jitaabis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jitaabis
m.l la-mid: jitaabin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jitaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax imtaxaanid. m.f.dh, jitaabin. la-mid: tijaabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jitaabi
v. test
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jitaabi
-yey / say / yeen / nay: (v) experiment (ikispeeriment); test (tast); try (taraay); check ~ tijaabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaabi
(fal) wax cusub, in uu shaqaynayo jarrab. Dh: tijaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jitaabi
bw: tijaabi
de: test
lx: jitaabi
nt: jitaabin (ta) [vn-f], jitaabis (ka) [vn-m]
pd: (jitaabiyey)
ps: v2a=
key: jitaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jitaabin
(Jitaabin-ta)
Baxnaanis; imtixaan; (ama tijaabin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jitaabin
m.f.dh eeg jitaabi. la-mid: jitaabis, jitaabo, tijaabin, tijaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jitaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub, in uu shaqaynayo jarrabid. Dh: tijaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabis
-ta: (magac, dhedig, keli) hanasho iyo haleelid. Naagyahay ma taabsado haween taab ninkii gabaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jitaabo
m.dh la-mid: jitaabin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jitaabo
-jitaabada: (n) experiment (ikis peeri ment); test (tast); probe (porawb); attempt (a tamt) ~ tijaabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fitaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhex jibaaxid meel kayn ah. Dh: xulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidaalis
m.dh la-mid: jidaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaabid
m.f.dh eeg jinaab. la-mid: junoobid, junubid, junuubid, junuunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaabid
-da: (magac, dhedig, keli) jinaabo yeelad oo cid u galmood ama biyo keenid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tijaabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaabid
(Jillaabid-da)
Kalluun dabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaabid
m.f.dh eeg jillaab². la-mid: jillaab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kalluun iyo wax la mid ah soo qabasho adiga oo jilib adeegsanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirraaqis
m.dh la-mid: jirraaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miidaabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg miidaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaabis
m.l la-mid: tallaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaabis
-ka: (magac, lab, keli) dhinaca kale u gudbib; tallaabin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xisaabiso
Calculator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kitaabfuris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg kitaabfurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabis
m.dh la-mid: jebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg jabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabis
m.l la-mid: dabis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabis
m. n., [collective] disease in birds
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabis
a: dabis, tabsi
de: disease in birds
initial: t
lx: tabis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: tabis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
citaab
-ka: (magac, lab, keli) canaan iyo guulguul aanay gacani la socon. Wiilka citaabka ka daa oo si quman u waani. Dh: canaan. Li: waano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg daabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabis
(Gaabis-ka)
1. Aan orod badan lahayn.
2. Gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabis
m.l 1. G. ah: socod yaraan. 2. la-mid: gaabin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaabis
m.l 1. G. ah: socod yaraan. 2. la-mid: gaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabis
m. n. one who cannot run fast
gaabis vl. n. act of shortening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabis
(fal) «soo ~» war ama cashir soo ururi, soo yaree oo inta nuxurka ah ama dulucda iyo ujeeddada ah ka soo qaad. Dh: koob.
gaabis -ka: (magac, lab, keli) hawl qabashadeeda ka gaabin.
gaabis -ka: (magac, lab, keli) orad ama socod gaabin.
gaabis-ka: (magac, lab, keli) wax dheer in ka jaris, badh ka goys.
gaabis-ka: (magac, lab, keli) wax sare u joogay oo taagnaa, hoos u dhigid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jaabir
name-m brave; bonesetter, repairer, counselor, comforter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaanis
-ka: (magac, lab, keli) fursad ama firaago. Wa: jaanisyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawis
m.l la-mid: jaawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiibis
-ka: (magac, lab, kali) habka la iskula helo aadu jiibta oo farshaxan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaab
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyaabaha kaluunka lagu soo dabo ee jilibka la sudho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilbis
(Jilbis-ka)
Halaq aad u madow oo waabaayo daran leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbis
m.l Halaq aad u madow oo waabaayo daran leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilbis
m.l Halaq aad u madow oo waabaayo daran leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilbis
m. n., [collective] venomous black snake species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilbis
-ka: (n) a poisonous snake ~ mas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbis
-ka: (magac, lab, keli) mas aad u madaw oo ay waabaydiisuna aad u halis tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilbis
cf: halaq
de: venomous black snake sp.
lx: jilbis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: jilbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaab
f.mg1 (-bay, -btay) Qof hurdaya shahwo sii dayn. la-mid: junow², junub², junuub², junuun²
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jinaab
f.mg1 (-bay, -btay) Qof hurdaya shahwo sii dayn. m.f.dh, jinaabid. la-mid: junub, junuub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinaab
v. ejaculate, have an orgasm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaab
(fal) jinaabo yeelo oo cid u galmoo ama biyo ha kaa yimaaddiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jinaab
de: ejaculate, have an orgasm
lx: jinaab
pd: (jinaabay)
ps: v1=
see: jinaabo
key: jinaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiraab
(Jiraab-ka)
Kolay caw ama wax kale laga sameeyo oo timirta lagu guro; min.
2. Kolay, guud ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiraab
m.l (-bo/-byo, m.dh) 1. Kolay harag ama wax kale ka samaysan oo cuntada miraha ah lagu gurto. 2. Konton (50) kiilo oo timir ah oo jiraab caw ka samaysan ku jirta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiraab
m.l (-bo/-byo, m.dh) 1. Kolay harag ama wax kale ka samaysan oo cuntada miraha ah lagu gurto. 2. Konton (50) kiilo oo timir ah oo jiraab caw ka samaysan ku jirta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiraab
m. n. bag, sack
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiraab
-ka: (magac, lab, keli) qalab laga sameeyo haraggga xoolaha oo loo isticmaalo sida shandadaha. Dh: kolay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiraab
bw: Arabic
de: bag, sack (of woven palm leaves, usually used for dates)
lx: jiraab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jiraab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kitaab
(Kitaab-ka)
Buug; (kitaabka iyo buugga, Soomaalidu waa kala duwdaa: haddii fartu Carabi tahay waa kitaab, hadday far kale tahayna waa buug).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kitaab
m.l (kutub, m.dh/kutubo/-bbo, m.l) 1. (dii) Buug ay ku yaalliin waxyaabo badanaa diini ah oo farta Carabiga ku qoran. 2. (u) Ballanbaalis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kitaab
m.l (kutub, m.dh/kutubo/-bbo, m.l) 1. (dii) Buug ay ku yaalliin waxyaabo badanaa diini ah oo farta carabiga ku qoran. 2. (u) Ballanbaalis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kitaab
m. n. book; text in Arabic script
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kitaab
-ka: (n) 1. book (buuk). 2. Koranic book; holy book; Koran ~ kutub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kitaab
-ka: (magac, lab, keli) waraaqo jeldi adag lagu jaxaasay oo qoraal lagu dhigay. Dh: buug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kitaab
bw: diiwaan
de: book; text in Arabic script
lx: kitaab
pd: (-ka Pl: kutub (ta))
ps: n8-m, n2-m
syn: buug
xv: Arabic
key: kitaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laabis
1. (Laabis-ka) Qalab dhenged yar oo dhuuban u eg oo inta af laga fiiqo wax lagu qoro; waxaa dhexda kaga jira miiq adag oo ka samaysan dhuxul madow oo la jilciyey oo birbiraysa; qalin-rasaas.
2. (Laabis-ta) Laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabis
laabis¹: m.l (-syo, m.dh) la-mid: laabis.
laabis²: m.dh la-mid: laabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabis
vl. n. act of folding ~ returning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabis
-ka: (magac, lab, keli) qalab dhuub ah oo yar oo inta afka laga fiiqo wax lagu qoro; waxa dhexda kaga jira dhuux adag oo ka samaysan dhuxul madow oo la jilciyey oo xaquuqmaysa. Dh: qalinrasaas, qalinqori.
laabis -ta: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsan ama fidsan isku celin; isku soo rogid. Dh: laabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabis
a: laabid (da) [vn-f]
de: act of folding ~ returning
lx: laabis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: laabis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabis
m.l 1. Garoorinta la garooriyo caano la doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabis
-ka: (magac, lab, keli) gadhoodhinta la gadhoodhiyo caano la doonayo in la lulo.
qaabis -ka: (magac, lab, keli) caana gadhoodh ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabis
m.l la-mid: saabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saabis
-ka: (magac, lab, keli) saab u samayn; saabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taabid
(Taabid-da)
1. Xoog ku qabsasho; hanasho; qabsasho.
2. Wada gaarid; koobid; saabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabid
m.f.dh eeg taab². la-mid: taab¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabid
-da: (magac, dhedig, keli) awood ku qabsad; hanasho. Timahaldhaalay, taabay oo helay ama taahay abidkay
taabid-da: (magac, dhedig, keli) gaadhid oo wada koobida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taagida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taahis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajis
m.l la-mid: taajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakis
-ka: (magac, lab, keli) eeg taakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taamis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama arrin ku naallood oo niyadda ku hayn. Dh: taamid, naallood,
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taanis
m. n. tennis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taanis
de: tennis
initial: t
lx: taanis
pd: (-ka)
ps: n-m
see: teenis {Eng}
key: taanis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawis
-ka: (magac, lab, keli) eeg taawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabis
m.l Xeelad la rabo in ugaarta la isugu keeno meel lagu hodayo, iyadoo lagu orrinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabis
m.l la-mid: xaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabis
-ka: (magac, lab, keli) idayl wada qaadis.
xaabis-ta: (magac, dhedig, keli) urursi wixii hambo ama xaab laga tego oo dhan la urursado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaabis
1. ° (Yaabis-ka) (cunno, kd.) aan iidaan lahayn; engegan.
2. (Yaabis-ta) Yaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaabis
yaabis¹: m.l 1. Y. ah: aan iidaan (ama goosaar) lahayn (cunto iyo wixi lamida); engegan. 2. la-mid: yaabin.
yaabis²: m.dh la-mid: yaabid.