jinbicid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jinbicid
(Jinbicid-da)
Duwid; leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbicid
m.f.dh eeg jimbac². la-mid: jimbac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimbicid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg jimbacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbici
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhinac u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbicin
m.f.dh eeg jimbici.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimbicin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, foorarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirnicid
m.dh eeg jirnac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirnicid
m.f.dh eeg jiirnac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbacmid
m.f.dh eeg jimbacan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liinbixid
m.f.dh eeg liinbax². la-mid: dhiinbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liinbixid
-da: (magac, dhedig, keli) maydhmid oo fasaqmid. Dharka asalka ahi liinbixid ma yeesho. Dh: fasakhmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jicid
-ka: (maga, lab, keli) marka la sheegayo in qof ka hoos maray halkii laga filaayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nicid
(Nicid-da)
1. Rabid iyo jacayl wax loo qabey, baabbi'in.
2. Diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nicid
m.f.dh eeg nac².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nicid
vl. n. hatred, aversion; refusal, desertion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nicid
-da: (n) the act of hating; hatred (heey-trid) diidmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nicid
-da: (magac, dhedig, keli) karhid oo wax kale niyadda ka diidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nicid
de: hatred, aversion; refusal, desertion rw: nac
lx: nicid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: nicid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicid
-da: (magac, dhedig, keli) gardarraysi iyo dandaansi. Biicidda waa lagu dhintaa. Dh: biicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiidid
(Jiidid-da)
Wax jiitama haya xoog ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidid
m.f.dh eeg jiid. la-mid: jiidis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidid
-da: (magac, dhadig, kali) wax aan la qaadin oo dhulka la jiido. Dh: qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiifid
(Jiifid-da)
1. Dhacadiid ama dhabbac ama dhinac u oollaansho.
2. Hurdid; seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiifid
m.f.dh eeg jiif². la-mid: jiif¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilid
m.f.dh eeg jiil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la xidhayay aad u adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirid
(Jiirid-da)
Wax badan oo cumur ah, xoog ku dhexmarid, jibaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirid
m.f.dh eeg jiir².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
jiirid
charging
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiirid
vl. n. pushing, bumping, jolting; clashing; running over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama wax meel yaallay, xoog ugu dhicid oo dhaafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiirid
de: pushing, bumping, jolting; clashing; running over
lx: jiirid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: jiirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilcid
(Jilcid-da)
Wax jilicsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilcid
m.f.dh eeg jilic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilcid
-da: (magac, dhedig, keli) nuglaanta gasha walax, shay ama qof.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinbac
v. turn around ~ back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinbac
-da: (magac, dhedig, keli) geed qodxeed joog gaaban oo saara caleen iyo dhinbil duunyadu daaqdo. Jinbac jiiitin dheer ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jinbac
de: turn around ~ back
lx: jinbac
pd: (jinbacay)
ps: v1=tr
see: jimbac
key: jinbac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinbad
m.l la-mid: jinbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriid
(Jiriid-ka)
Daamanka dabadooda mid kamid ah; jaqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriid
m.l (-ddo, m.dh) Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriid
m.l (-ddo, m.dh) Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriid
m. n. bone of the back of the jaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhuudh la ridqay intiisa xabuubka ah. Dh: budo.
jiriid -ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah gowsaha ugu danbeeya ee xooga badan leh.
jiriid-ka: (magac, lab, keli) lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiriid
de: bone of the back of the jaw
lx: jiriid
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jiriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liicid
(Liicid-da)
Doc u dheelliyid; dhicid ku dhowaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicid
m.f.dh eeg liic. la-mid: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liicid
-da: (magac, dhedig, keli) doc u dheelliyid oo janjeedhsad. Dh: liicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miicid
-da: (magac, dhedig, keli) qalbiga wax ka doonid. Dh: jamasho, miliilicid, miicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiicid
m.dh la-mid: qaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siicid
(Siicid-da)
1. Dhib ku jirid; rafaadsanaan; liidasho.
2. Dhega'adkayn; dhasiigid.
3. Tixgelis iyo qiimayn la'aan; quursasho; yasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siicid
m.f.dh eeg siic².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siicid
-da: (magac, dhedig, keli) dhega'adki; dhasiigid.
siicid-da: (magac, dhedig, keli) dhib ku jirid; rafaadsan; liidasho.
siicid-da: (magac, dhedig, keli) tixgelis iyo qimayn la'aan: yasid: quudhsasho; miidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiicid
(Tiicid-da)
Liicid; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiicid
m.f.dh eeg tiic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiicid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u liicid oo aayar luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anficid
m.f.dh eeg anfac². la-mid: anfac¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anficid
-da: (magac, dhedig, keli) wax faa'idayn; waxtarid. Dh: anficis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cindiid
(Cindiid-ka)
Caano biyo badan lagu daray; xariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cindiid
m.l Caano biyo ka badan lagu daray. la-mid: candiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cindiid
m. n., (mass n.): milk mixed with water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cindiid
-ka: (magac, lab, keli) caano biyo badan lagu daray. Dh: badhax, xariir.
cindiid -ka: (magac, lab, keli) (caano) biyo badan ku darid; badhxid; barxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cindiid
de: milk mixed with water
lx: cindiid
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: cindiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifbixid
m.f.dh eeg ifbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifbixid
-da: (magac, dhedig, keli) shaacbixid; caan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixid
(Ilbixid-da)
Ilbax gaarid; galtinnimo ka bixid; nolol reer-magaalnimo ah ku dhaqankeed gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixid
m.f.dh eeg ilbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel halkii hore ka wanaagsan gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iniifid
(Iniifid-da)
(ku iniifid) aan laga dheerayn, lagana gaabin ee qarka qarka loo saaray; le'ekeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Inkirid
(Inkirid-da)
Wixii laysu sheegana hayo qirashadooda diidid; asaraarid; dafirid; ogaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
inkirid
m.f.dh eeg inkir². la-mid: inkir¹ (2), inkiraad, inkirmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
inkirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la ogyahay. dafirid oo diidis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibirid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir ku dhicid; qof kibray noqosho. Dh: kibrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minacid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta bubka laba dhagax oo lagaa wada dilayo mid badbaadin midna hannayn. Dh: midnicid, midnacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilbilid
(Bilbilid-da)
Biyo ama wax la mid ah, sida roobka meel ugu firdhin; rushayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilbilid
m.f.dh eeg bilbil². la-mid: bilbil¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilbilid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo sida roobka kaga dhigid, ku firdhin, ku rushayn. Bilbilid buu hadhuudhku u baahanyahay biya badan uma baahna. Dh: biifin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birbirid
(Birbirid-da)
Dhaldhalaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birbirid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaldhalaalid ama iftiimid isdaba socda. Birbiridda kurdadda na shawaqisay. Dh: bidhbidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bixbixid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dibadda aadid; kolba meel u socosho. Shaqadu bixbixidda badan kuma fiicna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciniinid
m.f.dh eeg ciniin². la-mid: caniinid, cinniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciniinid
-da: (magac, dhedig, keli) ciniin ama ciniini noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabicid
(Daabicid-da)
1. Si daabac ah u qorid.
2. (dhar, kd.) daabac u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabicid
m.f.dh eeg daabac². la-mid: daabac¹ (4), daabacaad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daabicid
Stampatura
To print
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qorayo makiinad ku qorid oo wax waraaqo ku daabacan ka dhigid. Daabicidda wargeysyadu shaqo badan ayay u baahan tahay. Dh: daabicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbirid
(Dibbirid-da)
Calool fuurid, dabayl gudaheeda ka samaysantay darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbirid
m.f.dh eeg dibbir².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibbirid
-da: (v) 1. excessive fullness of stomach with food or gas, 2. (adj) extremely angry, Ex: caruu la dibbiray; he got extremely angry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbirid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto aad u cunis oo aad u dhergid. Dh: dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindimid
m.f.dh la-mid: diddimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dindimid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar dareerid oo quiqul samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniimid
m.dh la-mid: diddimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filbixid
m.f.dh eeg filbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finiinid
(Finiinid-da)
Xoog u ganmid ama u dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinid
m.f.dh eeg finiin². la-mid: faniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, finiin ku tuurid ama ku ganid.
finiinid-da: (magac, dhedig, keli) aad u kululaanshaha daawaha oo loxooxda ku dhega. Dabka badan ka daa finiinid buu daawaha u keeniye.
finiinid -da: (magac, dhedig, keli) xoog u ganmid ama u dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finjilid
m.f.dh eeg finjil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finjilid
-da: (magac, dhedig, keli) tuuris iyo ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbiyid
(Ganbiyid-da)
Genbiyid.