jiracduullaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiracduullaan
(Jiracduullaan-ka)
Jirac guuto guuto isu raaca, oo wixii ka hor yimaada baabba'sha oo cuna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiracduullaan
m. n., [collective] flying ant species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiracduullaan
de: flying ant sp.
lx: jiracduullaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: jiracduullaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiracduulaan
-ka: (magac, lab, keli) xasharaad midab madow leh oo si wada jir ah wax u shaqaysta aadna u qaniinyo kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbadduubnaan
m.dh eeg garbadduuban. la-mid: garbadduubnaansho, gardadduubnaan, gardadduubnaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardadduubnaan
m.dh la-mid: garbadduubnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afduubnaan
m.l eeg afduuban. la-mid: afduubnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduugnaan
m.f.dh eeg baduugan². la-mid: baduugnaansho, baduuqnaan, baduuqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) burbursanaan oo wax jajaban ahaan. Dh: baduugnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baduuqnaan
m.dh la-mid: baduugnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddillaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax u cadilan waxyeello gaadhay. Caddillaanta gaadhiga ayaa dib noo dhigtay. Dh: kharaabsanaan.
caddillaan -ta: (magac, dhedig, keli) dheellitirnaanta iyo isle'ekaansha labo wax iyo in ka badan.
caddillaan -ta: (magac, dhedig, keli) qof, meel ku go'doonsanaan, sahay la'aan ama arrimo kale dartood.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Il duufaan
Eye of the storm
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacburnaan
m.f.dh eeg jacburan. la-mid: jacburnaansho, jacburni, jacbursanaan, jacbursanaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaduudnaan
m.f.dh eeg kaduudan². la-mid: kaduudnaansho, kuduudnaan, kuduudnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaduudnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kuudada ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ra'yulcaan
-ka: (magac, lab, keli) ra'yiga guud ee dadka laga qaado; jawiga guud iyo sida ay u socoto aragtidad dadweynuhu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ra'yulcaan
bw: Arabic
de: public opinion
lx: ra'yulcaan
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: ra'yulcaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandullayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si sandulle ah u khasbid; sandullays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadnaan
m.f.dh eeg siraadan. la-mid: siraadnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax siraadan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taluulnaan
m.f.dh eeg taluulan². la-mid: taluulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaduurnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax soo godan ahaan. Qaansada xaduurnaanta waa loogu tala galay. Dh: xoodnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilacsanaan
m.dh la-mid: jilicsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyadxumaan
m.dh la-mid: niyaxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyadxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) uurxumaan iyo rajala'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraaditaan
-ka: (magac, lab, keli) daarniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraqnuglaan
m.f.dh eeg baraqnugul. la-mid: baraqnugeyl, baraqnuglaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bir'ajuuraan
-ta: (magac, dhedig, keli) macdan bir ah oo la tumo lana budeeyo oo afka laga siiyo dadka jidhkooda macdanta birtu ku yar tahay. Bir'ajuuraanta badiya bukaanka birtaa ku yare. Dh: xadiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bir-Ajuuraan
(Bir-Ajuuraan-ta)
Bir gaar ah oo inta la tumo oo la budeeyo, afka layska siiyo, oo lagu daweeyo dadka birtu ku yar tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bir-ajuuraan
m.dh 1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. la-mid: birxaar. 3. bir 1 (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bir-ajuuraan
m.dh 1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. la-mid: birxaar. 3. bir¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bir-ajuuraan
f. n., (mass n.): iron (the powder used as medicine)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farandulleyn
(Farandulleyn-ta)
(dad) Afarta addin ku ordid; afar-addinleyn; gabaaraggurdeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farandulleyn
m.f.dh eeg farandullee. la-mid: farandulleys, firindigleyn, firinndigleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farandulleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) afarta addin, mar qudha ku wada ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadxumaan
m.f.dh eeg garaadxun. la-mid: garaadxumaamsho, garaadxumi, garaadxumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluulnaan
m.dh eeg macaluulan. la-mid: macaluulnaansho, macaluushanaan, macaluushanaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax macaluuli hayso oo gaajo yo nafaqdarro u dhimanaya ahaan. Waxan leenahay hay'ad carruurta macaluulnaanta kala dagaallanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silacdilyayn
m.dh la-mid: silicdilyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silacdilyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) silic u dilid; silicdilid.