jidaalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidaalid
m.f.dh eeg jidaal². la-mid: jidaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaalid
(Jibaalid-da)
(qol) jibaal saarid, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaalid
m.f.dh eeg jibaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaalid
-da: (magac, dhedig, keli) beer, jibaal u kala qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidaalis
m.dh la-mid: jidaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalid
(Daalid-da)
Daal iska garasho; daal hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalid
m.f.dh eeg dąal². la-mid: daalis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
daalid
tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl darteed oo aad dareento tabartii oo kaa dhammaatay. Dh: noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidaal
jidaal¹: m.l 1. Socod dheer oo lagu daalo. 2. Daal badan oo ka dhasha socod dheer.
jidaal²: f.mg1 (-lay, -shay) 1. Socod dheer oo lagu daalo gelid. 2. Socod dheer ku daalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidaal
(tilmaame) dad ama duunyo socod dheer soo maray oo daal la burburay.
jidaal -sha: (magac, dhedig, keli) socoto meel ka safarta oo meel kale oo masaafo jirta u kicinta. Dh: socoto, masaafir, sadcaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaadid
m.f.dh eeg idaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalid
m.f.dh eeg ilaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Itaalid
(Itaalid-da)
(ku itaalid) Le'ekaysiin; ka badin la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalid
m.f.dh eeg itaal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
itaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ku tuntuunsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidaadid
-da: (magac, dhedig, keli) weel la culay, madawgii ku hadhay iyo huubihii culayga, ka masaxid oo wixii uu ku reebay ka sifayn. Dh: catirid.
cidaadid -da: (magac, dhedig, keli) meel yar oo daloosha, walax kale ku cadaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cigaalid
(Cigaalid-da)
Riddo dheer, ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cigaalid
m.f.dh eeg cigaal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigaalid
-da: (magac, dhedig, keli) qalab iyo sharraxaad kale wax ku qurxin. Dh: shaqlid. cigaalid -da: (magac, dhedig, keli) riddo dheer, ridid. Cigaalida warmaha aad baan u aqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaalid
(Dadaalid-da)
Dadaal la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaalid
m.f.dh eeg dadaal². la-mid: dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabad dheeraad ah oo muruq iyo maskax ah samayn si yool loo gaadho. Dh: dadaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedaalid
m.dh la-mid: dadaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedaalid
-da: (magac, dhedig, keli) si weyn oo shago u qabasho. Dh: dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gidaadid
(Gidaadid-da)
(xoolo, kd.) Gedaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gidaadid
m.dh la-mid: gadoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidaamid
(Iidaamid-da)
Cunnada iidaan u yeelid, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidaamid
m.f.dh eeg iidaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidaamid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto, wax dufan, dhadhan ama carfi udgoon leh, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaalid
m.f.dh eeg jalaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaadid
(Jibaadid-da)
Xoog u reemid; aad u taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaadid
m.f.dh eeg jibaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaadid
-da: (magac, dhedig, keli) taahid oo xanuun ama ciil la reemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaaxid
(Jibaaxid-da)
Jibaax ku marid; jiirid; jeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaxid
m.f.dh eeg jibaax². la-mid: jibaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah dhexmaris; awood ku mar meel aan bannaan ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidmarid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaalid waddo la qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihaadid
m.dh la-mid: jahaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jihaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal jihaad ah oo sharciga ku dhisan qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jikaarid
(Jikaarid-da)
Diidmo iyo asaraar ka horkeenid; jactadid; murmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jikaarid
m.f.dh eeg jikaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jikaarid
-da: (magac, dhedig, keli) talo la soo jeediyay, si ula kac ah u diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaabid
m.f.dh eeg jinaab. la-mid: junoobid, junubid, junuubid, junuunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaabid
-da: (magac, dhedig, keli) jinaabo yeelad oo cid u galmood ama biyo keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kudaalid
(Kudaalid-da)
1. Faras aan la lahayn fuulid oo la cararid oo dhul fog la aadid.
2. Kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kudaalid
m.f.dh eeg kudaal³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midaarid
(Midaarid-da)
Baaq midaar ah, ku baaqid, cid wax ku barid, ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midaarid
m.f.dh eeg midaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaalid
m.f.dh eeg milaal². la-mid: milaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milaalid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u buuxin oo tirrijin. Dh: miijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qidaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qiyaasid, beegid, cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidmaalid
m.f.dh eeg fiidmaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidhaamid
(Bidhaamid-da)
Bidhaan muuqata yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaamid
m.f.dh eeg bidhaan². la-mid: bidhaan¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) bidhaan muuqata yeelad. Dh: iftiimid, bildhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillaalid
m.f.dh eeg cillaal². la-mid: cillaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ama meel daloosha ku jufid oo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisaalid
m.f.dh eeg dhisaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diihaalid
m.f.dh eeg diihaal². la-mid: daahiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaalid
m.dh la-mid: dallaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dillaalid
-da: (magac, dhedig, keli) dad wax kala iibsanaya ka shaqaysashada wax loo kala iibiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedaalin
(Jeedaalin-ta)
Wax durugsan, indhaha ku raadin; fiirin; eegid; ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedaalin
m.f.dh eeg jeedaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) dib u eegis, dhan fiiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalis
-ka: (magac, lab, keli) dib ama dhinac eegitaan. Dh: daymood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhdilid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xidhan oo la kadeedayo garaacid. Dh: jidhgaraacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidqaadad
m.l la-mid: jidqaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidqaadad
-ka: (magac, lab, keli) waddo cad qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiilaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) caansiirin iyo silcin waxsiin iyo wax qabad lala daaho. Dh: gasacin, caansiirin, silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jillaabid
(Jillaabid-da)
Kalluun dabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaabid
m.f.dh eeg jillaab². la-mid: jillaab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kalluun iyo wax la mid ah soo qabasho adiga oo jilib adeegsanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaadid
m.dh la-mid: jallaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaafid
m.dh la-mid: jallaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirraaqid
m.f.dh eeg jirraaq². la-mid: jirraaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liqdaarid
(Liqdaarid-da)
Wax liqdaaran ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liqdaarid
m.f.dh eeg liqdaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liqdaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toosan meel ku tigtigid oo ku xajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milaalmid
m.f.dh eeg milaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sii sheegid, wax soo fool leh ka sii warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadcaalid
m.dh la-mid: socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadcaalid
-da: (magac, dhedig, keli) safrid; ambabbixid; socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Socdaalid
(Socdaalid-da)
Socdaal u bixid; safrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
socdaalid
m.f.dh eeg socdaal². la-mid: sadcaalid, sodcaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
socdaalid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal u bixid; safrid; sacdaal dheer galid. Socdaalidda badan waad xanuusanaysaaye iska ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sodcaalid
(Sodcaalid-da)
Socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sodcaalid
m.f.dh la-mid: socdaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sodcaalid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaalid; sadcaalid; safrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigaalid
-da: (magac, dhedig, keli) yeel iyo ujeeddo ama meel u qasdid. Dh: tiigsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin. m.f.dh, daalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daali
v. tire, make tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daali
(fal) wax tabar daran ka dhig. Dh: nooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daali
de: tire, make tired
lx: daali
pd: (daaliyey)
ps: v2a=tr
key: daali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalid
m.f.dh eeg dal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idaad
(Idaad-da)
Xarig adag oo yaryar oo inta jilib lacaaf leh afka lagaga xiro, badda, kd., lagu tuuro oo kalluunka lagu qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaad
idaad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Bir qaroofan oo mallayga lagu dabo. 2. Laqanyo.
idaad²: f.mg1 (-day, -dday) Laqanyo dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idaad
f. n. fishing line, tackle