jidhida-dhexe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidhida-dhexe
m.dh (botani) Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidhidadhexe

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jldhida dhexe
Maquis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidda-dhexe
m.dh (-dyo ..., m.l) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiiddadhexe
m.dh (-dyo ..., m.l) (c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay jihooyinka, markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jilda dhexe
Temperate zone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhee
(fal) eeg badhaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhidhico
-da: (magac, dhedig, keli) naxdin ama farxad darteed jidhka huruurac ka soo daadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhaadhee
(fal) qadhaadh ka dhig. Bunka aad u qadhaadhee. Dh: qaraaree, khadhaadhee. Li: macaanee.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dugsi-dhexe
مَدْرَسَةٌ مُتَوَسِّطة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhdagooye
-ha: (magac, lab, keli) qofka aan xidhiidhin ehelkiisa. Dh: rixingooye.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jidhif dhul
Earth crust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidhico
-da: (magac, dhedig, keli) kolka wax naxdi leh la arko furuuruc yar oo jidhka korkiisa kasoo yaaca oo markiiba baaba'a.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saqda dhexe
(n) late at night; midnight (midh-naayt) ~ saq barta, saqbadh
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xidhiidhiye
Commutator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Bariga Dhexe
(n) Middle East (midhal iisti)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FADHI-DHEERE
(Fada-dere) N Dighathia ciliata C.E.Hubb. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhinfidhle
-ha: (magac, lab, keli) caanaha geeli ruhu hasha ka xigto kolka ay xilligii la lisayay xill aan ahayn godlato. Dh: dhaljanqays, godolhono, godolmacays, firinfirle.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fidid dherer
Linear Expansion
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
LooIka dhexe
Middle latitude
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BANKIGA DHEXE
Banca Centrale
Central Bank
Waa Banki Dawladeed oo loo xilsaaray daryeelidda xasilloonaanta habka lacagta dalka, gudaha iyo dibeddaba, horuumarinta lacagta dalka ee xagga amaahda iyo sarrifka hadba ka socda suuqyada adduunka si loo helo dhaqaale dheellitiran; soo saaridda iyo qaybinta lacagta warqadaha ah, tan qalinka ah iyo tan maarta ah; habaynta siyaasadda maamulka lacagta; qabashada iyo bixinta lacagta Dawladda; ilaalinta kaydka dahabka iyo kan lacagta adag; ka warhaynta iyo dhawridda sarrifka lacagta.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
difaaca dhexe
centre half-back
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugsiga dhexe
n. phr. middle school
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugsiga_dhexe
de: middle school
lx: dugsiga dhexe
ps: np
key: dugsiga_dhexe
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirarka dhexe
n. phr. medium (radio) waves
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirarka_dhexe
de: medium (radio) waves
lx: hirarka dhexe
ps: np
key: hirarka_dhexe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lidjidh-dhaliye
-ha: (magac, lab, keli) walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab iskabaxeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
xarriiqda dhexe
centre line, centreline