jirdagoy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdagoy
-ga: (magac, lab, keli) roob weyn oo xaadha illaa jirridaha geedaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdagooye
-ha: (magac, lab, keli) roob mahiigaan ah; miiraale dhir iyo dhagaxqaad noqda. Geel jimimic ma huraa? Jirda-gooye roobaad iyo jibin-dhacdaa jir ma hurtaa? Annana caanihii jemel iyo jiib-caddaale ma hurraa? Dh: mahiigaan, miiraale, quble, tumay, Li: shuux, doogsin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdaweyn
-ta: (magacwadareed) dhirta inta salka weyn tilmaantooda wadareed. Dh: jirridweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhdagooye
-ha: (magac, lab, keli) qofka aan xidhiidhin ehelkiisa. Dh: rixingooye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cirday
magac ama naanays loo baxsho qofka ay indhihiisu sarey u jeedaan oo la moodo in uu cirka eegayo. Waar ninkii Cirday iigu yeedha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirday
(fal) cid kale, caydhi. Dh: cayri, eri, cagaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirato
-da: (magacwadareed) dadka xoolaha dhaqda oo wada daaqsada.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
virago
virago, n.f. - naag qumanyo ah coon; naag dabeecad xun; coon; naag qaylo iyo dagaal badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidgoys
-ka: (magac, lab, keli) qofka jidgooyada sameeya ee budcadda ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidhgo'
-a: (magac, lab, keli) aragxumo, diif, tingo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirago'
-a: (magac, lab, keli) cadgo'id iyo muruq-jiidan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirraago
-da: (magac, dhedig, keli) nooc ka mid ah quraanyada waaweyn, madmadow, madaxyo waaweyn oo raxanraxan u socota. Dh: buulallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miragooy
v., [compound] harvest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miragooy
de: harvest
lx: miragooy
pd: (miragooyey)
ps: v2a=cmp
key: miragooy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdaaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof ji maqaarka sare bukooday laga bogsiinayo. Dh: jirdabiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirridgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dabargoynta iyo baabi'in wax jiray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribgooy
v. eliminate, eradicate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciribgooy
-ay /say: (v) get rid of; abolish (abool-ash)-, exterminate (ikisteermineyt) ~ baabi', ciribtir. —Syn: extinguish, extirpate, eradicate, obliterate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribgooy
de: eliminate, eradicate
lx: ciribgooy
pd: (ciribgooyey)
ps: v2a=tr
key: ciribgooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribgoyn
m.f.dh eeg ciribgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dabargoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cissagoys
-ka: (magac, lab, keli) dhiigga caadada joojin oo da' ahaan u goyn. Cissagoyska dumarku waxuu tilmaan u yahay dhalmajoojin.
cissagoys-ta: (magac, lab, keli) haweeney xaydkii ama sunnihii ka joogsaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xirfadda ku saabsan geedaha iyo waxtarkooda oo dadka lagu daweeyo ama wax lagu yeelo.
geedagoyn -ta: (magac, dhedig, keli) geedo wax ku daaweyn; geedaha dadka lagu daaweeyo soo goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gondagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) boqnagoyn oo lugajarid. Dh: gonadgoyn, gomodgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiraggo'
(Jiiraggo'-a)
Muruqgo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiraggo'
jiiraggo'¹: m.l Xanuun muruqyada ku dhaca daal ama jug gaartay awgeed. la-mid: jiirgo'¹.
jiiraggo'²: f.mg1 (-'ay, -'day) Qof jug gaartay ama daal awgiis murqo xanuunid. la-mid: jiirgo'².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiiraggo'
jiiraggo'¹: m.l Xanuun muruqyada ku dhaca daal ama jug gaartay awgeed. la-mid: jiirgo.
jiiraggo'²: f.mg1 (-'ay, -'day) Qof jug gaartay ama daal awgiis murqo xanuunid. m.f.dh, jiiraggo'id. la-mid: jiirgo'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiiraggo'
m. n. stiff muscle, cramp, muscular pain; extreme fatigue
jiiraggo' [inchoative] v. have a stiff muscle, get cramps ~ muscular pain; feel extreme fatigue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiiraggo'
-ay / day: (v) suffer from muscular pain or have cramp (karaamp); convulse (kon-vals)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirdabixi
f.g2 (-iyay, -isay) Geed si uusan dib ugu soo fufin xididkiisa siibid.