jibindhabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibindhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Sida jibinta u dhawaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhabo
(fal) sida jibinta u yeedh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibindhabad
m.l la-mid: jibindhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhac
-a: (magac, lab, keli) soo daadashada burburka jibinta oo dhulka ku soo dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibindhaw
(Jibindhaw-ga)
Sida jibinta u yeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibindhaw
m. n. boom (noise), sound of a bump
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jibindhaw
de: boom (noise), sound of a bump
lx: jibindhaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: jibindhaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibindaabo
-da: (magac, dhedig, keli) marka cid loo samaynayo khiyaamo wax lagu yeelayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibindhabasho
m.f.dh eeg jibindhabo. la-mid: jibindhabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibindaabyo
(Dibindaabya-da)
Si silicdilyo ku jirto oo wax laysu yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibindaabyo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Waxyeello. 2. Khayaano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibindaabyo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Waxyeello. 2. Khayaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibindaabyo
f. n. misleading, putting someone off, lead someone on; mistreatment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibindaabyo
-dibindaabyada: (n) 1. maltreatment (maal-tiriit-ment)-, mistreatment; the act of treating in a cruel way 2. cheating (jiit); deceit (disiit)', deception (di sap shan)', swindling ~ khayaano
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dibindaabyo
Maltrattamento
Ill-treatment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibindaabyo
-da: (magac, dhedig, keli)luggooyo iyo dhib cid loo geysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibindaabyo
de: misleading, putting s.o. off, lead s.o. on; mistreatment
lx: dibindaabyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dibindaabyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabindhabad
-ka: (magac, lab, keli) sida danabka u yeedhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibindaab
m. n. dishonesty, putting someone off; interference, meddling
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibindaab
de: dishonesty, putting s.o. off; interference, meddling Alt sp: dibindab
lx: dibindaab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dibindaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhow
-ga: (magac, lab, keli) yeedh jibin dhacda; dhawaq iyo dinnaago hanqadh, biriq ama quuqac roob daya. Daraawiishi waa jibindhowgiyo jawga soo bixi dheh. Dh: jibindhac, onkod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibindaabi
(fal) shirqool u samay oo luggooyo gaadhsii. Dh: luggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiliqdhabo
m.dh Carinta la cariyo awr dad cun ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biindho
m.dh (-ooyin, m.l) Saaridda (ciyaar turub).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiindho
(Fiindha-da)
1. Kala findhicil; kala sooc.
2. (dad) xin; guulguul; jirxumayn; filfilin; qalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiindho
m.dh la-mid: fiindhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiindho
f. n., [abstract] separateness; ostracism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindho
-da: (magac, dhedig, keli) wajiga u xumayn, geeska gelin. Dh: xinnin.
fiindho-da: (magac, dhedig, keli) miidho iyo dirsooc ama takoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiindho
de: separateness; ostracism
lx: fiindho
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: fiindho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giindho
m.dh Nooc lo'da ka mid ah oo geesa yaryar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giindho
-da: (magac, dhedig, keli) nooc lo'da ka mid ah oo geeso yaryar leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaabo
m.dh Qubays ku waajiba qof shahwo ka timid. la-mid: janaabo, junow¹, junub¹, junuub¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jinaabo
m.dh Qubays ku waajiba qof shahwo ka timid. la-mid: janaabo, junub, junuub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinaabo
f. n., [collective] ejaculation, orgasm; sperm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaabo
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha labka iyo dhedigga ba ka yimaadda kolka ay himiloodaan. Dh: shahwad, xawo.
jinaabo -da: (magac, dhedig, keli) maydhashada waajibka ah marka la isu galmoodo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jinaabo
bw: Arabic
de: ejaculation, orgasm; sperm Religious observance requires that a shower or full bath be taken afterwards
lx: jinaabo
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: jinaabo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baydhabo
pr. n., loc. Baidobow,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Baydhabo
(n) Baidobo; capital city of Somali southern region of Bay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baydhabo
cf: caasimad
de: Baidobow, Baydhaba [city in south central west Somalia] Capital of Jubbada Sare region;
lx: Baydhabo
pd: (Baydhaba)
ps: n0-loc
key: Baydhabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindhay
(fal) dad u jidhxumay ama dirsooc oo miidh. Dh: ximi, filfili, guul, qalay, dirsooc, takoor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhabo
(fal) erey duca ah oo carruurta lagu yidhaa kolka ay higgoonayaan. Habdhabo hooyoy habdhabo. Dh: higgoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biindhayn
m.f.dh eeg biindhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiindhayn
(Fiindhayn-ta)
1. Kala findhicilid; kala soocid.
2. (dad) ximin, filfilin; guulid; jirxumayn; qalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiindhayn
m.f.dh eeg fiindhee. la-mid: fiindhays, fiindho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad u jidhxumayn ama dirsooc aawadii qalayn. Dh: ximin, guulid, qalayn, miidhid, dirsoocid, takoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiindhays
m.l la-mid: fiindhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiindhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goondhabo
-da: (mgac dhedig, keli) dagaallanka labada dibi oo geesaha isla dhacaaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubindhac
m.l (-bno ..., m.l) (daaw.) Xubin ama sooh oo hoos uga dhaqaaqa meeshiisii caadiga ahayd, badanaa waxa keena sooha taageera oo dabca. Rimmaydhac iyo siil-dhac waxa keena, inta badan, jiidid iyo jeexmid ku dhaca sooha taageerada xilliga dhalmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibdhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) U j.: arrin si deggan uga baaraanndegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilibdhigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) U j.: arrin si deggan uga baaraanndegid. m.f.dh, jilibdhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabandhaco
m.dh Jariirico oogada ku fidda oo ay dhaliso naxdin, dhaxan ama jirro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabandhaco
m.dh Jariirico oogada ku fidda oo ay dhaliso naxdin, dhaxan ama jirro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabandhaco
f. n. physical ~ mental illness which causes shivering and spasm; goosepumps
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabandhaco
-qabandhacada: (n) goose bumps (gnus bampis); goose pimples (guus pimpalis); gooseflesh (guusfaleesh) ~jiriirico
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabandhaco
-da: (magac, dhedig, keli) jidhiidhico qabawga ama murugadu sababto oo jidhku la madoobaado. Warkii loo sheegay ayay qabandhaco ku habstay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabandhaco
de: physical ~ mental illness which causes shivering and spasm; goosepumps
lx: qabandhaco
pd: (/da)
ps: n-f
key: qabandhaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibindaabyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Wax dibindaabyo u geysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibindaabyee
v. put someone off (e.g. with red tape); mislead, not deal fairly with someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibindaabyee
(fal) cid kale, dhibaato silic iyo hagardaamo leh u geyso. Dh: hagardaamee. dibindaabyeyn -ta: (magac, dhedig, keli) dhib iyo waxyeello u geysasho. Dh: hagardaamayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibindaabyee
de: put s.o. off (e.g. with red tape); mislead, not deal fairly with s.o.
lx: dibindaabyee
pd: (dibindaabyeeyey)
ps: v2b=
key: dibindaabyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinbiidhasho
-da: (magac, dhedig, keli) si dadab ah u dhicid; sinbiidhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidhiidhico
-da: (magac, dhedig, keli) kolka wax naxdi leh la arko furuuruc yar oo jidhka korkiisa kasoo yaaca oo markiiba baaba'a.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiindhuub
-ka: (magac, lab, keli) muddo aan wax jidiinka la marinin. Dh: jidiinqallal.
jidiindhuub -ka: (magac, lab, keli) xilli dadku baahdeen oo wixii la cuni lahaa yaraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidiindhuun
jidiindhuun¹: m.l Afka iyo dhuunta oo oon dartiis la qallalaan.
jidiindhuun²: f.mg1 (-uunay, -uuntay) Harraad awgii afka iyo dhuunta ka qallalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidiindhuun
(fal) waqti dheer waxba ha liqin. Dh: jidiindhuub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabandhacoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qabandhaco dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabandhacoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qabandhaco dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabandhacoo
(fal) murugo ama wax kale u jidhiidhicoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabandhacow
v. experience a physical ~ mental illness which causes shivering and spasms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabandhacow
de: experience a physical ~ mental illness which causes shivering and spasms
lx: qabandhacow
pd: (qabandhacooday)
ps: v3a=intr
key: qabandhacow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiliqdhabee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Awr dad cun ah carin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiniintaabo
f.g3 (-btay, -batay) la-mid: xiniinyataabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiniintaabo
(fal) car dheh oo si dhafoortaabasho ah ula hadal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbirodhacso
(fal) iska rid dhereg xooggan oo ku haya, iska yaree dibbiro aad la ciirciiraysid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibindaabyeyn
(Dibindaabyeyn-ta)
Waxyeello nac ku jiro cid gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibindaabyeyn
m.f.dh eeg dibindaabyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilibdhigasho
m.f.dh eeg jilibdhigo.