jiciirayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiciirayn
(Jiciirayn-ta)
1. Ceeb ku markasho.
2. (timo) ciiro guduudan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciirayn
m.f.dh eeg jiciiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiciirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha midab guduudan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirayn
m.f.dh eeg ciiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciiro u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaciiray
-da: (magac, dhedig, kali) qof lagu yaqaano fadhi xum oo laga naxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciirin
m.f.dh eeg jiciiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciirasho
m.f.dh eeg jiciiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiciir
(Jiciir-ta)
1. Ceeb weyn; bayuur; maqdiir.
2. (midab) ciiro casiin ku jiro oo badanaa timaha loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciir
m.dh 1. Ceeb weyn; bayuur. 2. Midab ciiro casaan ku jiro leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiciir
m. n., [abstract] reddish color (of animals)
jiciir [feminine] n. disgrace, shame, embarrassment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiciir
-ka: (magac, lab, keli) naar ama cadaab. Jiciir ilaahay ayaa laga magan gala. Dh: naar. Li: jonno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) carro ku rogid ama ku daadin; ciid ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqayn
m.f.dh eeg ciiqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrayn
m.f.dh eeg cirree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cirro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciiri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel ka wadid; wax meel ka fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Meel ka fogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiraan
(Jiiraan-ka)
Deris; jaar; (ama jaaraan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiraan
m.l (-nno, m.dh) Dad guryohoodu isu dhawyihiin; deris; ollog. la-mid: jaaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiiraan
m.l (-nno, m.dh) Dad guryohoodu isu dhawyihiin; deris; ollog. la-mid: jaaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiiraan
m. n. neighbor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jiiraan
name-m neighor; lit: he who was born at the home of a neighbor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiiraan
-ka: (n) neighbor (neeybar) ~ daris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jiiraan
magac loo baxsho wiil ku dhashay guri jaarka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiraan
-ka: (magacwadareed) inta guryahoodu isu dhawyihiin ilaa 40 guri. Dh: deris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiiraan
a: jaaraan
de: neighbor
lx: jiiraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jiiraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digiiran
(Digiiran-ka)
Shinbiro dibadjoog iyo gurijoogba leh oo aan dhab u duulin; midabkoodu waa beymadow (lafcir) xarriiqo iyo dhibco yaryar oo cadcadi ku dhafan yihiin; (ama digirin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digiiran
m.l.u Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. la-mid: digirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digiiran
m.l.u Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. la-mid: digirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digiiran
m. n. guinea-fowl, partridge, pheasant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digiiran
-ka: (n) pheasant (fesant); guinea fowl (gini-fowl); partridge (paar-tarij)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digiiran
a: dagiiran
de: guinea-fowl, partridge, pheasant
lx: digiiran
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: digiiran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiciir_1
de: reddish color (of animals)
hm: 1
lx: jiciir
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n-m/f-abs
key: jiciir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiciir_2
cf: ceeb, bayuur
de: disgrace, shame, embarrassment
hm: 2
lx: jiciir
pd: (-ta)
ps: n-f
key: jiciir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciiree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Cid ceeb gaarsiin. 2. Wax midab ciiro ah u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiciiree
v. disgrace, dishonor, embarrass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiciiree
(fal) timo midabkooda cirro, guduudan kadhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiciiree
de: disgrace, dishonor, embarrass
lx: jiciiree
pd: (jiciireeyey)
ps: v2b=
key: jiciiree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiciirow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cid wax ceeb weyni gaartay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiciirow
(fal) ceebow; ceebi ha ku haleesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibirayn
m.f.dh eeg sibiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sicir marin. Dh: shammiintayn, sibidhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiciiroob
inch. v. act disgracefully ~ shamefully
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiciiroob
a: jiciirow
de: act disgracefully ~ shamefully
lx: jiciiroob
pd: (jiciiroobay)
ps: v1=inch
key: jiciiroob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriigaan
-ka: (magac, lab, keli) weel caag ka samaysan oo lagu shubto dareeraha. Dh: shirikaan, jirikaan. Wa: jirigaanno.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciirciiraya
(v) being unsteady (bii an-istadh)-, stagger (istagerf totter footer), fluctuat (falak-juweyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biibiilayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biibiib ama biibiile samayn. Biibiilaynta biiqbiiqda naga daaya. Dh: biiqbiiqlayn.
biibiilayn-ta: (magac, dhedig, keli) codka ka soo baxa biibiida samayn. Biibiilayn baaq maaha. Dh: dhiiqdhiiqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) iska horkeenista labo dhinac ayadoo qofba intiisa xun ka kale loo sheegayo. Dh: namiimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiirtayn
m.f.dh eeg faqiirtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiirtayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ama kuwo sabool ah ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firfirlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rafasho aan kala joogsi lahayn. Dh: rafasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibxiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Geel wax dhudhunka la isga xirey ahaansho. 2. Xoolo iyo ilmo dhumay wax duco loo akhriyay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilibxiran
der. [adjective] tied by the front leg (camel); prevented from wandering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilibxiran
de: tied by the front leg (camel); prevented from wandering
lx: jilibxiran
pd: (jilibxirnaa)
ps: adj-der
key: jilibxiran
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiri jiray
vl. [expression] there used to be
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiri_jiray
de: there used to be
lx: jiri jiray
ps: v1-expr
key: jiri_jiray
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriiddeyn
(Jiriiddeyn-ta)
Jiriiddada buurid; hadba jiriid muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriiddeyn
m.f.dh eeg jiriiddee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirjiirray
(fal) is rogrog oo kolba waji ula soco dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirjirreyn
(Jirjirreyn-ta)
Jirjir u jiifid, u seexasho, u dabaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirjirreyn
m.f.dh eeg jirjirree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shactirayn
m.dh la-mid: shaacirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shactirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ka qoslisiin; maadayn; majaajillayn: shactirays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiriiryaan
(Wiriiryaan-ka)
Wax faro badan oo meel wada jooga oo intaas is dabammaraya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiriiryaan
m.l Wax farabadan oo meel wada jooga oo intaas is dabammaraya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiriiryaan
m. n. swarm ~ swarming (circulation of large groups ~ numbers)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiriiryaan
-ka: (magac, lab, keli) is daba mar iyo xuuran uu sameeyo wax farabbadan oo meel wada jooga. Dadkiiba wiriiryaan kama baxayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiriiryaan
de: swarm ~ swarming (circulation of large groups ~ numbers)
initial: w
lx: wiriiryaan
pd: (-ka)
ps: n-m
key: wiriiryaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birimbirqayn
m.f.dh eeg birimbirqee. la-mid: birimbirqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birinbirqayn
(Birinbirqayn-ta)
Cayaar-carruureed aan hab lahayn cayaarid; farsamo birinbirqada carruurta u eg, samayn; faranfardayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birinbirqayn
-ta: (n) child's play
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birinbirqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar aan qaab lahayn oo ay carruurtu jiifka ku galgalato. Birinbirqayn badanaa ilmuhu seexashana diidye. Dh: faranfardayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibxirnaan
m.f.dh eeg jilibxiran. la-mid: jilibxirnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinjingarayn
m.f.dh eeg jinjingaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirinsirqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax miyirbel ku dhacay ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biiran
inch. v. be increased
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biiran
de: be increased
lx: biiran
pd: (biirmay)
ps: v1=inch
key: biiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birayn
(Birayn-ta)
1. Neef xoola ah gowricid.
2. Bir ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birayn
m.f.dh eeg biree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birayn
-ta: (n) the act slaughtering; slaughter (islootar) ~ gawricis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef xoolo ah gawricid. Birayn ba wuu u diiday haka dhamo bakhtiye wanku. Dh: xalaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carayn
m.f.dh eeg caree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carayn
-ta: (n) an act of daring; a challenge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale 'car!' ku dhihid oo u digid. Dh: carays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciidan
(Ciidan-ka)
1. Qofka ama dadka qabta waxyaalaha hawluhu u baahan yihiin; dadka adeega; xoogsato; shaqaale; midiidin.
2. Xoogga hubka sida; col: askar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidan
ciidan¹: m.l 1. Qof, cid hawl u qabto ijaarna ka qaata. 2. (-ammo, m.dh) Xoog abaabulan, hubeysan oo qoran u qaabbilsan difaaca dalka. 3. (e.d) C.amow!: hayaay!, waawareey!
ciidan²: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) U c.: qof, cid u gargaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciidan
ciidan¹: m.l 1. Qof, cid hawl u qabto ijaarna ka qaata. 2. (-ammo, m.dh) Xoog abaabulan, hubeysan oo qoran u qaabbilsan difaaca dalka. 3. (e.d) C.amow!: hayaay!, waawareey!
ciidan²: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) U c.: qof, cid u gargaarid. m.f.dh, ciidmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciidan
v. be of service; send forces to fight; give support
ciidan m. n., [collective] servant, helper; workforce, workmen; army, force, troops
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciidan
-ka: (n) force (/bors); army (aar-mi); military (mila-teri) ~ ciidammo
ciidan -ka: (n) helper (hel-per); assistant (a-sis-tant); servant (servant) ~ gacanyare, kaaliye
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciidan
Esercito
Army
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidan
-ka: (magacwadareed) dad leh hab iyo nidaam gaar ah oo loo tababaray ilaalinta nabadgelyada iyo amniga qaran ama dal, sida: ~ka asluubta, ~ka badda, ~ka cirka.
ciidan -ka: (magac, lab, keli) qof ama dad, cid kale u adeega. Calaf yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa. Dh: adeege, midiidin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ciidan
عَسْكَرِ، جَيْش، جند
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiday
(fal) carro ku rog; ciid ku daadi. Dh: ciidee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirad
m.dh Ciil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirad
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u dheelliyid, dhinac u dullaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cimran
magac loo baxsho gabadh muuq ahaan buuxda ama badhaadhe loo rajaynayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sharaf u yeelid. Dh: cisays, xurmayn, tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiran
Diirka laga qaaday; muruxsan; qayaxan.