jimco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimco
m.dh la-mid: jamce.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jimco
m.dh la-mid: jamce, jimce.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jimco
pr. n., [feminine] Jim-a, Friday
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jimco
name-f Friday; lit: the one born on Friday. Cf: Jimcaale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jimco
-jimcaha: (n) Friday (faraay-dheey) ~ Jamce, Jimce, Jumce
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Jimco
bw: Arabic
de: Jim-a, Friday Lit: born on Friday
lx: Jimco
ps: name-f
key: Jimco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jimca
magac loo baxsho gabadh ayaan Jimce ah dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimce
(Jimca-ha)
Jamce.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimce
m.l la-mid: jamce.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jimce
m. n. Friday (last day of the Somali week, Islamic day of worship)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jimce
-jimcaha: (n) Friday (faraay-dheey) ~ Jamce, Jimco, Jumce
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jimce
-ha: (magac, lab, keli) maalinta toddobaad ee uu u dhexeysa Khamiis iyo Sabti. Dh: Jumce.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Jimce
a: Jamce ~ Jumce
cf: maalin
de: Friday (last day of the Somali week, Islamic day of worship)
lx: Jimce
pd: (/ha)
ps: n0-m-time, n6-m
xv: Arabic
key: Jimce
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Si naxariis iyo turaal leh qof jirka ugu duugduugid. 2. Harag jilcin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jimci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Si naxariis iyo turaal leh qof jirka ugu duugduugid. 2. Harag jilcin. m.f.dh, jimcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimci
v. stretch (out), make something stretch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimci
(fal) fur, sida gacanta oo kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimci
de: stretch (out), make s.t. stretch rw: jimic
lx: jimci
pd: (jimciyey)
ps: v2a=tr
key: jimci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimlo
(Jimla-da)
(xisaab) iskuddar; isuggeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimlo
jimlo¹: m.dh Badeeco isku nooc ah, badan oo laysku iibsado.
jimlo²: m.dh (xisaab) Tiro xisaabeed oo laysu geeyey wadarteeda. la-mid: jamlo, jimlad, jumlad, jumlo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jimlo
jimlo¹: m.dh Badeeco isku nooc ah, badan oo laysku iibsado.
jimlo²: m.dh (xisaab) Tiro xisaabeed oo laysu geeyey wadarteeda. la-mid: jamlo, jimlad, jumlo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimlo
f. n. sum, total; addition {mathematics}; wholesale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jimlo
-jimlada: (n) wholesale (hool-seel) ~ jimlad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimlo
-da: (magac, dhedig, keli) si jimlad ah oo aan tafaariiqsanayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimlo
de: sum, total; addition {mathematics}; [ext.] wholesale
lx: jimlo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jimlo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nimco
m.dh la-mid: nicmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nimco
pr. n., [feminine] Nima
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nimco
f. n. natural resource; prosperity, abundance
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nimco
name-f natural resource; prosperity, abundance (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nimco
-nimcada: (n) prosperity (poros-paritiy success (sek-sees); health and wealth opulence (o-pilensi); affluence (afuluwansi) ~ nicmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Nimco
magac loo baxsho gabadh ku dhalatay barwaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nimco
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nicmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimcoonaan
(Jimcoonaan-ta)
Wax jimcoon ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamce
m.l Maalinta u dhaxayso, sabtiga iyo axadda. la-mid: jimce, jimco.

jimcabarqadle
m.dh la-mid: jimcobarqadle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimcoonaan
m.f.dh eeg jimcoon. la-mid: jimcoonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimcoonaansho
m.l/dh la-mid: jimcoonaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamce
m.l Maalinta u dhaxayso, sabtiga iyo axadda. la-mid: jimce, jimco.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jimcaale
name-m Friday; lit: the one born born on a Friday. Cf: Jimco
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
venerdi
s.m. - Jimco, Jimce.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debecsan
(tilmaame) wax aan giijisnayn oo jilicsan. Dh: jimcoon, dabacsan. Li: giigsan boohoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
debecsan
bw: jimcoon
de: loose, soft, flexible, relaxed; non-aggressive
lx: debecsan
nt: debecsan (debecsamay) [v1=inch]
pd: (debecsanaa)
ps: adj-der
key: debecsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimcoonaan
de: looseness, slackness
lx: jimcoonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: jimcoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbaco
f.mg3 (-cday, -catay) Wax dhinac u leexsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimbaco
v. lean to the side; turn back; be folded; be tilted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimbaco
(fal) isqallooci oo foorarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimbaco
a: jinbaco
de: lean to the side; turn back; be folded; be tilted
lx: jimbaco
pd: (jimbacday)
ps: v3b=
see: jinbac
key: jimbaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimcoon
Dhaaddan; debecsan; ladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimcoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Xilli wax aan dhibaato badan lahayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimcoon
der. [adjective] loose, slack
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimcoon
(tilmaame) debecsan, toolmoon. Erey jimcoon ayaad meesha ka tidhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimcoon
cf: debecsan
de: loose, slack
lx: jimcoon
pd: (jimcoonaa)
ps: adj-der
key: jimcoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimicso
f.mg3 (-saday, -satay) Jimicsi samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jimicso
f.mg3 (-saday, -satay) Jimicsi samayn. m.f.dh, jimicsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimicso
v. stretch oneself; exercise, work out; perform gymnastics
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jimicso
jimicsaday / jimicsatay: (v) take exercise; stretch your body; perform physical exercise (eksar-saays)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimicso
(fal) jidhkaaga kala bixi oo jimicsi samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimicso
de: stretch oneself; exercise, work out; perform gymnastics
lx: jimicso
nt: jimicsad (ka) [vn2-m], jimicsasho (/da) [vn6-f]
pd: (jimicsaday)
ps: v3a=
key: jimicso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimcin
m.f.dh eeg jimci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimcin
-ta: (magac, dhedig, keli) fidinta wax, sida gacanta oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimcayso
(fal) ayaan jimce ah, ka naso shaqadii toddobaadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imo
(fal) meel kale soo gaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamo
f.g3 (-antay, -amatay) Si aad ah wax u jeclaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamo
f.g3 (-antay, -amatay) Si aad ah wax u jeclaysasho. m.f.dh, jamasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamo
v. desire, want for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamo
-jantay / jamatay: (v) yearn (yeen), long (loon), pine (paayn), hanker (hangker) ~ u xiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamo
(fal) doon oo jeclow waxaad rabtid. Dh: jeclow. Li: necbow.
jamo: (fal) haweenay, jeclow oo niyadda gali, ilaa laguu keenana ha umulin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamo
de: desire, want for oneself
lx: jamo
pd: (jantay / jamatay)
ps: v3b=tr
key: jamo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibo
v. swear as a threat, promise to harm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibo
-da: (magac, dhedig, keli) dhereg iyo kaaftoomid. Hunguriyow jal mooyee haddaan jibo wax kuu silyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jibo
de: swear as a threat, promise to harm
lx: jibo
nt: jibasho (/da) [vn-f]
pd: (jibtay)
ps: v3b=
key: jibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jifo
(Jifa-da)
Magta (diyada) inteeda la hormariyo (saddex meelood oo meel); (ama jifi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jifo
m.dh 1. Xoolo horumaris ahaan loo siiyo cid wax laga dilay ama laga dhaawacay. 2. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka; Jinfo. 3. Birgoobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo. 4. Xigto. 4. la-mid: jufo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jifo
f. n. first installment of compensation payment for injury (in traditional law)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jifo
-jifada: (n) sub clan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jifo
a: jifi (3)
de: first installment of compensation payment for injury (in traditional law)
lx: jifo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jifo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jigo
(Jiga-da)
Meel la mari jirey ama wax la fali jirey, oo laga joogsado, la diido, laga maagto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jigo
jigo¹: m.dh Madaxa dadka iyo xayawaanka dhankiisa dambe, meesha ay iska galaan luqunta xaggeeda sare iyo madaxu; jeego.
jigo²: f.mg3 (-gtay, -gatay) Wiil yar xibintiisa taranka girgikeeda harag kadillaacsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jigo
m.dh Madaxa dadka iyo xayawaanka dhankiisa dambe, meesha ay iska galaan luqunta xaggeeda sare iyo madaxu; jeego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jigo
f. n. hesitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jigo
-da: (magac, dhedig, keli) meel hore loo mari jiray ama wax hore loo samayn jiray oo laga maago. Dh: maagis. Wa: jigooyin.
jigo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun qaalmaha ugubka ah ku dhaca oo kolka ay rinto candho weyn oo xilligeedii gaadhin ka soo saara oo haddii laga gubi waayo candhada waxyeello gaadhsiiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jigo
de: hesitation
lx: jigo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiho
jiho¹: m.dh la-mid: jaho¹.
jiho²: f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: jaho².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiho
f. n. side; direction; cardinal point of the compass; region, part, section, area, district, precinct, city
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiho
-jihada: (n) direction (di-rak-shin); compass point (north, east, south, west) ~ jaho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiho
-da: (magac, dhedig, keli) dhinaca ama dhanka wax kaa xigaan ama aad u jeeddo. Dh: dhinac. Wa: jihooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiho
a: jaho
de: side; direction; cardinal point of the compass; region, part, section, area, district, precinct, city quarter; agency, authority, administrative agency
lx: jiho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jiho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiic
(Jiic-a)
Geed-abaareed aad u dheeraada oo aan qodax lahayn oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiic
m.l (jiic, m.dh) (botani) Geed abaareed dhirta dhaadheer ka mid ah oo aan qodax lahayn qoryahiisana wax lagu shito.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiic
m.l (jiic, m.dh) (botani) Geed abaareed dhirta dhaadheer ka mid ah oo aan qodax lahayn qoryahiisana wax lagu shito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiic
m. n., [collective] tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JIIC
[JE] Acacia seyal 01, Cadaba baccarinii 01, Maerua sessiliflora 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JIIC
(Chieh) All Som. Maerua sessiliflora Gilg. Capparidaceae.
NFD, N, S Boscia angustifolia A.Rich. Capparidaceae.
C Cadaba longifolia DC. Capparidaceae.
C,N Maerua crassifolia Forsk. Capparidaceae.
C Cadaba baccararinii Chiov. Capparidaceae.
NFD Cadaba farinosa Forsk. Capparidaceae.
May, C, S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
S Maerua triphylla A.Rich. Capparidaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiic
de: tree sp.
lx: jiic
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: jiic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiko
(Jika-da)
Qolka cunnada lagu kariyo; alawaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiko
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qolka cunnada lagu kariyo. 2. Dumarka ka tirsan gaboo-leyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiko
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qolka cunnada lagu kariyo. 2. Dumarka ka tirsan gabooleyda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiko
f. n. kitchen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiko
-jikaka: (n) kitchen (kijin) ~ madbakh, kurshiin, kushiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiko
-da: (magac, dhedig, keli) qolka cuntdad lagu kariyo. Dh: madbakh. Wa: jikooyin.