jilay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilay
(Jilay-ga)
Dheri jabki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilay
m.l (-yo, m.dh) Dheri jajabay jabkiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilay
m. n. plug, stopper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilay
(fal) wax buuxiyey oo afka mariyey ka yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilay
de: plug, stopper
lx: jilay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: jilay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaye
-a: (magac, lab, kali) wixii nugul ee aan adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilayn
(Jilayn-ta)
1. Jil u yeelid, ku marid.
2. (wadaan, kd.) afka marin; aad u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayn
m.f.dh eeg jilee. la-mid: jilays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilayn
vl. n. filling to the brim
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilayn
a: jilays (ka) [vn-m]
de: filling to the brim
lx: jilayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: jilee
key: jilayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilays
(Jilays-ka)
Jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilays
m.l la-mid: jilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilay
(fal) cid kale, isha ku mud; cid kale, ku legad isha. Dh: cawri, dhabo, ilee.
ilay: (fal) iftiin u yeel; mugdiga ka saar. Dh: ifi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilay
(Hilay-ga)
1. Raro ama gogol duug ah (abjed, cajil, hilif, milif, kd.) mid kamid ah.
2. Minka timirta ah, galkiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilay
m.l 1. Xarig weel lagu hilo. 2. (-yo, m.dh) Derin yar oo duug ah. 3. (-yo, m.dh) Callaal caw ka samaysan oo timirta lagu rito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilay
m. n. old worn-out mat; basket ~ wrapping for dates
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilay
-ga: (magac, lab, keli) raro ama gogol duug ah mid ka mid ah. Awrka waxa lagu rareereyey hilay duug ah. Dh: raro, abjed, cajil, hilif, milif.
hilay-ga: (magac, lab, keli) minka timirta ah, galkiisa.
hilay-ga: (magac, keli) xadhkaha wax lagu xidho oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilay
de: old worn-out mat; basket ~ wrapping for dates
lx: hilay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: hilay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaa
m.l (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iyo wixi lamida. la-mid: jile.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilaa
m.l (riw.) Qof metela ruwaayadaha, filimada iyo wixi lamida. la-mid: jile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilaa
m. n. actor, movie star; imitator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilaa
-ga: (n) performer (perfoomar); actor (aktar) ~ jile, fanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaa
-ga: (magac, lab, keli) xubin kooxeed riwaayad masraxeed bandhiga oo metela; qof maadeeya ama majaajilleeya. Dh: majaajilayste. Li: daawade.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilaa
a: jile
de: actor, movie star; imitator
lx: jilaa
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: jilaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilan
Guri ama cid aan tiis ahayn, ku taxan oo la jooga oo wax la cuna; la jilo; jil la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo. m.f.dh, jilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Milay
(Milay-ga)
Xilli; waqti; goor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milay
m.l (-yo, m.dh) 1. Xilli roob da'o. 2. Goor, ammin. la-mid: melay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milay
m.l (-yo, m.dh) 1. Xilli roob da'o. 2. Goor, ammin. la-mid: melay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
milay
m. n. time, occasion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milay
-ga: (magac, lab, keli) xilli, ammin; waqti. Dh: xilli, goor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
milay
de: time, occasion
lx: milay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: milay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilay
(fal) cid masuuliyad saar. Wiillka maamulka reerka u xilay. Dh: u xilsaar. Li: xilwareeji.
xilay: (fal) xilo samayso; reer dhis oo guurso. Xilay oo doobnimada ka bax. Dh: xiloodi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buux
(Buux-a)
(weel, kd.) intuu qaadi karey lagu wada shubay ahaansho; jilays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxa
(weel, kd.) intuu qaadi karey sida; muggi aan wax ka maqnayn; afka haya; afka jooga; jilaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doojin
(Doojin-ta)
1. (xoolo, kd.) meel doogatey ama kolkaasba roob hayo, degdeg ugu kaxayn oo u gaarsiin; doogdhaw.
2. (wadaan, kd.) Biyo ka buuxin; jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaf
(Gaaf-ka)
1. Meel la hagaajiyey oo la qurxiyey oo arooska loo sameeyo oo lagu sameeyo caweys, cunno, dheelaas, cayaaro, kd.
2. Dhis kala durugsan; hadoodil.
3. Kol, kal, toogo, moog; jilays.
4. Hareer; dibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafeysi
(Gaafeysi-ga)
Wadaag, qaarba kol wax qabto; toogaysi; kaltan; jilaysi; moogtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafootamid
(Gaafootamid-da)
Gaafeysi; kaltamid; toogaysi; jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafootan
(Gaafootan-ka)
Wadaag qaarba kol wax qabto; gaafeysi; kaltan; jilays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilaysmid
(Jilaysmid-da)
(wadaan, kd.) aad u buuxsamid; buuxdhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaltan
(Kaltan-ka)
Moogtan; jilaysi; meertaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meertaysasho
(Meertaysasha-da)
Si meerto ah wax u wadaagid, u qaybsasho; kaltamid; jilaysi; moogtan; miilaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meerto
(Meerta-da)
Si wareegto ah oo wax loo qaybsado; wadaag; kaltan; moogtan; jilays; miile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogtamid
(Moogtamid-da)
Kaltamid; meertaysi; jilaysi; miilaysi; fillan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toogaysi
(Toogaysi-ga)
Kaltan; moogtan; jilaysi; meertaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buux
buux¹: m.l 1. B. ah: wax jilaysan. 2. la-mid: buuxid.
buux²: f.mg1 (-xay, -xday) Wax muggiisa ama qaadkiisu ku jiraan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysi
m.l la-mid: jilaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaysi
-ga: (magac, lab, keli) gargaar iyo gacan, cid kale ka helis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayso
f.g3 (-stay, -satay) Wadaan biyo ka buuxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqlay
(fal) gammaan, labada lugood ee danbe, wax ku harraati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bislay
(fal) wax bissil ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlay
(fal) meel aan cidi joogin ka dhig; meel aan wehel joogin ka dhig. Dh: bannee. Li: cammir, buuxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaalay
(ereydhawaaq) riyaha loogu yeedho oo la macne ah 'kaalay'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalayn
m.dh la-mid: jalaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fal la waafajiyo sharciga oo la banneeyo samayntiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhay
-ga: (magac, lab, keli) meel awdan oo dhir leh. Dh: xas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof xun, meel ama cid looga ergoodo. Dh: beegid, aanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihayn
m.dh la-mid: jahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jihayn
vl. n. direction, directing, sending to ~ towards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jihayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka xaqa ah u tilmaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jihayn
a: jiheyn
de: direction, directing, sending to ~ towards
lx: jihayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: jihayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihays
m.l la-mid: jahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiimay
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar magaceedu ka yimid 'Jimcaha' oo ah maalinta ay Muslimiintu ka nastaan shaqada oo waayadii hore la ciyaari jiray jimcayaasha oo keliya, hase yeeshee, imika la ciyaaro xilliyada farxadda sida iidaha iyo aroosyada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilaab
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyaabaha kaluunka lagu soo dabo ee jilibka la sudho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jilani
name-m land with hard soil; lit: he who was born in a land with hard soil. Cf: Dhooddi, Jeylaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilbad
(Jilbad-da)
Qoolka dumarku surka ku xirtaan, jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbad
m.dh (-do, m.l) Siyaakhad qalin ka samaysan oo haweenku qoorta ku xirtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilbad
f. n. necklace made of silver
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbad
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaabaha ay dumarku qoorta ku xidhaan mid ka mid ah oo qool u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilbad
bw: Arabic
de: necklace made of silver
lx: jilbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: jilbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilcan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la jilciyey ahaansho. 2. Wax jileec ka muuqdo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilcan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la jilciyey ahaansho. 2. Wax jileec ka muuqdo ahaansho. m.f.dh, jilcanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilfax
-da: (n) gnarled (nooldh) or roughened surface ~ toxob, jilif. Ex: laan jilfax leh; gnarled branches. Ex: gacmaha najaarka ee jilfaxda leh; the gnarled hands of the carpenter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillab
(Jillab-ka)
Nagaar yar oo aan qodax lahayn oo geelu daaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillab
m.l (botani) Geed nagaarka ka mid ah oo aan qodax lahayn oo geelu daaqo, weelasha caanahana lagu deebiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jillab
m.l (botani) Geed nagaarka ka mid ah oo aan qodax lahayn oo geelu daaqo, weelasha caanahana lagu deebiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillab
m. n. patch of good pasture for camels
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JILLAB
(Gilap) S, May Indigofera ruspolii Bak.F. Papilionaceae.
N Indigofera sparteola Chiov. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillab
-ka: (magac, lab, keli) nagaadh yar oo dhula kasoobaxa oo aan qodax lahayn oo geelu jecelyahay. Jillabkii xadhaadhaa ninkaan ugu xajiimoo day.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillab
de: patch of good pasture for camels
lx: jillab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jillab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillad
(Jillad-ka)
Jallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillad
f.g1 (-day, -dday) la-mid: jelled.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillad
m. n. cover, covering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillad
a: jallaad
de: cover, covering
lx: jillad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jillad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaw
(Jillaw-da)
Mayraxda qolofta iyo mullaaxda u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaw
m.dh Mayraxda adag ee u dhexeysa qolofta iyo mullaaxda geedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jillaw
f. n. inner bark of tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaw
(tilmaame) wax calalintiisu adag tahay. Dh: qallayl.
jillaw -ga: (magac, lab, keli) qolofta adag ee maydhaxda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jillaw
de: inner bark of tree
lx: jillaw
pd: (-da)
ps: n-f
key: jillaw
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilqab
m.l Dhul dihin oo aan dhirtiisa weli la jarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilqab
-ka: (magac, lab, keli) dhul dihin oo aan dhirtiisa weli la jarin ama la daaqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimayn
(Jimayn-ta)
Isu foodin; simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimayn
m.f.dh eeg jimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) isbarbardhigga qiimaha ay leeyihiin labo wax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimlad
m.dh la-mid: jimlo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimlad
f. n. addition, sum; wholesale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jimlad
-da: (n) wholesale (hool-seel) ~ jimlo, jumlo