jidboo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) (dii.) Jidbo dareemid. la-mid: jadboo, jalboo, jibboo, jilboo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) (dii.) Jidbo dareemid. la-mid: jadboo, jalboo, jilboo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidboo
(fal) jacayl iyo qiiro ha ku hesho oo muraaqoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidbood
m.f.l eeg jidboo. la-mid: jadbood, jalbood, jibbood, jilbood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidbood
m.f.l eeg jidboo. la-mid: jadbood, jalbood, jilbood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidbood
-ka: (magac, lab, keli) jacayl iyo qiiro ku heshay la muraagoosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiboo
(fal) la dhac ama ku mirqaan. La jibboo dadka mirqaansan, mirqaan. Dh: qiiro. Li: nec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jidbo
(Jidba-da)
Si xadrada (digri) lagu noqdo oo qofku u ekaado qof maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidbo
m.dh (dii.) Khushuuc diini ah oo qof ku dhaliya in uu is-hanan waayo oo qofku u ekaado mid maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso. la-mid: jadbo, jalbo, jibbo, jilbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidbo
m.dh (dii.) Khushuuc diini ah oo qof ku dhaliya in uu is-hanan waayo oo qofku u ekaado mid maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso. la-mid: jadbo, jalbo, jilbo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
jidbo
fan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidbo
f. n. trance, ecstasy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jidbo
-jidbada: (n) overwhelming emotion; rapture (rap-jar)-, ecstasy (ekis-tasi) ~ burur, qiiro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidbo
-da: (magac, dhedig, keli) jacayl, xiise iyo qiiro la ooyid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidbo
de: trance, ecstasy
lx: jidbo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: jilbo
key: jidbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: jidboo.

jibboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: jidboo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidbow
inch. v. go into ecstasy; get infatuated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidbow
de: go into ecstasy; get infatuated
lx: jidbow
pd: (jidbooday)
ps: v3a=inch
see: jilbow
key: jidbow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: jidboo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bururid
(Bururid-da)
1. Burur qabasho; jidbood.
2. Burburid; jajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeba
m.l Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan magaaloxeebeedyada koonfureed (Xamar, Marka iyo Kismaayo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burur
burur¹: m.l 1. Dareen qofka ku dhasha marka uu la kulmo wax shucuurtiisa kiciyo oo ka lumiyo is-hanashada; jidbo. 2. la-mid: burbur1. 3. la-mid: bururid.
burur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Qof, wax shucurtiisa kiciya la kulmay, is-hanasho ka lumid; jidbood. 2. la-mid: burbur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luumbi
m.l Ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. la-mid: nuumbi.

muraaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. (dii.) U m.: arrin diimeed u jidboosho. 2. U m.: ciyaar u bururid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeba
m.l Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan magaalo-xeebeedyada koonfureed (Xamar, Marka iyo Kismaayo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burur
burur¹: m.l 1. Dareen qofka ku dhasha marka uu la kulmo wax shucuurtiisa kiciyo oo ka lumiyo is-hanashada; jidbo. 2. la-mid: burbur 1. 3. la-mid: bururid.
burur²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Qof, wax shucurtiisa kiciya la kulmay, is-hanasho ka lumid; jidbood. m.f.dh, bururid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luumbi
m.l Ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. la-mid: nuumbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luumbi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar dhaqameed lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka Banaadir, muusikadeeduna waa shareero, durbaan iyo codad kala duwan. Dh: nuumbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibbood
m.l la-mid: jidbood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibbood
-ka: (magac, lab, keli) marka la sheegayo in qof kalgacal uu wax u qabo darteed u miyir beelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jid'ood
(fal) cid kale, garta geed ama maxkamad lagu qaadayo kula dood xujooyin oo ka badi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbood
m.l la-mid: jidbood.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JILBOOD
(Gilbot) S Boscia coriacea Pax. Capparidaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibo
v. swear as a threat, promise to harm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibo
-da: (magac, dhedig, keli) dhereg iyo kaaftoomid. Hunguriyow jal mooyee haddaan jibo wax kuu silyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jibo
de: swear as a threat, promise to harm
lx: jibo
nt: jibasho (/da) [vn-f]
pd: (jibtay)
ps: v3b=
key: jibo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadbo
m.dh la-mid: jidbo.

jibbo
m.dh la-mid: jidbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibbo
-da: (magac, dhadig, kali) marka qofku iska mirqaamo ama caaddifadi qaaddo, xiise iyo laab la kac degdeg ah oo durba dhammaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidow
f.mg1 (-oobay, -oowday) Wax sharci laga dhigay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidow
f.mg1 (-oobay, -oowday) Wax sharci laga dhigay noqosho. m.f.dh, jidoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidow
(fal) wax gar ah noqo; garow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbo
m.dh la-mid: jidbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilbo
f. n. trance, ecstasy, rapture; infatuation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jilbo
-jilbaha: (n) [plural of jilib-ka] knees (niis) ~ jilib
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilbo
a: jidbo
de: trance, ecstasy, rapture; infatuation
lx: jilbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jilbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinbo
jinbo¹: m.l Awr madax adag oo aan la xiriiri karin.
jinbo²: f.mg3 (-baday, -batay) Awr xiriir goosasho; xiriirfuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinbo
-ha: (magac, lab, keli) awr madax adag oo aan la xiriiri karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lidbo
(fal) dhiidhida ku dhexsoco oo marba dhinac u silbo. Dh: silbo, barriigo.
lidbo -da: (magac, dhedig, keli) cadho kulayl ah oo qofku inuu dagaallamo aad u doono. Dh: sa'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midbo
m.dh.kh M. ah: cid hayaan ah oo habeen meel ku sii dhaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidbo
f.mg3 (-baday, -batay) Meel siman oo qoyan ku simbiriirixasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidbo
v. slip, slide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidbo
(fal) sibiibixo; sinbiriirixo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidbo
bw: sibiibixo, sisibo
de: slip, slide
initial: s
lx: sidbo
nt: sidbasho (/da) [vn-f]
pd: (sidbaday)
ps: v3a=intr
key: sidbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wehel la'aan dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wehel la'aan dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidloo
(fal) cidla' dareen; wehel la'aan dareen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibboo
(fal) xoolo, milaygii la xeroonayay dib uga dhac. Dh: dibbo, miro, bas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: jidboo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: jidboo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidbax
(fal) ka garbax waxa laguu sheeganaayo. Dh: garbax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jidoob
inch. v. be permitted ~ allowed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidoob
-ka: (magac, lab, keli) marka la sheegayo in arrini suurtagal tahey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jidoob
de: be permitted ~ allowed
lx: jidoob
pd: (jidoobay)
ps: v1=inch
key: jidoob
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilbow
inch. v. go into ecstasy, be in trance, get enraptured, obsessed ~ infatuated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilbow
a: jidbow
de: go into ecstasy, be in trance, get enraptured, obsessed ~ infatuated
lx: jilbow
pd: (jilbooday)
ps: v3a=inch
key: jilbow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirtoo
m.l eeg jir 2 (6).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jidgooye
nickname-m bandit (highway robber)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidgooyo
-da: (magac, dhedig, keli) budhcaddu meesha ay ku dhuuuntaan oo ay dadka u istaagaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilboole
-ha: (magac, lab, keli) xiddig weyn oo uu midabkiisu hurdo. Waxa kale oo loo yaqaan Suxal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biddood
m.l.u Dad la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoomo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biddood
m.l.u Dad la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoomo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biddood
m. n., [collective] slaves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biddood
-ka: (magac, lab, keli) addoon noqosho. Dh: addoomoow, addoonnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biddood
de: slaves
lx: biddood
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: biddood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddood
m.l.u la-mid: cirdood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciddood
m.l.u eeg ugaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlood
m.f.l eeg cidloo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidlood
m.l eeg cidloo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidlood
inch. v. feel lonely, feel alone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cidlood
-ay I cidlootay: (v) be without companionship, feel lonesome, alone or lonely
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidlood
-ka: (magac, lab, keli) wehel la'aan dareemid; cidla' dareemid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidlood
de: feel lonely, feel alone
lx: cidlood
pd: (cidlooday)
ps: v3a=inch
key: cidlood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirboor
(Cirboor-ta)
Xiisad dabayl ah oo isku duuban oo dhexda ka daloosha oo si xoog badan isugu wareegeysa iyadoo labadeeda madax mid dhulka ku haysa midna kor iyo cirka ku tog yahay; waxay badanaa kicisaa boor (leexo) lig ah oo cirka mudaya; cirwareen; qode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirboor
m.dh Dabayl xoog badan, boor iyo qashin sidata, socota iyadoo isku dhex wareegaysa, samada isku taluulisa oo roobaka laga saadaaliyo. la-mid: cirwareen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirboor
m.dh Dabayl xoog badan, boor iyo qashin sidata, socota iyadoo isku dhex wareegaysa, samada isku taluulisa oo roobaka laga saadaaliyo. la-mid: cirwareen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirboor
f. n. cyclone, hurricane, tornado
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cirboor
-ka: (n) cyclone (saay-kaloon)-, whirlwind ~ leexo, cirwareen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirboor
-ka: (magac, lab, keli) eeg cirboodh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirboor
de: cyclone, hurricane, tornado
lx: cirboor
pd: (-ta)
ps: n2-f
syn: cirwareen
key: cirboor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibboo
-ga: (magac, lab, keli) askari tababar ku jira oo weli aan rasmi noqon. Sannad dhibboo ah ayaan soo maray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbood
(Dibbood-ka)
(xoolo) aan habeenkii soo xeroon ee dibadda ku dhaxa; dibjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbood
dibbood¹: m.l Baadi cidla bariday.
dibbood²: f.mg1 (-day, -dday) Xoolo, xeradoodii ka dhixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibbood
m. n., [collective] livestock not brought into the fold at night
dibbood v. be left out at night (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibbood
-ay / dibbootay: (v) lost animal, especially missing home at night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbood
(fal) miro oo ha soo hoyan.
dibbood -ka: (magac, lab, keli) maqnaansho ay xooluhu habeenkii xeradooda ka dhaxaan oo aanay soo hoyan. Dh: mirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudboon
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax habboon ahaansho. 2. Wax wax kale la siman ahaansho. Tusaale: “Marka la joogo ùgarasboorama Xamar iyo Kismaayo waa g.yihiin.”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudboon
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax habboon ahaansho. 2. Wax wax kale la siman ahaansho. Tusaale: Marka la joogo ùgarasboorama Xamar iyo Kismaayo waa gudboonyihiin. m.f.dh, gudboonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudboon
der. [adjective] appropriate, fitting, suitable; just, deserved; expected; equal