
-ay / tay / een / nay: (v) stay (isteey) ; remain (ri-meeyn). Ex: iskuulkaan joognay; we were staying at the school
joog -ga: (n) height (haayt) ~ dherer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joog
(fal) ha tegin; ha dhaqaaqin; ha nuuxnuuxsan. Cagtii joogsan weydaa marbay ceeb la kulantaaye. Dh: nagow.
joog -ga: (magac, lab, keli) cudur idaha ku dhaca oo laaya oo ka dhasha shilinta. Dh: hulunbe.
joog -ga: (magac, lab, kali) kor u taagni aan jiif ahayn. Bukaanku joog iyo jiif ba waa uu diiday.
joog -ga: (magac, lab, keli) fogaanta ka soo bilaabanta salka hoose ee ku dhammaata figta u sarraysa ee shaxannada joomatariga.
joog -ga: (magac, lab, kali) weel inta badan jandi ka samaysn oo haan u qaab eg oo subagga, malabka, caanaha iyo wixii la mid ah lagu shubto. Joog subag ah ayay aayaday noo keentay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajood
(Ajood-ka)
Ka joogsasho; isu quurid la'aan; ka xishood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbah
(Baabbah-da)
Baabba' noqday oo aan wax ka joogin; aan gudihiisa wax ku jirin; maran; eber; cidla'; waxba; sufur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bantar
(Bantar-ka)
Neef joogsadey hilibki; aad u caatoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barriiqo
(Barriiqa-da)
Addin xoog u sibibixday ama xoog loo weecshey xarriiqda ama raadka jiidan oo uu dhulka u yeelo; xoog u weecasho ama u joogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baylah
(Baylah-da)
Wax cidla' jooga oo aan la ilaalina hayn; aan cidi la joogin; dayacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Berri
(Berri-da)
Maalinta la joogo, tan ka danbaysa oo soo socota; maalinta maanta iyo saaddanbe u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booqad
(Booqad-ka)
Tegidda meel la tago ama qof loo tago oo la soo arko oo in waqti ah lala soo joogo, salaan ama wehelyeel ama sabab kale darteed; booqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxa
(weel, kd.) intuu qaadi karey sida; muggi aan wax ka maqnayn; afka haya; afka jooga; jilaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadi
(Caadi-ga)
1. Aan ka duwaneyn sida ama waxa la arki jirey ama caado loo lahaa.
2. Waxyaalaha loo bartay ama joogtada ah, kamid ah.
3. Aan qiime weyn lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caawa
1. Habeenka markaas la joogo.
2. Maalinta la joogo, habeenka ku soo socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaab
(Cadaab-ka)
Aakhiro, meesha intii Ilaah caasiday oo dhurdarraystay ay joogaan oo lagu silciyo; naar; jahannamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casri
(Casri-ga)
Waqtiga cusub oo koolkaa la joogo la fil ah, la socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cidla'
(Cidla-da)
Meel aan dad joogin; aan wax dhaqaaqaa joogin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cubcub
(Cubcub-ka)
1. Harag ilmo xootaad oo hoosta caws laga geshey oo loo ekeysiiyey ilmo nool si neefka loogu maalo; cubcub guud ahaan sida kuwa loo ekeysiiyo qof, xoolo, bahal, shinbir, kd.; joogajooge; (ama cucub).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daleel
(Dalee-sha)
Aan cidi joogin; cidla'; bannaan; dalleen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayow
(Dayow-ga)
Wareer wax lala kala garan waayo oo qofku aqoon waayo meesha uu joogo iyo goorta ay tahay iyo afartii docood meel ay kala jiraan; jahawareer; asqo; dhama'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dejin
(Dejin-ta)
1. Wax kor joogey ama saarraa, hoos geyn.
2. (bad) doon ama markab burburin, burburin baddu la cunto oo haabadki lala waayo.
3. (suugaan) curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalmaddeyn
(Dhalmaddeyn-ta)
Da'da dhalmadu ku joogsato gaarid; dhalmaddeys noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaaq-joogleyn
(Dhaqaaq-joogleyn-ta)
Socod dhaqaaqjoogle ah socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaaqjoogle
(Dhaqaaqjoogla-ha)
Socod yar oo hadba kol la istaago; kol dhaqaaq kolna joogsad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jog
/jog/ (v) 1. hantaatiqin (riixid ama jagayn) 2. aayar u dhaqaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joo
(ereydhawaaq) weynayn iyo qaddarin loogal jeedo. Joo hooyo, eddaday ma aragtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oog
(Oog-ga)
Kaaha waabberi, intaan qorraxdu soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oog
oog¹: m.l Iftiinka ugu horreeya ee tilmaama waaberiga.
oog²: m.dh (-go, m.l) 1. Subaxnimo. 2. Dab weyn oo sida badan loo shido in la isaga digo colaad. 3. Calaamad cad oo ay lo'da qaarkeed wejiga ku yeelato.
oog³: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Dab weyn shidid. 2. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida abaabulid. 3. Salaad waajibaadkeeda si wanaagsan u fulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oog
oog¹: m.l Iftiinka ugu horreeya ee tilmaama waaberiga.
oog²: m.dh 1. Subaxnimo. 2. Dab weyn oo sida badan loo shido in la isaga digo colaad. 3. Calaamad cad oo ay lo'da qaarkeed wejiga ku yeelato.
oog³: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Dab weyn shidid. 2. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida abaabulid. 3. Salaad waajibaadkeeda si wanaagsan u fulin. m.f.dh, oogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oog
v. kindle, light a fire
oog v. drive, urge on
oog m. n. morning twilight, early dawn
oog [feminine] n. high flame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oog
-a / ta: (n) dawn (dhoon); cock crow (kook'karow); morning twilight.
ku oog -ay / tay: (v) 1. prosecute (porosikiyuut). 2. inform (infoorm)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oog
(fal) dabka beleli oo aad u shid illaa uu olol dheer yeelanayo.
oog: (fal) si wanaagsan oo niyadsami ah u samee. Oog salaadda iyo sakada.
oog: (fal) dacwad fur oo si xawli ah u wad. Ninkii hantida kaa dhacay dacwad ku soo oog.
oog -ga: (magac, lab, keli) saxarro qorraxeed danabeysan oo marka ay gibilka sare ka soo galaan burburiya atamyada iyo xaynatamyada.
oog -ta: (magac, dhedig, keli) iftiin baalal midabeysan leh oo diillimihiisa ama daliigyihiisa qurxoon la arko cadceedda dhaca iyo cadceed baxa. Sida oogta waaberi araggaagaan ku ildoogsadaa.
oog -ta: (magac, dhedig, keli) dab aad u shidan oo olol dheer bixiya. Sida oog la shiday baan, indheer kaa arkaayoo... Dh: olol.
oog -ta: (magac, dhedig, keli) kaaha waaberi ee cadceedda ka soo horreeya. Oogtii waabberi ayuu baxay xusseen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boog
(Boog-ta)
Nabar furan oo aan weli biskoon; qoon; dhaawac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boog
m.dh (-go, m.dh) Nabar caalir leh jirka muddo ku yaallay oo aan weli biskoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boog
m.dh (-go, m.dh) Nabar caalir leh jirka muddo ku yaallay oo aan weli biskoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boog
f. n. ulcer, wound
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boog
-ta: (n) an old wound; ulcer (alsar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boog
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar xumaada oo aan weli bogsan; jirka ruuxa meel dhaawac ka soo gaadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doog
1. (Doog-ga) Doogaad; naq; tigaad.
2. (Doog-ta) Nabarka biskooda soo labakaclayntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doog
doog¹: m.l 1. Caleenta iyo cawska cusub ee uu roobka soo saaro; naq; tigaad. 2. Xilli roob da'ay, dhulku cagaaranyahay dadka iyo xooluhuna baraare ku jiraan. la-mid: doogaad.
doog²: m.dh 1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. la-mid: daab².
doog³: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doog
doog¹: m.l 1. Caleenta iyo cawska cusub ee uu roobka soo saaro; naq; tigaad. 2. Xilli roob da'ay, dhulku cagaaranyahay dadka iyo xooluhuna baraare ku jiraan.
doog²: m.dh 1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. daab².
doog³: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Nabar hore u biskooday mar labaad soo kicid. 2. Roob da'aya weel u hoorsasho (qof). m.f.dh, doogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doog
m. n., [collective] green grass, fresh vegetation; green (color)
doog [feminine] n. pain from an old wound
doog v. conserve ~ set aside rain water (for use during drought)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doog
-ga: (n) 1. green vegetation; greenery (giriineri) ~ naq, laac. 2. doog -ta: (n) pain from an old injury ~ kacdoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doog
(tilmaame) wax cagaaran oo u eg doogga. Shaati doog ah buu soo gatay. Dh: akhtar.
doog -ga: (magac, lab, keli) daaq dhulka ka baxa marka roobku da'o oo xooluhu cunaan. Deegaanta roobkiyo, adaa doogna ka udgoon.
doog -ta: (magac, dhedig, keli) kacdoon nabar hore dhacay uu yeesho. Doogtii dakharkaa ku soo laba kaclaysay. Dh: eel, eelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foog
(Foog-ta)
1. Maalinta gelinkeeda hore; subax.
2. Berri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foog
m.dh 1. F.ta/berri f.ta: maalinta gelinkeeda hore; subax. 2. Berri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foog
f. n. morning; tomorrow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foog
-ga: (magac, lab, keli) maalinta gellinkeeda hore. Dh: subax, barqo, waaberi. Li: casar.
foog-ga: (magac, lab, keli) eeg fargeeto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foog
cf: berri; subax
de: morning; tomorrow
lx: foog
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: foog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoog
(Hoog-ga)
Ba'; baas; belo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoog
hoog¹: m.l Dhacdo leh dhibaato lagu hoobto; ba'; belo.
hoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Dhacdo dhibaato lagu hoobto leh la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoog
hoog¹: m.l Dhacdo leh dhibaato lagu hoobto; ba'; belo.
hoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Dhacdo dhibaato lagu hoobto leh la kulmid. m.f.dh, hoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoog
m. n. misfortune, disaster
hoog v. suffer misfortune ~ disaster
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoog
-ga: (n) woe (wow); misfortune (mis foor jin); calamity (kalaamiti) ~ balo, balaayo, —hoogay; woe betide (wow bitaaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoog
(fal) ba' oo dhibaatoo; jab oo hoog.
hoog-ga: (magac, lab, keli) dhibaato iyo mashaakil badan. Dh: ba', baas, ba'yaale, jab. Li: badhaadhe.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hoog
ويلة، مُصيبة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Joof
(Joof-ka)
Timo adag oo taagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
joof
m.l (-faf, m.l) Timo adag oo taagtaagan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
joof
m.l (-faf, m.l) Timo adag oo taagtaagan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
joof
m. n. thick, upright-standing hair
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Joof
nickname-m thick, upright-standing hair. Lit: a man with a thick upright-standing hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Joof
magac loo baxsho nin timo adag leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
joof
-ka: (magac, lab, kali) qofka oo giir iska kiciya oo balaayo iska dhiga.
joof -ka: (magac, lab, keli) timo badan oo ka baxa noolaha qaar oogadooda. Wiyil joof leh iyo yey jo waxaan jirif ku kaynaanshay.
joof -ka: (magac, lab, kali) qofka oo calool yar oo kuusan leh. Jiilaallada dhacay, joof yar bixisoy…
joof -ka: (magac, lab, kali) kurus yar oo aan weynayn oo ku yaal neef geel ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
joof
de: thick, upright-standing hair
lx: joof
pd: (-ka Pl: joofaf (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: joof
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jooh
(ereydhawaaq) lagu joojiyo geel didsan ama socda oo la dabbaalayo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
joug
joug, n.m. - cadaadis; dhibaato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loog
(Loog-ga)
Martisoor weyn oo xoolo laysu qalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loog
loog¹: m.l 1. Martisoor xoolo laysu qalo. 2. Samaanyo.
loog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Marti xoolo u qalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
loog
f.mg1 (-gay, -gtay) Marti xoolo u qalid. m.f.dh, loogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
loog
m. n. banquet ~ feast (for which animals are slaughtered)
loog v. slaughter animals to feed one's guests
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
loog
-ay / tay: (v) slaughter an animal to feed a gust ~ u loog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loog
(fal) cid kuu timid neef u qal. Martida u loog.
loog-ga: (magac, lab, keli) martiqaad weyn oo xoolo la isku galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moog
1. Aan ogeyn; aan war hayn.
2. (Moog-ga) Kol; mar.
3. Kal; miile; jil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moog
moog¹: m.l (-gag, m.l) 1. Kol; mar. 2. Kal; mile; jil.
moog²: f.g4 (-gaa, -gayd) Cid aan ogeyn noqosho; aan wax ka ogeyn; cid aan wax aqoon noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moog
moog¹: m.l (-gag, m.l) 1. Kol; mar. 2. Kal; mile; jil.
moog²: f.g4 (-gaa, -gayd) Cid aan ogeyn noqosho; aan wax ka ogeyn; cid aan wax aqoon noqosho. m.f.dh, moogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moog
der. [adjective] ignorant, unaware; absent, lacking
moog m. n. time, occasion; turn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
moog
-ga: (n) turn (teen); chance (jaanis); opportunity (ap'ar-tuniti). Ex: waxay sugaysaa moogeedii; she is waiting for her next turn
moog -aa: (adj) unaware (an a weer); uninformed (an infoomidh).
is moogeysii -yey/say: (v) disregard (dis ri-gaardh); ignore (ig-noor); pay no attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moog
(dabakar) erey magacyada xagga dambe ka raaca oo macnaha ka dhiga ogaal la'aan ay cidda laga sheekaynayaa ku jirto. Colmoog, warmoog. dhibmoog...
moog: (tilmaame) waxaba aan war u hayn oo aan waxa dhacayaba la socon ah. Dh: ogayn. Li: og.
moog -ga: (magac, lab, keli) galaas weyn caanaha lagu dhamo ama wax lagu miiso sida galaanka. Dh: galaas, galaan.
moog -ga: (magac, lab, keli) mar ama kol. Ninku moog qudha ayuu feedhay. Dh: kol.
moog -ga: (magac, lab, keli) ogaal la'aan; ka warqabid la'aan. Li: xasuus.
moog -ga: (magac, lab, keli) tooggo ama meerto la wadaagayo oo qofba markiisa qaadanayo.
moog-ga: (magac, lab, keli) kal; miile; jil. Nimb mooggiisa ha sugo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Noog
(Noog-ga)
Daal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noog
noog¹: m.l Dareenka la dareemo awood la'aan, hawl fara badanoo la qabtay iyo socod dheer oo la galay awgood.
noog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Hawl darteed tamar yarayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noog
noog¹: m.l Dareenka la dareemo awood la'aan, hawl fara badanoo la qabtay iyo socod dheer oo la galay awgood.
noog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Hawl darteed tamar yarayn. m.f.dh, noogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
noog
m. n., [abstract] fatigue, tiredness, weariness
noog [inchoative] v. be tired, feel weary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
noog
-ay / tay: (v) become tired or fatigued; tired (taayar); fatigue (fatiig); weary (wiyari); exhaust (igzoost) ~ daal, xiiq
noog -a: (n) tiredness (taayidh nes) ~ daal-ka
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Noog
Stanchezza
Tiredness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noog
-ga: (magac, lab, keli) daal ku yimaad haw! badan oo la qabto. Dh: daal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
roog
-ga: (n) carpet (kaar-pit) ~ kaarbid, kadiifad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roog
-ga: (magac, lab, keli) gogol jilicsan oo guryaha lagu qurxiyo oo dhulka la dhigo. Dh: ruumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soog
soog¹: m.l 1. Duleedka meel la deggan yahay oo loo kor-tago. 2. S. ah: qof dhuuban oo xoog leh. 3. S. ah: xarig xooggan.
soog²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax qotomin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soog
v. stretch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soog
(fal) wax taag; wax kala jiid; wax tog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soog
de: stretch
initial: s
lx: soog
pd: (soogay)
ps: v1=tr
key: soog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toog
(Toog-ta)
1. Liishaan; abbaar.
2. Arrin hagaagtey, meelmartay.
3. Kal; goor; mar.
4. In kol naas laga dhiijiyo; dhiiqsin.
5. Roob yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toog
toog: m.dh (-go, m.l) 1. Kol; mar. 2. In kol naas laga dhiijiyo. 3. Roob yar.
tǫog: m.dh 1. Aqoonta liishaanka. 2. Arrin fulinteedu hagaagtay ama meelmartay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toog
m.dh (-go, m.l) 1. Kol; mar. 2. In kol naas laga dhiijiyo. 3. Roob yar.
tǫog: m.dh 1. Aqoonta liishaanka. 2. Arrin fulinteedu hagaagtay ama meelmartay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toog
vl. n. aiming (a weapon); good outcome, success
toog [feminine] n. turn, time (to do)
toog [feminine] n. shower, light rain