jiscin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiscin
(Jiscin-ka)
Jicsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiscin
jiscin¹: m.l.u 1. la-mid: jicsin. Cuntada loo qaato safar ama socdaal; Sahay. 2. (-mo, m.dh) Xargaha wadaanta siddada looga dhigo midkood.
jiscin²: f.g1 (-imay, -intay; -imi) Cunto safar ama socdaal loo qaato cid siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiscin
m.l.u 1. la-mid: jicsin. Cuntada loo qaato safar ama socdaal; Sahay. 2. (-mo, m.dh) Xargaha wadaanta siddada looga dhigo midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiscin
m. n. provisions for a journey
jiscin v. give provisions for a journey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiscin
-ka: (n) travel supplies; supplies for a journey ~ jicsin, sahay, jidmar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiscin
-ka: (magac, lab, keli) eeg jicsin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilcin
(Jilcin-ta)
Wax jilicsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilcin
m.f.dh eeg jilci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilcin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax adkaa ama nuujisnaa jilcintii. Dh: debcin, nuglayn. Li: adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimcin
m.f.dh eeg jimci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimcin
-ta: (magac, dhedig, keli) fidinta wax, sida gacanta oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jicsin
(Jicsin-ka)
Cunnada safarka iyo socdaalka loo qaato; sahay; jidmar, (ama jiscin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidmar
(Jidmar-ka)
1. (qof) Dalmar.
2. Sahay, jiscin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiscimid
(Jiscimid-da)
Jiscin siin; sahay siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jicsin
m.l.u la-mid: jiscin¹ (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiscimaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax jiscin leh ahaansho (wadaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiscimee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Wadaan jiscin u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiscimid
m.f.dh eeg jiscin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahay
sahay¹: m.dh Cunto loo qaato in lagu jidma-ro; jiscin.
sahay²: f.g1 (-yay, -yday) Cunto jidmar ahaan cid u siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sahay
m.dh Cunto loo qaato in lagu jid-maro; jiscin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraqabsi
-ga: (n) pocket money for minor travel expenses ~ sahay, jiscin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jicsin
-ka: (n) travel supplies; supplies for a journey ~ jiscin, sahay, jidmar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jidmar
-ka: (n) travel supplies; supplies for a journey -jicsin, jiscin, sahay
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
riforniménto
s.m. - sahay, jiscin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof sabool ah ama gacan madhan, gargaar u soo ururin. Dh: qaadhaamid, jiscin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saad
-da: (magac, dhedig, keli) wax la filayo dhicistiisa, astaamaha ka soo horreeya ee sii sheega, siday wax noqon doonaan oo la sii sheego, wax dhici doona, astaamaha soo hormara. Saaddii abaartu way jabtay. Dh: saraad, malaawaal, oddoros.
saad-ka: (magac, lab, keli) cunto loo qaato safar oo lagu moodo. Saadkii baa ka go'ay colkii duullimaadka ahaa. Dh: sahay, jicsin, jiscin.
saad -ka: (magac, lab, keli) hadal lagu sii mala'awaalo oo siday wax noqon doonaan lagu sheego.
saad -ka: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada oo laf adag oo qorigiisa wax lagu dhisto, alaabo badan na laga sameeyo. Dh: saaj.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaar
-ka: (magac, lab, keli) saadka loo qaato safarka. Sabaar la'aan safar la ma galo. Dh: sahay, saad, jiscin, jicsin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaar
(fal) cid ixsaan laga sugaayo hadiyad siin.
sabbaar -ka: (magac, lab, keli) wax lagu jidmaro. Dh: sahay, jiscin.
sabbaar -ka: (magac, lab, keli) khiyaamo. Sabbaar buu ku dhacay. Dh: sir. Li: daacadnimo.
sabbaar -ka: (magac, lab, keli) hadiyad qof axsaan laga filayo la siiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jicsin
bw: jiscin
cf: sahay; sabbaar
de: provisions for a journey
lx: jicsin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: jicsin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiscin_1
a: jicsin
de: provisions for a journey
hm: 1
lx: jiscin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jiscin_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiscin_2
de: give provisions for a journey
hm: 2
lx: jiscin
pd: (jiscimay)
ps: v1=
key: jiscin_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirsiin
(Jirsiin-ta)
1. Wax jira ama abuuran ka dhigid.
2. Roob meel ka gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsiin
m.f.dh eeg jirsii. la-mid: jirsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jira ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiscimo
f.g3 (-intay, -imatay) la-mid: jicsimo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
piscine
piscine, n.f. - berkedda lagu dabaasho ka dhexeeya dadwaynaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isin
(Isin-ka)
Isiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isin
m.l la-mid: isim.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isin
m. n. name
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isin
-ka: (n) 1. tribe chief [clan]. 2. name (neeym)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isin
de: name
lx: isin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: isin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiin
(Jiin-ka)
1. () Xarafka tobnaad oo alifka Soomaalida.
2. Ag; coon; qar; af.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiin
m.l (-iiman, m.l) 1. Ag; coon; qar; af. 2. (- iiman, m.l) Webiga hareerihiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jįin
m.l Xarafka “ja'“ magaciis carbeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiin
m.l (-iiman, n. m.) 1. Ag; coon; qar; af. 2. (- iiman, m.l) Webiga hareerihiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiin
m. n. edge, rim, bank
jiin m. n. J [letter of the Arabic & Somali alphabet.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiin
-ka: (n) 1. alcoholic beverage; gin (jin) 2. gene (jiin)
jiin -ka: (n) bank (baangk). Ex: wabiga jiinkiisa; the river bank
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiin
-ka: (magac, la, keli) webi ama doox, dhinicyadiisa midkood.
jiin -ka: (magac, la, keli) curiye jidhka ku jira oo asalraaca iyo abtirsiinta lagu garto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bisin
(Bisin-ka)
Aayadda suuradaha Quraanku (mid maahee) ka wada bilawdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bisin
m.l (dii.) Aayadda suuradaha quraanku ka wada bilawdaan, mid mooyaane oo ah Bismillaahir-raxmaanirraxiim.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bisin
m.l (dii.) Aayadda suuradaha quraanku ka wada bilawdaan, mid mooyaane oo ah Bismillaahir-raxmaanirraxiim.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bisin
m. n. Bismillahi (the opening verse of every chapter of the Koran except one)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bisin
-ka: (n) in the name of God [Allah]; Bismillaahi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisin
-ka: (magac, lab, keli) aayad Suuradda Faatixada ka tirsan oo Quraanka intiisa kale iyo hawlahana lagu bilaabo. Waxaan ku bilaabayaa bisinkii Ilaahay ee barakada badnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bisin
de: Bismillahi (the opening verse of every chapter of the Koran except one)
lx: bisin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bisin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cicin
m.l Nooc cawska biyaha dhexdooda ka baxa ka mid ah oo leh laamo dhaadheer oo jiljilicsan oo daashashka lagu dedo. la-mid: dicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dicin
m.l la-mid: cicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dicin
magaca wiil aad u yaraa xilligii u dhashay oo fudud ama jimidh yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dicin
(tilmaame) noole aan weynayn ama yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishin
(Ishin-ka)
Ishkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishin
m.l 1. la-mid: ishkin. 2. Ugaarta waaweyn, gaanni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishin
m. n., [collective] adult livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishin
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha iyo ugaadha intooda waaweyn, sida lo'da, geela iyo biciidka. Dh: isjin, gaanni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishin
de: adult livestock
lx: ishin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
see: ishkin
key: ishin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isjin
m.dh (-nno, m.dh) la-mid: ishkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibin
(Jibin-ta)
1. Dhadhaab waaweyn oo bir ama dhagax ka samaysan oo meel fog oo Ilaah og yahay ka yimaada, oo kolkay hawada dhulkeenna soo galaan inta kululaada daarma oo qarxasho weyni ka yeerto; xiddigaha ridma ama dhaca.
2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe.
3. Yeerta weyn oo ka yeerta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibin
m.dh 1. Dhadhaabo waaweyn oo adag, cirka ka soo dhaca, kul xambaarsan oo marka ay dhulka ku dhacaan qarxa. 2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe. 3. Yeerta weyn ee ka yeerta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jibin
m.dh 1. Dhadhaabo waaweyn oo adag, cirka ka soo dhaca, kul xambaarsan oo marka ay dhulka ku dhacaan qarxa. 2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe. 3. Yeerta weyn ee ka yeerta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibin
f. n. falling star, meteor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibin
-ta: (magac, dhedig, keli) danab. Dh: danab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jibin
de: falling star, meteor
lx: jibin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: jibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jicib
m.dh la-mid: yicib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jicib
f. n. nut tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JICIB
Cordeauxia edulis 01:fr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jicib
-ta: (magac, dhedig, keli) midho nafaqo badan oo qolof iyo beer labo qalbac ah leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jicib
de: nut tree sp.
lx: jicib
pd: (-ta)
ps: n2-f
see: yicib
key: jicib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jicid
-ka: (maga, lab, keli) marka la sheegayo in qof ka hoos maray halkii laga filaayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jijin
m.dh (-imo, m.l) Garangaro yar oo dahab ama qalin ah oo dumarku cududaha gashadaan. la-mid: jinjin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jijin
m.dh (-imo, m.l) Garangaro yar oo dahab ama qalin ah oo dumarku cududaha gashadaan. la-mid: jinjin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jijin
f. n. armlet, arm band worn on the forearm
jijin m. n., [abstract] equalness, the same (in size, age, etc.)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JIJIN
(JIJI) C Panicum pinifolium Chiov. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jijin
-ah: (adj) equal (nfcwa/); draw (daroo) shot ~ jinjin, bareejo
jijin -ta: (n) [Pl. jijimo-ha] bracelet (bareeyslet); wrist or arm ornament ~ jinjin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jijin
-ta: (magac, dhedig, keli) duubabka ay gabdhuhu cududaha ku xidhaan. Dh: jinjin.
jijin -ta: (magac, dhedig, keli) eeg jin.
jijin -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhulka dul yaallay, jiidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax jileec ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax jileec ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid. m.f.dh, jilcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilci
v. soften ~ weaken something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilci
-yey / jilcisay: (v) make soft or softer; soften (soofan); relax (rilaks)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilci
(fal) wax adkaa, budli oo wax jilicsan ka dhig.
jilci: (fal) (u ~) casharka ugu celceli oo aad ugu mari. Macalin casharka maan fahmine ii jilci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilci
de: soften ~ weaken s.t. rw: jilic
lx: jilci
pd: (jilciyey)
ps: v2a=tr
key: jilci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Si naxariis iyo turaal leh qof jirka ugu duugduugid. 2. Harag jilcin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jimci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Si naxariis iyo turaal leh qof jirka ugu duugduugid. 2. Harag jilcin. m.f.dh, jimcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimci
v. stretch (out), make something stretch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimci
(fal) fur, sida gacanta oo kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimci
de: stretch (out), make s.t. stretch rw: jimic
lx: jimci
pd: (jimciyey)
ps: v2a=tr
key: jimci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirin
m.f.dh eeg jiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirin
-ta: (magac, dhedig, keli) doondoonid; raadin. Dh: radin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jixin
m.f.dh eeg jixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jucin
(Jucin-ta)
Juc ka yeersiin lafaha iskaggalkooda siiba kalaggoysyada faraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jucin
m.f.dh eeg juci. la-mid: jucis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jucin
-ta: (magac, dhedig, keli) faraha inta la isku geeyo oo xubnahooga la isku jebiyo.