jodhob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jodhob
(tilmaame) mid caato ah oo soo godan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coldhob
m.dh la-mid: collob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoldhob
(Qoldhob-ta)
Gudo aad u yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoldhob
m.dh (-bo, m.l) Meel ciriiri ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoldhob
f. n. small space, pocket ~ hole; area inside a small hollow place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoldhob
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah oo aad u qudo yar. Dh: dhudhub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoldhob
a: qollob (ka) [n2a-m]
de: small space, pocket ~ hole; area inside a small hollow place
lx: qoldhob
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: qoldhob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
odho
(fal) wax dheh oo hadal. Dh: oro, dheh.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
OHOB
[OHOB] Grewia penicillata 03, G. villosa 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godob
1. (Godob-ka) Balli aad u weyn oo wareegsan oo in badan biyo ku jiraan: togagga xilliyada roobka biyaha keena baa doojiya.
2. (Godob-ta) Aano; sagan; dakano; asaaye; gashi; utun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godob
godob¹: m.l (-bo, m.l/dh) Meel weyn oo godan oo dhinacyada ay ka xigaan duullayaal iyo taagag oo caws iyo geeda faalala ay ka baxaan oo jiilaalka la daaqo.
godob²: m.dh Xadgudub qof lagu sameeyo oo aan laga xaalmarin oo reeba utun iyo qaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godob
m.dh Xadgudub qof lagu sameeyo oo aan laga xaalmarin oo reeba utun iyo qaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godob
m. n. large pond, natural reservoir
godob [feminine] n. resentment, grudge (over an injury, harm ~ damage)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godob
-ta: (n) a deep-seated feeling of resentment: resentment (rizentment); -rancor (raangker); grudge (garaaj) ~ aano, xinif
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Godob
Rancore
Grudge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godob
-ta: (magac, dhedig, keli) denbi hore cid looga galay oo laga baqo in aargoosi ka yimaaddo. Odaygu godob buu qabaa oo habeenkii ma socdo. Dh: aano, dakane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hohob
1. (Hohob-ka) Kebed qurux badan.
2. (Hohob-ta) Geed bixiya miro la cuno oo aad u wanaagsan oo kuwa gomoshaaga u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hohob
hohob¹: m.l Kabdaha nooc ka mid ah.
hohob²: m.dh 1. Geed aan qodax lahayn oo miro la cuno oo macaan bixiya una eg gomoshaaga. 2. (w) Miraha geedkaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hohob
m. n. decorative camel cloth ~ mat
hohob [feminine] n., [collective] plant species, with edible fruit (berries)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HOHOB
[OHOB] Grewia penicillata 03, G. villosa 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HOHOB
(Hohob) C, S, May Grewia penicillata Chiov. Tiliaceae.
C Grewia villosa Willd. Tiliaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hohob
-ta: (n) a wild plant with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hohob
-ka: (magac, lab, keli) kebed qurux badan.
hohob-ta: (magac, dhedig, keli) geed bixiya midho la cuno oo geedqadhaabka ka mid ah. Hohobtoo bislaatiyo, hoobaan la moodyeey...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Johor
(Johor-ka)
Dibi ama orgi fil weyn oo weyd ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
johor
johor¹: m.l (-rro, m.dh) Dibi ama orgi fil weyn oo caato ah.
johor²: m.dh (-rro, m.dh) Wasaq, jilif iyo wixi lamida oo ay yeelato oogada dadka. la-mid: joxor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
johor
m.dh (-rro, m.dh) Wasaq, jilif iyo wixi lamida oo ay yeelato oogada dadka. la-mid: joxor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
johor
m. n. thin old ox ~ he-goat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
johor
(tilmaame) qof midab aad u cad leh.
johor-ka: (magac, lab, keli) dibi ama orgi fil weyn oo caato ah.
johor-ta: (magac, dhedig, keli) wasaq, jilif iwm oo ay yeelato oogada dadka. Dh: joxor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
johor
cf: dibi, orgi
de: thin old ox ~ he-goat
lx: johor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: johor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jolob
m.dh In yar caano, badar, biyo iyo wixi lamida ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jolob
-ta: (magac, dhedig, keli) in yar oo caano, badar, biyo ama wax kale ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kodho
m.dh Harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo loo hoos dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kodho
-ha: (magac, lab, keli) harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo la hoos dhigo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
O'HOB
Grewia penicillata 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodob
(Qodob-ka)
1. (naxwe) Qaybaha hadalka qayb kamid ah oo magaca lagu dabakaro (sida nin, ninka; naag, naagta).
2. Xubnaha sharciga ama qaanuunka iyo wixii u eg, kolka ay xaashida ku qoran yihiin.
2. Waxyaalaha wargeysyada ku qoran, mid mid; maqaalad.
4. Musmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodob
qodob¹: m.l (-dbo, m.l) 1. Dun, xarig iyo wixi lamida oo laba waxood ama ka badan la iskula qabto. 2. Musmaar gaaban oo dabada u buuran oo kabaha lagu qurxiyo. 3. Qaybaha sharciga u qaybsama mid ka mid ah. 4. Summad xoolaha lagu dhigto oo u eg nuunka carabiga oo hoos u jeeda. 5. Qormooyinka wargeyska ku qoran mid ka mid ah; maqaal; qormo.
qodob²: m.l (-dbo, m.l) (naxwe) Qurub magacyada qaarkood ka raaca dhammaadka si uu uga dhigo wax cayiman. Tusaale: “Aqal-ka”, “inan-ta”.
qodob³: f.g1 (-dbay, -dobtay; -dbi) 1. Dun, xarig iyo wixi lamida laba waxood iskula qabasho. 2. Musmaar gaaban oo daba buuran leh kabo iyo wixi lamida ku qurxin. 3. Gabadh la guday tolid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qodob
qodob¹: m.l (-dbo, m.l) 1. Dun, xarig iyo wixi lamida oo laba waxood ama ka badan la iskula qabto. 2. Musmaar gaaban oo dabada u buuran oo kabaha lagu qurxiyo. 3. Qaybaha sharciga u qaybsama mid ka mid ah. 4. Summad xoolaha lagu dhigto oo u eg nuunka carabiga oo hoos u jeeda. 5. Qormooyinka wargeyska ku qoran mid ka mid ah; maqaal; qormo.
qodob²: m.l (-dbo, m.l) (naxwe) Qurub magacyada qaarkood ka raaca dhammaadka si uu uga dhigo wax cayiman. Tusaale: 'Aqal-ka', 'inan-ta'.
qodob³: f.g1 (-dbay, -dobtay; -dbi) 1. Dun, xarig iyo wixi lamida laba waxood iskula qabasho. 2. Musmaar gaaban oo daba buuran leh kabo iyo wixi lamida ku qurxin. 3. Gabadh la guday tolid. m.f.dh, qodbid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qodob
Factor
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qodob
Factors
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodob
m. n. article (in a newspaper ~ legal code); item, paragraph; article {grammar}
qodob m. n. nail (carpenter's tool)
qodob v. sew together, suture, join
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qodob
-ka: (n) 1. nail (neeyl) ~ musmaar 2. provison (poro-vi-shin); clause (kalooz); article (aar'tikaX); especially a clause in a document or an agreement ~ sharuud
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Qodob
Articolo
Article
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodob
(fal) wax kala go'ay isku dheji; meel daloosha awd. Kabta qodob intayna kaa go'in. Dh: tol, musbaar.
qodob -ka: (magac, lab, keli) tirsi loo sameeyo qoraallada xeerka ama xeerhoosaadyada mid ka mid ah. Xadhiggiisa waxa loo cuskaday qodob xeerka ciqaabta ka mid ah. Wa: qodobbo.
qodob-ka: (magac, lab, keli) inta ay labada god ee tolmuhu isku jiraan. Kii yaraa saddex qodob ayaa la tolay.
qodob -ka: (magac, lab, keli) qormooyin wargeys ku qoran mid ka mid ah. Dh: maqaal, qormo.
qodob -ka: (magac, lab, keli) xaraf magaca xagga dambe ka raaca oo tusa caynta magaca iyo in wax la isla garanayo uu yahay iyo in kale: geed = geedka, bir birta iyo wixii la mid ah.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qodob
Musmaar madax dhabanno iyo girgirro maroorsan oo is-dabajooga leh oo qabbirradu ku xirmaan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qodob
أداة التَّعْرِيف، مَقَال
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidoob
inch. v. be permitted ~ allowed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidoob
-ka: (magac, lab, keli) marka la sheegayo in arrini suurtagal tahey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidoob
de: be permitted ~ allowed
lx: jidoob
pd: (jidoobay)
ps: v1=inch
key: jidoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kodhon
m.l (-no, m.dh) (baayoloji) Beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kodhon
m.l (-no, m.dh) (baay.) Beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kodhon
-ka: (magac, lab, keli) beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA-da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toddob
(Toddob-ka)
Xilliga diraacda qaarkiisa dhexe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddob
m.l Roobka ugu horreya uu gu'ga da'a.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toddob
m. n. beginning of spring, first rain of the wet season
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Toddob
name-unisex beginning of spring, first rain of the wet season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddob
-ka: (magac, lab, keli) roob da'a jiilaalka dhamaadkiisa ama bilawga guga oo aan sannad walba di'in. Li: diraac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toddob
cf: Gu'; roob
de: beginning of spring, first rain of the wet season
initial: t
lx: toddob
pd: (-ka)
ps: n-m-time
key: toddob
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
irdhoob
inch. v. be on guard, become wary, beware
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
irdhoob
-ay / irdhoodowday: (v) be troubled; feel uneasy or concerned about something; worriy (weeri)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
irdhoob
a: irdhow
de: be on guard, become wary, beware
lx: irdhoob
pd: (irdhoobay)
ps: v1=inch
key: irdhoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toddoba
(Toddoba-da)
Tirada u dhexaysa lixda iyo siddeedda (7).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddoba
m.dh.t Tirada lixda iyo siddeedda u dhexeysa; “7”. la-mid: toddobo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toddoba
m.dh.t Tirada lixda iyo siddeedda u dhexeysa; 7. la-mid: toddobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toddoba
num. seven
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Toddoba
sept.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toddoba
-da: (n) seven (savan); number [7]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddoba
-da: (magac, dhedig, keli) tirrada u dhaxaya lixda iyo siddeedda una qoranta 7.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toddoba
de: seven
initial: t
lx: toddoba
pd: (-da)
ps: num-f
key: toddoba
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
toddoba
سبعة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobo
m.dh.t la-mid: toddoba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toodoob
inch. v. sense, feel; be cautious ~ on the alert; become unruly (of domestic animal ~ livestock)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toodoob
bw: toodow
de: sense, feel; be cautious ~ on the alert; become unruly (of domestic animal ~ livestock)
initial: t
lx: toodoob
nt: toodoobid (da) [vn-f]
pd: (toodoobay)
ps: v1=inch
xv: garo, dareen
key: toodoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xodhtol
(fal) xodhtol ka dhig. Marada i odhol Dh: xortol.
xodhtol-ka: (magac, lab, keli) hab maryihii hore ee dumarka ama go'yaasha loo toli jiray oo dhexda gabal laga gelin jiray. Dh: xortol.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoodhoob
-ay I tay: (v) build, something not solid or breaking easily. Ex: guri dhoodhoob ah; house without a solid foundation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soddohoob
inch. v. become a mother-in-law
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soddohoob
de: become a mother-in-law Alt sp: soddohow
initial: s
lx: soddohoob
pd: (soddohoobay)
ps: v1=inch
key: soddohoob