ereyga

jidiindhuumid

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jidiindhuumid

DHAN

m.f.dh eeg jidiindhuun².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidiindhuub

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) muddo aan wax jidiinka la marinin. Dh: jidiinqallal.

2

jidiindhuub -ka: (magac, lab, keli) xilli dadku baahdeen oo wixii la cuni lahaa yaraaday.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jidiindhuun

DHAFANDHAAF
1

jidiindhuun¹: m.l Afka iyo dhuunta oo oon dartiis la qallalaan.

2

jidiindhuun²: f.mg1 (-uunay, -uuntay) Harraad awgii afka iyo dhuunta ka qallalid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidiindhuun

DHAFANDHAAF

(fal) waqti dheer waxba ha liqin. Dh: jidiindhuub.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daanduumid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: daadduumid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Diindiimid

DHAFANDHAAF
1

(Diindiimid-da)

2

(dhar, kd.) diindiin noqosho; madmadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

diindiimid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg diindiin².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

diindiimid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) maro, humoobid oo wax mannaanakhay ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Midiidimid

DHAFANDHAAF
1

(Midiidimid-da)

2

Adeegid; ciidamin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

midiidimid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg midiidin². la-mid: madiidimid, madiidimis².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

midiidimid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) adeegid oo shaqo aan mushqaayad lahayn qabasho; bilaash cid ugu khidmayn.

2

midiidimid-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan u adeegid. Wiilka ciidanka ahi waa wiil midiidimid wanaagsan. Dh: ciidamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuundhuumid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhuundhuun². la-mid: dhuundhuun¹ (3).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuundhuumid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) aad u bislaasho oo u muudhmuudhid. Hilibku dhuundhuumidda ayuu ku macaan yahay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xidhiidhfurid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xidhiidh jiray goyn oo kala go'id. Dh: xidhiidhgoyn, ballanfurid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jidiinqallalid

DHAFANDHAAF
1

(Jidiinqallalid-da)

2

Jidiinjabid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jidiinqallalid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg jidiinqallal². la-mid: jidiinqallal¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidiinqallalid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) macaluulid oo gaajo dareemid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

candhuufid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg candhuuf².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daadduumid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg daadduun². la-mid: daanduumid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daadduumid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato abaareed ama coleedeed awgeed meel dheer u hayaamid oo dhulka ka qayaadid. Dh: daaduumis, hayaamid, qaxid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daanduumin

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: daadduumin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dabindhuud

DHAFANDHAAF

m.l Neef ugaar ah oo aan gelin dabinka loo dhigo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabindhuud

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) ugaadh aan gelin dabinka loo dhigo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhandhamid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: dhadhamid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhandhamid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) sida cunto ama cabbitaan carrabku u dareemo oo uu dhandhankoogu yahay. Dh: dhadhamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhandhemid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: dhadhamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhashuumid

DHAFANDHAAF
1

(Dhashuumid-da)

2

Dhashuun yeelasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhashuumid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhashuun². la-mid: dhashuun¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhashuumid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhashuun samayn; heemid oo meel kasoo bixid. Nabarku hadduu dhashuun sameeyo dhakhtar teg.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jiinguurin

DHAFANDHAAF
1

(Jiinguurin-ta)

2

Meel isugu keenid, ku soo ururin, ku soo koobid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

madiidimid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: midiidimid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

midiidimin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg midiidimi. la-mid: madiidimin, madiidimis¹, midiidimis¹.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

midiidimis

DHAFANDHAAF
1

midiidimis¹: m.l la-mid: midiidimin.

2

midiidimis²: m.dh la-mid: midiidimid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xidhiidhid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) xidhiidh isku xiga noqosho.

2

xidhiidhid-da: (magac, dhedig, keli) cid xidhiidh la yeelasho. Dh: xidhiidhis, xiriirid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cidhiidhyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo wax la mid ah, muggiisa in ka badan ku ridid. Dh: ciriiryid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhildhilmid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhildhilan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhildhilmid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) weydoobid oo wax hilibkii inta uu ka dhacay quruxbadnaaday noqosho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuundhuumi

DHAFANDHAAF

(fal) wax la karinayo, aad u muudhmuudhi. Hilibka ka dhuundhuumi carruurta. Dh: muudhmuudhi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Injiin Uumi

DHAFANDHAAF

Steam Engine

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jibindhabad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: jibindhabasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jilibdhigid

DHAFANDHAAF
1

(Jilibdhigid-da)

2

Dagaal jilibka u laabid; diririd.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jilibdhigid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg jilibdhig². la-mid: jilibdhig¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jilibdhigid

DHAFANDHAAF

-a: (magac, lab, keli) qof iska difaacayo cadow. Dh: iska cabin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jiriibbamid

DHAFANDHAAF
1

(Jiriibbamid-da)

2

Muran foolxun ku hadlid; jactadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jiriibbamid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg jirriibban². la-mid: jir-riban¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jiriibbamid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) si aad u adag u doodid; isku xanaaqid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sinbiidhmid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wax qodaxi mudday oo waxyeelloobay noqosho. Dh: heermid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kamandhuurid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg kamandhuur². la-mid: kamandhuur¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kamandhuurid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) fadhi foolxun fariisasho; kuududid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidhiidhicood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) marka naxdin ama farxad darteed jidhka huruurac uga soo daato.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xiddigdhuleed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo cayayaanka ka mid ah oo wada qodax ah oo iftiima. Dh: xiddigdhul

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xidhiidhfurad

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) kala furashada awr ama wax kale oo xidhiidh ah. Dh xidhiidhfurasho.

waa la naqliyay ✓