jidiindhuub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiindhuub
-ka: (magac, lab, keli) muddo aan wax jidiinka la marinin. Dh: jidiinqallal.
jidiindhuub -ka: (magac, lab, keli) xilli dadku baahdeen oo wixii la cuni lahaa yaraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiindhuun
jidiindhuun¹: m.l Afka iyo dhuunta oo oon dartiis la qallalaan.
jidiindhuun²: f.mg1 (-uunay, -uuntay) Harraad awgii afka iyo dhuunta ka qallalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiindhuun
(fal) waqti dheer waxba ha liqin. Dh: jidiindhuub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiindhuumid
m.f.dh eeg jidiindhuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiinjab
-ka: (magac, lab, keli) marka qof hungurigu qallalo. Dh: cuna'engeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibduub
(fal) taabac aad u xooggan oo tallaabo dheer ku soco; feydo oo taagtaa taabac u gunti kobso. Dh: taabac, taxtaxaashi, talaxway.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhudhuub
m.dh (-bbo, m.dh) Biyamareen dhuuban.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dibuduub
Recoil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidh
-a: (magac, lab, keli) badarka intiisa la yaryareeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirdhuuq
-a: (magac, lab, keli) ninka qorqodaha ah ee illaa dhiisha sodohdu caanaha ku lulayso ka daarta.
ciirdhuuq-a: (magac, lab, keli) ubax yar oo dhuuban oo madaxa cuf ku leh oo tigaadda badhkeed ka baxa oo inta ay caruurtu ciirta dhex galiso ku dhuuqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabadhuub
-ka: (magac, lab, keli) qof aan dhaqanka iyo diinta midna qaddarin. Dh: kabacad.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHUUDHUUB
[DULUB] Momordica trifoliolata 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhac
-a: (magac, lab, keli) soo daadashada burburka jibinta oo dhulka ku soo dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibindhaw
(Jibindhaw-ga)
Sida jibinta u yeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibindhaw
m. n. boom (noise), sound of a bump
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jibindhaw
de: boom (noise), sound of a bump
lx: jibindhaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: jibindhaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhow
-ga: (magac, lab, keli) yeedh jibin dhacda; dhawaq iyo dinnaago hanqadh, biriq ama quuqac roob daya. Daraawiishi waa jibindhowgiyo jawga soo bixi dheh. Dh: jibindhac, onkod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiinkog
-a: (magac, lab, kali) sida la noqdo kolka dufan la marin waayo hunguriga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidignuug
-ga: (magac,lab, keli) neef, neef kale oo aan dhalin oo lagu sidkay nuuga. Nirigta hashu ma dhaline waa sidignuug. Dh: sidig.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIIR-DHUUQ
(Ir-dug) S, C Cenchrus biflorus Roxb. Gramineae.
C, S Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
N Cenchrus pennisetiformis Steud. Gramineae.
N Pennisetum massaicum Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabindhuud
m.l Neef ugaar ah oo aan gelin dabinka loo dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabindhuud
-ka: (magac, lab, keli) ugaadh aan gelin dabinka loo dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibindhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Sida jibinta u dhawaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhabo
(fal) sida jibinta u yeedh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhidhico
-da: (magac, dhedig, keli) naxdin ama farxad darteed jidhka huruurac ka soo daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigdhul
Bahal yar oo wada qodax ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigdhul
m.l/dh Bahal yar oo wada qodax ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiddigdhul
m.l/dh Bahal yar oo wada qodax ah. xiddigi f.mg2 (-iyay, -isay) Xiddigo ka faalin. m.f.dh, xiddigin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigdhul
m. n., [compound] hedgehog
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiddigdhul
-xiddig-dhusha: (n) hedgehog (heefhoog) ~ kuuleey-cali-banjar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigdhul
-sha: (magac, dhedig, keli) noole xiddigta u eg oo badaha ku nool. Dh: xiddigdhuleed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigdhul
de: hedgehog
initial: x
lx: xiddigdhul
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xiddigdhul
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jidhif dhul
Earth crust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidhico
-da: (magac, dhedig, keli) kolka wax naxdi leh la arko furuuruc yar oo jidhka korkiisa kasoo yaaca oo markiiba baaba'a.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Winiin dhul
Earth spin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhfur
-ka: (magac, lab, keli) goynta claquad laba dhinac u dhexeeya; xidhiidh horay u jiray laga baxo. Dh: xiriirfur, heshiisjebin, ballanfur.