jirdaaweyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdaaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof ji maqaarka sare bukooday laga bogsiinayo. Dh: jirdabiib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdaweyn
-ta: (magacwadareed) dhirta inta salka weyn tilmaantooda wadareed. Dh: jirridweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harmuko
-da: (magac, dhedig, keli) geed la bah ah gillaanta, gasaaltida iyo maraaga oo dhammaantood geydhahooda wax lagu aslo. Maydhaxdooda, waxa laga samaystaa xadhko. Harmukadu waa geed jirdaaweynta ka mid oo qodax leh oo la hadhsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Weel fidsan oo bir ah, leh dheg la qabsado oo canjeerada iyo wixi lamida lagu dubo; birlaxooxeed. la-mid: birdaawo, birtaawe, birtaawo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birdaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Weel fidsan oo bir ah, leh dheg la qabsado oo canjeerada iyo wixi lamida. lagu dubo; birlaxooxeed. la-mid: birdaawo, birtaawe, birtaawo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birdaawe
m. n. frying pan, grill, skillet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdaawe
-ha: (magac, lab, keli) qalab madbakh ama jiko oo ka samaysan bir, kimista lagu dubo. Birdaawaha alqabankiisa saar markaad laxooxda dubayso. Dh: daawe, birdaawo, birlaxooxeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birdaawe
a: birdaawo (/da) [n6-f]
bw: daawe {C & S}
de: frying pan, grill, skillet
lx: birdaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: birdaawe
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ddaaweyn
de: treatment, giving medical attention
lx: ddaaweyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ddaaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaleyn
m.f.dh eeg jibaalee. la-mid: jibaaleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdaaqeen
(tilmaame) tilmaan ah inay birtaasi tahay bir af badan, si dhakhso ah wax u jarta. Majo birdaaqeen ah ii tun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaafeyn
m.dh la-mid: jallaafid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhimirdaaweyn
m.dh (daaw.) Hab daaweyn lagu daweeyo isbeddellada dhimirka ku dhaca iyo cuqdada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurawaaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) midho udgoon oo loo isticmaalo hagaajinta cuntada.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIR-DHAGWEYN
(Dir-degwein) S Canavalia ensiformis (L) DC. Papilionaceae.
S Canavalia gladiata (Jacq) DC. Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) caydhin; eryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cirweyni ku sifoobay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirweyn
f.mg4 (-nna,-nayd) wax cirweyni ku sfoobay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirweyn
der. [adjective] gluttonous; eager, greedy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirweyn
-aa / ayd: (adj) having great appetite; gluttonous (galatnas); never full; greedy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirweyn
tilmaame) hunguriweyn; aad wax u cuna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirweyn
de: gluttonous; [fig.] eager, greedy
lx: cirweyn
pd: (cirweynaa)
ps: adj-der
key: cirweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'weyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Duq ahaansho (qof).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
da'weyn
-aa / nay: (adj) old (oldh) ~ duq. Ex: nin da 'wayn; an old man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'weyn
-ta: (magacwadareed) inta u waawayn waxa meesha jooga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
da'weyn
de: aged, old, ancient
lx: da'weyn
pd: (da'weynaa)
ps: adj-expr
key: da'weyn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawayn
-ta: (n) the act of treating with medicine; medication (medi-keey-shin); remedy (ramidi) medical treatment ~ daaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabweyn
(Dabweyn-ta)
1. Dabka lagu dagaallamo kiisa waaweyn oo culculus.
2. Colka dabka jaadkaas ah haysta oo ku dagaallama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabweyn
m.dh 1. Hub culus oo lagu dagaalamo. 2. Col hub culus ku dagaalama. la-mid: debweyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabweyn
f. n., [collective], [compound] heavy artillery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidanka goobta madaafiicda. Dabwaynta ayaan ka mid ahay.
dabweyn -ta: (magac, dhedig, keli) hub culus oo lagu dagaallamo. Dh: debweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabweyn
de: heavy artillery
lx: dabweyn
pd: (-ta)
ps: n0-f-col-cmp
key: dabweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacweyn
m.f.dh eeg dacwee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ashkato ka gudbin oo eed ka sheegasho. Dh: ashkatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaweyn
m.dh la-mid: dhoweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aa, fogayn keenid. Dh: dhawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irdhayn
(Irdhayn-ta)
Fiigtaal ka dhigid; cabsi lala fiigo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhayn
m.f.dh eeg irdhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeyn
m.f.dh eeg jaabee. la-mid: jaabajaabeyn (3), jaabajaabeys, jaabeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaaseyn
(Jaaseyn-ta)
Abaalmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirdeys
m.l (-syo, m.dh) Xarig dawlis ah oo aad loo tidcay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaweyn
adj., pl. big, large, great (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaweyn
(adj) bigger (big-ger)-, larger (laar-ger)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaweyn
(tilmaame) kuwa inta kale ka muuq, martabo ama da' weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaweyn
de: big, large, great (ones) Sg: weyn
initial: w
lx: waaweyn
pd: (waaweynaa)
ps: adj-pl
key: waaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdaawo
m.dh la-mid: birdaawe.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birdaawo
birdaawaha: (n) [Pl. birdaawooyin-ka] pan (paan); frying pan birtaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdaawo
-ha: (magac, lab, keli) eeg birdaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birtaawe
m.l la-mid: birdaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birtaawe
-ha: (magac, lab, keli) birta daawaha ee taayirku uu ku jiro. Birtaawe ayuu gaaddhigu ku socday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawey
(fal) cadow ka dhigo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiraabey
name-m second half of the night, from midnight till dawn. Lit: born during the second half of the night. Syn: Hiraab, Hiraabe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiraabey
magac loo baxsho gabadh dhalatay xilliga hiraabta ee habeenkii gellinkiisa danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ihaaneyn
(Ihaaneyn-ta)
Xurmaddarrayn; muunajebin; liidid; dulleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaaneyn
m.f.dh eeg ihaanee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaleyn
m.f.dh eeg ilaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Islaweyn
Qab weyn isu qaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
islaweyn
adj., [expression] self-important, vain, haughty, arrogant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
islaweyn
-aa / ayd: (adj) proud (parawdh); haughty (hooti) ~ gab-weyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islaweyn
-ta: (magac, dheddig, keli) haweeney is moodda in ay dadka kale ka sarrayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
islaweyn
de: self-important, vain, haughty, arrogant
lx: islaweyn
ps: adj-expr
key: islaweyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirdagoy
-ga: (magac, lab, keli) roob weyn oo xaadha illaa jirridaha geedaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maraweyn
m.dh Dad inta maalqabeenka iyo madaxda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raasweyn
m.dh Haweenay ubad iyo xoolo badan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raasweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh reerkeedu uu dad iyo xoolo ba buuxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuraweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg uurarweyn. Dh: geedadari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asraareyn
-ta: (magac, dhedig, keli) isyeelyeel iyo mukur samayn. Dh: asaraarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curadweyn
m.l Riyaha intooda curada ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaabeyn
m.f.dh eeg dadaabee.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FARA-WEYN
(Fara-wein) N Urochondra setulosa (Tin) Hubb. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaaqayn
(Firaaqayn-ta)
Waxa ku jira ama jooga ka qaadid, ka wadid; ciriiriga ka qaadid; dallaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaaqayn
m.f.dh eeg firaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel la joogo ama lagu jiro, sida guri iyo wixii la mid ah, bannayn oo ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafeyn
m.f.dh eeg gadaafee la-mid: gadaafays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabweyn
m.dh Neef ishkin ah oo rimay la'aan ku dhaafay da'dii ay rimi lahayd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garabweyn
f. n. woman ~ female animal that has not given birth by a certain age, one who is late in giving birth
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garabweyn
de: woman ~ female animal that has not given birth by a certain age, one who is late in giving birth Lit: large shoulder
lx: garabweyn
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: garabweyn
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godanweyn
m.dh (juqraafi) Dooxo ballaaran oo ku dhacda oogada dhulka. Dooxadaasi waxay fidsantahay fogaansho gaaraysa dhawr boqol oo mayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaanayn
m.f.dh eeg irmaanee. la-mid: irmanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irmaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, caano u yeelid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isla weyn
--aa: (adj) proud (parawdh); haughty (hooti) ~ gab-weyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaleys
m.l la-mid: jibaaleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidmareen
-ka: (magac, lab, keli) dalyaqaan ama jidyaqaan. Dh: dalmareen. Wa: jidmareenno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaaweyn
m.f.dh eeg kawaawee. la-mid: kawaaweys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nijaaseyn
m.dh la-mid: najaaseyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabeyn
m.f.dh eeg qardabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurarweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) midho udgoon oo loo isticmaalo hagaajinta cuntada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaad iska yeelid; wadaadnimo ku shaqayn. Wadaadeyn wadaad laguma noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curraafeyn
(Curraafeyn-ta)
Hawsha curraafka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraafeyn
m.f.dh curraafee. la-mid: currafeyn, curraafin, curraafis, currafin, currafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabeyn
m.f.dh eeg daddaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaaneyn
m.f.dh eeg diiwaanee.