jimbacad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbacad
m.l la-mid: jimbacasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimbacad
-da: (magac, dhedig, keli) isqalloocin iyo foorarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbacan
jimbacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) Wax la jimbacay noqosho.
jimbacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) Wax dhinac u leexsan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimbacan
(tilmaame) qof ama wax qallooca ama foorara.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAMBACAAD
Sericocomopsis pallida 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAMBACAAD
(Jambad) C Sericocomopsis pallida (S. Moore) Schinz. Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbacmid
m.f.dh eeg jimbacan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaad
(Jibaad-ka)
Reen xoog leh oo ka soo baxa dadka ama duunyada baroodka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaad
jibaad¹: m.l Reen xoog leh oo ka soo baxa dadka ama duunyada jirran.
jibaad²: f.mg1 (-day, -dday) Xoog u reemid; aad u taahid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jibaad
jibaad¹: m.l Reen xoog leh oo ka soo baxa dadka ama duunyada jirran.
jibaad²: f.mg1 (-day, -dday) Xoog u reemid; aad u taahid. m.f.dh, jibaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibaad
m. n. groan, moan, lament; roar
jibaad v. groan, moan; roar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jibaad
-ka: (n) groan (garown)-, roar (roor) ~ reen, taah
jibaad -ay / day: (v) roar (roor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaad
-ka: (magac, lab, keli) cod taah iyo calaacal ah oo qofka ka soo baxa kolka uu xanuun ama ciil dareemayo. Jibaadkii iga soo baxay dadkii jiifka gabanwaa dheh!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimaad
m.l Da'; eyni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbac
jimbac¹: m.l 1. (botani) Nooc geedgaabka ka mid ah oo laamo dhuudhuuban leh oo aan qodax lahayn oo caraf gaar ah leh. 2. la-mid: jimbicid.
jimbac²: f.mg1 (-cay, -cday; -bici) Wax dhinac u leexin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jimbac
m.l 1. (botani) Nooc geedgaabka ka mid ah oo laamo dhuudhuuban leh oo aan qodax lahayn oo caraf gaar ah leh..
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimbac
v. turn aside, around ~ back, bend, divert; incline, tilt
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JIMBAC
(Chimba) N Leucas minimifolia Chiov. Labiatae.
N Erythrochlamys nummularia (S. Moore) Hedge. Labiatae.
N Erythrochlamys leucosphaeria Briq. Labiatae.
N Loewia glutinosa Urban Turneraceae.
N Cephalocroton cordofanus Hochst. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimbac
-a: (magac, lab, keli) jaad geedaha ka mid ah oo marka la gubo ur gaar ah yeesha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimbac
de: turn aside, around ~ back, bend, divert; incline, tilt
lx: jimbac
pd: (jimbacay)
ps: v1=tr
see: jimbac
key: jimbac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbaco
f.mg3 (-cday, -catay) Wax dhinac u leexsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimbaco
v. lean to the side; turn back; be folded; be tilted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimbaco
(fal) isqallooci oo foorarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimbaco
a: jinbaco
de: lean to the side; turn back; be folded; be tilted
lx: jimbaco
pd: (jimbacday)
ps: v3b=
see: jinbac
key: jimbaco
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamaacad
f. n. community; group of people praying in a mosque
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamaacad
bw: Arabic
de: community; group of people praying in a mosque
lx: jamaacad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jamaacad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbicid
m.f.dh eeg jimbac². la-mid: jimbac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimbicid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg jimbacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimbacnaan
m.f.dh eeg jimbacan². la-mid: jimbacnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimbacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) foorarid iyo qalloocsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambacaad
f.mg1 (-day, -dday) Calool u jiifid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambacaad
f.mg1 (-day, -dday) Calool u jiifid (qof).
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JILAB CAD
Ocimum tomentosum 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bacad
(Bacad-ka)
Burcooyin ciid ah oo dabayshu samayso oo hadba docdii urtu u jeeddo, u jeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacad
m.l (-ddo/-dyo, m.dh) 1. Dhul bacaad buuxiye oo lamaddegaan ah. 2. Midab caddaan ah oo mid kale oo yari ku dhafanyahay oo geelu yeesho. 3. Meel kulul oo qorraxda hayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bacad
m. n. dune, sand hill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacad
ka: (n) dune (duun); sand dune ~ bacaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacad
-ka: (magac, lab, keli) midabbada geela ugu adkaysiga badan. Geela bacadkaa, u baraad adag.
bacad² -ka: (magac, lab, keli) dhul qorraxdu shidday: goob kulul oo ay cadceeddu hayso. Ubadka bacadka ka fadhiisiya. Dh: milic, hanfi, suudi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bacad
de: dune, sand hill
lx: bacad
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: burco
key: bacad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imaad
m.l la-mid: imaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaad
vl. n. arrival, coming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imaad
(pronoun plus negative) you ... not ... me. Ex: imaadarag;yoiit didn't see me
imaad -ay / imaatay: (n) come (kam); arrive (areeyf) ~ timid, yimid. Ex: Cali ma imaaday? did Ali came?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imaad
-ka: (magac, lab, keli) meel kale soo gaadhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaad
a: imaatin
de: arrival, coming
lx: imaad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: imaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jimca
magac loo baxsho gabadh ayaan Jimce ah dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dimcad
(Dimcad-ka)
Quraca, kd., dhallinta yar oo ulo jiljilicsan oo xoog badan iyo mayrax dhab u cad oo wanaagsan laga helo; (ama dincad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dimcad
m.l (-ddo, m.dh) (botani) Quraca dhallinta yar oo ulo jilicsan oo xoog badan iyo mayrax aad u cad oo wanaagsan laga helo. la-mid: dincad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dimcad
m.l (-ddo, m.dh) (bit.) Quraca dhallinta yar oo ulo jilicsan oo xoog badan iyo mayrax aad u cad oo wanaagsan laga helo. la-mid: dincad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dimcad
m. n. tree species, from which children cut sticks
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dimcad
-ka: (magac, lab, keli) geedka qudhaca kiisa yaryar. Waxaraha meel dimcad leh gee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dimcad
de: tree sp., from which children cut sticks
lx: dimcad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dimcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jamaad
(Jamaad-da)
Qurux jilicsan oo macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamaad
m.dh Wax indhuhu jeclaystaan oo aad u qurxoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamaad
m.dh Wax indhuhu jeclaystaan oo aad u qurxoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jamaad
pr. n., [feminine] Jamad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamaad
f. n., [abstract] sweetness, cuteness, charm
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jamaad
name-f sweetness, cuteness, charm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamaad
-ka: (n) beauty (biyuuti); attractiveness, charm, seductiveness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jamaad
magac loo baxsho gabadh dabeecad macaan ama gabadh qurux ku sixirta leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamaad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad u qurux badan oo jilicsan oo taabashadooda la macaansado.
jamaad -ka: (magac, lab, keli) rabid aad u badan oo jamasho iyo jacayl weheliyaan. Dh: jamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaal
(Jibaal-ka)
1. Dedka qolka dhagaxa ah korka laga saaro.
2. Cabbir beeraha lagu cabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaal
jibaal¹: m.l 1. (-llo, m.dh) Cabbir dhul beereed 25 tallaabo oo labajibbaaran ah. 2. Ded dhismo dhagax ah korka laga saaro.
jibaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Dhismo dhagax ah ded kor ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jibaal
m.l 1. (-llo, m.dh) Cabbir dhul beereed 25 tallaabo oo labajibbaaran ah. 2. Ded dhismo dhagax ah korka laga saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibaal
m. n. roof
jibaal v. put a roof on, roof over
jibaal m. n. unit of agricultural land measurement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jibaal
-ka: (n) system of measurement used by farmer to measure land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaal
(fal) cabbir oo kala googoo.
jibaal -ka: (magac, lab, keli) afar derbi oo qol daareed midkood; qol sar ah afartiis gidaar mid. Dh: gidaar.
jibaal -ka: (magac, lab, keli) cabbir dhul beereed 25 tallaabo oo labajibbaaran ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaax
(Jibaax-a)
1. Qufac xoolaha iyo dadkaba ku dhaca.
2. Meel jiq ah ama lagu badan yahay oo cumur lagu yahay, oo xoog lagu dhexmaro, lagu jiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaax
jibaax¹: m.l 1. Qufac dadka iyo xoolaha ku dhaca. 2. la-mid: jibaaxid. Maridda xoog lagu maro meel jiq ah ama lagu badanyahay.
jibaax²: f.g1 (-xay, -xday) Meel dhir ama dad badan leh xoog ku dhex marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jibaax
f.g1 (-xay, -xday) Meel dhir ama dad badan leh xoog ku dhex marid. m.f.dh, jibaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibaax
m. n., [collective] cough affecting animals and humans
jibaax m. n. thick forest, dense scrub ~ undergrowth
jibaax v. push one's way (through thick undergrowth); break through, overcome
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jibaax
-ay / day: (v) move by crowding or pressing; barge (baarj); crush (karaash) ~ jiidh, jiir, taraar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaax
(fal) meel adag ama jiq ah, xoog ku dhexmar. Dh: jiidh, xul.
jibaax -a: (magac, lab, keli) qufac dadka iyo xoolaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidcad
m.l la-mid: jidcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jihaad
(Jihaad-ka)
Jahaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihaad
jihaad¹: m.l la-mid: jahaad¹.
jihaad²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: jahaad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jihaad
m. n. Holy War, Jihad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jihaad
name-m to exert effort, struggle; religious struggle; striving for the sake of or in the service of God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jihaad
-ka: (n) a Moslem holy war; jihad (ji haad) ~ jahaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jihaad
-ka: (magac, lab, keli) dagaalka dhex mara labo dhinac oo u diriraya diin. Jihaadka diintaadu waa waajib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jihaad
bw: jahaad
de: Holy War, Jihad
lx: jihaad
nt: jihaad (jihaaday) [v1=]
pd: (-ka)
ps: n2a-m
xv: Arabic
key: jihaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilbad
(Jilbad-da)
Qoolka dumarku surka ku xirtaan, jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbad
m.dh (-do, m.l) Siyaakhad qalin ka samaysan oo haweenku qoorta ku xirtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilbad
f. n. necklace made of silver
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbad
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaabaha ay dumarku qoorta ku xidhaan mid ka mid ah oo qool u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilbad
bw: Arabic
de: necklace made of silver
lx: jilbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jilbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimlad
m.dh la-mid: jimlo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimlad
f. n. addition, sum; wholesale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jimlad
-da: (n) wholesale (hool-seel) ~ jimlo, jumlo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimlad
-da: (magac, dhedig, keli) badeeco lagu gado israac oo aan tafaariiq loo gadin. Dh: jimlo. Li: tafaariiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimlad
bw: Arabic
de: addition, sum; wholesale
lx: jimlad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: jimlo
key: jimlad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jinaad
(Jinaad-ka)
Ballaar; dhumuc; qiro; jurmi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaad
m.l Ballaar; dhumuc; qiro; jurmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinaad
m. n. (adj.): thickness; size; broad and flat, thick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaad
-ka: (magac, lab, keli) xoogganaanta iyo cufnaanta muruqyada gaar ahaan kuwa tartarrada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jinaad
cf: ballaar, dhumuc, jurmi, qiro
de: thickness; size; [atr.] broad and flat, thick
lx: jinaad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: jinaad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinbac
v. turn around ~ back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinbac
-da: (magac, dhedig, keli) geed qodxeed joog gaaban oo saara caleen iyo dhinbil duunyadu daaqdo. Jinbac jiiitin dheer ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jinbac
de: turn around ~ back
lx: jinbac
pd: (jinbacay)
ps: v1=tr
see: jimbac
key: jinbac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinbad
m.l la-mid: jinbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libaad
(Libaad-da)
Idiin qurux badan oo kore-Soomaaliga docdiisa hoose lagu dhejiyo.