jiilaashad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiilaashad
(Jiilaashad-ka)
Xilli kulul oo aan roob lahayn gelid; abaarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilaashad
m.f.dh eeg jiilaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaashad
-ka: (magac, lab, keli) dabaysha jiilaalka, soo dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiilaashi
(Jiilaashi-ga)
Dabaylaha diraacda ama jiilaalka; (ama jiilaashin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilaashi
m.l.u la-mid: jiilaashin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiilaashi
m. n., [collective] hot summer wind (during the dry season)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaashi
-ga: (magac, lab, keli) dabayl jiilaal, soo dhabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiilaashi
de: hot summer wind (during the dry season)
lx: jiilaashi
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: jiilaashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilaasho
f.mg3 (-shaday, -shatay) Waqti jiilaal ah gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiilaasho
v. enter the hot, dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaasho
(fal) dabayl jiilaal, soo dhac oo dhabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiilaasho
de: enter the hot, dry season
lx: jiilaasho
nt: jiilaashad (ka) [vn-m]
pd: (jiilaashaday)
ps: v3a=
key: jiilaasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilaashin
m.l Dabayl dhacda waqtiga jiilaalka ah. la-mid: jiilaashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilaysad
m.l la-mid: jilaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskaashad
(Iskaashad-ka)
Wax wada qabsad; is teegaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskaashad
vl. n. cooperation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskaashad
-ka: (n) collaboration; cooperation; teamwork; joint effort ~ iskaashi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Iskaashad
Co-operazione
Co-operation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskaashad
a: iskaashi
de: cooperation rw: is + kaal
lx: iskaashad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: iskaashad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaabad
m.l la-mid: jillaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadad
m.l la-mid: jallaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaashad
m.f.l eeg dallaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaalshi
-ga: (magac, lab, keli) dabaylaha diraacda ama jilaalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaalsho
(fal) wax aad sugaysay raagso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashad
m.f.l eeg baasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashad
-da: (magac, dhedig, keli) waraaq labadeeda dhan. Dh: bayaad, waraaq.
baashad -ka: (magac, lab, keli) dilka cadawga darajo ku doonid; baal ku gashad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biishad
m.dh (-do, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min shan dhibcood ku leh. la-mid: banjiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaash
(Bilaash-ka)
1. Aan lacag iyo wax kale midna ku fadhiyin oo gadasho la'aan lagu hela hayo.
2. Wax xumaaday; aan qiime lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaash
m.l 1. Wax aan waxtar la ahayn. 2. Wax shuruud la'aan ama lacag la'aan lagu helo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bilaash
m.l 1. Wax aan waxtar la ahayn. 2. Wax shuruud la'aan ama lacag la'aan lagu helo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaash
m. n., [collective] (adj.): valueless ~ ruined item; free of charge, gratis, extra; worthless, bad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaash
(adj) free (firii); free of charge ~ aan lacag ahayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaash
-ka: (magac, lab, keli) wax aan lacag ahayn oo beddel la'aan la isku siiyo. Bilaash laguma helo wadaadoow waxaan, cidi ku hawshoone.
bilaash-ka: (magac, lab, keli) wax khaayisay ama xumaaday oo aan qiimo lahayn. Jaadkii shalay oo bilaash ah buu helay. Dh: badhayo, baryood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilaash
bw: Arabic
de: valueless ~ ruined item; [atr.] free of charge, gratis, extra; worthless, bad
lx: bilaash
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: bilaash
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bilaash
مَجانِي، بلا مقابل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faashad
faashad¹: m.dh (-do, m.l) Gabal dhar oo cad oo lagu duubo meelaha dhaawacan ee jirka.
faashad²: m.f.dh eeg faasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faashad
m.dh (-do, m.l) Gabal dhar oo cad oo lagu duubo meelaha dhaawacan ee jirka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faashad
-da: (n) bandage (baan-dheeyj); gauze (gooz); pad (paadh) ~ gaarso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faashad
-da: (magac, dhedig, keli) maro meesha jidhka dhaawacanta lagu duubo oo daawada u haysa. Faashad cusub ha lagu xidho boogta.
faashad -da: (magac, dhedig, keli) khad sara jooga oo kolka dhisme la talbiisayo lagu calaamadsado si talbiistu iskugu sinnaato. Wa: faashado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilasho
(Iilasha-da)
Doc u dheelliyid; liicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilasho
m.f.dh eeg iilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ama hagardaamo. Dh: guuldarro. Li: guul.
iilasho-da: (magac, dhedig, keli) waddadii dhabta ahayd, ka baydhid; xaqa weydaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaaqad
(Ilaaqad-da)
Dalool yar; dul; ilaaqeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaaqad
m.dh (-do, m.l) Dalool yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilaaqad
f. n. small hole; prick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqad
-da: (magac, dhedig, keli) dalool aad u yar sida kan ibta naaska. Dh: ib, il.
ilaaqad -da: (magac, dhedig, keli) weel badeecad lagu xidhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilaaqad
cf: dalool; dul, ib, irbad
de: small hole; prick
lx: ilaaqad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: ilaaqad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaasho
(fal) wax aad leedahay, lumitaanka iyo baylahda ka ilaali. Dh: dhawro, xannaanayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiifsad
(Jiifsad-ka)
Jiifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiifsad
m.l la-mid: jiifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiifsad
-ka: (magac, lab, keli) adiga oo taagnaa ama fadhiyay, dhinaca dhulka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiilaal
(Jiilaal-ka)
1. Afarta nur oo sanada, labada engegan oo aan roobka lahayn, (xagaaga iyo diraacda); xilli kastoo aan roob iyo barwaaqo lahayn.
2. Afarta nur mid kamid ah, oo u dhexeeya dayrta iyo guga; diraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiilaal
jiilaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Afarta xilli mid ka mid ah, oo u dhexeeya dayrta iyo gu'ga; diraac. 2. Xilli kastoo aan roob iyo barwaaqo lahayn (siiba diraacda iyo xagaaga).
jiilaal²: m.l (-llo, m.dh) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa xilliga ku xiga dayrta, cilmiga gibilka wuxuu ku dhammaadaa kubbad-badhka waqooyi min hornaqa jiilaalka (ilaa 22 disembar) ilaa caanomaallada isle'eg ee gu'ga (ilaa 21 maarso).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiilaal
jiilaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Afarta xilli mid ka mid ah, oo u dhexeeya dayrta iyo gu'ga; diraac. 2. Xilli kastoo aan roob iyo barwaaqo lahayn (siiba diraacda iyo xagaaga).
jiilaal²: m.l (-llo, m.dh) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa xilliga ku xiga dayrta, cilmiga gibilka wuxuu ku dhammaadaa kubbad-badhka waqooyi min hornaqa jiilaalka (ilaa 22 disembar) ilaa caanomaallada isle'eg ee gu'ga (ilaa 21 maarso).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Jiilaal
m. n. summer, main dry season [peak of the hot weather.]
Jiilaal m. n. winter, cool dry season
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jiilaal
name-m winter; cool dry season (born during that season)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Jiilaal
-ka: (n) drought season; winter (wintar) ~ jiidaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jiilaal
magac loo baxsho wiil dhashay waqti wacdi ah oo jiilaal ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaal
-ka: (magac, lab, kali) xilli qaboobe ah oo ka mid ah xilliyad sanadka ee adag: waa xiliga ay dhirtu engegto ee balliyadu na gudhaan. Jiilaal gardaadsay dhulkoo gubad abaaroobay. Li: gu'.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jiilaal
شَتَاء، فَصَلُ الشَّتَاءِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiqsad
(Jiiqsad-ka)
Jiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiqsad
m.l la-mid: jiiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiqsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kaa itaal yar, u xoogsheego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaybsasho ama saami qaadasho. Dh: qayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaad
jillaad¹: m.l la-mid: jallaad¹.
jillaad²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: jallaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg jallaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaashad
m.f.l eeg kaasho. la-mid: kaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaashad
-ka: (magac, lab, keli) cid ama wax kale, taageersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiishad
(Kiishad-da)
Suun la xirto oo jeeb lacagta lagu rito leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiishad
m.dh (-do, m.l) Suun la xirto oo leh jeeb ama laba oo lacagta iyo wixi lamida lagu rito. la-mid: kiisad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiishad
f. n. money-belt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiishad
-da: (n) belt (beelt), especially worn by nomadic men
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiishad
-da: (magac, dhedig, keli) suun la xirto oo jeeb lacagta lagu rito leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiishad
de: money-belt
lx: kiishad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kiishad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riishad
(Riishad-da)
Bir yar oo godan oo buntukha ku taal oo kolkii la qabto, xabbaddu dhacdo; keeb; fargad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riishad
m.dh (-do, m.l) Bir yar, qoolaaban oo buntuqa xaggiisa hoose ku samaysan oo dib farta loogu riixo marka buntuqa xabbad laga ridayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riishad
m.dh (-do, m.l) Bir yar, qoolaaban oo buntuqa xaggiisa hoose ku samaysan oo dib farta loogu riixo marka buntuqa xabbad laga ridayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riishad
f. n. trigger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riishad
-da: (n) trigger (tirig-ger); trigger of firearm ~ keeb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riishad
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo buntukha ku taal oo marka la riixo xabbadu dhacdo; amaanka rasaasta bunduqa laga rido. Dh: keeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riishad
bw: Arabic
de: trigger
lx: riishad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: fargad, keeb
key: riishad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilasho
m.f.dh eeg biilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto siisasho. Biilashada reerkii sii baa lagu kari waayey. Dh: masruufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calashad
m.l la-mid: calalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calashad
-ka: (magac, lab, keli) wax afka galin oo ilkaha ku cadcadaadin oo jilcin. Dh: calalshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilaaqad
m.dh la-mid: calaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaashad
(Dhaashad-ka)
Dhaashi ismarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaashad
m.f.l eeg dhaasho. la-mid: dhaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashad
-ka: (magac, lab, keli) sudag si fiican u marsasho oo barwaaqo in la joogo ka markhaati kicid. Dh: subkad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilasho
m.f.dh eeg diilo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diraasad
-da: (n) research (rii-seerj); investigation (investageey-shin); inspection (inispek-shin) ~ daraasad, baaritaan, baaris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, fil iyo fac la mid ah ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gisaasad
-da: (magac, dhedig, keli) muraayadda faynuuska ee dibaaradda dabaysha ka ilaalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idlaasho
m.dh la-mid: idlaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilfashaq
(Ilfashaq-a)
1. Xishood; xil; yaxyax.
2. Waxa aragtidooda ishu kahato oo laga xishoodo; ilinnacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilfashaq
ilfashaq¹: m.l.kh Xishood, xil, yax-yax.
ilfashaq²: f.mg1 (-qay, -qday) Wax sameyntooda ka khajalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilfashaq
m. n. shame, embarrassment; shyness, reserve
ilfashaq: [inchoative] v. be shy, get embarrassed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilfashaq
-a: (magac, lab, keli) wax aan fiicnayn oo laga yaqyaqsoodo; wax isha iyo uurkaba laga naco. Dh: qashin, ishiish, ushuush.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalafsad
m.l la-mid: jalafsasho.