jeexane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexane
m.l Harag ari oo loogu talaggalay in jil laga jeexo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexane
-ha: (magac, lab, keli) harag adhi oo loogu talaggalay in jil laga jeexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexan
Jeexniin ku yaal; la jeexay; dillaacsan; dhanbalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexan
jeexan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) Wax dillaacay noqosho.
jeexan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax dillaacay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeexan
jeexan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) Wax dillaacay noqosho. m.f.dh, jeexmid.
jeexan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax dillaacay ahaansho. m.f.dh, jeexnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeexan
der. [adjective] torn, split, cut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexan
(tilmaame) wax dillaacsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeexan
de: torn, split, cut
lx: jeexan
pd: (jeexnaa)
ps: adj-der
syn: dillaacsan, dhanbalan
key: jeexan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeban
La jeebay; la gooyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax qiyaas lagu gooyey ahaansho. 2. Ku j.: wax, wax kale lala ekeysiiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeeban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax qiyaas lagu gooyey ahaansho. 2. Ku j.: wax, wax kale lala ekeysiiyey ahaansho. m.f.dh, jeebnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeban
der. [adjective] torn, cut (off); broken off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeban
(tilmaame) qof labada gacmoodba ka xidhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeeban
de: torn, cut (off); broken off
lx: jeeban
pd: (jeebnaa)
ps: adj-der
key: jeeban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeenan
m.l Cabbitaan la siiyo qof aad u xanuunsan oo aan cunto qaadan karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeran
(tilmaame) wax siman oo meel walba gaadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qeexan
Si wanaagsan u cad ama u muuqda; aan madmadow ku jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qeexan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la qeexay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qeexan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la qeexay ahaansho. m.f.dh, qeexnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qeexan
Defined
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qeexan
der. [adjective] clear, precise, thorough, analyzed, well-defined
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qeexan
(tilmaame) si wanaagsan u macnaysanoo u muujisan. Tusaale qeexan ayuu macallinku na siiyay. Dh: cad, fasiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qeexan
de: clear, precise, thorough, analyzed, well-defined
lx: qeexan
pd: (qeexnaa)
ps: adj-der
key: qeexan
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
REEXAN
Lantana viburnoides 10, Leucas sp = Gillett et al 22217, 22488 40, Lippia carviodora 10, Ocimum basilicum 10, 0. prob. spicatum 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeenani
f.g2 (-iyay, -isay) Qof aad u xanuunsan cabbitaan siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teetane
m.l (daawo) Cudur togtoga muruqyada maskaxdana waxyeeleeya oo ka dhasha sun uu dhaliyo jeermiska klostiridiyuum teetanuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
teetane
m.l (daaw.) Cudur togtoga muruqyada maskaxdana waxyeeleeya oo ka dhasha sun uu dhaliyo jeermiska klostiridiyuum teetanuus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
teetane
m. n. tetanus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
teetane
-teetanaha: (n) tetanus (teet-nas); lockjaw (laak-joo) Ex: irbadda teetanaha: tetanus toxoid (teet-nas tok-sooydh)-
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teetane
-ha: (magac, lab, keli) cudur dadka ku dhaca weliba ciyaalka oo muruqyada tigtiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
teetane
a: teetano (/da) [n0-f] {It}
de: tetanus
initial: t
lx: teetane
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: teetane
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Heellane
name-m loyal, obedient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Heellane
magac loo baxsho wiil geyfan oo hawlkar ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeedalee
-yey / jeedaleysay: (v) lash (laash); whip (wip) ~ karbaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedalee
-da: (magac, dhedig, keli) kebed ilaa lix xadhig oo kala nooc ah ka samaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeegaree
-yey /jeegareysay: (v) test (tes-t); experiment (ikis-peeri-ment); give something a try ~ tijaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeenanin
m.f.dh eeg jeenani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexasho
m.f.dh eeg jeexo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexjeex
(Jeexjeex-a)
Dildillaac.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jeexjeex
Gully
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeexjeex
m. n. many cracks ~ splits
jeexjeex v. crack ~ split repeatedly; tear to pieces, rip up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeexjeex
-ay / tay: (v) tear into pieces; shred (shareedh); mince (minsi) ~ jarjar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexjeex
(fal) dildillaaci maro iyo wixii la mid ah oo dhawr qaybood ka dhig. Jeexjeex maradan oo jeex isii.
jeexjeex-a: (magac, lab, keli) haylaamo ama dildillaac maro ku yaalla.
jeexjeex -a: (magac, lab, keli) meel doox bannaan ah oo fadhqo yaryari maraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexnaan
m.f.dh eeg jeexan². la-mid: jeexnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dillaacsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeen
(fal) mindi hilibka kaga gooso laf. Cadka bowdada ka jeen baruurta.
jeen-ka: (magac, lab, keli) baruur fuushay noole. Dh: shilays, cayil.
jeen -ta: (magac, dhedig, keli) birta dheer ee afarta shaag ee baabuurka isku xidha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeex
(Jeex-a)
1. Wax la kala dillaacshey cad kamid ah; in; qaar; qayb.
2. Dhul godan ama dillaacsan; waraar; tog; doox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeex
jeex¹: m.l (-xyo, m.dh) 1. Wax la kala dillaacshay qayb ka mid ah. 2. la-mid: jeexo. Biyo mareen dhuuban.
jeex²: f.g1 (-xay, -xday) Wax dillaacin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeex
jeex¹: m.l (-xyo, m.dh) 1. Wax la kala dillaacshay qayb ka mid ah. 2. la-mid: jeexo. Biyo mareen dhuuban.
jeex²: f.g1 (-xay, -xday) Wax dillaacin. m.f.dh, jeexid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeex
v. tear, split, slash, divide
jeex m. n. torn-off piece, bit, strip
jeex m. n. valley, crevasse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeex
-ay / day: (v) tear (teer); rend (rend); rip (rip); shred (shareedh); lacerate (laasareeyt). Ex: kala jeex; pull apart ~ kala dillaaci
jeex -a: (n) half (haaf); portion (poor shan) ~ qayb, nus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeex
(fal) shay isku yaalla labo qabood u kala goo ama in ka dillaaci. Calal aan nabarka ku duubo ii jeex.
jeex: (fal) (ka ~) meel taag ah ama jiir ka bax.
jeex: (fal) (ku ~) maddiil ama bir kale oo afbadan ku sar meel ama gunaad oo af u bannee. Dh: sar, dillaaci.
jeex-a: (magac, lab, keli) dhul kala dillaacsan oo biyuhu maraan. Dh: faraq.
jeex-a: (magac, lab, keli) dhul daaqsineed labo taag u dhexeeya oo balladh yar, balse dhererkiisu aanu xadaysnayn oo magac gaar ah leh. Dh: dooxo.
jeex-a: (magac, lab, keli) kala badh oo badh; shay qayb ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexad
-ka: (magac, lab, keli) garsoorka ku gadoobfalid; xaqa ula kac uga baydhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexay
(fal) wax cid na dhib u ah cid kale na xannaanayn u ah samee. Ma idahaynu eexaynaa oo bannaanka ayaan degnaa mise riyahaynu eexaynaa oo buurta ayay nu u guurnaa. Dh: xannaani, eexi, naasnuuji, xig, gacanbidixeedi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexee
f.g2 (-xeeyay, -xaysay) Eex iyo dan moodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexee
(fal) eex samee; labo dhinac midkood u janjeedhso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eexin
(Eexin-ta)
Samafal gaar ah (qof u) falid; u turid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexin
m.f.dh eeg eexi. la-mid: eexis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexin
-ta: (magac, dhedig, keli) tudhaal gaar ah qof ama cid u samayn. Dh: tudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jedan
(tilmaame) dad u buka si wadar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeke
-ha: (magac, lab, kali) dhulbuureed ay dhirtu ku badan tahay. Dh: jaake, kaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeni
(Jeeni-ga)
Labada addin oo hore midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeni
m.l (-iyo, m.l/dh) Labada lugood ee xayawaanka afar addinlaha ee hore middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeeni
m.l (-iyo, m.l/dh) Labada lugood ee xayawaanka afar addinlaha ee hore middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeni
m. n. fore ~ hind leg; arm; limb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeeni
-ga: (n) foreleg (foor-leg); forelimb (foor-lim); leg (leeg), arm (aarm) ~ addin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeni
-ka: (magac, lab, keli) labada addin ee hore midkood. Lugi jeeni ma dhaafto hadday dhaaftana way jabtaa. Wa: jeenyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeeni
cf: addin
de: fore ~ hind leg; arm; limb
lx: jeeni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: jeeni
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jeeni
عُضو، جارحة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexo
jeexo¹: m.dh Meel godan oo biyo mareen ah. la-mid: jeex¹ (2).
jeexo²: f.g3 (-xday, -xatay) Wax cad ka dillaacsasho (maro, qare, maqaar iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeexo
f.g3 (-xday, -xatay) Wax cad ka dillaacsasho (maro, qare, maqaar iyo wixi lamida). m.f.dh, jeexasho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jeune
jeune, adj. - dhallinyar; da'yar; aan gaboobin
jeune fille - gabadha aan wali la guursan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jeûne
jeûne, n.m. - soon; afxidh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keene
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig inta la sooryeeyo oo awrka gafuurka loo sudho oo lagu wado. Keene la'aan awr hoggaan laguma wadi karo. Dh: keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beegan
La beegay; la miisay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegan
beegan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax la beegay noqosho. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosan noqosho.
beegan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la beegay ahaansho. 2. Wax la buuxshay ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax kale lagu aaddiyey ahaansho. 4. Ku b.: waqti, waqti ku aadan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beegan
beegan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Wax la beegay noqosho. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosan noqosho. m.f.dh, beegmid.
beegan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la beegay ahaansho. 2. Wax la buuxshay ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax kale lagu aaddiyey ahaansho. 4. Ku b.: waqti, waqti ku aadan ahaansho. m.f.dh, beegnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beegan
der. [adjective] measured; deserving
beegan [inchoative] v. coincide, be expected, fall (on a certain day); be due
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegan
(tilmaame) ahaanshaha wax miisan oo cabbiran. Dh: qiyaasan.
beegan: (tilmaame) meel lala eegtay oo shiishka aan lala gefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeran
La beeray, la falay oo wax lagu abuuray; tallaalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeran
beeran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Miro geedo iyo wixi lamida wax baxay noqosho. 2. Ku b.: qof, dareen gaar ah ku abuurmid.
beeran²: f.mg4 (-rnaa, rnayd) Miro, geedo iyo wixi lamida wax dhul lagu beeray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeran
beeran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Miro geedo iyo wixi lamida wax baxay noqosho. 2. Ku b.: qof, dareen gaar ah ku abuurmid. m.f.dh, beermid.
beeran²: f.mg4 (-rnaa, rnayd) Miro, geedo iyo wixi lamida wax dhul lagu beeray ahaansho. m.f.dh, beernaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeran
der. [adjective] farmed, planted, cultivated
beeran [inchoative] v. get planted
beeran [inchoative] v. be conceived (of a child)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeran
-beernaa / beernayd: (adj) farmed (faarmidh); planted, cultivated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeran
(tilmaame) wax beeran ama meel beer ku taal. Dhulka beeran baal ka mara.
beeran: (tilmaame) ku samaysan, ku abuuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeyan
vl. pron., neg. she / they ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeyan
a: baaney
de: she / they ... not + [FOCUS] = baa + ay + aan
lx: beeyan
ps: focus + vpro + neg
key: beeyan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceedan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: caydan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceedan
(tilmaame) baahi weyn wax u qaba; caydan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deexad
(Deexad-ka)
Deexasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexad
m.l la-mid: deexasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deexad
vl. n. talkativeness
deexad [feminine] n. valley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul xeebeed bannaan oo badda u dhow. Dh: deex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degane
m. n. resident
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
degane
de: resident
lx: degane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: degane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
demane
-ha: (magac, lab, keli) qofka aan wax weyn ogayn. Damanuhu ha sheegtee, xadhigeeda sii daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexayn
m.dh eeg eexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cid xannaanaynteed ah, cid kalena lurkeed ku jiro yeelid; kan kula mudan ahmiyad siin. Eexaynta ubadkaa sidkaha loo ajalayaaye. Dh: xannaanin, naasnuujin, gacanbidixeedin, eexin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
éthane
éthane, n.m. - Etan (kimiko).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faxane
(Faxana-ha)
Deeqsi.