jihasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihasho
m.dh la-mid: jahasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dihasho
m.f.dh eeg diho. la-mid: dahasho, dohasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dihasho
-da: (magac, dhedig, keli) jibaadka, taaha iyo ducashada marka wax la dhalayo. Dihashada xanuunka leh, durba may illoobeen, duulkaan la noolahay. Dh: ducasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahasho
(Jahasha-da)
Meel aadid; doc qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahasho
m.f.dh eeg jaho. la-mid: jahad, jihad, jihashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka loo dhaqaaqaayo dhinac dan laga leeyahey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibasho
(Jibasha-da)
Cargaagtan; soo dhaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jigasho
m.f.dh eeg jigo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaybsasho ama saami qaadasho. Dh: qayb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) fal ay dibidu sameeyaan oo geedaha ay isku xamaaraan ama geesaha dhulka ku qodaan kolka ay cartamayaan. Dibi dibi u cartamaysaayi fidhasho ma daayo. Dh: xaamxaamasho, firasho.
fidhasho-da: (magac, dhedig, keli) timo feedhasho. Dh: firasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiidasho
(Jiidasha-da)
1. Docdiisa u jiidid.
2. Wax la tegid, iyadoo dhulka lagu jiida hayo.
3. Meel fog aadid, tegid.
4. Dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidasho
m.f.dh eeg jiido. la-mid: jiidad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale ku dhegid oo qabsasho.
jiidasho -da: (magac, dhedig, keli) xoogdanabeedka ama birlabeedka ka dhexdhaca labo walxood oo leh labo danab oo kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirasho
(Jiirasha-da)
(oogada nafleyda) xoog wax isaga keenid; docosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirasho
m.f.dh eeg jiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax iskaga keened. Dh: ducasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinbasho
m.f.dh eeg jinbo². la-mid: jinbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirrasho
m.f.dh eeg jirro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirrasho
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirsasho
(Jirsasha-da)
Roob meel ka gelid; okorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsasho
m.f.dh eeg jirso. la-mid: jirsad, jirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) jir roobaad dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar qaadasho oo lebisasho. Dh: lebbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhasho
(Dhasha-da)
Xubinta ilmaha dhalana hayaa ka soo baxaan; dhashi; dhali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhasho
m.dh (-ooyin, m.l) Sabiisha inteeda muuqata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhasho
f. n. vagina, vulva
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhasho
dhashada: (n) female animal's genital organ; vagina (va- jeeyna); cunt (kant) ~ sabiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhashi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhasho
de: vagina, vulva usually of an animal
lx: dhasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arhasho
m.f.dh eeg arho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arhasho
-da: (magac, dhedig, keli) socdaalka lagu qadhaab doonto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilasho
(Bilasha-da)
Bilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilasho
m.f.dh eeg bilo. la-mid: bilad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilasho
vl. n. beginning, start; appearance of a new moon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhalashada bisha. Bilashada bisha Ramadaan goormay ku beegan tahay? Dh: bilad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilasho
de: beginning, start; appearance of a new moon
lx: bilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: bilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cifasho
m.f.dh eeg cifo. la-mid: cifid, cigasho, cigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cifasho
-da: (magac, dhedig, keli) la daalaadhicid; hawl iyo wax la mid ah sidii guul looga gaadhi lahaa, dhibaato la mudasho. Dh: rafasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cigasho
(Cigasha-da)
Iyadoo wax la beelay ama la baabba'ay, wax beddelkood ah helid; caymasho: cawilcelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cigasho
m.dh la-mid: cifasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cigasho
vl. n. substitute, substitution, alternative
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cigad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cigasho
de: substitute, substitution, alternative
lx: cigasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: cigasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahasho
m.dh la-mid: dihasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digasho
(Digasha-da)
Col jabay ama qof laga adkaaday oo hadal ama wax kaloo guba oo lafajebis ah looga sii daro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digasho
m.f.dh eeg digo². la-mid: digad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digasho
vl. n. gloating over a defeated enemy; adding insult to injury
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digasho
-dhigashada: (n) gloat (galowt); the act of gloating or rejoicing maliciously
ku digo -tay / digatay (v) rejoice in one's misfortune; gloat (galowt); Ex: ha ku digan nasiibdarrada saaxiibkaa; don't gloat over your friend's misfortune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku farxista ruux dhibataysan. Digashadu ma fiicnee, daadku yuuna kula tegin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digasho
a: digad
de: gloating over a defeated enemy; adding insult to injury
lx: digasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: digasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dixasho
(Dixasha-da)
(biyo, kd.) ciidda ka dusid; habyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dixasho
m.f.dh eeg dixo. la-mid: dixad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dixasho
vl. n. digging for water in sand (of a streambed)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dixasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, si aayar ah meel ugu duxid. Dixashada subagga waa la dareemaa. Dh: duxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dixasho
a: dixad (ka) [vn2-m]
de: digging for water in sand (of a streambed)
lx: dixasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dixasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dohasho
m.dh la-mid: dihasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fikasho
(Fikasha-da)
Wax wax hayey ama la hayey ama wax ku mudnaa ama ku tiirsanaa, xoog sidbasho ku jirto u boodid, u bixid, u siibasho; fakasho; filqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fikasho
m.dh la-mid: fakasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fikasho
vl. n. act of slipping (out) ~ escaping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fikasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la hayey ama meel ku mudnaa, si xoog ah uga boodid. Dh: fakasho, dilqasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fikasho
a: fikad (ka) [vn2-m]
de: act of slipping (out) ~ escaping
lx: fikasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: filqasho
key: fikasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filasho
(Filasha-da)
Sugid; dhawrid; rajeyn; malaysasho; quuddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filasho
m.f.dh eeg filo. la-mid: filad, filitaan (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filasho
vl. n. expectation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filasho
filashada: (n) the act of (an-ikis paktidh) expecting; expectation (ekis pak teey-shin); anticipation (aan tisi peey-shin)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Filasho
Aspettanza
Expectation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg filad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filasho
a: filad
de: expectation
lx: filasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: jarreero
key: filasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firasho
(Firasha-da)
Timaha saqaf ku hagaajin; shanlaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firasho
m.f.dh eeg firo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firasho
vl. n. act of combing the hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firasho
-da: (magac, dhediq, keli) eeg fidhasho.
firasho-da: (magac, dhedig, keli) weecasho oo meel ka leexasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firasho
a: feerasho
de: act of combing the hair rw: firo
lx: firasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: firasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hibasho
(Hibasha-da)
Wax hor u dhacay oo laga samri waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibasho
m.f.dh eeg hibo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hibasho
f. n. unforgettable event
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hibasho
-hibashada: (n) memorable experience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibasho
-da: (magac, dhedig, keli) xasuus dhib horay loo soo maray; wax horay u dhacay oo laga samriwaayo. Dh: gocasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hibasho
de: unforgettable event
lx: hibasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hibasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hifasho
(Hifasha-da)
Wax hor u dhacay oo sidii la doona hayey aan laga yeelin, isku canaanasho; isciilkaanbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hifasho
m.f.dh eeg hifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hifasho
vl. n. regret, blaming oneself, repentance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hifasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore u dhacay oo sidii la doonayey u qabsoomi waayey isku canaanasho. Dh: karhid,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hifasho
de: regret, blaming oneself, repentance
lx: hifasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hifasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilasho
(Hilasha-da)
Alaabo, kd., meel taallaysasho; tuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilasho
m.f.dh eeg hilo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilasho
vl. n. accumulation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo iyo wixii la mid ah, meel ku tuulid. Dh: taallaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilasho
de: accumulation
lx: hilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirasho
(Hirasha-da)
Wax ama meel la gabbaadsado ama wax lagaga nabadgalo, ama dan kale loo lee yahay, gaariddeed ku dadaalid, u socosho; tammadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirasho
m.f.dh eeg hiro. la-mid: hirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirasho
-da: (magac, dhedig, keli) tiigsasho meel wehel ama waxtar kale laga dayayo. Dh: iilasho, hirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilasho
(Iilasha-da)
Doc u dheelliyid; liicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilasho
m.f.dh eeg iilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ama hagardaamo. Dh: guuldarro. Li: guul.
iilasho-da: (magac, dhedig, keli) waddadii dhabta ahayd, ka baydhid; xaqa weydaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqasho
(Iiqasha-da)
Ciriiri gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafasho
m.f.dh eeg jafo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku dhejisan ka qorasho oo ka daadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalasho
m.f.dh eeg jalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof buka, jal qaadasho oo isxanaanayn.