jidmarin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hoggaamin oo waddo aanay aqoon tusin. Dh: hagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidmarid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaalid waddo la qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidmareen
-ka: (magac, lab, keli) dalyaqaan ama jidyaqaan. Dh: dalmareen. Wa: jidmareenno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidmar
(Jidmar-ka)
1. (qof) Dalmar.
2. Sahay, jiscin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidmar
m.l Sahay lacag ama cunto ah oo loo qaato safar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidmar
m. n., [compound] provisions, food supplies for a journey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jidmar
-ka: (n) travel supplies; supplies for a journey -jicsin, jiscin, sahay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidmar
(fal) socdaal oo jid qaad.
jidmar -ka: (magac, lab, keli) sahay ama cunno la gaato marka meel loo socdaalaayo. Dh: jicsin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidmar
de: provisions, food supplies for a journey
lx: jidmar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: jidmar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilmarin
m.dh Eegmo si aad ah aan wax loo fiirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilmarin
vl. n. glancing, giving (only) a superficial look
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eegid degdeg ah. Hoo buuggan ilmarin ku soo samee. Dh: fiirfiirin, indha'indhayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilmarin
de: glancing, giving (only) a superficial look
lx: ilmarin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ilmarin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'sicir', aad u kicin; qiimo aad u sarreeya gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan gar lahayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiddaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Qof aan gar lahayn ahaansho. m.f.dh, jiddarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiddaran
der. [adjective] wrong, mistaken
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiddaran
-aa: (adj) meriting reproof or punishment; unjust (anjasf); blameworthy (baleem weer thi); guilty (gil ti) ~ gardaran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiddaran
(tilmaame) mid gardaran oo qaldan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiddaran
de: wrong, mistaken
lx: jiddaran
pd: (jiddarnaa)
ps: adj-der
key: jiddaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyamarin
m.dh Si xoog leh oo roob meel ugu da'o.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidmaris
m.l Hab loo ciqaabo qofka hanadu gasho (herin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darin
f. n. mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darin
-ta: (n) mat (maat); mat used as floor-covering ~ derin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu fadhiisto ama lagu seexdo. Dh: salli, derin, dermo, caw, bal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darin
a: derin ~ darmo
de: mat
lx: darin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: darin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hawl fulinteed u madax bannaan ahaansho (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
idman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hawl fulinteed u madax bannaan ahaansho (cid). m.f.dh, idmanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idman
der. [adjective] permitted, authorized
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Idman
name-f permitted, authorized; lit: authorized by God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idman
-aa / ayd: (adj) commissioned (komishenidh); authorized (oo tha raayzidh), empowered (impaaweridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Idman
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo in xagga Alle ay ka eedtirnaato oo ay ka fasaxnaato ama Alle ku manaysto wanaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idman
(tilmaame) wax la oggolaaday oo fasaxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idman
de: permitted, authorized
lx: idman
pd: (idmanaa)
ps: adj-der
key: idman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirin
m.f.dh eeg jiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirin
-ta: (magac, dhedig, keli) doondoonid; raadin. Dh: radin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marin
1. (Marin-ka) a) Meesha loo sameeyey in la maro; dhabbe; waddo. b) Sida eg; abbaar; jid.
2. (Marin-ta) a) Wax maran ka dhigid; eber ka dhigid. b) Meel marsiin. c) Wax akhriyid, kicin. d) Wax wax ku jiidid; ku tirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marin
marin¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Jid; waddo. 2. Gar; sharci.
marin²: m.f.dh eeg mari². la-mid: maris¹ (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marin
m.l (-nno, m.dh) 1. Jid; waddo. 2. Gar; sharci.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Marin
Channel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marin
m. n. road, path, street; route, direction; passage; correct way
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
marin
-ka: (n) passage (paaseeyj); way (weey); route (ruut); direction (dirak shan) ~ dariiq, jid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin loo fadhiyo aragtidaada ka dhiibasho. Marinta dacwaddaada uun ku koobnaw. Dh: maris.
marin-ta: (magac, dhedig, keli) cashar dad u jilcin oo u akriyid. Marinta casharka tafsirku waa shanta galabta. Dh: akhriyid, maris.
marin-ta: (magac, dhedig, keli) wax idlayn oo faaruqin. Dumarku marinta saxniga ma jecla. Dh: dhammayn, maris.
marin-ta: (magac, dhedig, keli) mag iska bixin oo dadka hortiisa ku wareejin. Marinta magtu waa shaqada odayada. Dh: bixin,wareejin, maris.
marin-ta: (magac, dhedig, keli) socod ku dhaafin. Marinta xoolaha ad suuga dhexdiisa marinayso jooji. Dh: marsiin, maris.
marin-ta: (magac, dhedig, keli) dawo iyo wixii la mid ah meel dusha kaga masaxid. Dh: masixid.
marin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo cabbay oo biyaha u natay kolkay fulayaan darka dul keenid. Neefka biyadiidka ahi marinta dambe ayuu ku cabbaa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marin
marin, n.m. - ee badda (badda la xidhiidha ama ah); la xidhiidha maraakiibta; Badmaaxyada; Badmareenimada; Badmaax.
carte marine - Maab badeed.
avoir le pied marin - Qof badda ku safarkeed si fiican u yaqaana.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marin
de: road, path, street; route, direction; passage; correct way
lx: marin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dariiq, dhabbe, jid, surin, tub, waddo
key: marin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarin
-ta: (magac, dhedig, keli) kodhe, haan iyo wixii la mid ah, in yar ka soo shubidda caanaha la lulayo iyadoo la eegayo inay baxday iyo in kale. Daarinta caanaha la lulayo carruurta jecel. Dh: daaris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ismari
v. spread ~ wipe something on oneself; use externally
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ismari
de: spread ~ wipe s.t. on oneself; use externally
lx: ismari
pd: (ismariyey ~ ismarshey)
ps: v2a=expr
xe: This medicine is for external use, and is not to be taken orally.
xv: Daawadan waa la ismarshaa ee afka lagama qaato.
key: ismari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fal la waafajiyo sharciga oo la banneeyo samayntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidiin
(Jidiin-ka)
1. Hunguriga madow oo cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha.
2. Cunnada lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiin
m.l (-iimo, m.dh) 1. Hunguriga cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha. 2. Dhuuniga la cuno; gasiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidiin
m.l (-iimo, m.dh) 1. Hunguriga cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha. 2. Dhuuniga la cuno; gasiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidiin
m. n. gullet, throat; food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jidiin
-ka: (n) throat (throwt); gullet (galet); esophagus, also oesophagus ~ hunguri, dhuun, buuc, cune
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiin
-ka: (magac, lab, keli) cuntada la cuno. Jidiin jaar lagama hagrado.
jidiin -ka: (magac, lab, keli) hunguriga madow ee cuntadu marto oo xidhiidhiya afka iyo caloosha. Dh: hungri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidiin
de: gullet, throat; [ext.] food
lx: jidiin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: jidiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimayn
(Jimayn-ta)
Isu foodin; simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimayn
m.f.dh eeg jimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) isbarbardhigga qiimaha ay leeyihiin labo wax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimcin
m.f.dh eeg jimci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimcin
-ta: (magac, dhedig, keli) fidinta wax, sida gacanta oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimiin
-ka: (magac, lab, keli) abuuritaanka ay wax abuuranyihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agmarin
m.f.dh eeg agmari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax, meel aan ka fogayn oo barbarkeega ah, marsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cadar iyo udgoon ku samayn. Dh: udgoonayn, cadrin.
cadarin -ta: (magac, dhedig, keli) marka cirku daruuro yeesho ee roobku na tiixtiixayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidmayn
m.dh la-mid: fidnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale fidmo ku abuurid ama dhaqan xumo beerid. Dh: saraayayn, fidnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismarid
m.f.dh eeg ismar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismaris
m.l Rooti subag iyo macmacaan dhexda looga tiray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ismaris
m.l Rooti subag iyo macmacaan dhexda looga tiray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ismaris
m. n., [collective] bread on which butter and jam is spread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ismaris
-ka: (n) sandwich (saan-duwij); especially one filled with butter and jam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismaris
-ka: (magac, lab, keli) cunto roodhi ah oo dhexda laga mariyay suugo ama burcad. Ismaris baan ku casheeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ismaris
de: bread on which butter and jam is spread
lx: ismaris
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: ismaris
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isqarin
Camouflage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidhaan
(Jidhaan-ta)
Meel yar oo biyo galaan: balli; (ama dhijaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidhaan
m.dh (-aamo, m.l) Biyo fariisin yar. la-mid: dhiijaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidhaan
f. n. pond, pool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gal ay biyo joogsadaan oo inta badan meelaha doocyada laga helo. Dh: dhijaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidhaan
bw: sp: jidhdhaan {N}
de: pond, pool
lx: jidhaan
pd: (-ta)
ps: n-f
syn: balli
key: jidhaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xishmayn ama sharfin. Dadka wada joogaa qadarin ayay isku leeyihiin. Dh: xushmayn, tixgelin. Li: quudhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoogaysi ama itaalaysi ama ciidamin. Talo wacani tamarin bay leedahay. Dh: xoogaysi. Li: liidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badmarid
m.dh Safarka biyaha dushooda ama hawada dhexdeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmarid
-da: (magac, dhedig, keli) badmaaxid oo arrimaha badaha khibrad u yeelasho. Badmarid nin ku daalayoo waxaan ahay, doonya loo raraye. Dh: badmaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banmarin
m.f.dh eeg banmari. la-mid: banmaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirmaris
-ka: (magac, lab, keli) 'sicir', aad u kicis; qiimo aad u sarreeya gaadhsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaarin
m.dh la-mid: cayaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ciyaarsiin. Dh: dheelsiin, madaddaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka garbaxid dad ama qof aad isqabateen. Dh: jidmari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaarin
(Diyaarin-ta)
Diyaar ka dhigid; darbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarin
m.f.dh eeg diyaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diyaargarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga sare ka marin, korka ka marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaarin
m.dh la-mid: feeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmarin
m.f.dh eeg garmari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garmarin
-ta: (magac, dhedig, keli) in uu garramo, fursad u siin; garta ku habboon marin. Dh: garsiin, xeermarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormarin
m.f.dh eeg hormari. la-mid: hormaris, horummarin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hormarin
-ta: (n) 1. prepayment (priipeey ment); advance payment ~ qadimaad. 2. development (divolopment)