jillaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaw
(Jillaw-da)
Mayraxda qolofta iyo mullaaxda u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaw
m.dh Mayraxda adag ee u dhexeysa qolofta iyo mullaaxda geedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillaw
f. n. inner bark of tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaw
(tilmaame) wax calalintiisu adag tahay. Dh: qallayl.
jillaw -ga: (magac, lab, keli) qolofta adag ee maydhaxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillaw
de: inner bark of tree
lx: jillaw
pd: (-da)
ps: n-f
key: jillaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaw
(fal) ha xusuusan. Dh: hilmaam, illow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billaw
v. begin, start
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billaw
a: bilaab ~ bilaw ~ billow
de: begin, start
lx: billaw
pd: (billaabay)
ps: v1=
key: billaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillab
(Jillab-ka)
Nagaar yar oo aan qodax lahayn oo geelu daaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillab
m.l (botani) Geed nagaarka ka mid ah oo aan qodax lahayn oo geelu daaqo, weelasha caanahana lagu deebiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jillab
m.l (botani) Geed nagaarka ka mid ah oo aan qodax lahayn oo geelu daaqo, weelasha caanahana lagu deebiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillab
m. n. patch of good pasture for camels
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JILLAB
(Gilap) S, May Indigofera ruspolii Bak.F. Papilionaceae.
N Indigofera sparteola Chiov. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillab
-ka: (magac, lab, keli) nagaadh yar oo dhula kasoobaxa oo aan qodax lahayn oo geelu jecelyahay. Jillabkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimoo day.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillab
de: patch of good pasture for camels
lx: jillab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jillab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillad
(Jillad-ka)
Jallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillad
f.g1 (-day, -dday) la-mid: jelled.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillad
m. n. cover, covering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillad
a: jallaad
de: cover, covering
lx: jillad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jillad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillow
-da: (magac, dhedig, keli) qaybta adag ee maydhaxda. Jillow badan bay soo diiratay Aamina. Dh: mullaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caleensaar
(Caleensaar-ka)
Caleemo iyo ubax si gaar ah u tidcan oo qofka la boqra hayo madaxa loo geliyo; jillaw ama mayrax ku xirid; duubid; ubaxsaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayrax
m.dh (-xo, m.l) Isku jirka jillawda iyo mullaaxda. la-mid: maydhax¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mayrax
m.dh (-xo, m.l) Isku jirka jillawda iyo mullaaxda. la-mid: maydhax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhax
-da: (magac, dhedig, keli) jillaw jilicsan oo u dhaxaysa diirka iyo lafta laamaha geedaha oo inta la calaliyo ama la tumo xadhko iyo dufka kebdaha laga sameeyo. Hablihii maydhax bay soo diiranayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayrax
-da: (magac, dhedig, keli) jillaw jilicsan oo u dhaxaysa diirka iyo lafta laamaha geedaha oo inta la calaliyo ama la tumo xadhko iyo dufka kebdaha laga sameeyo. Hablihii mayrax bay soo diiranayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meyrax
-da: (magac, dhedig, keli) jillaw jilicsan oo u dhaxaysa diirka iyo lafta laamaha geedaha oo inta la calaliyo ama la tumo xadhko iyo dufka kebdaha laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
millaax
-da: (magac, dhedig, keli) xayuub jilicsan oo macaan oo u dhexeeya maydhaxda iyo qayracatada laanta xobkiskana ka sarreeya. Maydhaxda jillaw iyo millaax u kala saar. Dh: mullaax, mulli.
millaax -da: (magac, dhedig, keli) dhuub kasta co jilicsan. Hadal iyo dhammaantiiba muramamaha intaan goyno han u digo millaaxdiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mullaax
-da: (magac, dhedig, keli) xayuub jilicsan oo macaan oo u dhexeeya maydhaxda iyo qayacatada. Maydhaxda jillaw iyo mullaax u kala saar. Dh: mulaax, mulli.
mullaax -da: (magac, dhedig, keli) nuxurka iyo murti hoosaadka uu wax leeyahay. Hadal iyo dhammaantiiba muramamaha intaan gooyo han u digo mullaaxdiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaab
(Jillaab-ta)
Kalluunsiga iyo waxyaalaha ku saabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaab
jillaab¹: m.dh 1. Hab loo ugaarsado kalluun-ka. 2. Qalabka wax lagu dabto. 3. la-mid: jillaabid.
jillaab²: f.g1 (-bay, -btay) Kalluun dabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jillaab
jillaab¹: m.dh 1. Hab loo ugaarsado kalluunka. 2. Qalabka wax lagu dabto.
jillaab²: f.g1 (-bay, -btay) Kalluun dabid. m.f.dh, jillaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillaab
m. n. fish hook
jillaab v. fish, catch fish; bait a hook
jillaab vn, [collective] fishing, fishery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jillaab
-ta: (n) fishhook (fiishhuuk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaab
(fal) kalluun iyo wax la mid ah soo qabo adiga oo jilib adeegsanaya.
jillaab -ta: (magac, dhedig, keli) shabaagta kalluunka lagu ugaadhsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaad
jillaad¹: m.l la-mid: jallaad¹.
jillaad²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: jallaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg jallaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaaf
f.g1 (-fay, -ftay) la-mid: jallaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaaf
-ta: (magac, dhedig, keli) caleenta muuska ee jaadka lagu duubo. Jillaad badan ayaa uu jaadku ubaahan yahay. Wa: jillaafooyin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jillaal
Winter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillado
f.g3 (-atay, -adatay) la-mid: jallado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillado
(fal) haragga xalleefsan ee isha, dhanka hoose xagga sare soo mari.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jill
Chili
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaw
(Bilaw-ga)
Wax la fala hayo qaarkiisa ugu horreeya; unug; abuur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaw
v. begin, start
bilaw vl. n. beginning, start
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bilaw
name-m beginning, start. Lit: first born son, the elder (sometimes written as Billaw). Syn: Bilow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaw
-ga: (n) starting (istaarting); novice (noovas); beginning (bi gin ning) ~ bilow, billaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bilaw
magac loo baxsho wiilka curadka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaw
(fal) meel wax ka unkamo u samee; kow ka qaad oo hawl socodsii.
bilaw-ga: (magac, lab, keli) ambaqaadka u horreeya; gudagalidda hawsha ee u horreeya. Hawshu imika ayay bilaw tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilaw
-ga: (magac, lab, keli) xiiso loo qabo wax aad loo jecelyahay oo muddo laga maqnaado. Dh: hilow, xiiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idlaw
inch. v. finish, bring to completion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idlaw
(fal) dhammaw; madho; ibir noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idlaw
de: finish, bring to completion
lx: idlaw
pd: (idlaaday)
ps: v3a=inch
key: idlaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illa'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Wax hal il lahayn ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illa'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Wax hal il lahayn ah. m.f.dh, illa'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illa'
der. [adjective] squint-eyed; cross-eyed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illa'
de: squint-eyed; cross-eyed Lit: without eye
lx: illa'
pd: (illa'aa)
ps: adj-der
key: illa'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaa
Erey yaab ku jiro: Illaa Cali waa geesi! Haddaan soo ogaaday, ama, hor uma ogeyn in Cali geesi yahay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaa
e.d Eray yaab ku jiro. Tusaale: “Illaa Cali waa geesi!”. la-mid: illayn (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illaa
e.d Erey yaab ku jiro. Tusaale: Illaa Cali waa geesi! la-mid: illayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaa
inter. my!; oh!; wow!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaa
(xidhiidhiye) eeg ilaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaa
de: my!; oh!; wow! Word introducing a sentence and indicating surprise
lx: illaa
ps: intj
key: illaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kabo gashan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illan
(tilmaame) mid kabo gashan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illow
(Illow-ga)
Wax la ogaa oo la xusuusan waayo; garwaaqsiwaa; laabta ka bax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illow
illow¹: m.l Xasuus la'aanta loo yeesho wax hore loo yiqiin. la-mid: illowsho.
illow²: f.g1 (-laabay/-loobay, -lowday; - laawi/-loobi) Wax hore loo yiqiin xasuusan waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illow
illow¹: m.l Xasuus la'aanta loo yeesho wax hore loo yiqiin. la-mid: illowsho.
illow²: f.g1 (-laabay/-loobay, -lowday; -laawi/-loobi) Wax hore loo yiqiin xasuusan waayid. m.f.dh, illoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illow
inch. v. forget
illow: vl. n. forgetting, forgetfulness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illow
-illaabay / illowday: (v) forget (ferget) ~ illaaw, —illow -ga: (n) the act of forgetting
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Illow
Dimenticanza
Forgetfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illow
(fal) eeg illaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Islaw
ama Islow, magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo hogaamiye reer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
islaw
-ga: (magac, lab, keli) martabo dhaqameed la siiyo duqa beel ama qabiil Soomaaliyeed. Dh: boqor, islaam, wabar, duub, malaaq, caaqil, ugaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaw
jalaw¹: m.l Miraha digirta, yicibta iyo wixi lamida oo geedka ku qallalay.
jalaw²: f.mg1 (-way, -wday) Miro digir, loos iyo wixi lamida qallalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalaw
m.l Miraha digirta, yicibta iyo wixi lamida oo geedka ku qallalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaw
-ga: (magac, lab, keli) midhaha digirtu markay bislaadaan ee ay atahay in la guro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaa
m.l (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iyo wixi lamida. la-mid: jile.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilaa
m.l (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iyo wixi lamida. la-mid: jile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilaa
m. n. actor, movie star; imitator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilaa
-ga: (n) performer (perfoomar); actor (aktar) ~ jile, fanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaa
-ga: (magac, lab, keli) xubin kooxeed riwaayad masraxeed bandhiga oo metela; qof maadeeya ama majaajilleeya. Dh: majaajilayste. Li: daawade.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilaa
a: jile
de: actor, movie star; imitator
lx: jilaa
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: jilaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilan
Guri ama cid aan tiis ahayn, ku taxan oo la jooga oo wax la cuna; la jilo; jil la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo. m.f.dh, jilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilay
(Jilay-ga)
Dheri jabki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilay
m. n. plug, stopper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilay
(fal) wax buuxiyey oo afka mariyey ka yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilay
de: plug, stopper
lx: jilay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: jilay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jinaw
(Jinaw-ga)
1. Geed geedquwaaxa kamid ah oo caleemo dhanaan oo la cuno leh.
2. (caano) karuur; dhanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaw
m.l (-jinaw, m.dh) 1. Geedquwaax dheer oo cufan, caleen dhanaan oo la cuno leh. 2. J. ah: caano oo dhanaan noqday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jinaw
m.l (-jinaw, m.dh) 1. Geedquwaax dheer oo cufan, caleen dhanaan oo la cuno leh. 2. J. ah: caano oo dhanaan noqday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinaw
m. n., (mass n.): sour milk
jinaw m. n., [collective] plant species, with bitter edible leaves ~ foliage
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jinaw
name-f sour camel's milk; prospered. Syn: Jinnow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaw
-ga: (magac, lab, keli) caano dhannaanaaday Dh: karuur. Li: dhay.
jinaw-ga: (magac, lab, keli) geedquwaax dheer oo cufan, caleen dhanaan oo la cuno leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
villa
/vila/ (n) 1. guri-fillo ah, siiba dhir lugu qurxiyey 2. fillo duur-kutaal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
villa
s.f. - fiillo, guri jardiin leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
villa
villa, n.f. - cariish; guri yar; guri (dhul) iyo beer ubax leh siiba ka suuqa ka baxsan.