jitan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitan
(fal) dacwoo oo gartaada akhriso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiitan
(Jiitan-ka)
Jiitamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiitan
jiitan¹: m.l 1. Qaadashada muddo dheer ay qaadato arrin wax ka qabashadeed 2. Raadka uu reebo wax meel lagu jiidey. 3. la-mid: jiitamid.
jiitan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Arrin wax ka qabashadeed muddo dheer qaadasho. 2. Wax meel lagu jiidey raad ku reebid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiitan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Arrin wax ka qabashadeed muddo dheer qaadasho. 2. Wax meel lagu jiidey raad ku reebid. m.f.dh, jiitamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiitan
v.refl: drag oneself along; drag one's feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiitan
(fal) adiga oo daallan ama buka, haddana si tukube ah u soco ama shaqee.
jiitan -ka: (magac, lab, keli) daba soco oo ha dheereyn, si culus u soco. Daba jiitan adigu ma gaadhaysid geediga e.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiitan
bw: jiid
de: drag oneself along; drag one's feet
lx: jiitan
nt: jiitan (ka) [vn2-m]
pd: (jiitamay)
ps: v1=refl
key: jiitan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jitayn
(Jitayn-ta)
Isku meegaar; xerayn; hareerayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitan
-ta: (magac, dhedig, keli) diradiraalaynta iyo kala dilka dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilan
Guri ama cid aan tiis ahayn, ku taxan oo la jooga oo wax la cuna; la jilo; jil la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo. m.f.dh, jilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mitan
(Mitan-ka)
Tashiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitan
mitan¹: m.l 1. Kaltan. 2. la-mid: miltamid.
mitan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Si siman wax u kaltan siin. la-mid: miltan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mitan
m.l Kaltan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mitan
m. n. thrift, economy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitan
-ka: (magac, lab, keli) yaryarayn iyo tashiil. Dh: mitam, tashiil.
mitan -ka: (magac, lab, keli) laba qaybood oo is le'eg midkood. Dh: qayb, nus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mitan
de: thrift, economy
lx: mitan
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: tashiil
key: mitan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddac
(fal) dacwi oo dacwaddaada sheego; si wanaagsan cid ula garran. Dh: dacwoo, garran, dood, baan, dacwi, jitan.
muddac-a: (magac, lab, keli) qof cid kale dacwo ku ooga oo ka eed sheegta. Adigaa muddac ah ee hadalka bilow. Dh: dacwadooge. Li: muddaacalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaqun
(fal) samo ku ambabax oo jidaal noqo: ambabixin fiican hel oo sadcaal. Tilmaan iyo toosin ku qancisa hel oo toobiye qabso. Dh: ambabax. Li: negoow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-itaan
de: -ing [GERUND] Makes a masculine noun of Declension 2 from a Conjugation 1 verb
lx: -itaan
ps: vn2-m-suf
xe: inspection
xv: baaritaan
key: -itaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitaan
bitaan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
bitaan²: f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bitaan
bitaan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ciid khafiif ah hawo ku baahid. m.f.dh, bitaamid.
bitaan²: f.mg4 (-naa,-nayd) Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filtan
(fal) hawl ama wax la bixinayo, dad badan u qaybi oo wadaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hitayn
(Hitayn-ta)
Waxkasheegid; ceebayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitayn
m.f.dh eeg hitee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan sax ahayn ka sheegid; qof kale ceebayn oo dhaleecayn. Dh: hitays, fadeexadayn, cambaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fal la waafajiyo sharciga oo la banneeyo samayntiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof xun, meel ama cid looga ergoodo. Dh: beegid, aanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihayn
m.dh la-mid: jahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jihayn
vl. n. direction, directing, sending to ~ towards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jihayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka xaqa ah u tilmaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jihayn
a: jiheyn
de: direction, directing, sending to ~ towards
lx: jihayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: jihayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiidan
La jiidey ama la kala jiidey; fidsan; togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidan
jiidan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay) Wax la jiidey noqosho.
jiidan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la jiidey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiidan
jiidan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay) Wax la jiidey noqosho. m.f.dh, jiidmid.
jiidan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la jiidey ahaansho. m.f.dh, jiidnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiidan
der. [adjective] pulled, towed, stretched, elongated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidan
(tilmaame) wax la giijiyay ama meeshiisii la qaaday isaga oo dhulka dushiisa la riixayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiidan
de: pulled, towed, stretched, elongated
lx: jiidan
pd: (jiidnaa)
ps: adj-der
key: jiidan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiitin
(Jiitin-ta)
1. Xarriiq jiidan.
2. Oodafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiitin
m.dh (-imo, m.l) 1. Xarriiq meel ku taal. 2. Ood weyn oo xeryaha xoolaha iridkooda lagu gooyo; ood-afo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiitin
m.dh (-imo, m.l) 1. Xarriiq meel ku taal. 2. Ood weyn oo xeryaha xoolaha iridkooda lagu gooyo; ood-afo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiitin
f. n. taut rope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiitin
-ta: (n) a continuous mark; line (laayn); scratch (iskaraaj) ~ xariiqin, xariijin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiitin
-ta: (magac, dhedig, keli) oodda weyn ee afaafka xerada lagu soo xidho. Jiidto ayaa soo jaray. Dh: afsaar, oodrogo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiitin
de: taut rope
lx: jiitin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: jiitin
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jilani
name-m land with hard soil; lit: he who was born in a land with hard soil. Cf: Dhooddi, Jeylaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilayn
(Jilayn-ta)
1. Jil u yeelid, ku marid.
2. (wadaan, kd.) afka marin; aad u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayn
m.f.dh eeg jilee. la-mid: jilays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilayn
vl. n. filling to the brim
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilayn
a: jilays (ka) [vn-m]
de: filling to the brim
lx: jilayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: jilee
key: jilayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilcan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la jilciyey ahaansho. 2. Wax jileec ka muuqdo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilcan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la jilciyey ahaansho. 2. Wax jileec ka muuqdo ahaansho. m.f.dh, jilcanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimayn
(Jimayn-ta)
Isu foodin; simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimayn
m.f.dh eeg jimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) isbarbardhigga qiimaha ay leeyihiin labo wax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiraan
der. [adjective] containing, having
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiraan
(adj) including (in ku-luu-dhing); taking in as a part. Ex: Cali iyo Axmed ma ku jiraan? are Ali and Ahmed included?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiraan
de: containing, having
lx: jiraan
ps: adj-der
key: jiraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirran
Xanuunsan; buka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley wax jirro hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley wax jirro hayso ahaansho. m.f.dh, jirranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirran
der. [adjective] ill, sick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirran
-aa / ayd: (adj) ill (nZ); sick (sik); unsound (ansawndh) ~ buka, xannuunsan. Ex: miyaad jirran tahay? are you sick?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirran
(tilmaame) qof xanuun iyo jirro qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirran
de: ill, sick
lx: jirran
pd: (jirranaa)
ps: adj-der
xe: I am seriously ill.
xv: Aad baan u jirranahay.
key: jirran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax roob laga asheeriyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirsan
der. [adjective] sheltered (from the rain); protected, watched over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsan
(tilmaame) qof ama wax kale oo jir qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirsan
de: sheltered (from the rain); [ext.] protected, watched over
lx: jirsan
pd: (jirsanaa)
ps: adj-der
key: jirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirtan
(Kirtan-ka)
(xoolo) xasil la'aan; kadaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirtan
kirtan¹: m.l Dhaqdhaqaaqa ay xooluhu sameyaan marka uu jirkoodu taabto waxaysan rabin. la-mid: kirtamid.
kirtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Xoolo jirkooda waxaysan rabin taabteen kadaalliyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kirtan
v. be restless ~ agitated, become impatient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirtan
-ka: (magac, lab, keli) xasil la'aanta xoolaha. Dh: kadaalli. Li: xasilid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kirtan
de: be restless ~ agitated, become impatient
lx: kirtan
nt: kirtan (ka) [vn-m]; Opp: xasil
pd: (kirtamay)
ps: v1=
key: kirtan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Listan
(Listan-ta)
Xiddigaha raqaha oo dayuxu maro, tooda labaad oo u dhexaysa godinta iyo lixaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
listan
m.l Xiddigaha raqaha oo dayaxu maro tooda labaad oo u dhexeysa godinta iyo lixaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
listan
f. n., loc. name of a star
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
listan
-ka: (magac, lab, kali) mid ka mid ah xiddigaha Meecaadda oo aad loo baasayso. Rag iyo dumarba qofka dhashaayi galmoodka ayuu ku falanyahay. Dh: lissan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
listan
de: name of a star
lx: listan
pd: (-ta)
ps: n0-f-loc
key: listan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
litany
n., qunuud, -di; recite the litany, qunuudda mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miltan
miltan¹: m.l la-mid: mitamid.
miltan²: f.mg1 (-amay, -antay) la-mid: mitan².
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
titane
titane, n.m. - macdan adag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bejitaan
-ka: (magac, lab, keli) ka cabsiin oo si uu u baqdo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bujitaan
-ka: (magac, lab, keli) furidda weel ama wax kale oo daboolan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg jalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) nuugitaanka dareere meel ku jira.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilitaan
-ka: (n) performance (per-foormansi); the acting ~ matalaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiritaan
(Jiritaan-ka)
Wax jira ama jooga ama abuuran ama run ah oo sugan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiritaan
vl. n. existence, creation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiritaan
-ka: (n) existence (ig-ziis-tansi); being (biiying) actuality (akjuwaalati), entity (entati) ~ jimiin -ka
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Jiritaan
Esistenza
Existence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiritaan
-ka: (magac, lab, keli) abuurka iyo joogista dunida dusheeda. Dh: abuuran Li: jiritaanla'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiritaan
de: existence, creation
lx: jiritaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: jiritaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jitaabin
(Jitaabin-ta)
Baxnaanis; imtixaan; (ama tijaabin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jitaabin
m.f.dh eeg jitaabi. la-mid: jitaabis, jitaabo, tijaabin, tijaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub, in uu shaqaynayo jarrabid. Dh: tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jan
(Jan-ka)
1. Jacayl ama rabitin daran oo in lala bukoodo u dhow.
2. Wax iska jeclaysi ku dhaca naagaha uurka leh ama wallaca ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jan
m.l/dh 1. Wax jeclaysi jirro oo kale ah oo ku dhaca haweenka uurka leh. 2. Jacayl xad dhaaf ah.