jeexjeex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexjeex
(Jeexjeex-a)
Dildillaac.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jeexjeex
Gully
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeexjeex
m. n. many cracks ~ splits
jeexjeex v. crack ~ split repeatedly; tear to pieces, rip up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeexjeex
-ay / tay: (v) tear into pieces; shred (shareedh); mince (minsi) ~ jarjar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexjeex
(fal) dildillaaci maro iyo wixii la mid ah oo dhawr qaybood ka dhig. Jeexjeex maradan oo jeex isii.
jeexjeex-a: (magac, lab, keli) haylaamo ama dildillaac maro ku yaalla.
jeexjeex -a: (magac, lab, keli) meel doox bannaan ah oo fadhqo yaryari maraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeexjeex_1
de: many cracks ~ splits
hm: 1
lx: jeexjeex
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: jeexjeex_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeexjeex_2
de: crack ~ split repeatedly; tear to pieces, rip up
hm: 2
lx: jeexjeex
pd: (jeexijeexay)
ps: v1=pl
key: jeexjeex_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexjeexan
Jeexjeex badani ku yaal; la jeexjeexay; dildillaacsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeexjeexan
adj., pl.-der: cracked all over, split in pieces, ragged
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeexjeexan
-aa: (adj) shredded (shareedidhf, torn apart or into pieces ~ dildilaacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexjeexan
(tilmaame) ah wax kidfan, ah wax googa'an. Dh: dildillaacsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeexjeexan
de: cracked all over, split in pieces, ragged
lx: jeexjeexan
pd: (jeexjeexnaa)
ps: adj-pl-der
key: jeexjeexan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexjeexid
(Jeexjeexid-da)
Jeexjeex badan u yeelid; dildillaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) dildillacin maro ama wax kale oo la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexjeexis
-ta: (magac, dhedig, keli) jeexjeexid maro. Dh: dildillaacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dildillaacin
(Dildillaacin-ta)
Meelo badan ka dhanbalid; jeexjeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dildillaacsan
Meelo badan ka dhanbalan; jeexjeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falfalliir
(Falfalliir-ka)
1. Digirta inta la dubo la tumo oo qalbacyo diiran laga dhigo.
2. Wax inta la jeexjeexay ama la dildillaacshey, falliirro laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fayraq
(Fayraq-a)
Maro ama wax la mid ah oo si dhuudhuuban u dildillaacay ama loo jeexjeexay, jeex kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerfeer
(Feerfeer-ka)
Kala durdurug; kala fogfogaan; jeexjeex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerfeeran
Kala durdurugsan; jeexjeexan; feeran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feerid
(Feerid-da)
1. Cayaar ama dagaal feer ugu dhufasho, ula dhicid.
2. (timo) firid; shanlayn.
3. (caw, kd.) jeexjeexid; dhilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Googgo'id
(Googgo'id-da)
1. Wax is haystey oo cadad badan u kala harharay; jeexjeexmid; dildillaacid.
2. Diindiimid; madmadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexjeexnaan
(Jeexjeexnaan-ta)
Wax jeexjeexan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrad
arrad¹: m.l 1. Xaaladda uu ku suganyahay qof dharkiisu duugoobay ama jeexjeexmay. 2. la-mid: arradid.
arrad²: f.mg1 (-day, -dday) Qof, xaalad dharki uu xirnaa duugoobay ama jeexjeexmay ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dildillaac
dildillaac¹: m.l Jeexjeex uu yeesho dhul, jir nafley dhar iyo wixi lamida.
dildillaac²: m.l (jooloji) Kala jeex-jeexanka dhadhaabaha, marka ay la kulmaan cadaadis heer sare ah; waxa ay noqdaan qaydad ama xaashiyo khafiif ah.
dildillaac³: f.mg1 (-cay, -cday) Dhul, dhar, oogo nafley, jeexjeex yeelasho. Tusaale: “Dhulki baa dildillaacay”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falfalliir
falfalliir¹: m.l 1. Digir dubkii laga qaaday oo aad loo kariyey. 2. (m.u) Jeexjeexa qori qallalan yeesho.
falfalliir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax sida qori iyo wixi lamida falfalliir u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feero
feero¹: m.dh (-ooyin, m.l) Qalab bir ah, gacan la qabto leh, oo dharka lagu kaawiyadeeyo; kaawiyad.
feero²: m.l.w eeg feer¹; qaaxo.
feero³: f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Timo shanlo ku habaysasho. 2. Caw, mayrax iyo wixi lamida jeexjeexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawracato
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cudur cunaha ku dhaca oo halis ah. 2. Cudur faraha lugaha jeexjeexa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusid
muusid¹: m.f.dh eeg muus².
muusid²: m.dh (jooloji) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruud
m.dh.u Qoryo waaweyn oo dogobta laga jeexjeexo dabkana lagu shito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarsar
sarsar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Jeexjeex yaryar oo aan maqaarka dhaafsanayn oo oogada loo yeelo. 2. Oodda reerka dusha uga wareegsan; deyr; meegaar; 3. Dhinac.
sarsar²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof oogadiisa jeexjeex u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedjeed
-ka: (magac, lab, keli) jaad geeddhexaadka ka mid ah oo midho macaan oo la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeerjeer
(Jeerjeer-ka)
(xoolo, kalluun)
1. Dhasha yaryar oo in la qasho darteed loo kobciyo, loo cayiliyo.
2. Hilibka dhashaas.
3. Malkhabadaha dumarka qaato jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeerjeer
m.l 1. Nooc libaax badeedka ka mid ah oo la cuno. 2. Maqal yaryar oo loo kobciyo in la qasho. 3. Nooc ka mid ah garbasaaraha haweenka oo khafiif ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeerjeer
m.l 1. Nooc libaax badeedka ka mid ah oo la cuno. 2. Maqal yaryar oo loo kobciyo in la qasho. 3. Nooc ka mid ah garbasaaraha haweenka oo khafiif ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeerjeer
m. n., [collective] small animals ~ fish to be fattened before slaughtering
jeerjeer m. n. woman's head scarf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeerjeer
-ka: (magac, lab, keli) hilibka waxaraha yaryar. Jeerjeer ayaan cunay. Dh: dhaylo
jeerjeer -ka: (magac, lab, keli) libaax badeedka noocyadiisa nooc ka mid ah oo yaryar.
jeerjeer -ta: (magac, dhedig, keli) malkhabad ay dumarku xidhaan oo jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeesjees
(Jeesjees-ka)
1. Cayaar; likaaco; dheeldheel.
2. (qof ku jeesjees) digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesjees
jeesjees¹: m.l 1. Hadal si kibir ah loo yiraahdo oo cid lagu xumaynaayo; kajan; likaaco. 2. la-mid: jeesjeesid.
jeesjees²: f.mg1 (-say, -stay) Hadal kibir iyo digasho ku jirto cid u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeesjees
jeesjees¹: m.l 1. Hadal si kibir ah loo yiraahdo oo cid lagu xumaynaayo; kajan; likaaco.
jeesjees²: f.mg1 (-say, -stay) Hadal kibir iyo digasho ku jirto cid u jeedin. m.f.dh, jeesjeesid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeesjees
m. n. mockery; fun, foolery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeesjees
-ka: (n) ridicule (ridi-kiyuul); mock (mak); derision (di rishin)-, deride (diraayd)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeesjees
(fal) cid kale, ku dheeldheel oo ku digo.
jeesjees -ka: (magac, lab, kali) dheeldheel iyo cayaayir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeesjees
cf: likaaco
de: mockery; fun, foolery
lx: jeesjees
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: jeesjees
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jeesjees
سُخْرِيَة، تَهَكُم، إِسْتِهْرَاء
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexi
(fal) kolba dhan u du'; marba dhinac u weecweeci; u jeedjeedi. Dh: weecweeci.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leexleexo
v. wind, zigzag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
leexleexo
-leexleexday / leexleexatay: (v) move in a zigzag (zigzaag)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexo
(fal) kolba dhan u baydh; marba dhinac u weeco. Dh: weecweeco.
leexleexo: (fal) ka arrin qabashadeeda ama wax kale ku kiciddooda, ka warwareeg, ka madax meeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leexleexo
de: wind, zigzag
lx: leexleexo
nt: leexleexad (ka) [vn-m], leexleexasho (/da) [vn-f]
pd: (leexleexday)
ps: v3b=
key: leexleexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Eex iyo dan moodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexee
(fal) eex samee; labo dhinac midkood u janjeedhso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeegee
f.mg2 (-geeyay, -gaysay) 1. Dhabardhabar u dabbaalasho. 2. Caano jiif ku cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeegee
v. swim on one's back, float
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeegee
de: swim on one's back, float
lx: jeegee
pd: (jeegeeyey)
ps: v2b=
key: jeegee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jexeer
(Jexeer-ka)
Fil weyn; guun; (ama jaxeer).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jexeer
m.l la-mid: jaxeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jexeer
m. n. old person that does not look his/her age
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jexeer
(tilmaame) mid fil weyn; mid da' weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jexeer
de: old person that does not look his/her age
lx: jexeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: jaxeer
key: jexeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexee
(fal) siibo oo meel dheer socod ku gaadh. Dh: dheeree, baxso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeebbee
-yey /jeebbeysay: (v): handcuff (haandhkaf); cuff (kaf); restrain with handcuffs -katiinadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebbee
(fal) cid kale, ka xidh labada gacmood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeblee
(fal) ka ganacso oo iibi alaab yaryar; lacag aan badanayn ku shaqayso oo warwareeji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexane
m.l Harag ari oo loogu talaggalay in jil laga jeexo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexane
-ha: (magac, lab, keli) harag adhi oo loogu talaggalay in jil laga jeexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegjeex
dhegjeex¹: m.l Summad idaha dhegaha looga dhigo iyadoo dhegta dhinac la jeexayo.
dhegjeex²: f.g1 (-xay, -xday) Ido, summad dhegaha uga samayn iyadoo dhegta dhinac la jeexayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeejeesi
-ga: (magac, lab, keli) kolkba dhinac daymood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedjeedsi
-ga: (magac, lab, keli) kolba dhinac daymoosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedjeedso
(fal) marba dhinac eeg. Dh: jaljalleec.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeenjeensi
-ga: (magac, lab, keli) marka la sheegayo farsamada hilib looga xayuubiyo laf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeenjeenso
(fal) marba dhan jaaha saar oo u geddoon ama qoor u dadab, marba dhinac eeg. Dh: daymodhidarree, jeedjeedso, jeejeeso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeerjeer_1
de: small animals ~ fish to be fattened before slaughtering
hm: 1
lx: jeerjeer
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: jeerjeer_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeerjeer_2
cf: malkhabad
de: woman's head scarf
hm: 2
lx: jeerjeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jeerjeer_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesjeesid
m.f.dh eeg jeejees². la-mid: jeesjees¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexleexad
(Leexleexad-ka)
Leexleexasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexad
-ka: (magac, lab, keli) kolba dhinac u baydhid. Dh: weecweecad. Li: toosnaan.
leexleexad-ka: (magac, lab, keli) meelaha ay waddadu ka weecweecato. Dh: weecweecad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexin
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u duwid. Dh: leexleexis, weecweecin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexis
-ka: (magac, lab, keli) eeg leexleexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexseexin
-ta: (magac, dhedig, keli) had ba dhinac dhul dhigid, wax badan jiifjiifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeesfaajeer
-ka: (magac, lab, keli) nin bakhayl ah oo reeraha is uga dega si uusan qaadhaanka iyo baahada wax uga bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexleexsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, kolba dhinac u leexleexsasho.