jitaqumin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaqumin
-ta: (magac, dhedig, keli) tabaabulshayn, sahaysiin iyo si fiican u amba-bixin sadcaal; tilmaamid iyo taakulayn tubkujoog. Dh: taakulayn, caawin, jicsimid, ambabixin; tilmaamid, toosin. Li: cagagoyn, curyaamin, hagrasho, lumin, daahin, habaabin, lumin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaqumi
(fal) sadcaal tabaabushay oo sahay iyo agab isugu du; jid iyo ceel tus ama tilmaan oo toobiye ku dhibtir, sadcaalka si haboon u jitaqumi. Dh: taakulay, caawi, jicsin, ambabixi, tilmaan, toosi. Li: daahi, habaabi, lumi, cagagoy, curyaami, hagro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaqun
(fal) samo ku ambabax oo jidaal noqo: ambabixin fiican hel oo sadcaal. Tilmaan iyo toosin ku qancisa hel oo toobiye qabso. Dh: ambabax. Li: negoow.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
taquin
taquin, adj. - jecel in uu kaftamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mitamin
(Mitamin-ta)
Tashiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamin
m.f.dh eeg mitami. la-mid: miltamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ad haysato yaryarayn oo kolba inta kugu habboon isticmaalid. Mitaminta biilku waa danta guud ee qoyska. Dh: tashiilid, dhawrid, mitaarin, yaryarayn.
mitamin -ta: (magac, dhedig, keli) fiitis wax u cabbid. Biyo mitamin laguma cabbo. Dh: fiitisid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Vitamin
Faytamiin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
vitamin
(n) any of various relatively complex substances occurring naturally in plant and animal tissue and essential in small amounts for human metabolism and function.
faytamiin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vitamin
/vaytamin/ (n) fiitamiin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Vitamin
Fiitamiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jitaabin
(Jitaabin-ta)
Baxnaanis; imtixaan; (ama tijaabin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jitaabin
m.f.dh eeg jitaabi. la-mid: jitaabis, jitaabo, tijaabin, tijaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub, in uu shaqaynayo jarrabid. Dh: tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmin
m.dh la-mid: danqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqmin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel horay u bugtay dhaawac cusub gaadhsiin. Dh: danqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jitayn
(Jitayn-ta)
Isku meegaar; xerayn; hareerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitami
f.g2 (-iyay, -isay) Si siman u kaltan siin (wax). la-mid: miltami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mitami
v. economize, use sparingly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitami
(fal) tashiil, yaryaree. Dhulku waa oomanee biyaha noo mitami. Dh: mitaari, yaryaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mitami
de: economize, use sparingly
lx: mitami
pd: (mitamiyey)
ps: v2a=tr
key: mitami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tammin
(Tammin-ka)
Qiime; sicir; sinni; (ama temmin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tammin
tammin¹: m.dh la-mid: temmin¹.
tammin²: f.g1 (-nay, -ntay) la-mid: temmin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tammin
m. n. price, value; evaluation
tammin v. value, evaluate, appraise, set a price
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarmin
m.f.dh eeg tarmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarmin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqaalaha iyo kordhinta loo yeelo hantida. Dh: badin, kordhin, siyaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuumin
(Tuumin-ta)
Wax tuunsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuumin
m.f.dh eeg tuumi. la-mid: tuumis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuumin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku urursanaan xoolo loo wado.
tuumin -ta: (magac, dhedig, keli) tuurid, taallayn, wax badan meel isugu keenid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bitumen
/bituman/ (n) laami; daamur (madowga dhegdhega leh oo wadooyinka la saaro)
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Bitumen
Laami, daamanur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitiqin
m.f.dh eeg hitiqi. la-mid: hitiqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitiqin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod gaabin ah oo dhuti ku jiro; si cagculays ah u socosho.
hitiqin -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhibi gaadhay ama dhaawacan horay u tukubin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqniin
-ka: (magac, lab, keli) nuugitaanka dareere meel ku jira sida naas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqsiin
m.f.dh eeg jaqsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo yar, caano nuujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jitaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax imtaxaanid. m.f.dh, jitaabin. la-mid: tijaabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jitaabi
v. test
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jitaabi
-yey / say / yeen / nay: (v) experiment (ikispeeriment); test (tast); try (taraay); check ~ tijaabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaabi
(fal) wax cusub, in uu shaqaynayo jarrab. Dh: tijaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jitaabi
bw: tijaabi
de: test
lx: jitaabi
nt: jitaabin (ta) [vn-f], jitaabis (ka) [vn-m]
pd: (jitaabiyey)
ps: v2a=
key: jitaabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitaami
(fal) tashiil; yaryaree. Dhulku waa com nee biyaha noo mitami. Dh: mitaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamid
m.f.dh eeg mitan². la-mid: miltan¹, miltamid, mitan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitamis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mitamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taqdiin
(Taqdiin-ta)
1. Wax waqtigoodii ka hor la sameeyo.
2. Lacag goortii la bixin jirey goor ka horraysa la bixiyo, la dhiibo; hormaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqdiin
m.dh Lacag ama hanti kale oo horumarin ahaan looga sii qaato cid wax iibsata. la-mid: taqdiimad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taqdiin
m.dh Lacag ama hanti kale oo horumarin ahaan looga sii qaato cid wax iibsata. la-mid: taqdiimad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taqdiin
Common N. down payment, advance; doing something in advance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taqdiin
-ta: (n) deposit (di-poo-zit); down payment, advance payment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqdiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wakhtigoodii ka hor la sameeyey. Dh: horummaris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taqdiin
bw: Arabic
de: down payment, advance; doing s.t. in advance Alt sp: taqdiim
initial: t
lx: taqdiin
pd: (-ta)
ps: n2(c)-f
key: taqdiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqliin
m.dh la-mid: talqiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqsiin
m.dh 1. In yar oo tubaako ama jaad ah oo mar canka la geliyo. 2. Muusig yar oo ka horreeya heesta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taqsiin
m.dh 1. In yar oo tubaako ama jaad ah oo mar canka la geliyo. 2. Muusig yar oo ka horreeya heesta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taqsiin
f. n. wad of khat ~ chewing tobacco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqsiin
(fal) jaad afka geli ama buuriga canka geli.
taqsiin -ta: (magac, dhedig, keli) jaadka intiisa hal mar afka la geliyo, ama buuriga canka mar qudha la geliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taqsiin
de: wad of khat ~ chewing tobacco
initial: t
lx: taqsiin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: taqsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitaamid
m.f.dh eeg bitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxin
(Fitaaxin-ta)
Wax fitaaxsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxin
m.f.dh eeg fitaaxi. la-mid: fataaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fidsan ka dhigid oo ballaadhin; kala jiidid. Dh: fitaaxis, fidin, ballaadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitamiin
m.l.u (-no, m.dh) Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. la-mid: faytamiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fitamiin
m.l.u (-no, m.dh) Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. la-mid: faytamiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitamiin
-ka: (magacwadareed) macdano kala jaadjaad ah oo uu jidhka nooluhu u baahan yahay. Waxa laga helaa noocyada cunnada iyo acabka ba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiitamid
(Jiitamid-da)
1. Wax aan toos u socona hayne la jiida hayo.
2. Dabasocod culus; cagajiid; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiitamid
m.f.dh eeg jiitan². la-mid: jiitan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiitamid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tamar xun, haddana socod tukube ah socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jitaabis
m.l la-mid: jitaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miltamin
m.dh la-mid: mitamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqusin
m.f.dh eeg naaqusi. la-mid: naaqisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nidaamin
m.f.dh eeg nidaami. la-mid: nadaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nidaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hagaajin oo hab iyo hanaan wanaagsan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyaxumi
m.dh la-mid: niyaxumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaqamin
m.f.dh eeg qaaqami. la-mid: qaaqamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sitaacin
m.f.dh eeg sitaaci. la-mid: sitaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sitaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) faras sitaac u xidhid oo ku qurxin. Sitaacinta badan farduhu way ku qurux badnaadaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vitamine
vitamine, n.f. - fiitamiin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vitaminé
vitaminé, adj. - fiitamiin leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aragqumin
m.dh (daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihaysiin
m.dh la-mid: jahaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilaysmid
(Jilaysmid-da)
(wadaan, kd.) aad u buuxsamid; buuxdhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysmid
m.f.dh eeg jilaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) marka la sheegayo in shay loo ekeysiin karo wax kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooggaqumin
-ta: (magac, dhedig, keli) dan qof lahaa u qabasho hawl cid kale lahayd u fulin. Dh: hawlfududayn.