jirroon
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jirroon
name-f generous, kindly and happy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirroole
(Jirroola-ha)
Bukaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan caafimaadkiisu wanaagsanayn; qof jirro badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirroole
m. n. sick person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirroole
-jirroolaha: (n) unhealthy person; unwholesome person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka bugtaan iyo jirro qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirroole
de: sick person
lx: jirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jirroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirro
(Jirra-da)
Fayoobi la'aan; cudur; bugto; xanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirro
jirro¹: m.dh (-ooyin, m.l) Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.
jirro²: f.mg3 (-raday, -ratay) Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirro
jirro¹: m.dh (-ooyin, m.l) Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.
jirro²: f.mg3 (-raday, -ratay) Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho. m.f.dh, jirrasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirro
f. n. illness, disease, malady
jirro [inchoative] v. get sick, become ill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirro
-jirraday / jiratay: (v) become sick or ill; sicken (sikan)
jirro -da: (n) illness (iilnes); sickness (siknes); disease (disiis); disorder (disoordher) ~ cudur, Ex: jirro khatar ah bay qabtaa; She had a serious illness
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Jirro
Malattia
Disease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirro
-da: (magac, dhedig, keli) buktaanta iyo xanuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firoon
(tilmaame) wax fiican oo wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirroo
hirroo! -da: (magac, dhedig. keli) eray lagu yidhaahdo qofka lagu orinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilroon
f.mg4 (-naa, -nayd) Ka i.: wax wax kale ka roonaansho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ilroon
name-f better than
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilroon
-aa: (adj) looking healthy or sound ~ [opposite of ilxun]. Ex: wuu ila ilroonaa; he was looking better or healthy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirran
Xanuunsan; buka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley wax jirro hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley wax jirro hayso ahaansho. m.f.dh, jirranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirran
der. [adjective] ill, sick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirran
-aa / ayd: (adj) ill (nZ); sick (sik); unsound (ansawndh) ~ buka, xannuunsan. Ex: miyaad jirran tahay? are you sick?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirran
(tilmaame) qof xanuun iyo jirro qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirran
de: ill, sick
lx: jirran
pd: (jirranaa)
ps: adj-der
xe: I am seriously ill.
xv: Aad baan u jirranahay.
key: jirran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrow
m.l Biyo culus dhano ah oo geela u fiican.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirrow
-ga: (magac, lab, keli) biyo culus dhano ah oo geela u fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirtoo
m.l eeg jir 2 (6).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirroob
inch. v. become gray-haired
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirroob
-ay / cirrowday: (v) become white haired or gray haired; become old ~ duqoow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirroob
de: become gray-haired
lx: cirroob
pd: (cirroobay)
ps: v1=inch
key: cirroob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fircoon
m.l 1. Magac boqorradii Masaaridii hore. 2. F. ah: qof naxariis la'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fircoon
m.l 1. Magac boqorradii Masaaridii hore. 2. F. ah: qof naxariis la'.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Fircoon
-ka: (n) pharaoh (feerow)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firqoon
(indho firqoon) meel fog wax ka arka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firqoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley orgeysan ahaansho (ariga, lo'da iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firqoon
der. [adjective] far-sighted, keensighted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firqoon
(tilmaame) (indha ~) indhafiiqan; meel fog wax ka arka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firqoon
de: far-sighted, keensighted
lx: firqoon
pd: (firqoonaa)
ps: adj-der
key: firqoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimcoon
Dhaaddan; debecsan; ladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimcoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Xilli wax aan dhibaato badan lahayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimcoon
der. [adjective] loose, slack
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimcoon
(tilmaame) debecsan, toolmoon. Erey jimcoon ayaad meesha ka tidhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimcoon
cf: debecsan
de: loose, slack
lx: jimcoon
pd: (jimcoonaa)
ps: adj-der
key: jimcoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriin
m.l la-mid: jirniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirro_1
de: illness, disease, malady
hm: 1
lx: jirro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: cudur
key: jirro_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirro_2
de: get sick, become ill
hm: 2
lx: jirro
nt: jirrasho (/da) [vn-f]
pd: (jirraday)
ps: v3a=inch
key: jirro_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirdoon
-ka: (magac, lab, keli) dad gaar ah oo dowlada u qaabilsan sugida amniga.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sirdoon
إِدَارَةُ مُخَابَرَاتٍ، وَكَالَةُ مُخَابَرَات
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warroon
f.mg4 (-naa, -nayd) U w.: qof, qof kale arrin uga xogogaalsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warroon
f.mg4 (-naa, -nayd) U w.: qof, qof kale arrin uga xogogaalsan ahaansho. m.f.dh, warroonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warroon
Comp. adj., (ie. n., adj.): well-informed, better informed
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Warroon
name-f good news; one who brings good news
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warroon
de: well-informed, better informed
initial: w
lx: warroon
pd: (warroonaa)
ps: adj-cmp
key: warroon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirroorsi
(Jirroorsi-ga)
Jirroorsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirroorso
v. tense one's muscles; bear (pain)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirroorso
(fal) muruqyada adkayso oo dadaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirroorso
de: tense one's muscles; bear (pain)
lx: jirroorso
nt: jirroorsad (ka) [vn-m], jirroorsasho (/da) [vn-f], jirroorsi (ga) [vn-m]
pd: (jirroorsaday)
ps: v3a=
key: jirroorso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciraqoon
f. n., [compound] meteorology
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciraqoon
de: meteorology
lx: ciraqoon
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
syn: hawo-aqoon
key: ciraqoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirroole
(Cirroola-ha)
(qof) cirro leh; madaxu caddaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirroole
m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirroole
m.l (-layaal m.l/dh) Qof gaboobay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirroole
m. n. old man, gray-haired man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirroole
-cirroolaha: (n) white-haired or grey-haired person, especially an old man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirroole
-ha: (magac, dhedig, keli) qof cirro leh oo ay timaha madaxu cad yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirroole
de: old man, gray-haired man
lx: cirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: cirroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caraysan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorroon
(tilmaame) wixii filkiiya ugu wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firqooni
-da: (magac, dhedig, keli) (indha ~) indhafiiqni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goorroon
(tilmaame) xilli fiican; waqti fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirraban
Kadeedan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirraban
jirraban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax jirrab la mariyey noqosho.
jirraban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax jirrab la mariyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirraban
jirraban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax jirrab la mariyey noqosho. m.f.dh, jirrabmid.
jirraban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax jirrab la mariyey ahaansho. m.f.dh, jirrabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirraban
der. [adjective] burdened, disturbed, sorely tried; tried and tested, not experimental
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirraban
(tilmaame) mid kadeed iyo dhib la mariyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirraban
de: burdened, disturbed, sorely tried; tried and tested, not experimental
lx: jirraban
pd: (jirrabnaa)
ps: adj-der
key: jirraban
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mikrofon
m. n. microphone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mikrofon
de: microphone {Eng}
lx: mikrofon
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: mikrofon
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shirdoon
name-m assembly seeker. Cf: Shirshoore, Shirwac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shirdoon
magac loo baxsho wiil meel lagu shirsanaa ku dhashay ama isaga loo shiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriiryoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Meel, wax ciriiri ah ahaansho. la-mid: cariiryoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciriiryoon
(tilmaame) mid la cadhiidhiyay. Dh: cidhiidhyoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firfircoon
Baraarugsan; fahmeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firfircoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof hawl iyo wixi lamida u dhiifoon ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firfircoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof hawl iyo wixi lamida u dhiifoon ahaansho. m.f.dh, firfircoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firfircoon
der. [adjective] active, alert (person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firfircoon
-aa: (adj) energetic (ener-jatik); active (aaktiv), dynamic, vigorous, lively. Ex: xubin firfircoon; an active member
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfircoon
(tilmaame) fudfudud oo hawlkar gacan fudud ah. Dh: diirdiirran, baraarugsan, fahmaysan. Li: culus, caajis, qawac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firfircoon
de: active, alert (person)
lx: firfircoon
pd: (firfircoonaa)
ps: adj-der
key: firfircoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirridgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dabargoynta iyo baabi'in wax jiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirroorsad
(Jirroorsad-ka)
Jirroorsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xinjirroor
m.l (-ro ..., m.l) (daaw.) Xaalad dhiiggu uu ka beddelmo dareere oo uu noqdo adke oo uu sameeyo xinjir. Xinjir-awd wuxuu ku dhacaa xididdada dhiigga waana xaalad cudureed. Xinjir awdku halbowle wuxu keenaa in dhiiggu ka xirmo soohyada halbowluhu waraabin jiray intuusan xirman. Awdmidda halbowle maskaxeed waxay ka mid tahay sababaha keena dhibibka (strike); xinjir awdka halbowle wadneedna waxay keentaa wadne wareen (heart attack).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iron
Bir (curiye)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
iron
/ayran/ (n) 1. xadiid (birta xadiidka ah). e.g. It is made from iron. 2. macdan cuntada qaarkeed ku jirta. 3. kaawiyad (feero). e.g. She can't iron my shirt. 4. qof ad-adag (xadiid lugu matalay).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
iron
n., bir, -ti, sulub, -ki; iron wire, hasaw, -di; v.tr., (smooth the clothes with iron) birta mari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roon
1. Weyn aan dhabse u weyneyn.
2. Iska wanaagsan, fiican; aan liidan; wax kale dhaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roon
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid aan dhibaato qabin ahaansho.