ereyga

jibbakeenitaan

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jibbakeenitaan

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) ka jibbakeenid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jibbakeenid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) wax laguu diiddanaa ama aad ku hawlanayd ka warkeenid, ka salgaadhid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jibbakeenis

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) wax laguu diiddanaa ama aad ku hawlanayd ka jibbakeenis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aabbayeelitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) tixgelinta iyo tudhaadda lafteeda. Aabbayeelitaanku waa anshax in la ilaaliyaa habboon tahay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bareeritaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qarsoodi iyo gabbasho li'i wax u samayn. Dh: badheedhitaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jibaaxitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) jibaaxis ku marid meel hawd ah. Dh: xulitaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jibbaarnaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg jibbaaran. la-mid: jibbaarnaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jibbaysnaan

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: jidbaysnaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jibbaysnaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) marka la sheegayo in qof si miyir la' wax uu jecelyahey u muujiyo

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ibabbeelitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) ibabbeelis ku dhacda neef xoolo ah candhadiisa. Dh: candhabbeelitaan, naasabbeelitaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jaljalleecitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) deymadeymood, hareeraha eeg eegis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

abbaaritaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg abbaarid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

afbeelitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg afbeelid. afbillaw -ga: (magac, lab, keli) cunnada maalinta billawgeeda la cuno; waxa u horreeya ee lagu afurto. Dh: afur, hamuuntir, quraac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bakaaditaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg bakaadid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cabeebitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg cabeebid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

haleelitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hawl kansho u haysasho. Dh: jaanis, haleel, firaaqo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jidbaysnaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg jidbaysan. la-mid: jadbaysnaan, jadbaysnaansho, jalbaysnaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jilbaysnaan

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: jidbaysnaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maleegitaan

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) wax la maleegay ahaansho, maleegidda lafteeda. Maleegitaanka jooji oo dadka la tasho.

2

maleegitaan -ka: (magac, lab, keli) ciidan heegan ka dhigitaan. Maleegitaanka ciidanku waa shaqada madaxda. Dh: abaabulitaan.

3

maleegitaan-ka: (magac, lab, keli) dun maritaan oo isku duubitaan. Hablaha maleegitaanka u daaya oo maydhaxda u calasha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sabbakhnaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg sabbakhan. la-mid: sabbakhnaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sabbakhnaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax la sabbakhay ahaan; sibbaaqnaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saxeexitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) saxeexidda lafteeda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sibbaaqnaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg sibbaaqan. la-mid: sibbaaqnaansho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sibbaaqnaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) wax sibbaaqan ahaan; midabaysnaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wareegitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wareegid lafteeda.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

wareeritaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wareer qabitaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

badbeeditaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg badbeedid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

basbeelitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) basbeelid aan danbas mooyee wax kale soo hadhin, gubasho darteed la baabi'itaan. Dh: basitaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

haaneeditaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac,lab, keli) eeg haaneedid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maageeritaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg maageerid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

rabbaasitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) rabbaasid samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saameelitaan

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) ku bilmayn; saameelka laftiisa.

2

saameelitaan -ka: (magac, lab, keli) dhiil caana ah dhiiqitaan. Saameelitaanka gaawaha geelayaga waa looga bartay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

shareeritaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) wax shareeran ahaan; qarin; isku gudbitaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

siijeeditaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) siijeedis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xabbaaritaan

DHAFANDHAAF
1

-ka: (magac, lab, keli) geela mes baad iyo biyo leh u kaxeyen. Dh: xabaadhitaan.

2

xabbaaritaan -ka: (magac, lab, keli) xoolo ad lahayn xoog ku kaxaysasho. Dh: xabaadhitaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jeexjeexitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg jeexjeexid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xabbaadhitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xoolo aad lahayn xoog ku kaxaysashoo. Dh: dhicitaan, boojimayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

miyirbeelitaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) waalasho; maandoorsamid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jilbageeljireyn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) marka jirjirka loo jiifo ee lugo la soo laabo.

waa la naqliyay ✓