jirrid-maskaxeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrid-maskaxeed
m.l (-dyo, m.dh) (daawo) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirridmaskaxeed
m.l (-dyo, m.dh) (daaw.) qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirridmaskaxeed
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Brain stem
Jirrid maskaxeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xididmaskaxeed
(Xididmaskaxeed-ka)
1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta, intiisa kore oo riciraha tunka.
2. mid ka mid ah sooha cad oo maskaxda, maskaxyarada iyo dhuuxdheeraha, sida saymo uga kala leexda oo oogada meesheed walba ka iltiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididmaskaxeed
m.l 1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta, intiisa kore oo riciraha tunka. 2. Mid ka mid ah sooha cad oo maskaxda, maskaxyarada iyo dhuuxdheeraha, sida saymo uga kala leexda oo oogada meesheed walba ka iltiran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xididmaskaxeed
m.l 1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta, intiisa kore oo riciraha tunka. 2. Mid ka mid ah sooha cad oo maskaxda, maskaxyarada iyo dhuuxdheeraha, sida saymo uga kala leexda oo oogada meesheed walba ka iltiran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xididmaskaxeed
m. n., [collective] medulla, inner part of spinal column; nerve tissues
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididmaskaxeed
-ka: (magac, lab, keli) xidid halbowle ah oo isku xidha lafta dheer ee dhabarka iyo maskaxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xididmaskaxeed
de: medulla, inner part of spinal column; nerve tissues
initial: x
lx: xididmaskaxeed
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: xididmaskaxeed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sawir-maskaxeed
-ka: (n) imagination (i-maaji-neey-shin); imaginary (i-maaji-nari); fancy (faansi)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-maskaxeed
m.l (-bab.../-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-maskaxeed
m.l (-bab.../-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Saddexda xuub ee ka sameeysan sooh xiriiriye oo hoos kaga dahaaran lafta madaxa iyo godka laf-dhabarta, waxayna daboolaan maskaxda iyo xangullada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigbax-maskaxeed
m.l (daawo) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigbax-maskaxeed
m.l (daaw.) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jiid barafeed
Figld zone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unugmaskaxeed
-ka: (magac, lab, keli) unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiid-kubbadeed
m.dh (-dyo, m.dh) (xisaab) Qaybta dul ee kubbad oo ku soohdimaysan laba sallax oo barbarro ah. Joogga jiid waa fogaanta u dhexaysa sallaxyo. Sallaxyada barbarrada ah waxa ay kubbadda ka gooyaan laba goobo oo ah salalka jiidka. Jiidka hal sal waxa uu sammeysmaa marka mid ka mid ah sallaxyada barbarrada ah uu yahay taabtaha kubbadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saliidmadaxeed
-da: (magac, dhedig, keli) saliidda la marsado timaha madaxa. Ku dhaasho saliid madaxeed.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JILAAL-MAKAREEN
(Jilal-makaren) S Enicostema axillare Lam. Gentianaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumeysi maskaxeed
n. phr. brain-washing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumeysi_maskaxeed
de: brain-washing Lit: colonization of the brain
lx: gumeysi maskaxeed
ps: np
key: gumeysi_maskaxeed