jidiindhuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiindhuun
jidiindhuun¹: m.l Afka iyo dhuunta oo oon dartiis la qallalaan.
jidiindhuun²: f.mg1 (-uunay, -uuntay) Harraad awgii afka iyo dhuunta ka qallalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiindhuun
(fal) waqti dheer waxba ha liqin. Dh: jidiindhuub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiindhuub
-ka: (magac, lab, keli) muddo aan wax jidiinka la marinin. Dh: jidiinqallal.
jidiindhuub -ka: (magac, lab, keli) xilli dadku baahdeen oo wixii la cuni lahaa yaraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiindhuumid
m.f.dh eeg jidiindhuun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanduun
daanduun¹: m.l la-mid: daadduun¹.
daanduun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay) la-mid: daadduun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diindiin
(Diindiin-ka)
1. (dhar, kd.) Wax badan la qabey oo madmaday; madmad; mataatax.
2. (-) Diin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diindiin
diindiin¹: m.l.kh D. ah: dhar aad u duugoobay oo si sahlan u dildillaaci kara.
diindiin²: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) Si sahlan u dildillaacid (dhar aad u duugoobay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįindiin
m.l la-mid: diin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diindiin
m. n. worn out clothing, something shabby ~ ragged
diindiin v. be worn out, shabby, in rags
diindiin m. n. turtle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diindiin
-ka: (n) tortoise (toor-tas); turtle (teer-tal); terrapin (tera-piiri) ~ diin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diindiin
-ka: (magac, lab, keli) gabawga dharka; hun kala daatay oo gaboobay. Dh: calal, hun.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diindiin
سلحفاة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidh
-a: (magac, lab, keli) badarka intiisa la yaryareeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midiidin
(Midiidin-ka)
Adeege; ciidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midiidin
midiidin¹: m.l (-nno, m.dh) Qof la nool cid uu u shaqeeyo oo aan wax abaalmarin ah lahayn; aadeege; khaaddin. la-mid: madiidin¹.
midiidin²: f.g1 (-imay, -intay; -imi) 1. Hawl si aad ah u barasho. Tusaale: “Cali hawshii buu midiidimay.” 2. Weel la culay aad u catireyn. la-mid: madiidin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
midiidin
midiidin¹: m.l (-nno, m.dh) Qof la nool cid uu u shaqeeyo oo aan wax abaalmarin ah lahayn; aadeege; khaaddin. la-mid: madiidin.
midiidin²: f.g1 (-imay, -intay; -imi) 1. Hawl si aad ah u barasho. Tusaale: Cali hawshii buu midiidimay. 2. Weel la culay aad u catireyn. m.f.dh, midiidimid. la-mid: madiidin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midiidin
m. n. servant, help; slave; lackey, stooge
midiidin v. serve, be a servant to; study, examine carefully
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
midiidin
-ah: (adj) bondman (boondhmaan); bondservant (boondh sar vanf) ~ madiidin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midiidin
-ka: (magac, lab, keli) shaqaale bar ama beerrey ilaaliya oo fujo ka qaata haddii la dilo magtiisii oo dhan ayaa la bixin hadduu wed u dhintana mushqaayaddiisii ayaa la bixin. Dh: ciidan, shaqaale, adeege
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidiidin
m.dh (-nyo, m.dh) Meel digdigo ah oo aan geedo lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biindhayn
m.f.dh eeg biindhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirdhuuq
-a: (magac, lab, keli) ninka qorqodaha ah ee illaa dhiisha sodohdu caanaha ku lulayso ka daarta.
ciirdhuuq-a: (magac, lab, keli) ubax yar oo dhuuban oo madaxa cuf ku leh oo tigaadda badhkeed ka baxa oo inta ay caruurtu ciirta dhex galiso ku dhuuqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diindaran
(tilmaame) qof aan diinta inteeda badan ku dhaqmin. Raage waa nin diindaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiindhayn
(Fiindhayn-ta)
1. Kala findhicilid; kala soocid.
2. (dad) ximin, filfilin; guulid; jirxumayn; qalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiindhayn
m.f.dh eeg fiindhee. la-mid: fiindhays, fiindho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad u jidhxumayn ama dirsooc aawadii qalayn. Dh: ximin, guulid, qalayn, miidhid, dirsoocid, takoorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhac
-a: (magac, lab, keli) soo daadashada burburka jibinta oo dhulka ku soo dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibindhaw
(Jibindhaw-ga)
Sida jibinta u yeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibindhaw
m. n. boom (noise), sound of a bump
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jibindhaw
de: boom (noise), sound of a bump
lx: jibindhaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: jibindhaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhow
-ga: (magac, lab, keli) yeedh jibin dhacda; dhawaq iyo dinnaago hanqadh, biriq ama quuqac roob daya. Daraawiishi waa jibindhowgiyo jawga soo bixi dheh. Dh: jibindhac, onkod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiinjab
-ka: (magac, lab, keli) marka qof hungurigu qallalo. Dh: cuna'engeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiinkog
-a: (magac, lab, kali) sida la noqdo kolka dufan la marin waayo hunguriga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibduub
(fal) taabac aad u xooggan oo tallaabo dheer ku soco; feydo oo taagtaa taabac u gunti kobso. Dh: taabac, taxtaxaashi, talaxway.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidignuug
-ga: (magac,lab, keli) neef, neef kale oo aan dhalin oo lagu sidkay nuuga. Nirigta hashu ma dhaline waa sidignuug. Dh: sidig.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIIR-DHUUQ
(Ir-dug) S, C Cenchrus biflorus Roxb. Gramineae.
C, S Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
N Cenchrus pennisetiformis Steud. Gramineae.
N Pennisetum massaicum Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabindhuud
m.l Neef ugaar ah oo aan gelin dabinka loo dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabindhuud
-ka: (magac, lab, keli) ugaadh aan gelin dabinka loo dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhuun
dhuundhuun¹: m.l 1. Hilib aad loo daahiyay. 2. Miro aad u bisil. 3. la-mid: dhuundhuumid.
dhuundhuun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; - uumi) 1. Wax bisayldhaaf ah noqosho (hilib). 2. Wax aad u bisil noqosho (miro).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuun
-ka: (magac, lab, keli) gubasho ama bislaasho xoog ah oo mataataq ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibindhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Sida jibinta u dhawaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhabo
(fal) sida jibinta u yeedh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhidhico
-da: (magac, dhedig, keli) naxdin ama farxad darteed jidhka huruurac ka soo daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriiddeyn
(Jiriiddeyn-ta)
Jiriiddada buurid; hadba jiriid muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriiddeyn
m.f.dh eeg jiriiddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midiidimin
m.f.dh eeg midiidimi. la-mid: madiidimin, madiidimis¹, midiidimis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigdhul
Bahal yar oo wada qodax ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigdhul
m.l/dh Bahal yar oo wada qodax ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiddigdhul
m.l/dh Bahal yar oo wada qodax ah. xiddigi f.mg2 (-iyay, -isay) Xiddigo ka faalin. m.f.dh, xiddigin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigdhul
m. n., [compound] hedgehog
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiddigdhul
-xiddig-dhusha: (n) hedgehog (heefhoog) ~ kuuleey-cali-banjar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigdhul
-sha: (magac, dhedig, keli) noole xiddigta u eg oo badaha ku nool. Dh: xiddigdhuleed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigdhul
de: hedgehog
initial: x
lx: xiddigdhul
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xiddigdhul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka war hayn oo hoo iyo hiilba la garab joogid. Dh: xiriirin, xidhiidhis.
xidhiidhin -ta: (magac, dhodig, keli) wax si taxane ah isku dabajoogin oo midba midka ka dambeeya ku aaddin. Dh: xiriirin.
xidhiidhin -ta: (magac, dhedig, keli) cilaaqo wanaagsan la samayn. Dh: xiriiris.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jidhif dhul
Earth crust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidhico
-da: (magac, dhedig, keli) kolka wax naxdi leh la arko furuuruc yar oo jidhka korkiisa kasoo yaaca oo markiiba baaba'a.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Winiin dhul
Earth spin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhfur
-ka: (magac, lab, keli) goynta claquad laba dhinac u dhexeeya; xidhiidh horay u jiray laga baxo. Dh: xiriirfur, heshiisjebin, ballanfur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhsan
(tilmaame) isku aaddan oo is wada daba jooga. Dh: xiriirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xididxanuun
(Xididxanuun-ka)
1. Xanuun xididdada qabta.
2. Xanuun, kan ugu yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididxanuun
m.l Xanuun yar oo meel jirka ka mid ah si dabacsan u haya. Tusaale: “Jaamac waa isjirrisiinayaa ee xididxanuun ma hayo”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xididxanuun
m. n., [compound] nervous pain; small pain; minor aches and pains
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididxanuun
-ka: (magac, lab, keli) xanuunka ku dhaca halbowlayaasha dhiigga kala hora.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xididxanuun
de: nervous pain; small pain; [col] minor aches and pains
initial: x
lx: xididxanuun
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xididxanuun