jidhidhico
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhidhico
-da: (magac, dhedig, keli) naxdin ama farxad darteed jidhka huruurac ka soo daadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidhico
-da: (magac, dhedig, keli) kolka wax naxdi leh la arko furuuruc yar oo jidhka korkiisa kasoo yaaca oo markiiba baaba'a.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidhicood
-ka: (magac, lab, keli) marka naxdin ama farxad darteed jidhka huruurac uga soo daato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhiso
-da: (magac, dhedig, keli) wax tilmaan ama calaamad u noqda wax kaa lumay oo aad raadinayso. Dh: birbiriso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidhifo
(fal) xoog iyo degdeg wax u qaadqaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xidhiidhiye
Commutator
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidhin
m.l Buur bacaad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhidh
-ka: (magac, lab, keli) hubka qarxa ama wax la mid ah, duulduulka uu sameeyo.
fidhidh -ka: (magac, lab, keli) duulduulka qaraxu sameeyo. Dh: firir, firidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhdil
-ka: (magac, lab, keli) si cadaawadi ku jirto u garaacid oo jidhka ka dilid. Dh: jidhgaraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiimo
f.g3 (-iintay, -iinatay) Jidiinqallal ka dhawrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidiimo
v. eat ~ drink a bit (in order to keep the throat lubricated)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiimo
(fal) wax jidiinka mara cun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidiimo
de: eat ~ drink a bit (in order to keep the throat lubricated)
lx: jidiimo
nt: jidiimasho (/da) [vn-f]
pd: (jidiintay)
ps: v3b=tr
key: jidiimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidhiib
-ka: (magac, lab, kei) fadhi dabada dhulka la dhigo lugahana la fidiyo oo la isduldhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidhiin
m.dh Dhasha ariga mid ka mid ah oo dhicis ah ee aan weyn noqonin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidhikhi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: firikhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhikhi
(fal) «is ~» si islaweyni ku jirto u dhaqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhdiid
-ka: (magac, lab, keli) qof aad diiddan tahay la fadhiisigiisa ama inuu hadal idin dhex maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidh
-a: (magac, lab, keli) badarka intiisa la yaryareeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhjidh
-ka: (magac, lab, keli) marka la sheegayo wax u eg dub qof.
jidhjidh -ka: (magac, lab, keli) muruqyada tunka ninka doobka ama awrka turuqyadiisa xooggan. Dh: margaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhi
(fal) wax qarsoonaa bildhaantiisa soo saar oo soo muuji. Borkii na abuurayoow baadidii noo bidhbidhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidhiidhi
m. n. narrow area, crowded place; tight; bustling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cidhiidhi
-ah: (adj) narrow (naarow) ~ cariiri. Ex-, jid cidhiidhi ah; a narrow street
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhiidhi
(fal) qof kale, meel uu fadhiyo ama aqal uu ku jiro oo aan ku fillayn, la fadhiiso ama la gal; cidhiidhi geli.
cidhiidhi: (fal) weel iyo wax la mid ah, muggiisa in ka badan ku rid.
cidhiidhi -ga: (magac, lab, keli) meel, aqal iyo wax la mid ah oo muggiisu ka yar yahay waxa ku jira; meel aan faalal ahayn. Dh: ciriiri.
cidhiidhi: (tilmaame) mid mug yar; mid aan faalal ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidhiidhi
de: narrow area, crowded place; tight; bustling
lx: cidhiidhi
pd: (-ga)
ps: n2-m
see: ciriiri {N}
key: cidhiidhi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigdhiko
(Dhigdhika-da)
Riiraxyo, marawaxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigdhiko
m.dh Qufac isdaba joog ah; riiraxyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhigdhiko
f. n. tickling sensation in the throat causing a continuous cough
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhigdhiko
-dhigdhikada: (n) nagging cough (naag-ging- koof)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigdhiko
-da: (magac, dhedig, keli) qufac is dabajoog ah. Odaygu dhigdhiko ayuu xalay seexan waayay. Dh: qufac, riiraxanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigdhiko
de: tickling sensation in the throat causing a continuous cough
lx: dhigdhiko
pd: (/da)
ps: n-f
syn: marawaxad, riiraxyo
key: dhigdhiko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhfidhi
(fal) caanaha lul oo subag kaga keen. Dh: cagaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidhikhin
m.dh la-mid: firikhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhikhin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) si ay ku jirto islaweyni, u dhaqmid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
giuridico
agg. - xuquuqda ku saabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iddidiilo
-da: (magac, dhedig, keli) rajo iyo saansaanyo wanaag la rajaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidh-diid
m.l Kahsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriirico
(Jiriirica-da)
Firiiric yaryar oo daldaloollada oogada ka soo yaaca, kolka dhaxan la dareemo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriirico
m.dh Firiiric yaryar oo daldaloollada oogada ka soo yaaca kolka dhaxan iyo wixi lamida la dareemo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriirico
m.dh Firiiric yaryar oo daldaloollada oogada ka soo yaaca kolka dhaxan iyo wixi lamida la dareemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriirico
f. n., [collective] gooseflesh, goosebump, goose-pimple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiriirico
-jiriiricada: (n) goose pimples (guus bamp); goose pimples (guus pim-pal); gooseflesh (guus faleesh); prickle (pirikal) ~ qabandhaco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriirico
-da: (magac, dhedig, keli) huruurac ka soo data jidhka sare markay naftu naxdo ama faraxdo, Dh: jidhiidhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiriirico
de: gooseflesh, goosebump, goose-pimple
lx: jiriirico
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: jiriirico
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhi
(fal) cid ka war hay oo hoo iyo hiil la garab joog. Qaraabada xidhiidhi. Dh: xiriiri. Li: goo.
xidhiidhi: (fal) wax xidhiidh ah oo is daba teedsan ka dhig: awr mid walba hoggaankiisa midka kale dabadiisa ugu xidh oo haysku xigxigaan. Xidhiidhi awrta. Dh: xiriiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xididnimo
(Xididnima-da)
Xidid ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xididnimo
m.dh Xidid ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xididnimo
f. n. relationship by marriage, affinity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xididnimo
-xididnimada: (n) affinity (a-finiti); kinship (kin-shiip) by marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xididnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qaraabo gacalnimo ahaan. Dh: gacalnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xididnimo
de: relationship by marriage, affinity
initial: x
lx: xididnimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xididnimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yididiilo
-yididiilada: (n) prospect (poros-pekt); anticipation (aantisipeey-shen); cheerful expectation (ekis pak teey shen) ~ hididdidiilo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhbidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaadi karo, kolba kor u tuuris.
bidhbidhid-da: (magac, dhedig, keli) si dhakhsa badan u iftiimid oo haddana markiiba u demid. Bidhbidhid tiriiggu waa marka uu gubanayo. Dh: dhaldhalaalid, birbirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bishishiro
v. give birth by oneself (of domestic animal); turn out contrary to one's wishes
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bishishiro
cf: bashiishad
de: give birth by oneself (of domestic animal); [fig.] turn out contrary to one's wishes
lx: bishishiro
pd: (bishishirtay)
ps: v3b=
key: bishishiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiddidiilo
-da: (magac, dhedig, keli) kalsooni iyo rajo wanaagsan oo wax soo socda laga qabo. Dh: iddidiilo, yiddidiilo, himilo, toogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jadiidnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub oo aan weli la adeegsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibdhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) U j.: arrin si deggan uga baaraanndegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilibdhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) U j.: arrin si deggan uga baaraanndegid. m.f.dh, jilibdhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhid
-da: (magac, dhedig, keli) xidhiidh isku xiga noqosho.
xidhiidhid-da: (magac, dhedig, keli) cid xidhiidh la yeelasho. Dh: xidhiidhis, xiriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka war hayn oo hoo iyo hiilba la garab joogid. Dh: xiriirin, xidhiidhis.
xidhiidhin -ta: (magac, dhodig, keli) wax si taxane ah isku dabajoogin oo midba midka ka dambeeya ku aaddin. Dh: xiriirin.
xidhiidhin -ta: (magac, dhedig, keli) cilaaqo wanaagsan la samayn. Dh: xiriiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidhiidhis
m.l Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xidhiidhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhxidhid
-da: (magac, dhedig, keli) in mar ka badan xidhid. Xidhxidhidda jiho qudha u daa. Dh: xirxirid, xirxiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhxidhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xidhxidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidh-dhintay
m.l (-dhadh ..., m.l) (daawo) Qayb jirka ka mid ah oo dhimatay dhiig yari ama dhiig la'an awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidh-dhintay
m.l (-dhadh ..., m.l) (daaw.) Qayb jirka ka mid ah oo dhimatay dhiig yari ama dhiig la'an awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidhidadhexe
m.dh (botani) Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhiidhyid
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo wax la mid ah, muggiisa in ka badan ku ridid. Dh: ciriiryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadhiidnimo
(Fadhiidnima-da)
Fadhiid ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiidnimo
m.dh Fadhiid ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiidnimo
-da: (magac, dhedig, keli) noqoshada ilmo fadhiid ah oo hore u kici waayay. Suubbane fadhiidnimo ayuu ka bixi la'yahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jidhif dhul
Earth crust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiindhuub
-ka: (magac, lab, keli) muddo aan wax jidiinka la marinin. Dh: jidiinqallal.
jidiindhuub -ka: (magac, lab, keli) xilli dadku baahdeen oo wixii la cuni lahaa yaraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiindhuun
jidiindhuun¹: m.l Afka iyo dhuunta oo oon dartiis la qallalaan.
jidiindhuun²: f.mg1 (-uunay, -uuntay) Harraad awgii afka iyo dhuunta ka qallalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiindhuun
(fal) waqti dheer waxba ha liqin. Dh: jidiindhuub.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xidhiidh-ka
relations, rapports.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhfur
-ka: (magac, lab, keli) goynta claquad laba dhinac u dhexeeya; xidhiidh horay u jiray laga baxo. Dh: xiriirfur, heshiisjebin, ballanfur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhsan
(tilmaame) isku aaddan oo is wada daba jooga. Dh: xiriirsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbadhiibso
(fal) fadhiiso adoo faraha lugaha ku jooga oo cidhbaha dhulka kor uga qaaday. Dh: cirbataagso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidhida-dhexe
m.dh (botani) Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhitaan
-ka: (magac, lab, keli) xidhiidhidda lafteeda. Dh: xiriiritaan.