jillab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillab
(Jillab-ka)
Nagaar yar oo aan qodax lahayn oo geelu daaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillab
m.l (botani) Geed nagaarka ka mid ah oo aan qodax lahayn oo geelu daaqo, weelasha caanahana lagu deebiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillab
m. n. patch of good pasture for camels
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JILLAB
(Gilap) S, May Indigofera ruspolii Bak.F. Papilionaceae.
N Indigofera sparteola Chiov. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillab
-ka: (magac, lab, keli) nagaadh yar oo dhula kasoobaxa oo aan qodax lahayn oo geelu jecelyahay. Jillabkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimoo day.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillab
de: patch of good pasture for camels
lx: jillab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jillab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaab
(Jillaab-ta)
Kalluunsiga iyo waxyaalaha ku saabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaab
jillaab¹: m.dh 1. Hab loo ugaarsado kalluun-ka. 2. Qalabka wax lagu dabto. 3. la-mid: jillaabid.
jillaab²: f.g1 (-bay, -btay) Kalluun dabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jillaab
jillaab¹: m.dh 1. Hab loo ugaarsado kalluunka. 2. Qalabka wax lagu dabto.
jillaab²: f.g1 (-bay, -btay) Kalluun dabid. m.f.dh, jillaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillaab
m. n. fish hook
jillaab v. fish, catch fish; bait a hook
jillaab vn, [collective] fishing, fishery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jillaab
-ta: (n) fishhook (fiishhuuk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaab
(fal) kalluun iyo wax la mid ah soo qabo adiga oo jilib adeegsanaya.
jillaab -ta: (magac, dhedig, keli) shabaagta kalluunka lagu ugaadhsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaab
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyaabaha kaluunka lagu soo dabo ee jilibka la sudho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillad
(Jillad-ka)
Jallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillad
f.g1 (-day, -dday) la-mid: jelled.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillad
m. n. cover, covering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillad
a: jallaad
de: cover, covering
lx: jillad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jillad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaw
(Jillaw-da)
Mayraxda qolofta iyo mullaaxda u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaw
m.dh Mayraxda adag ee u dhexeysa qolofta iyo mullaaxda geedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillaw
f. n. inner bark of tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaw
(tilmaame) wax calalintiisu adag tahay. Dh: qallayl.
jillaw -ga: (magac, lab, keli) qolofta adag ee maydhaxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillaw
de: inner bark of tree
lx: jillaw
pd: (-da)
ps: n-f
key: jillaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilqab
m.l Dhul dihin oo aan dhirtiisa weli la jarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilqab
-ka: (magac, lab, keli) dhul dihin oo aan dhirtiisa weli la jarin ama la daaqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillabhadhis
-ta: (magacwadareed) dad bari hore jirey oo tafiir go'ay. Jillabhadhis xoolo ma dhaqda. Dh: duul-hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaabo
(Jillaaba-da)
Qof socona haya oo, si uu u kufo ama u turaanturroodo, lug loo dhigo; suuldaar; jallaafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaabo
jillaabo¹: m.dh la-mid: jillaabasho.
jillaabo²: f.g3 (-btay, -batay) Kalluun dabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jillaabo
f.g3 (-btay, -batay) Kalluun dabasho. m.f.dh, jillaabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillaabo
v. fish with a hook, go fishing
jillaabo vl. n. tripping someone up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaabo
(fal) kalluun iyo wax la mid ah soo qabso adiga oo jilib adeegsanaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billaab
v. begin, start
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billaab
a: bilaab ~ bilaw
de: begin, start
lx: billaab
pd: (billaabay)
ps: v1=
key: billaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hillaab
m.dh la-mid: hullaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hillaab
vl. n. hiding (behind), covering, concealing something with something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hillaab
-ka: (magac, lab, keli) huwasho aan duuduub ahayn oo garabka si fudud go'a looga dul rido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hillaab
cf: hullo
de: hiding (behind), covering, concealing s.t. with s.t.
lx: hillaab
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hillaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaad
jillaad¹: m.l la-mid: jallaad¹.
jillaad²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: jallaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg jallaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaaf
f.g1 (-fay, -ftay) la-mid: jallaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaaf
-ta: (magac, dhedig, keli) caleenta muuska ee jaadka lagu duubo. Jillaad badan ayaa uu jaadku ubaahan yahay. Wa: jillaafooyin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jillaal
Winter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillado
f.g3 (-atay, -adatay) la-mid: jallado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillado
(fal) haragga xalleefsan ee isha, dhanka hoose xagga sare soo mari.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sillaba
s.f. - alan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tillaab
f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: tallaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tillaab
(fal) meel ka gudub oo dhinaca kale tag: tallaab.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jill
Chili
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildab
-ka (magac, lab, keli) qof garta uu galayo eex ku dara oo dhinac u iisha. Ildab gar laguma aamino. Dh: eexde
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illa'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Wax hal il lahayn ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illa'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Wax hal il lahayn ah. m.f.dh, illa'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illa'
der. [adjective] squint-eyed; cross-eyed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illa'
de: squint-eyed; cross-eyed Lit: without eye
lx: illa'
pd: (illa'aa)
ps: adj-der
key: illa'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illaa
Erey yaab ku jiro: Illaa Cali waa geesi! Haddaan soo ogaaday, ama, hor uma ogeyn in Cali geesi yahay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illaa
e.d Eray yaab ku jiro. Tusaale: “Illaa Cali waa geesi!”. la-mid: illayn (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illaa
e.d Erey yaab ku jiro. Tusaale: Illaa Cali waa geesi! la-mid: illayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illaa
inter. my!; oh!; wow!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaa
(xidhiidhiye) eeg ilaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illaa
de: my!; oh!; wow! Word introducing a sentence and indicating surprise
lx: illaa
ps: intj
key: illaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kabo gashan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illan
(tilmaame) mid kabo gashan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illaw
(fal) ha xusuusan. Dh: hilmaam, illow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaa
m.l (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iyo wixi lamida. la-mid: jile.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilaa
m.l (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iyo wixi lamida. la-mid: jile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilaa
m. n. actor, movie star; imitator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilaa
-ga: (n) performer (perfoomar); actor (aktar) ~ jile, fanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaa
-ga: (magac, lab, keli) xubin kooxeed riwaayad masraxeed bandhiga oo metela; qof maadeeya ama majaajilleeya. Dh: majaajilayste. Li: daawade.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilaa
a: jile
de: actor, movie star; imitator
lx: jilaa
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: jilaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilan
Guri ama cid aan tiis ahayn, ku taxan oo la jooga oo wax la cuna; la jilo; jil la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo. m.f.dh, jilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilay
(Jilay-ga)
Dheri jabki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilay
m. n. plug, stopper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilay
(fal) wax buuxiyey oo afka mariyey ka yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilay
de: plug, stopper
lx: jilay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: jilay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilib
(Jilib-ka)
1. Bowdada iyo kubku halkay iska galaan oo xagasha u tusmaysan; low.
2. Qaybaha tolka ama qoladu u kala baxaan, middood.
3. Bir yar oo af qaroofan oo inta idaad lagu xiro oo lacaaf la geliyo, kalluunka lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilib
jilib¹: m.l 1. (-lbo, m.l) Meesha shanshada iyo bawdada dadku iska galaan. 2. Buur yar. 3. (byo, m.dh) Qayb ka mid ah qolooyin wada dhashay. 4. (-byo, m.dh) Bir yar oo caarad godan leh oo kalluunka lagu dabo; maqaalin. 5. J. u dhig: qof ama wax iska daaficid. 6. Jilbaha u dhig: qof ama wax iska dhicin.
jilib²: m.dh Dhul yar, bannaan oo degaan ku habboon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilib
m.l 1. (-lbo, m.l) Meesha shanshada iyo bawdada dadku iska galaan. 2. Buur yar. 3. (byo, m.dh) Qayb ka mid ah qolooyin wada dhashay. 4. (-byo, m.dh) Bir yar oo caarad godan leh oo kalluunka lagu dabo; maqaalin. 5. J. u dhig: qof ama wax iska daaficid. 6. Jilbaha u dhig: qof ama wax iska dhicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilib
m. n. knee
jilib m. n. section of a clan, sub-clan
jilib m. n. fish-hook
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilib
-ka: (n) [Pl. jilbo-ha] 1. knee (nii) ~ low -ga, ruug -ga. 2. subdivision of a tribe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilib
-ka: (magac, lab, keli) kubka iyo bawdadu halka ay iska galaan ee xagasha. Dh: law.
jilib -ka: (magac, lab, keli) qabiil laamaha uu u kala baxo mid xagga hoose ah. Dh: jufo, laf.
jilib-ta: (magac, dhedig, keli) bir yar oo afka soo qalloocda oo kalluunka lagu ugaadhsado ka dib kolka cad yar loo sudho. Dh: qabato.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
villa
/vila/ (n) 1. guri-fillo ah, siiba dhir lugu qurxiyey 2. fillo duur-kutaal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
villa
s.f. - fiillo, guri jardiin leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
villa
villa, n.f. - cariish; guri yar; guri (dhul) iyo beer ubax leh siiba ka suuqa ka baxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaab
v. start, begin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaab
-ay / bilowday: (v) start (is-taarf); begin an activity; initiate (inishi-yeeyt); commence (ko-meensi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilaab
de: start, begin
lx: bilaab
pd: (bilaabay)
ps: v1=
xe: Im going to start teaching English.
xv: billaab
key: bilaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Billaa
Armaa; saa; sow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billaa
fk. Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; laga yaabaa in; armaa. Tusaale: “Billuu keen?”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
billaa
fk. Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; laga yaabaa in; armaa. Tusaale: Billuu keen?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billaa
conj. supposing, what if
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
billaa
(falkaabe) erey la adeegsado kolka wax aan la hubin oo laga yaabo inuu dhaco ama dhacay laga hadlhayo. Billaa roob dhexda innagu helaa Dh: billaayoo, armaa, saa, sow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
billaa
cf: armaa, sow
de: supposing, what if
lx: billaa
ps: conj
key: billaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Billad
(Billad-da)
Cad yar oo fidsan oo ah dahab, lacag, ama wax kale oo astaan ama hadal ku kor qoran yihiin, oo ama arrin weyn oo dhacday lagu xuso ama abaalgud loo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
billad
m.dh (-do, m.l) Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iyo wixi lamida middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
billad
m.dh (-do, m.l) Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iyo wixi lamida middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
billad
f. n. medal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
billad
-da: (n) [Pl. billado-billadaha] medal (medhal)