jirdagooye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdagooye
-ha: (magac, lab, keli) roob mahiigaan ah; miiraale dhir iyo dhagaxqaad noqda. Geel jimimic ma huraa? Jirda-gooye roobaad iyo jibin-dhacdaa jir ma hurtaa? Annana caanihii jemel iyo jiib-caddaale ma hurraa? Dh: mahiigaan, miiraale, quble, tumay, Li: shuux, doogsin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhdagooye
-ha: (magac, lab, keli) qofka aan xidhiidhin ehelkiisa. Dh: rixingooye.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jidgooye
nickname-m bandit (highway robber)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdagoy
-ga: (magac, lab, keli) roob weyn oo xaadha illaa jirridaha geedaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidgooyo
-da: (magac, dhedig, keli) budhcaddu meesha ay ku dhuuuntaan oo ay dadka u istaagaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miragooy
v., [compound] harvest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miragooy
de: harvest
lx: miragooy
pd: (miragooyey)
ps: v2a=cmp
key: miragooy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
odagooye
-ha: (magac, lab, keli) roob mahiigaan ah. Reerihii odagooye ayaa ku da'ay
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FARAGOOYE
(Faragoie) N Cissus quadrangularis L. Vitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragooye
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah buntuqda lagu dagaallamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodagooye
-ha: (magac, lab, keli) roob mahiigaan ah. Reerihii odagooye ayaa ku da'ay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagooye
-ha: (magac, lab, keli) qof geedaha dadka ku daweeya ama ku waxyeelleeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidgoys
-ka: (magac, lab, keli) qofka jidgooyada sameeya ee budcadda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirroole
(Jirroola-ha)
Bukaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan caafimaadkiisu wanaagsanayn; qof jirro badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirroole
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof aan caafimaadkiisu wanaagsanayn; qof jirro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirroole
m. n. sick person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirroole
-jirroolaha: (n) unhealthy person; unwholesome person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirroole
-ha: (magac, lab, keli) qofka bugtaan iyo jirro qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirroole
de: sick person
lx: jirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jirroole
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciribgooy
v. eliminate, eradicate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciribgooy
-ay /say: (v) get rid of; abolish (abool-ash)-, exterminate (ikisteermineyt) ~ baabi', ciribtir. —Syn: extinguish, extirpate, eradicate, obliterate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciribgooy
de: eliminate, eradicate
lx: ciribgooy
pd: (ciribgooyey)
ps: v2a=tr
key: ciribgooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidgooyo
(Fiidgooya-da)
Xoolaha oo aan lisiddooda loo caweysimine fiid-horaadka la liso, marti timid ama carruur ama sabab kale darteed.
2. Cashada (fiidimada) oo la soo hormariyo; fiid'horor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidgooyo
m.dh Hawl la qabto fiid-horaadka. la-mid: fiid-horor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiidgooyo
f. n., [compound] activity (e.g., milking) done at dusk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidgooyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha oo aar lisiddooda loo caweysimine fiid'horaadkaba maalo. Dh: fiid-horor.
fiidgooyo -da: (magac, dhedig, keli) xilliga fiidka dariiqa dad iyo duunyo wixii maraya loo joogado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiidgooyo
de: activity (e.g., milking) done at dusk
lx: fiidgooyo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: fiidgooyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaangooye
-ha: (magac, lab, keli) qofka jaangoynta iyo qorshaha sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdaweyn
-ta: (magacwadareed) dhirta inta salka weyn tilmaantooda wadareed. Dh: jirridweyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mirogooyn
-ta: (n) crop gathering; harvest (haar 'vast) ~ miragoosasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birlaboobe
-ha: (magacwadareed) qurubyada yaryar ee birlabtu soo jiidato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqnagooye
-ha: (magac, lab, keli) qof xoolo raacidda ku xun oo xoolaha laaya. Boqnagooye ma liibaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirdaloolo
m.dh Cirka oo daruur roob wada qarisay, meel yar oo ka bannaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirdaloolo
m.dh Cirka oo daruur roob wada qarisay, meel yar oo ka bannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacmagooye
m.l Nooc geed oo saaqe ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacmagooye
m. n., [compound] climbing plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacmagooye
-ha: (magac, lab, keli) geed dhirta ku faalala oo qodxo yaryar iyo dhaacaan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacmagooye
de: climbing plant sp.
lx: gacmagooye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: gacmagooye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabgooye
(Garabgooya-ha)
Cudur xoolaha ku dhaca; garab'aydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabgooye
m.l la-mid: garab'aydo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabgooye
m. n. disease of the back in animals
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabgooye
de: disease of the back in animals
lx: garabgooye
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: garab'aydo
key: garabgooye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagooyo
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon gaar ah oo ku saabsan geedaha iyo sida wax loogu daweeyo ama dadka wax loogu yeelo ee loogu falo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdaaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof ji maqaarka sare bukooday laga bogsiinayo. Dh: jirdabiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaglagooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (xisaab) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu labagibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaglagooye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (xisaab) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu labagibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaglagooye
-ha: (magac, lab, keli) xariijin isku xidha labo gees oo ku oollin labo dhinac oo daris ah. xagli: (fal) laba dhinac oo is haya dhinac u bado. Dh: janjeedhso, illo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HILDA-GOORLE
(Hildagorle) N Ephedra alte C.A.Mey. Ephedraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradiroole
-ha: (magac, lab, keli) eeg diradiraale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbagoroyo
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof oo diriraya oo mid si aan muuqan loogu hiiliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedaggooyo
(Geedaggooya-da)
Aqoon gaar ah oo ku saabsan geedaha iyo waxtarkooda iyo sida wax loogu daweeyo ama dadka wax loogu yeelo ama wax loogu falfalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedaggooyo
m.dh Aqoonta loo leeyahay sida geedaha wax loogu sixro ama loogu daweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedaggooyo
f. n., [abstract] knowledge of herbs (for medicinal ~ magical purposes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedaggooyo
de: knowledge of herbs (for medicinal ~ magical purposes)
lx: geedaggooyo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: geedaggooyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirjirroole
(Jirjirroola-ha)
Geeldhugeeye, roor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirjirroole
m.l 1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirjirroole
m.l 1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirjirroole
m. n. chameleon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jirjirroole
-jirjirroolaha: (n) chameleon (kamiilyari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirjirroole
-ha: (magac, lab, keli) noole yar oo kolba meesha uu joogo isku ekaysiiya. Dh: maskaxgeel-kalabax, roor, geeldhugeeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirjirroole
de: chameleon
lx: jirjirroole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jirjirroole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooraggooye
m.l (-yayaal, m.dh) Nin fuulitaanka fardaha aad u yaqaan.