ereyga

jexeedh

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jexeedh

DHAN

-ka: (magac, lab, keli) cawl wayn oo goonnidaaq noqda oo aan cawsha kale raacin. Dh: jucuur, jexeer, jaxeer. Wa: jexeedho.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jaxeedh

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) cawsha keeda lab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jucuur

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) cawl weyn oo cawl badan wata oo ku qooqan. Dh: jexeedh, jucuudh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jeedh

DHAFANDHAAF

-a: (magac, dhedig, keli) beel bulsheed ab wadaag ah; tol isir dhalasho midayso. Jeedh bay wadaagaan labada oday.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xeedh

DHAFANDHAAF

f. n., (mass n.): suet, kidney-fat

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xeedh

DHAFANDHAAF
1

de: suet, kidney-fat

2

initial: x

3

lx: xeedh

4

pd: (-dha)

5

ps: n1-f-mass

6

see: xayr {N}

7

key: xeedh

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jexeer

DHAFANDHAAF
1

(Jexeer-ka)

2

Fil weyn; guun; (ama jaxeer).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jexeer

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: jaxeer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

jexeer

DHAFANDHAAF

m. n. old person that does not look his/her age

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jexeer

DHAFANDHAAF

(tilmaame) mid fil weyn; mid da' weyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

jexeer

DHAFANDHAAF
1

de: old person that does not look his/her age

2

lx: jexeer

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m

5

see: jaxeer

6

key: jexeer

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

janjeedh

DHAFANDHAAF

m.l (-dho, m.dh) la-mid: janjeer¹.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Janjeedh

DHAFANDHAAF

Oblique

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Janjeedh

DHAFANDHAAF

Declination

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

janjeedh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) dhinac u qolloocsan kurus geel yeesho; kurus geel oo dhan u qaloocsan. Haama jilihii, janjeedhka lahaa, oo janceel qaba, yaygu jaadane, yaa darka u jila. Dh: qulul. Li: toos.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jeed

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-day, -dday) 1. Sii j.: cid dhabarka xijin. 2. Soo j.: habeen hurdo ka tegid (cid). 3. U j.: muuqaal il ku hayn. 4. U j.: meel aadid. 5. Ula j.: fal ama hadal ujeeddo gaar ah ka lahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jeed

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-day, -dday) 1. Sii j.: cid dhabarka xijin. 2. Soo j.: habeen hurdo ka tegid (cid). 3. U j.: muuqaal il ku hayn. 4. U j.: meel aadid. 5. Ula j.: fal ama hadal ujeeddo gaar ah ka lahaan. m.f.dh, jeedid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

jeed

DHAFANDHAAF

v. look at, turn to, face towards; mean, intend; refer to

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

jeed

DHAFANDHAAF

-ay: (v) [with preposition u] 1. see (sii) ~ arag. Ex: yaa u jeeday? who saw? 2. intention (in-teen-shin)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jeed

DHAFANDHAAF
1

(fal) (u ~) dhinac eeg.

2

jeed: (fal) (u ~) isha ku hay; maskaxda ku hay, fahansanow ujeeddada wax laga leeyahay.

3

jeed: (fal) (ku ~) wax ku mashquul.

4

jeed: (fal) (ka ~) ha rabin, ha doonin.

5

jeed: (fal) (sii ~) cid kale, dhabarka u sii jeedin ama xajisiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

jeed

DHAFANDHAAF
1

de: look at, turn to, face towards; mean, intend; refer to

2

lx: jeed

3

pd: (jeeday)

4

ps: v1=

5

xe: aan loola jeedo a decision that is intended for s.o.

6

xv: go

7

key: jeed

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

eexee

DHAFANDHAAF

f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Eex iyo dan moodid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

eexee

DHAFANDHAAF

(fal) eex samee; labo dhinac midkood u janjeedhso.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

feedh

DHAFANDHAAF

m.dh (-dho, m.l) (daawo) Mid ka mid ah lafaha dhuudhuuban oo xoodan, kuwaas oo sameeya qafis daboola ilaaliyana wadnaha iyo sambabada. Feedhuhu waxay u samaysanyihiin lammaane ku xidhan taxanaha lafdhabarta xammaaratada, shimbiraha iyo naasleyda) ilaa iyo kalxanta oo xagga hore ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

feedh

DHAFANDHAAF

m.dh (-dho, m.l) (daaw.) Mid ka mid ah lafaha dhuudhuuban oo xoodan, kuwaas oo sameeya qafis daboola ilaaliyana wadnaha iyo sambabada. Feedhuhu waxay u samaysanyihiin lammaane ku xidhan taxanaha lafdhabarta xammaaratada, shimbiraha iyo naasleyda) ilaa iyo kalxanta oo xagga hore ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

feedh

DHAFANDHAAF

f. n. rib

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

feedh

DHAFANDHAAF
1

-ay / tay: (v) hit with the fist; punch (panjiy, box (bookis) ~ feer

2

feedh -ka: (n) box (bokis)

3

feedh -ta: (n) rib (riib) ~ feer

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

feedh

DHAFANDHAAF
1

(fal) gacanta oo faraheedu duuban yihiin, cid kale xoog ugu dhufo. Dh: feer.

2

feedh: (fal) timaha shanlay ama fidhin dhex marmari si ay u kala baxaan oo u qurxoonaadaan. Dh: feer, fidh, shanlee.

3

feedh-a: (magac, lab, keli) lafaha sida qaansada ah ee dhinacyada noole badan ku yaal middood. Cishaduu Ilaahay, carradeenna joojee, Aadan ciidda ka alkumay, xaawana cadkiisiyo, feedh calaanta laga dhigay. Wa: feedho.

4

feedh -ka: (magac, lab, keli) ciyaar caan ah oo ku dhisan labo qof oo feedh isla dhaca, oo lagu dagaallamo gacmaha intooda hore oo faruhu laaban yihiin. Maxamed Cali Kalay wuxuu ku caan aha feedhka. Dh: feedhfeedh, feedhtan.

5

feedh -ka: (magac, lab, keli) faraha gacanta oo la duubo oo gacanta xaggeeda hore bud loo ekeysiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

feedh

DHAFANDHAAF
1

a: feer {N}

2

de: rib

3

lx: feedh

4

pd: (-dha)

5

ps: n1-f

6

key: feedh

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jeedi

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iyo wixi lamida meel fagaare ah ka sheegid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jeedi

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iyo wixi lamida meel fagaare ah ka sheegid. m.f.dh, jeedin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

jeedi

DHAFANDHAAF

v. direct, submit, suggest; distract; begin a speech

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

jeedi

DHAFANDHAAF

-yey / say: (v) 1. [with preposition u] deliver an address or a lecture; make a speech. Ex: khudbad buu ardaydii ujeediyey; he addressed the students. 2. face (feeys). Ex: daaqadda koonfur u jeeda; the window that faces the south. 3. turn (teen). Ex: dhanka kale u jeedi; turn to the other side. See also [eeg] sii jeedi; soo jeedi

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jeedi

DHAFANDHAAF
1

(fal) qof ama wax kale, dhankii uu u jeeday ma ahee, dhanka kale u weeci.

2

jeedi: (fal) (soo ~) hadal ama fikir soo bandhig. Dh: gudbi.

3

jeedi: (fal) (ka ~) qof hawl ka mashquuli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

jeedi

DHAFANDHAAF
1

de: direct, submit, suggest; distract; begin a speech

2

lx: jeedi

3

pd: (jeediyey)

4

ps: v2a=

5

key: jeedi

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kexee

DHAFANDHAAF

(fal) wax nool ama gaadiid wado. keyle -ha: (magac, lab, keli) duri xummad wata oo aad u kulul.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Weedh

DHAFANDHAAF

Sentence

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

weedh

DHAFANDHAAF

-a: (n) sentence (sen-tanis); word (woordh); opinion ~ weer, kalmad

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

weedh

DHAFANDHAAF
1

-a: (magac, dhedig, keli) ereyo taxan oo macne buuxa oo la garan karo leh. Weedh gaaban ayuu macallinku tusaale ka dhigay Dh: hawraar, hadal, weer.

2

weedh-ka: (magac, lab, keli) dun ama haylaaq yar oo lagu xidho wajiga ilaa laga gaadho gadaadka xarrago ama calaamad dagaal ahaan. Dh: weer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

yeedh

DHAFANDHAAF

v. call

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

yeedh

DHAFANDHAAF

(v) see [eeg] u yeedh

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yeedh

DHAFANDHAAF
1

(fal) (u ~) dhawaaq u samee; kaalay ku dheh. Caasha u yeedh.

2

yeedh: -a: (magac, dhedig, keli) hirar hawada iyo wixii la mid ah, ku dhexjira oo abuura dareen dhegtu maqasho. Yeedhii xalay dhanka dooxada ka baxaysay tolow maxay ahayd?. Dh: cod, jabaq.

3

yeedh: -ka: (magac, lab, keli) dhawaaq cid ku wajahan oo kaalay ah. Dhagoole yeedh ma maglo. Dh: yeer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

yeedh

DHAFANDHAAF
1

a: yeer {N}

2

de: call With preposition u

3

initial: y

4

lx: yeedh

5

pd: (yeedhay)

6

ps: v1=

7

key: yeedh

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

exceed

DHAFANDHAAF

/eksiidh/ (v) 1. kabadasho, ka siyaadin (v) 2. dhaafid, xadkii larabay ka kor-marid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jaxeer

DHAFANDHAAF
1

(Jaxeer-ka)

2

Fil weyn; guun; hoosubbax; (ama jexeer).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jaxeer

DHAFANDHAAF

m.l 1. Cawl lab. 2. Qof aan da'du ka muuqan. 3. Qof kaftan badan. la-mid: jexeer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jaxeer

DHAFANDHAAF

m.l 1. Cawl lab. 2. Qof aan da'du ka muuqan. 3. Qof kaftan badan. la-mid: jexeer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

jaxeer

DHAFANDHAAF

m. n. old person that does not look one's age; old bachelor ~ old maid

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jaxeer

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof guun ah oo hoos'ubax ah. Dh: ricidh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

jaxeer

DHAFANDHAAF
1

de: old person that does not look one's age; old bachelor ~ old maid

2

lx: jaxeer

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m

5

key: jaxeer

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jelled

DHAFANDHAAF

f.g1 (-day, -dday) 1. Buug, kitaab iyo wixi lamida jeldi u samayn. 2. Maqaar il, kor u rogid. 3. Badar kala saarid. la-mid: jillad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jelled

DHAFANDHAAF

f.g1 (-day, -dday) 1. Buug, kitaab iyo wixi lamida jeldi u samayn. 2. Maqaar il, kor u rogid. 3. Badar kala saarid. m.f.dh, jelledid. la-mid: jillad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

xeedho

DHAFANDHAAF

f. n. wooden dish

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

xeedho

DHAFANDHAAF

-xeedhada: (n) bowl (bowl) or large dish used for serving for food up to four people ~ xeero

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xeedho

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) cunto hilib murmura ah iyo subag la isku shubay timir ama sabiibna lagu xardhay ah oo laba weel oo qurux iyo sharraxaad loo dhammeeyey oo la isku daboolay lagu rido oo caruuska iyo aroosadda cusub loo diiqo. Dh: diiqo Wa: xeedhooyin.

2

xeedho -da: (magac, dhedig, keli) weel wax lagu cuno oo qori laga qoray oo sida saxniyada ah. Dh: xeero.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

xeedho

DHAFANDHAAF
1

de: wooden dish

2

initial: x

3

lx: xeedho

4

pd: (/da)

5

ps: n6-f

6

see: xeero {N}

7

key: xeedho

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

beseech

DHAFANDHAAF

/bisiij/beseeches, beseeched, beseeching, besought;(v) si baahi ka muuqato wax u tuugid (aad u baryid)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

beseech

DHAFANDHAAF

v.tr., (implore) bari, dalbo; I beseech you, sir, pardon me, saab, baryaan kaa dalbaday ee i cafi, or waxaan kaa baryay ee i cafi; I beseech your attention, foojigaantaadaan weydiisanayaa, or kaa baryayaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jelemed

DHAFANDHAAF

m.dh Kirli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

jelemed

DHAFANDHAAF

m.dh Kirli.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

jelemed

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) Weel biyaha iyo shaaha lagu karsho oo siddo fur iyo naas leh. Dh: ibriiq, jalmad, kirli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jelledo

DHAFANDHAAF

f.g3 (-etay, -edatay) la-mid: jallado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

Jeneefa

DHAFANDHAAF

(n) Geneva (gi-nii-va); a city of southwest Switzerland

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kexeeye

DHAFANDHAAF

m. n. driver

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

kexeeye

DHAFANDHAAF
1

a: kaxeeye

2

de: driver

3

lx: kexeeye

4

pd: (/ha)

5

ps: n7-m

6

key: kexeeye

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

u yeedh

DHAFANDHAAF

-ay / tay: (v) call (kool) ~ wac, u yeer

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

waxeeda

DHAFANDHAAF

(pronoun) hers (heeris)-, her belongings

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

heedheedh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg haydhhaydh.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

janjeedhi

DHAFANDHAAF

(fal) dhinac u foorari.

waa la naqliyay ✓