jibindhabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibindhabad
m.l la-mid: jibindhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabindhabad
-ka: (magac, lab, keli) sida danabka u yeedhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibindhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Sida jibinta u dhawaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhabo
(fal) sida jibinta u yeedh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibindhabasho
m.f.dh eeg jibindhabo. la-mid: jibindhabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhac
-a: (magac, lab, keli) soo daadashada burburka jibinta oo dhulka ku soo dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibindhaw
(Jibindhaw-ga)
Sida jibinta u yeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jibindhaw
m. n. boom (noise), sound of a bump
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jibindhaw
de: boom (noise), sound of a bump
lx: jibindhaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: jibindhaw
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibindaab
m. n. dishonesty, putting someone off; interference, meddling
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibindaab
de: dishonesty, putting s.o. off; interference, meddling Alt sp: dibindab
lx: dibindaab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dibindaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibindhow
-ga: (magac, lab, keli) yeedh jibin dhacda; dhawaq iyo dinnaago hanqadh, biriq ama quuqac roob daya. Daraawiishi waa jibindhowgiyo jawga soo bixi dheh. Dh: jibindhac, onkod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibindaabi
(fal) shirqool u samay oo luggooyo gaadhsii. Dh: luggoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibindaabo
-da: (magac, dhedig, keli) marka cid loo samaynayo khiyaamo wax lagu yeelayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shindhalad
(Shindhalad-ka)
Shinkiisii ku dhashay; gardhalad; dhammays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shindhalad
m.l.kh Sh. ah: wax markuu sidkiisii dhammaystay dhashay (ilmo, bil).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shindhalad
m. n., [compound] child born at full term
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shindhalad
-ka: (magac, lab, keli) shinkiisii ku dhashay; wakhtigii la filayay ku dhashay. Ilmaha sagaal bilood ku dhashi waa shindhalad. Dh: shinudhalad, gardhalad; dhammays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shindhalad
de: child born at full term
initial: s
lx: shindhalad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: shindhalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibindaabyo
(Dibindaabya-da)
Si silicdilyo ku jirto oo wax laysu yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibindaabyo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Waxyeello. 2. Khayaano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibindaabyo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Waxyeello. 2. Khayaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibindaabyo
f. n. misleading, putting someone off, lead someone on; mistreatment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibindaabyo
-dibindaabyada: (n) 1. maltreatment (maal-tiriit-ment)-, mistreatment; the act of treating in a cruel way 2. cheating (jiit); deceit (disiit)', deception (di sap shan)', swindling ~ khayaano
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dibindaabyo
Maltrattamento
Ill-treatment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibindaabyo
-da: (magac, dhedig, keli)luggooyo iyo dhib cid loo geysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibindaabyo
de: misleading, putting s.o. off, lead s.o. on; mistreatment
lx: dibindaabyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dibindaabyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelbidhabad
-ka: (magac, lab, keli) degganaansho la'aan. Gelbidhabadka waxa iigu wacan hal ii gaar ah. Li: degganaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogsindhabad
-ka: (magac, lab, keli) biyo raadinta ama raacraacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibic hakad
n. phr. semi, collectiveon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibic hakad
(n) [; ] semicolon (simikolan) ~ hakad dhibicle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibic_hakad
de: semi-colon
lx: dhibic hakad
ps: np
key: dhibic_hakad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibindaabyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Wax dibindaabyo u geysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibindaabyee
v. put someone off (e.g. with red tape); mislead, not deal fairly with someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibindaabyee
(fal) cid kale, dhibaato silic iyo hagardaamo leh u geyso. Dh: hagardaamee. dibindaabyeyn -ta: (magac, dhedig, keli) dhib iyo waxyeello u geysasho. Dh: hagardaamayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibindaabyee
de: put s.o. off (e.g. with red tape); mislead, not deal fairly with s.o.
lx: dibindaabyee
pd: (dibindaabyeeyey)
ps: v2b=
key: dibindaabyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeendhalad
-ka: (magac, lab, keli) nasiib badan oo Ilaahay qofka kolba ta san ku ilhaamiyo, ducadiisa iyo habaarkiisana la arko. Haybad baa i guud taal, waxan ahay habeendhalad, hadalkiisa la arkaa. Dh: hameendhalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiliqdhabayn
m.f.dh eeg wiliqdhabee. la-mid: wiliqdhabays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiliqdhabays
m.l la-mid: wiliqdhabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baydhaba
[city in south central west Somalia.]
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bidaaqad
Card
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bildhaan
(fal) sheedda ka muuqo. Dh: bidhaan.
bildhaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax sheedda ka muuqda. Dh: bidhaan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birdhaab
Birta isku dhaabta daabka iyo dhiliska maaraanka, soofaha iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birqabad
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: birqaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birqabad
-ka: (magac, lab, keli) eeg birqaab.
birqabad-dhalis -ka: (magac, lab, keli) bir godan oo lagu dhaliyo ilmaha oo loogu talagalay in takhaatiirtu wax ku qabato oo ku soo jiiddo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birqabad
Wuxuu u qadan eg yahay qabatada oo kale waxaana lagu qabtaa birta kulul, tan la jarayo ee aan lahayn meel la qabsado, dhuxusha kulul ama nool, wixii dab laga soo dhex bixinayo iwm oo laga yaabo gacanta oo qaawan inaan looga shaqayn karin. Afka birqabadku waa kala qaab iyo qadan duwan yahay, daabkiisuna waa kala dheer yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindhay
(fal) dad u jidhxumay ama dirsooc oo miidh. Dh: ximi, filfili, guul, qalay, dirsooc, takoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firdhaad
(Firdhaad-ka)
Wax weyn oo qaraxday ama col jabay, kd.. waxa ka soo go'a ama ka soo yaaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhaad
m.l 1. Wax weyn oo qarxaday ama col jabay, waxa ka soo go'a ama ka soo yaaca. 2. Dad ama xoolo kala yaacid. la-mid: firdhad (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firdhaad
m.l 1. Wax weyn oo qarxaday ama col jabay, waxa ka soo go'a ama ka soo yaaca. 2. Dad ama xoolo kala yaacid. la-mid: firdhad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firdhaad
m. n. fragment; splinter-group; debris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhaad
-ka: (magac, lab, keli) wax weyn oo qarxay ama col jabay iyo wixii la mid ah, waxa ka soo go'a ama firdha ama ka soo yaaca. Dh: firdhad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firdhaad
de: fragment; splinter-group; debris
lx: firdhaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: firdhaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indhala'
Aan wax arag; indhihii ka dheceen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
indhala'
adj., [expression] blind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
indhala'
(adj) blind (balaayndh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indhala'
(tilmaame) mid aan wax ba arkayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
indhala'
de: blind
lx: indhala'
pd: (indhala'aa)
ps: adj-expr
key: indhala'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiidnaan
(Jiidnaan-ta)
Wax jiidan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidnaan
m.f.dh eeg jiidan². la-mid: jiidnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiidnaan
f. n., [abstract] state of being stretched (out)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiidnaan
de: state of being stretched (out)
lx: jiidnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: jiidnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiinbaar
(Jiinbaar-ta)
Sariir yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiinbaar
m.dh (-ro, m.l) Sariir yar oo maqaar lo'aad iyo qoryo ka samaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiinbaar
m.dh (-ro, m.l) Sariir yar oo maqaar lo'aad iyo qoryo ka samaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiinbaar
m. n. bed, lounge ~ seat (of hide stretched over a wooden frame)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiinbaar
-ta: (n) old-fashioned bed used at old days
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiinbaar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg jiimbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiinbaar
de: bed, lounge ~ seat (of hide stretched over a wooden frame)
lx: jiinbaar
pd: (-ta)
ps: n2-m
key: jiinbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiinbadh
-ka: (magac, lab, keli) dar sida sanduuq dabaqla' u dhisan oo xoolaha biyaha loogu shubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jildhaaf
(Jildhaaf-ta)
1. Naagta dhibaaddu (xayl) ka tagto oo jilka lagu helo dhaafta; sunnaggoys.
2. Naagta dhibaaddeedu boodbooddo oo ayan lahayn waqti u go'an oo loo yaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jildhaaf
f. n. menopausal woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jildhaaf
-ta: (magac, dhedig, keli) haweenayda ay caadadeedu boodbooddo oo ayna lahayn wakhti u go'an. Dh: wakhtidhaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jildhaaf
de: menopausal woman
lx: jildhaaf
pd: (-ta)
ps: n-f
key: jildhaaf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaabid
m.f.dh eeg jinaab. la-mid: junoobid, junubid, junuubid, junuunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaabid
-da: (magac, dhedig, keli) jinaabo yeelad oo cid u galmood ama biyo keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biindhayn
m.f.dh eeg biindhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaqabad
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: biyaqabatin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibinjaaq
-a: (magac, lab, keli) afgarasho cid ka dhaxaysa. Dibinjaaq ma hadal baa, nin la diray ma madax baa?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diindaran
(tilmaame) qof aan diinta inteeda badan ku dhaqmin. Raage waa nin diindaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eridhaban
(Eridhaban-ka)
Insaarax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eridhaban
m.l.u Hal dhashay oo ilmihii laga reebay. la-mid: eeridhaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eridhaban
m. n., [collective] mother animal's call to its young
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eridhaban
-ka: (n) animal's cry to its young, especially camel ~ olol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eridhaban
-ta: (magac, lab, keli) eeg ayrodhaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eridhaban
de: mother animal's call to its young
lx: eridhaban
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: eridhaban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiindhayn
(Fiindhayn-ta)
1. Kala findhicilid; kala soocid.
2. (dad) ximin, filfilin; guulid; jirxumayn; qalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiindhayn
m.f.dh eeg fiindhee. la-mid: fiindhays, fiindho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad u jidhxumayn ama dirsooc aawadii qalayn. Dh: ximin, guulid, qalayn, miidhid, dirsoocid, takoorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiindhays
m.l la-mid: fiindhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiindhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiindhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhabid
-da: (magac, dhedig, keli) gundhab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilibhaad
-ka: (magac, lab, keli) hilib harigga lagula hadho oo dadka kale laga qarinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhabaaq
m.l Wax arkid la'aanta ilma xoolaad oo markaas dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jillaabad
m.l la-mid: jillaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libidhsan
(tilmaame) wax qarsoon oo aan muuqan. Qodax baa cagta kaga libidhsan. Dh: libirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdhabad
m.l la-mid: magdhabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhabad
-ka: (magac, lab, keli) mag qaadasho; cid wax kaa haltagaysay ka magdhabasho oo waxyeellada beddelkeedii ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miinshaar
(Miinshaar-ta)
1. Qalab birlab xalleefsan laga sameeyey, oo doc ilko wax gooya ku leh gadaalna daab la qabto, oo qoryaha iyo wixii la mid ah, lagu googgooyo.
2. Libaax-badeed (ama miishaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miinshaar
miinshaar¹: m.l Nooc mallaayga ka mid ah oo af miinshaar ah leh. la-mid: miishaar¹.
miinshaar²: m.dh (-rro, m.dh) Qalab bir ka samaysan oo lagu gooyo qoryaha, birta, dhagaxa iyo wixi lamida. la-mid: miishaar².