jilays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilays
(Jilays-ka)
Jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilays
m.l la-mid: jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysi
m.l la-mid: jilaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaysi
-ga: (magac, lab, keli) gargaar iyo gacan, cid kale ka helis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayso
f.g3 (-stay, -satay) Wadaan biyo ka buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilays
(Ilays-ka)
Waxa aan la'aantiis wax la arki karin; if; iftiin; kaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilays
m.l (-syo, m.dh) Iftiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilays
m.l (-syo, m.dh) Iftiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ilays
Light
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilays
m. n., [collective] faint ~ dim light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilays
-ka: (n) light (laayt) ~ iftiin, if
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilays
-ka: (magac, lab, keli) iftiin; nuur. Iilku waa aqal aan ilays lahayn. Dh: nal, tiriig, laydh, kaah.
ilays -ka: (magac, lab, keli) hirar birlabdanab oo hirbaacyo u gooniya leh, ishuna arki karto oo ka kooban midabada oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilays
cf: if, nuur
de: faint ~ dim light
lx: ilays
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: ilays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilay
(Jilay-ga)
Dheri jabki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilay
m. n. plug, stopper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilay
(fal) wax buuxiyey oo afka mariyey ka yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilay
de: plug, stopper
lx: jilay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: jilay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihays
m.l la-mid: jahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaye
-a: (magac, lab, kali) wixii nugul ee aan adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilayn
(Jilayn-ta)
1. Jil u yeelid, ku marid.
2. (wadaan, kd.) afka marin; aad u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayn
m.f.dh eeg jilee. la-mid: jilays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilayn
vl. n. filling to the brim
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilayn
a: jilays (ka) [vn-m]
de: filling to the brim
lx: jilayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: jilee
key: jilayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milays
-ka: (magac, lab, keli) eeg milayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buux
(Buux-a)
(weel, kd.) intuu qaadi karey lagu wada shubay ahaansho; jilays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxa
(weel, kd.) intuu qaadi karey sida; muggi aan wax ka maqnayn; afka haya; afka jooga; jilaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaf
(Gaaf-ka)
1. Meel la hagaajiyey oo la qurxiyey oo arooska loo sameeyo oo lagu sameeyo caweys, cunno, dheelaas, cayaaro, kd.
2. Dhis kala durugsan; hadoodil.
3. Kol, kal, toogo, moog; jilays.
4. Hareer; dibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafeysi
(Gaafeysi-ga)
Wadaag, qaarba kol wax qabto; toogaysi; kaltan; jilaysi; moogtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafootamid
(Gaafootamid-da)
Gaafeysi; kaltamid; toogaysi; jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafootan
(Gaafootan-ka)
Wadaag qaarba kol wax qabto; gaafeysi; kaltan; jilays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilaysmid
(Jilaysmid-da)
(wadaan, kd.) aad u buuxsamid; buuxdhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaltan
(Kaltan-ka)
Moogtan; jilaysi; meertaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meertaysasho
(Meertaysasha-da)
Si meerto ah wax u wadaagid, u qaybsasho; kaltamid; jilaysi; moogtan; miilaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meerto
(Meerta-da)
Si wareegto ah oo wax loo qaybsado; wadaag; kaltan; moogtan; jilays; miile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogtamid
(Moogtamid-da)
Kaltamid; meertaysi; jilaysi; miilaysi; fillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toogaysi
(Toogaysi-ga)
Kaltan; moogtan; jilaysi; meertaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buux
buux¹: m.l 1. B. ah: wax jilaysan. 2. la-mid: buuxid.
buux²: f.mg1 (-xay, -xday) Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysasho
m.f.dh eeg jilayso. la-mid: jilaysad, jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysmid
m.f.dh eeg jilaysan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysnaan
m.f.dh eeg jilaysan². la-mid: jilaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysad
m.l la-mid: jilaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilaysan
(wadaan, kd.) afka joogta; aad u buuxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysan
jilaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wadaan wax aad u buuxa noqosho.
jilaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wadaan iyo wixi lamida wax aad u buuxa ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilaysan
der. [adjective] filled up, full to the brim
jilaysan [inchoative] v. get filled up, become brim full
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqlays
m.l la-mid: biqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlays
-ka: (magac, lab, keli) biqlo samayn oo boodboodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bislays
m.l la-mid: bislayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislays
-ka: (magac, lab, keli) wax bislayn. Bislays dheriga oo ku dhow buu dabku ka bakhtiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cidlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filaysi
(Filaysi-ga)
Filaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filaysi
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg filaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: facayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filayso
v. consider someone as equal ~ a member of one's peer-group
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filayso
(fal) fil iskala dhig; cid kale isla sin oo facayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filayso
de: consider s.o. as equal ~ a member of one's peer-group
lx: filayso
pd: (filaystay)
ps: v3b=
key: filayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqlays
m.l la-mid: hiqhiqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihaysi
m.l la-mid: jahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jihaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg jihaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: jahayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimleys
m.l la-mid: jimleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilays
-ka: (magac, lab, keli) marka neefku gaaddabalaxoobo ee uu ciyilo. Dh: ciyil, naaxid. Li: caato, wayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiflays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tiflayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilgays
-ka: (magac, lab, keli) eeg wilgayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilay
(fal) cid kale, isha ku mud; cid kale, ku legad isha. Dh: cawri, dhabo, ilee.
ilay: (fal) iftiin u yeel; mugdiga ka saar. Dh: ifi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lays
pron., pro: someone ... him
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lays
-ka: (magac, lab, keli) eeg layn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lays
de: someone ... him = la + is
lx: lays
ps: pro + pro
key: lays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilay
(Hilay-ga)
1. Raro ama gogol duug ah (abjed, cajil, hilif, milif, kd.) mid kamid ah.
2. Minka timirta ah, galkiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilay
m.l 1. Xarig weel lagu hilo. 2. (-yo, m.dh) Derin yar oo duug ah. 3. (-yo, m.dh) Callaal caw ka samaysan oo timirta lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilay
m. n. old worn-out mat; basket ~ wrapping for dates
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilay
-ga: (magac, lab, keli) raro ama gogol duug ah mid ka mid ah. Awrka waxa lagu rareereyey hilay duug ah. Dh: raro, abjed, cajil, hilif, milif.
hilay-ga: (magac, lab, keli) minka timirta ah, galkiisa.
hilay-ga: (magac, keli) xadhkaha wax lagu xidho oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilay
de: old worn-out mat; basket ~ wrapping for dates
lx: hilay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: hilay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilayn
(Ilayn-ta)
1. Il ama siriq samayn, waxayn; siriq ku roorin.
2. (senen) Dhugasho wax ku yeelid; dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilayn
m.f.dh eeg ilee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cawryid; eegmo cid lagu dhabateeyo. Dh: dhabasho.
ilayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel madow oo aan nal lahayn, iftiimin. Dh: nalayn, siraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaa
m.l (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iyo wixi lamida. la-mid: jile.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilaa
m.l (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iyo wixi lamida. la-mid: jile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilaa
m. n. actor, movie star; imitator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilaa
-ga: (n) performer (perfoomar); actor (aktar) ~ jile, fanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaa
-ga: (magac, lab, keli) xubin kooxeed riwaayad masraxeed bandhiga oo metela; qof maadeeya ama majaajilleeya. Dh: majaajilayste. Li: daawade.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilaa
a: jile
de: actor, movie star; imitator
lx: jilaa
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: jilaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilan
Guri ama cid aan tiis ahayn, ku taxan oo la jooga oo wax la cuna; la jilo; jil la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo. m.f.dh, jilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milay
(Milay-ga)
Xilli; waqti; goor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milay
m.l (-yo, m.dh) 1. Xilli roob da'o. 2. Goor, ammin. la-mid: melay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milay
m.l (-yo, m.dh) 1. Xilli roob da'o. 2. Goor, ammin. la-mid: melay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milay
m. n. time, occasion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milay
-ga: (magac, lab, keli) xilli, ammin; waqti. Dh: xilli, goor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milay
de: time, occasion
lx: milay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: milay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulays
m.l la-mid: ulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulays
-ka: (magac, lab, keli) ul ku garaacis; ul la dhicis. Ulayska ayuu wax ku maqlaa qofkii madax adagi. Dh: dhengedays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilay
(fal) cid masuuliyad saar. Wiillka maamulka reerka u xilay. Dh: u xilsaar. Li: xilwareeji.
xilay: (fal) xilo samayso; reer dhis oo guurso. Xilay oo doobnimada ka bax. Dh: xiloodi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belays
-ka: (magac, lab, keli) belo iyo baas u keenis. Dh: balays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bigays
m.l 1. Shaah aan caano lahayn; rinji. 2. la-mid: bigayn.