jid-dhiriqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jid-dhiriqle
m.l 1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Roob da'a xilliga guga. 3. Godadka dayaxu dego midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiddhiriqle
Xiddigaha cirir mid kamid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiddhiriqle
m. n., [compound] name of a star; period in the season of spring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiddhiriqle
-ha: (magac, lab, keli) xiddig xiddigaha cirirka ka mida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiddhiriqle
cf: Gu'
de: name of a star; [ext.] period in the season of spring
lx: jiddhiriqle
pd: (/ha)
ps: n-m-cmp
key: jiddhiriqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiqjiiqle
(Jiiqjiiqla-ha)
1. Geed jeerinka iyo gumarta la bah ah oo leh qodxo dheerdheer, xabag iyo miro quulle ah.
2. Bahal jirriqaaga u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiqjiiqle
m.l 1. Geedgaab qodax leh oo jeerinka la bah ah oo leh xabag iyo miro la cuno, iyo mayrax xargo laga samaysto. 2. Cayayaan jirriqaaqa u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiiqjiiqle
m.l 1. Geedgaab qodax leh oo jeerinka la bah ah oo leh xabag iyo miro la cuno, iyo mayrax xargo laga samaysto. 2. Cayayaan jirriqaaqa u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiiqjiiqle
m. n., [collective] thorny plant species
jiiqjiiqle m. n., [collective] insect species (similar to a cricket)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiiqjiiqle
-ka: (n) cricket (kin kat); type of an insects
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiqjiiqle
-ha: (magac, lab, keli) geed jeerinka iyo gumarta u eg oo la bah ah ooleh qodax aan dhaadheerayn. Jiiqjiiqle ayaan beeray.
jiiqjiiqle-ha: (magac, lab, keli) cayayaan qolof iyo geeso dhaadheer leh oo meelaha qoyan iyo siyica aan ka dheeraan oo agabka cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiririqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Jiririq samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiririqlee
v. squeak, creak
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiririqlee
de: squeak, creak
lx: jiririqlee
pd: (jiririqleeyey)
ps: v2b=intr
key: jiririqlee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hakad-dhibicle
-dhibiclaha: (n) [Grammar]: semicolon (semi kowlan) [; ]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaafaajiriqle
-ha: (magac, lab, keli) qofka doodda aan macnaha lahayn ku daala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jid-kiimikeed
m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) Hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays-molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhisnaanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriqjirriqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Ilko isku lisid; jiririq samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirriqjirriqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Ilko isku lisid; jiririq samayn. m.f.dh, jirriqjirriqleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jirriqjirriqlee
v. utter a piercing, shrill ~ sharp sound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriqjirriqlee
(fal) codkaa ku celceli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jirriqjirriqlee
de: utter a piercing, shrill ~ sharp sound
lx: jirriqjirriqlee
pd: (jirriqjirriqleeyey)
ps: v2b=intr
key: jirriqjirriqlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirro-dhimireed
m.l (-ooyin ..., m.l) (daawo) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.