jilibcesho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibcesho
(fal) gaafo oo addimmada dambe sin; habsami isu taag; nuugid iyo maalid candho u barrax. Dh: faadhumayso, gorofdood, jilibcelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilicso
f.g3 (-saday, -satay) Wax jileec ka dhigasho. la-mid: jilciso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibcarro
-da: (magac, dhedig, keli) magta ama qaanta la isku sheeganayo oo lagu bixiyo meesha lagu garramayo. Dh: magdharaareed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibcelis
-ka: (magac, lab, keli) jiliblaabis oo fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilicsasho
m.f.dh eeg jilicso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibdhigasho
m.f.dh eeg jilibdhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibasho
(Jibasha-da)
Cargaagtan; soo dhaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaybsasho ama saami qaadasho. Dh: qayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilciso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: jilicso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimicso
f.mg3 (-saday, -satay) Jimicsi samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jimicso
f.mg3 (-saday, -satay) Jimicsi samayn. m.f.dh, jimicsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimicso
v. stretch oneself; exercise, work out; perform gymnastics
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jimicso
jimicsaday / jimicsatay: (v) take exercise; stretch your body; perform physical exercise (eksar-saays)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimicso
(fal) jidhkaaga kala bixi oo jimicsi samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jimicso
de: stretch oneself; exercise, work out; perform gymnastics
lx: jimicso
nt: jimicsad (ka) [vn2-m], jimicsasho (/da) [vn6-f]
pd: (jimicsaday)
ps: v3a=
key: jimicso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milicso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax laabtu u bogtay eegistooda isha la raacid. 2. Wax degdeg u eegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milicso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax laabtu u bogtay eegistooda isha la raacid. 2. Wax deg-deg u eegid. m.f.dh, milicsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milicso
v. glance ~ take a look at something (with desire ~ affection); reflect, think upon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milicso
-milicsaday / milicsatay: (v) get a glimpse or glance at
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milicso
(fal) isha qac ku sii oo ha ka bogan. Milicso sawirka oo dhaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milicso
de: glance ~ take a look at s.t. (with desire ~ affection); reflect, think upon
lx: milicso
pd: (milicsaday)
ps: v3a=tr
key: milicso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibsasho
(Iibsasha-da)
Alaabta, kd., geddiska rogrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsasho
m.f.dh eeg iibso. la-mid: iibsad, iibsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibsasho
vl. n. act of buying, purchase (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibsasho
-iibsashada: (n) the act of purchasing (peer-jaaysingf buying (baaying) ~ gadasho, iibsi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibsasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaab ama xoolo suuq la keenay, lacag ama wax kale ku beddelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibsasho
de: act of buying, purchase (for oneself)
lx: iibsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: iibsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiidasho
(Jiidasha-da)
1. Docdiisa u jiidid.
2. Wax la tegid, iyadoo dhulka lagu jiida hayo.
3. Meel fog aadid, tegid.
4. Dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidasho
m.f.dh eeg jiido. la-mid: jiidad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale ku dhegid oo qabsasho.
jiidasho -da: (magac, dhedig, keli) xoogdanabeedka ama birlabeedka ka dhexdhaca labo walxood oo leh labo danab oo kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirasho
(Jiirasha-da)
(oogada nafleyda) xoog wax isaga keenid; docosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirasho
m.f.dh eeg jiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax iskaga keened. Dh: ducasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilicsan
1. Aan adkayn; la jilciyey.
2. Fudud; aan dhib badnayn.
3. Aad u buka; ba'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax aan adkayn ahaansho. 2. Nafley wax awood-diisa iyo xooggiisu isdhintay ahaansho. la-mid: jilacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax aan adkayn ahaansho. 2. Nafley wax awooddiisa iyo xooggiisu isdhintay ahaansho. m.f.dh, jilicsanaan. la-mid: jilacsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilicsan
der. [adjective] soft, flexible, tender, supple; easy; sick, weak with illness
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jilicsan
facile.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilicsan
-aa: (adj) 1. soft (sooft); delicate (dhalakeeyt); tender (tendhar). 2. easy (iizi); not difficulty. Ex: su'aal jilicsan; an easy question ~ fudud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilicsan
(tilmaame) shay nugul. Dh: adag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilicsan
bw: nugul
de: soft, flexible, tender, supple; easy; sick, weak with illness Opp: adag
lx: jilicsan
pd: (jilicsanaa)
ps: adj-der
syn: cabban
xv: jilacsan
key: jilicsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinbasho
m.f.dh eeg jinbo². la-mid: jinbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niibasho
(Niibasha-da)
(dhegaha niibasho) dhegaha aad u nabasho, orod badan oo lagu jiro, darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibasho
m.f.dh eeg niibo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheerayn oo orod isa sii dayn. Faras niibasho laguma gaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibasho
(Siibasha-da)
Wax siibmey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibasho
m.f.dh eeg siibo. la-mid: siibad¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
siibasho
sliding tackle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon la arkayn dhuumasho. Dh: fikasho, dusid, siibad.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) wax siibmay noqod, wax aad gacanta ku haysay oo si aanad filayn u dhaca.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) siibad; sinbiriiraxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsasho
m.f.dh eeg diibso. la-mid: diibsad, diibsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiifsasho
(Jiifsasha-da)
1. Dhinac dhigasho;
2. Seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiifsasho
m.f.dh eeg jiifso. la-mid: jiifsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiifsasho
-da: (magac, dhedig, keli) taagni ama fadhi ka dib, dhinaca dhulka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilaasho
f.mg3 (-shaday, -shatay) Waqti jiilaal ah gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiilaasho
v. enter the hot, dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaasho
(fal) dabayl jiilaal, soo dhac oo dhabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiilaasho
de: enter the hot, dry season
lx: jiilaasho
nt: jiilaashad (ka) [vn-m]
pd: (jiilaashaday)
ps: v3a=
key: jiilaasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiqsasho
(Jiiqsasha-da)
Xoog u sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiqsasho
m.f.dh eeg jiiqso. la-mid: jiiqsad, jiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibxidh
(fal) fal ama sixir oo raadqaad; baab naannaabiya oo dib u soo noqod dhaqso loo helo u jar. Dh: raadqaad, fal, sixir, jilibxir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sisibasho
(Sisibasha-da)
Sidbasho; salxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sisibasho
m.f.dh eeg sisibo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sisibasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidbasho; sulxasho; siibasho; fashilan ama siibtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calyacesho
(fal) wixii ad cuntay ee caloosha galay soo cesho oo raamso. Dh: calanaqso; calyocesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribsasho
m.f.dh eeg ciribso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciribsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cidhbaha kor u qaadid oo faraha ku joogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciirasho
m.f.dh eeg jiciiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidiimasho
(Jidiimasha-da)
Jidiinqallal ka dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiimasho
m.f.dh eeg jidiimo. la-mid: jidiimad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiimasho
-da: (magac, dhedig, keli) liqidda ama cunista wax cunaha la mariyo si loogu noolaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysasho
m.f.dh eeg jilayso. la-mid: jilaysad, jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jildisasho
m.f.dh eeg jildiso. la-mid: jaldisasho, jeldisasho, jaldiyasho, jeldiyasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jildiyasho
m.dh la-mid: jildisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibdhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) U j.: arrin si deggan uga baaraanndegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilibdhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) U j.: arrin si deggan uga baaraanndegid. m.f.dh, jilibdhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiljilasho
-da: (magac, dhedig, keli) oogada gilgilid uu bahaayinku jidhkiisa wixii dul saran kaga haatiyo; iska hurgufid qoy, habaas ama deris-kunool kale. Dh: jafasho, jijilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilladasho
m.dh la-mid: jalladasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilnaansho
m.l/dh la-mid: jilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimicsasho
(Jimicsasha-da)
1. Iskala bixin.
2. Jimicsi cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimicsasho
m.f.dh eeg jimicso. la-mid: jimicsad, jimicsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimicsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hab gaar ah oo loo dhaqdhaqaajiyo jidhka si caafimaadka loo ilaaliyo oo loo dhiso muruqyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jinbacasho
(Jinbacasha-da)
Dhinac ama dib u leexasho, isu soo laabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milicsasho
m.f.dh eeg milicso. la-mid: milicsad, milicsi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
milicsasho
-milicsashada: (n) glimpsing (gilimpsingy. glancing (ga-laansing) ~ jalleecid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milicsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eegmo kedis ah oo aan laga bogan isha la helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silifsasho
m.f.dh eeg silifso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siliqsasho
m.dh eeg siliqso. la-mid: siliqsad, siliqsi, siniqsad, siniqsasho, siniqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miliilicasho
m.f.dh eeg miliilico.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiliqsasho
m.dh la-mid: dhillisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebasho
m.f.dh eeg jalbeebo. la-mid: jalbeebad, jalbeebsad, jaalbeebsasho, jalbeebsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeebasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal hufan ku haasaawid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecasho
-da: (magac, dhedig, kali) dadbidda wejigaaga adigoo wax fiirinaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaabasho
m.f.dh eeg jillaabo². la-mid: jillaabad, jillaabo¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadasho
m.dh la-mid: jallaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimleysasho
m.f.dh eeg jimleyso. la-mid: jamleysad, jamleysasho, jamleysi, jim-leysad, jimle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqsasho
m.f.dh eeg jirriqso. la-mid: jirriqsad, jirriqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihiibsasho
m.f.dh eeg mihiibso. la-mid: mahiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milliqsasho
m.f.dh eeg milliqso. la-mid: milliqsad, milliqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milliqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka iyo faruuryaha leefleefid oo cunto kuu muugata u haliilid. Dh: malabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajabsasho
m.f.dh eeg jilbajabso. la-mid: jilbajabsad, jilbajabsi.