jirro-dhimireed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirro-dhimireed
m.l (-ooyin ..., m.l) (daawo) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirrodhimireed
m.l (-ooyin ..., m.l) (daaw.) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jid-kiimikeed
m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) Hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays-molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhisnaanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jid-dhiriqle
m.l 1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Roob da'a xilliga guga. 3. Godadka dayaxu dego midkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidkiimikeed
m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) Hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays-molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhis-naanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidkiimikeed
-ka: (magac, lab, keli) (kiim.) hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhisnaanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiro-atameed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Summad Z. Tirada borotoonno ee ku jira bu'da atam, le'egna tirada elektaroonnada ku dul wareegaya bu'da, marka atamku uu yahay dhexdhexaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiro-dhimasho
m.dh Tirada dhimashada dadweynaha ee muddo cayinan dhexdeed. Tirada dhimasho sanadeedka waa tirada inta dhimatay oo diiwaangashan ee sannad gudihiis oo lagu dhuftay (x) 1000 loona qaybshay tirada dadka uu le'egyahay sannadka bartamihiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buro-qanjireed
m.dh (daawo) Buro ka dhalata sooh qanjireed ama cad isu muujisa qaabka qanjirka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buro-qanjireed
m.dh (daaw.) Buro ka dhalata sooh qanjireed ama cad isu muujisa qaabka qanjirka.