jinsiyadlaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinsiyadlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan dhalasho qaran lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinsiyadlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qofka aan lahayn dal iyo qaran uu ku abtirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhalaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan indhaha wax ka arkin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhalaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan indhaha wax ka arkin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhalaawe
-ha: (magac, lab, keli) qofka aan wax ba arkayn oo indhaha beelay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danablaawe
-ha: (magac, lab, keli) walax neef ama dareere ah oo aan gudbin karin quiqulka danabka waxaana lagu isticmaalaa madhxiyeyaasha xadhkaha waaweyn iyo dhismayaasha muhiimka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indholaawe
m. n. blind person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indholaawe
a: indhalaawe
de: blind person
lx: indholaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: indholaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kimisdaawe
-ha: (magac, lab, keli) laxoox daawaha lagu dubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
micinlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan naxariis iyo kaalma midna lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiriqlaawe
m.l (-nno, m.dh) (kiimika) Walax adke ah oo aaney atamyeedeedu lahayn habayn qumman. Taas macnaheedu waa ma aha wiriq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiriqlaawe
m.l (-nno, m.dh) (kiim.) Walax adke ah oo aaney atamyeedeedu lahayn habayn qumman. Taas macnaheedu waa ma aha wiriq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirsilaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan cid uu garabsado lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan fahamsanayn xaaladda lagu suganyahay; aan lahayn garaad fiican.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaadlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan fahamsanayn xaaladda lagu suganyahay; aan lahayn garaad fiican.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadlaawe
m. n. unreasonable man, insensible ~ foolish person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadlaawe
de: unreasonable man, insensible ~ foolish person
lx: garaadlaawe
pd: (/ga)
ps: n7-m
key: garaadlaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybadlaawe
-ha: (magac, lab, keli) nin aan qadarin iyo ixtiraam midna lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaanlaawe
-ha: (magac, lab, keli) mid iimaan. daran oo qanaaco lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jisakaddare
(Jisakaddara-ha)
(qof) abaalkii loo galay, wax xun ku guda; qofkii wanaag u gala, ka abaaldhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jisakaddare
m.l Abaalkii loo galay, wax xun ku guda (qof); qofkii wanaag u gala, ka abaaldhaca. la-mid: jisadkaddare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jisakaddare
m. n., [compound] ingrate, person who repays good with evil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jisakaddare
cf: jiso
de: ingrate, person who repays good with evil
lx: jisakaddare
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: jisakaddare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miciinlaawe
(Miciinlaawa-ha)
Qof aan cid miciin u gelin, jimic daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciinlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan naxariis, iyo kaalma midna lahayn. la-mid: maciinlaawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miciinlaawe
m. n. (adj.): merciless person, one unable to give support; cruel, hard; destitute
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan cidna miciin u gelin cidna u gargaarin. Miciinlaawe arxan ma leh. Li: baarri, adeege.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miciinlaawe
de: merciless person, one unable to give support; [atr.] cruel, hard; [ext.] destitute (either the victim of cruel people or a person who has no heart)
lx: miciinlaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: miciinlaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rinjiyanaan
m.f.dh eeg rinjiyan. la-mid: rinjiyanaansho, rinjiyaysnaan, rinjiyaysnaan-sho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wiriq-laawe
Amorphous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jisakaddarre
(tilmaame) qof wanaagii loo sameeyay aan xusuusan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meheradlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof aan shaqo lahayn, ama aqoon farsamo uu ku xoogsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meheradlaawe
m. n. idler; good-for- nothing; careless person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meheradlaawe
meheradlaawaha: (n) idle person; lazybones (leeyz-boonz')
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meheradlaawe
de: idler; good-for-nothing; careless person
lx: meheradlaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: meheradlaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqfadlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qalbilaawe; caqlilaawe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiralaaye
-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.
shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.