ereyga

jid-kiimikeed

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jid-kiimikeed

DHAN

m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) Hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays-molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhisnaanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jidkiimikeed

DHAFAN

m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) Hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays-molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhis-naanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jidkiimikeed

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) (kiim.) hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhisnaanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jirro-dhimireed

DHAFANDHAAF

m.l (-ooyin ..., m.l) (daawo) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dood-cilmiyeed

DHAFANDHAAF

m.l/dh Shir ay isugu yimaadaan aqoonyahanno oo lagu soo bandhigo afkaar cusub.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jiid-kubbadeed

DHAFANDHAAF

m.dh (-dyo, m.dh) (xisaab) Qaybta dul ee kubbad oo ku soohdimaysan laba sallax oo barbarro ah. Joogga jiid waa fogaanta u dhexaysa sallaxyo. Sallaxyada barbarrada ah waxa ay kubbadda ka gooyaan laba goobo oo ah salalka jiidka. Jiidka hal sal waxa uu sammeysmaa marka mid ka mid ah sallaxyada barbarrada ah uu yahay taabtaha kubbadda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jirrodhimireed

DHAFANDHAAF

m.l (-ooyin ..., m.l) (daaw.) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

isle'egkiimikeed

DHAFANDHAAF

m.l (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Hab loo muujiyo falgalka kiimikaad iyada oo lagu astaynayo summado saxarrada falgalaya (atammo, molikuyuullo, ayoonno iyo wixi lamida). Tusaale ahaan: x A + y B z C + w D . Calaamadda waxa loo akhriyaa leebab. Halka leeb waxa lagu isticmaalaa falgalka magedismaha ah, leebabka lammaanna falgalka gedismaha ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jimiimicid

DHAFANDHAAF
1

(Jimiimicid-da)

2

Wax loo jeel qabo rabitinkeed ama samaynteed muujin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jimiimicid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg jimiimic².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Jiyokimiko

DHAFANDHAAF

Geochemistry

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jid-dhiriqle

DHAFANDHAAF

m.l 1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Roob da'a xilliga guga. 3. Godadka dayaxu dego midkood.

waa la naqliyay ✓