ereyga

jidhdagooye

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidhdagooye

DHAN

-ha: (magac, lab, keli) qofka aan xidhiidhin ehelkiisa. Dh: rixingooye.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jirdagooye

DHAFAN

-ha: (magac, lab, keli) roob mahiigaan ah; miiraale dhir iyo dhagaxqaad noqda. Geel jimimic ma huraa? Jirda-gooye roobaad iyo jibin-dhacdaa jir ma hurtaa? Annana caanihii jemel iyo jiib-caddaale ma hurraa? Dh: mahiigaan, miiraale, quble, tumay, Li: shuux, doogsin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Jidgooye

DHAFANDHAAF

nickname-m bandit (highway robber)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhagoole

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof dareenka maqalku aanu shaqaynaynin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidgooyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) budhcaddu meesha ay ku dhuuuntaan oo ay dadka u istaagaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jirdagoy

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) roob weyn oo xaadha illaa jirridaha geedaha.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

odagooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) roob mahiigaan ah. Reerihii odagooye ayaa ku da'ay

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

oodagooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) roob mahiigaan ah. Reerihii odagooye ayaa ku da'ay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

geedagooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof geedaha dadka ku daweeya ama ku waxyeelleeya.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jidhidadhexe

DHAFANDHAAF

m.dh (botani) Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jidhka Golji

DHAFANDHAAF

m.l (baayoloji) Koox ama kooxo moqorro siman ah oo ku dhex jira saytoobalaasamka unugga oo ay ku wareegsanyihiin xuubab, kuna xidhan iliilo balaasmo gudeed laakiin loo isticmaali karo ku xidhidda kaarboohaydraytyada borotiinnada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jidhka Golji

DHAFANDHAAF

m.l (baay.) Koox ama kooxo moqorro siman ah oo ku dhex jira saytoobalaasamka unugga oo ay ku wareegsanyihiin xuubab, kuna xidhan iliilo balaasmo gudeed laakiin loo isticmaali karo ku xidhidda kaarboohaydraytyada borotiinnada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

wadaamagooye

DHAFANDHAAF

m.l (c. fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

wadaamagooye

DHAFANDHAAF

m.l (c.fal.) Koox afar xiddigood ah oo laga arki karo kubbad-badhka koonfureed, oo u habeysan qaab laanqayreed, dhibibka ugu dheer ee barahooduna uu yahay koonfur; haddii dhidibkaas la fidiyo 4 jeer dherekiisa, waxa soo baxaya bar u dhowr cidhifka koonfureed. Marka kooxdaa xiddigaha ah waxa lagu isticmaalaa kubbad-badhka koofureed, sida xiddig cidhifeedka kubbad-badhka waqooyi, si jihada loo ogaado.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhaboose

DHAFANDHAAF
1

-ha: (magac, lab, keli) odheyka gaboobey.

2

dhaboose -ha: (magac, lab, keli) qarbid in badan lagu dhaamiyay oo gaboobay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

DHALOOLE

DHAFANDHAAF
1

(Dalol) N Chascanum sessilifolium (Vatke) Moldenke. Verbenaceae.

2

N Clerodendrum myricoides (Hochst) Vatke. Verbenaceae.

3

N Plectranthus barbatus Andrews. Labiatae.

4

N Plectranthus cicatricosus (Hutch & Bruce)? Labiatae.

5

May, S Plectranthus igniarius (Schweinf) Agnew. Labiatae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhegoole

DHAFANDHAAF
1

(Dhegoola-ha)

2

Qof dhegala'.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhegoole

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Nin aan wax maqlin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhegoole

DHAFANDHAAF

m.l (-layaal, m.l/dh) Nin aan wax maqlin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhegoole

DHAFANDHAAF

m. n. deaf person

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhegoole

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof dhegala' oo aan waxba maqal. Dh: dhegool.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhegoole

DHAFANDHAAF
1

de: deaf person

2

lx: dhegoole

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m

5

key: dhegoole

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

dhegoole

DHAFANDHAAF

أَطْرَش، أَصَمٌ

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maddooye

DHAFANDHAAF

m.l (-yayaal, m.l/dh) Nacas; dabbaal; caaq.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maddooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) doqon; caaq; nacas; dabbaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

miragooy

DHAFANDHAAF

v., [compound] harvest

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

miragooy

DHAFANDHAAF
1

de: harvest

2

lx: miragooy

3

pd: (miragooyey)

4

ps: v2a=cmp

5

key: miragooy

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xididgoo

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) oday nin ay gabadhiisu ka dhimatay u xigsiimi waaya ee diida. Dh: arxangoo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

FARAGOOYE

DHAFANDHAAF

(Faragoie) N Cissus quadrangularis L. Vitaceae.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faragooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah buntuqda lagu dagaallamo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fiidgooyo

DHAFANDHAAF
1

(Fiidgooya-da)

2

Xoolaha oo aan lisiddooda loo caweysimine fiid-horaadka la liso, marti timid ama carruur ama sabab kale darteed.

3

2. Cashada (fiidimada) oo la soo hormariyo; fiid'horor.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fiidgooyo

DHAFANDHAAF

m.dh Hawl la qabto fiid-horaadka. la-mid: fiid-horor.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

fiidgooyo

DHAFANDHAAF

f. n., [compound] activity (e.g., milking) done at dusk

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

fiidgooyo

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha oo aar lisiddooda loo caweysimine fiid'horaadkaba maalo. Dh: fiid-horor.

2

fiidgooyo -da: (magac, dhedig, keli) xilliga fiidka dariiqa dad iyo duunyo wixii maraya loo joogado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

fiidgooyo

DHAFANDHAAF
1

de: activity (e.g., milking) done at dusk

2

lx: fiidgooyo

3

pd: (/da)

4

ps: n6-f-cmp

5

key: fiidgooyo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jaangooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qofka jaangoynta iyo qorshaha sameeya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qudhgooyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dil ama gawrac naf bixin ah; nafta ka saarid; qudha ka jarid. Haddii ay qudhgooyiyo, joogto qoorta soo dhigo, wallee gabay ma qurux tiro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xiddigiye

DHAFANDHAAF
1

(Xiddigiya-ha)

2

Qofka xiddigaha wax ka sheega ama ka faaliya; xiddigasheeg.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xiddigiye

DHAFANDHAAF

m.l (-yayaal, m.l/dh) Qofka xiddigaha wax ka sheega ama faaliya; xiddigasheeg.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xiddigiye

DHAFANDHAAF

m.l (-yayaal, m.l/dh) Qofka xiddigaha wax ka sheega ama faaliya; xiddigasheeg.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xiddigiye

DHAFANDHAAF

m. n. astrologer

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xiddigiye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof cilmifalagga yagaan oo xiddigaha ka faaliya: nin hogagga uu dayaxu maro iyo hadba xiddigaha uu la fadhiyo yaqaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xiddigiye

DHAFANDHAAF
1

a: xiddigasheeg

2

de: astrologer

3

initial: x

4

lx: xiddigiye

5

pd: (/ha)

6

ps: n7-m

7

key: xiddigiye

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badhigooyo

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) buullada lagu xannaaneeyo qof nabar iyo dhaawac loo geystay. Inta wan ama laxda la qalo ayaa badhida oo la shiilay la kebbiyaa ruuxa dhaawacan. Taasi na waxay fure iyo caddayn u noqotaa in ciddii nabarka lahayd ay xilkeegii qaadatay. Badhigooyo buullo ka badh maaha.

2

badhigooyo -da: (magac, dhedig, keli) wanka u horreeya ee loo qalo qofka dhaawaca loo geystay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boqnagooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) qof xoolo raacidda ku xun oo xoolaha laaya. Boqnagooye ma liibaano.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

DABA-GOOYE

DHAFANDHAAF

(Daba-goyeh) Og Leucas jamesii Bak. Labiatae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gacmagooye

DHAFANDHAAF

m.l Nooc geed oo saaqe ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

gacmagooye

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] climbing plant species

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gacmagooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) geed dhirta ku faalala oo qodxo yaryar iyo dhaacaan leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

gacmagooye

DHAFANDHAAF
1

de: climbing plant sp.

2

lx: gacmagooye

3

pd: (/ha)

4

ps: n7-m-cmp

5

key: gacmagooye

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

geedagooyo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) aqoon gaar ah oo ku saabsan geedaha iyo sida wax loogu daweeyo ama dadka wax loogu yeelo ee loogu falo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ibadaboole

DHAFANDHAAF

m.dh (-layaal, m.l/dh) Cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. la-mid: ibadaboolo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ibadaboole

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. Dh: ibadaboolo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jidcaanood

DHAFANDHAAF

m.l 1. Diillincaanood; waq-habaar. 2. Wadiiqo isku xirta xerada geela iyo guriga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jidcaanood

DHAFANDHAAF

m.l 1. Diillincaanood; waq-habaar. 2. Wadiiqo isku xirta xerada geela iyo guriga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

Jidcaanood

DHAFANDHAAF

pr. n., loc. Milky Way (galaxy)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidcaanood

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) waddo aan dhab ahayn oo samada laga arko oo ah xiddigo badan oo urursan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

Jidcaanood

DHAFANDHAAF
1

de: Milky Way (galaxy)

2

lx: Jidcaanood

3

pd: (-ka)

4

ps: n0-loc-m

5

syn: Diillin-Caanood

6

key: Jidcaanood

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

qudh-gooyo

DHAFANDHAAF

-qudh-gooyada: (n) murder (moo-dhar); the act of killing

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xadhkagoys

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) tuug caanah fanka wax loo xado ku talax tegey; qof aan wax sharci ahi xidhin oon xeerku qaban.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

xaglagooye

DHAFANDHAAF

m.l (-yayaal, m.l/dh) (xisaab) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu labagibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

xaglagooye

DHAFANDHAAF

m.l (-yayaal, m.l/dh) (xisaab) Isku xirid geeso iska horjeeda. Tusaale ahaan, xaglagooyaha labajibbaarane waxa uu labagibbaranuhu u qaybiyaa laba saddexagal oo qumman. Marka laga hadlayo shaxan adke ah badanaaba salxaale, sallax xaglagooye waa kan dhexmara laba geftin oo aan deris ahayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xaglagooye

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) xariijin isku xidha labo gees oo ku oollin labo dhinac oo daris ah. xagli: (fal) laba dhinac oo is haya dhinac u bado. Dh: janjeedhso, illo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gadhmadoobe

DHAFANDHAAF

-ha: (magac, lab, keli) nin gadh madow; nin da'dii dhallinyaro dhaafay gadhkiisuna aanu cirro yeelan. Isagu waa gadhmadoobe.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jidhida-dhexe