jirriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriin
m.l la-mid: jirniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarriin
(Jarriin-ka)
Jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarriin
m.l la-mid: jarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarriin
vl. n. act of cutting ~ dividing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarriin
-ka: (n) 1. the act of cutting or chopping. 2. haircutting (heer-katting)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Jarriin
Detrazione
Deduction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarriin
-ka: (magac, lab, keli) marka qofi kaga baxo ballan qof uu la galay. Dh: ballanfur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarriin
de: act of cutting ~ dividing
lx: jarriin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: jarriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirniin
m.l 1. Abuuritaanka ay wax abuuranyihiin. 2. Habka xoolaha loo ilaaliyo. la-mid: jirriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirniin
vl. n. existence, being; staying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirniin
-ka: (n) existence (igziistansi); being (biiying); actuality (akjuwaalati), entity (errtali) ~ jiritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirniin
-ka: (magac, lab, keli) marka laga gurayo geedo ee loo banaynayo si wax looga beero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirniin
a: jirriin
de: existence, being; staying
lx: jirniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: jirniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirsiin
(Jirsiin-ta)
1. Wax jira ama abuuran ka dhigid.
2. Roob meel ka gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsiin
m.f.dh eeg jirsii. la-mid: jirsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jira ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriinsiin
m.f.dh eeg jirriinsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirriinsii
de: create, bring s.t. into existence
lx: jirriinsii
pd: (jirriinsiiyey)
ps: v2a=caus
see: jirniin
key: jirriinsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirsiin
(Jiirsiin-ta)
Xoog ku dhexmarsiin; jibaaxsiin; marsiin; qaadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirsiin
m.f.dh eeg jiirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax, wax kale, dul marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirrijin
(Mirrijin-ta)
Neef xoolo ah oo aan candhadiisa caano danbe ku harin, naasihiisa daldaliigid bal in wax ka soo dhacaan; dharqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirrijin
m.f.dh eeg mirriji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirrijin
-ta: (magac, dhedig, keli) burburin faraha lagu burburiyo noole yar oo jilicsan. Dh: murrujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirrijin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku laallaabnaa, kala saarid oo sigibtirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiirriin
vl. n. shaving (one's beard ~ the head)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiirriin
-ka: (n) the act of shaving ~ xiirasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirriin
-ka: (magac, lab, keli) xiirniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiirriin
de: shaving (one's beard ~ the head)
initial: x
lx: xiirriin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: xiirriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirin
m.f.dh eeg jiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirin
-ta: (magac, dhedig, keli) doondoonid; raadin. Dh: radin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirri
m.dh la-mid: jarri.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirri
-ga: (n) 1. robber (roobar); thug (thaag); bandit (baandit); plunderer (palandharer) ~ mooryaan-ta. 2. Bird that blood from the camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirri
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir yar oo af cas oo xoolaha iyo xawaanka badhkood garbaha ka cunta. Dh: huryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidiin
(Jidiin-ka)
1. Hunguriga madow oo cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha.
2. Cunnada lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiin
m.l (-iimo, m.dh) 1. Hunguriga cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha. 2. Dhuuniga la cuno; gasiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidiin
m.l (-iimo, m.dh) 1. Hunguriga cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha. 2. Dhuuniga la cuno; gasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidiin
m. n. gullet, throat; food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jidiin
-ka: (n) throat (throwt); gullet (galet); esophagus, also oesophagus ~ hunguri, dhuun, buuc, cune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiin
-ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno. Jidiin jaar lagama hagrado.
jidiin -ka: (magac, lab, keli) hunguriga madow ee cuntadu marto oo xidhiidhiya afka iyo caloosha. Dh: hungri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidiin
de: gullet, throat; [ext.] food
lx: jidiin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: jidiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimiin
-ka: (magac, lab, keli) abuuritaanka ay wax abuuranyihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriid
(Jiriid-ka)
Daamanka dabadooda mid kamid ah; jaqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriid
m.l (-ddo, m.dh) Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriid
m.l (-ddo, m.dh) Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriid
m. n. bone of the back of the jaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhuudh la ridqay intiisa xabuubka ah. Dh: budo.
jiriid -ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah gowsaha ugu danbeeya ee xooga badan leh.
jiriid-ka: (magac, lab, keli) lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiriid
de: bone of the back of the jaw
lx: jiriid
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jiriid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriif
(fal) bad oo dhan xaadho oo wixii ku jira ka wada guro; kalluun yar iyo kalluun weynba ka idlayso; xaalufi oo goofi. Banbaanaha dhacaya burburkaa u sabab ahaa, baddoo la jiriifo burburkaa u sabab ahaa, barakac iyo baabba' burburkaa u sabab ahaa... Dh: xaalufi, goofi, madhi, jillaabo, jidhiif, madhi.
jiriif -ka: (magac, lab, keli) hab loo kalluumaysto oo ay maraakiibta waawayni sameeyaan oo gaag-mareeba ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriir
(Jiriir-ta)
Wax la tumay, iniinaha ugu yaryar oo hara oo bur buri waaya; iniin; burbur; (ama jariir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriir
m.dh.u la-mid: jariir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriir
f. n., [collective] granule; powder
jiriir m. n., [collective] molecule
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JIRIIR
Cassia ellisae 40
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiriir
-ta: (n) grounded grain; granule (garaan yul) ~jareer, jariir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriir
-ta: (magac, dhedig, keli) mudhaha la ridqayo inta budada noqota ma ahee, inta yaryar ee buurbuuran. Dh: jariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirran
Xanuunsan; buka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley wax jirro hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley wax jirro hayso ahaansho. m.f.dh, jirranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirran
der. [adjective] ill, sick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirran
-aa / ayd: (adj) ill (nZ); sick (sik); unsound (ansawndh) ~ buka, xannuunsan. Ex: miyaad jirran tahay? are you sick?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirran
(tilmaame) qof xanuun iyo jirro qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirran
de: ill, sick
lx: jirran
pd: (jirranaa)
ps: adj-der
xe: I am seriously ill.
xv: Aad baan u jirranahay.
key: jirran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirrid
(Jirrid-da)
Dhirta laamaha iyo xididdada inta u dhexaysa; dhex; sal; gun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrid
m.dh (-do, m.l) Qaybta hore ee geedka ee xididdada ka sarraysa; sal; gun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirrid
m.dh (-do, m.l) Qaybta hore ee geedka ee xididdada ka sarraysa; sal; gun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirrid
f. n. trunk, stem
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirrid
-da: (n) trunk of a tree; stalk (istook); stem (isteem); trunk (taraangk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirrid
-da: (magac, dhedig, keli) geedaha inta ugu hoosaysa ee adag oo kaydka u qaabilsan. Dh: gun. Li: baar. Wa: jirrido.
jirrid-da: (magac, dhedig, keli) cawska dareemada marka la daaqo inta hoose ee soo hadha. Dh: bur
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirrid
a: jirid
de: trunk, stem
lx: jirrid
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jirrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriq
m.l/dh.sh.r la-mid: jiririq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirriq
f. n. shrill, sharp sound
jirriq m. n., [collective] tree species, with thorny branches
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriq
(ereycodeed) lagu tusmeeyo codka ka soo baxa ilkaha oo xoog la iskugu qabto iyada oo la isku xaquuqayo.
jirriq-da: (magac, dhedig, keli) dagaal afka ah iyo is'afgaranwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley roob meel dhisan ka gelin; okorin; asheerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirsii
v.caus: give existence to, cause to exist
jirsii v. shelter ~ protect from rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsii
(fal) wax jira ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barriin
m.l Dhar ama lacag gabar guur laga doonayo la siiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birniin
-ka: (magac, lab, keli) hurinta dab yar. Dh: daarniin, dhidniin, hurniin.
birniin -ka: (magac, lab, keli) eeg bidhniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durriin
(Durriin-ka)
Waxkasheeg; durid; hurin; (ama durniin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durriin
m. n. criticism; repeal; restriction, qualification (of a law)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durriin
-ka: (n) injection (injekshin) ~ mudis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durriin
de: criticism; repeal; restriction, qualification (of a law)
lx: durriin
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: durriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farriin
(Farriin-ta)
Hadal qof loo dhiibo si uu cid kale u gaarsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farriin
m.dh (-iimo, m.l) Hadal aan qorrayn oo qof loo dhiibo si uu u gaarsiiyo qof kale; adeeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farriin
m.dh (-iimo, m.l) Hadal aan qorrayn oo qof loo dhiibo si uu u gaarsiiyo qof kale; adeeg.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
farriin
massage
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farriin
f. n. message, instruction; communication; report
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farriin
-ta: (n) message (maasaj)-, oral message ~ fartiin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Farriin
Messaggio
Message
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farriin
-ta: (magac, dhedig, keli) amar iyo talo cid kale siin. Dhegihii furan bay farriini gashaa.
farriin -ta: (magac, dhedig, keli) hadal qof loo dhiibo oo cid kale loo sii marsiiyo si loo gaadhsiiyo. Dh: dhanbaal. Wa: farriimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farriin
de: message, instruction; communication; report
lx: farriin
pd: (-ta)
ps: n1m-f
key: farriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firmiin
-ka: (magac, lab, keli) timo iyo wax la mid ah saqaf ama wax kale ku kala saarid, Dh: firitaan. fidhitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furriin
(Furriin-ka)
Furid; furitaan; (ama furniin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furriin
m.l la-mid: furid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furriin
vl. n. divorce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furriin
-ka: (n) legal dissolution of a marriage; divorce (divoorsi) ~ furitaan, furniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furriin
-ka: (magac, lab, keli) guntin xidhnayd, sii kala deyn.
furriin-ka: (magac, lab, keli) kala tagga ninka iyo haweenayda isqabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furriin
a: furniin
de: divorce
lx: furriin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: furriin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
furriin
طلاق تطليق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garriin
m.l Raadka ay cabbidda iyo cuntada qaarkeed afka ku reebaan. la-mid: karriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garriin
m. n., [collective] mess around the mouth