jeesgogol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesgogol
m.l Harar yar oo lagu seexdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexgogol
(Jeexgogo-sha)
Dermooyinka jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexgogol
m.l/dh (-lo, m.l) Derin weyn oo la goglado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeexgogol
f. n. rush mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexgogol
-ka: (magac, lab, keli) dermo gogoleed maydho ama caw laga falkiyo oo oday iyo marti uun loo dhigo. Dh: dafooley, salli, dhanbal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeexgogol
cf: dermo
de: rush mat
lx: jeexgogol
pd: (/sha)
ps: n-f
key: jeexgogol
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asgogol
-ka: (magac, lab, keli) caws aqalka reer. miyiga la dhigo oo gogosha laga hoosaysiiyo. Dh: cawsgogol, kashkaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelgoo
f.mg2 (-gooyay, -goysay) Xiisag-goyn; jeelbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelgoo
(fal) hamuun iyo xiiso aad wax u qabtay, ha kaa baaba'o.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedgool
m.l (-llo, m.dh) Geed weyn oo ku yaal meel geedgaab keliya leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedgool
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo ku yaal meel geedgaab keliya leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeelgooy
v. satisfy one's own need
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeelgooy
a: jeelbax
de: satisfy one's own need
lx: jeelgooy
pd: (jeelgooyey)
ps: v2a=tr
key: jeelgooy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reergool
-ka: (magac, lab, keli) siyaakhad ay dumarku isku qurxiyaan oo aan dahab ahayn. Dh: reegool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawsgogol
(Cawsgogol-ka)
Harrar yar oo marriin leh oo la goglado; raar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawsgogol
m. n., [compound] grass mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawsgogol
-ka: (magac, lab, keli) harrar yar oo marriin leh oo la goglado lagu na seexdo. Dh: caws
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawsgogol
de: grass mat
lx: cawsgogol
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: cawsgogol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawsgolgol
m.l (-llo, m.dh) 1. Harar aan waynayn, samayskiisuna fiicfiicnayn. 2. Kash-kash caws ah oo ardaayada lagu goglo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhegool
see [eeg] dhagool
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geesood
name-m horned. Lit: he who was born with lumps on his forehead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geesood
magac ama naanays loo baxsho wiil salxo dhaadheer jaaha ku leh. Waxa kale oo loo baxshaa wiil koodad soo baxsan leh ama koodadka timo gaar ah ku leh.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Jeeg-ga
chèque.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelago
f.g3 (-gtay, -gatay) Cid eryasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meesoon
Meson
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesoole
(Geesoola-ha)
Cayayaan sida doorshaammada - kuwa oogada jiidan - u eg, oo qolof adagi baalkoraad u tahay; wuxuu lee yahay labo gees oo dheerdheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesoole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesoole
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Cayayaan leh labo gees dhaadheer iyo qolof adag. 2. Miro yicibeed oo aan la dhilin oo labadii qolfoodba leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Geesoole
Polygon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesoole
m. n. cerambycid beetle
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEESOOLE
(Gesole) S Citrullus lanatus (Thunb.) Matsum & Nakai Cucurbitacean.
S Cucumis prophetarum L. Cucurbitaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesoole
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan labo baad oo ad'adag dusha ku leh madaxana labo gees oo kuwa baranbarada oo kale ku leh. Dh: geesaale.
geesoole-ha: (magac, lab, keli) shaxan qaab toosan oo leh saddex dhinac ama in ka badan oo daliigo toosan oo geeso isku xidha leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesoole
de: cerambycid beetle
lx: geesoole
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: geesoole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelgoyn
(Jeelgoyn-ta)
Xiisaggoyn; jeelbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelgoyn
m.f.dh eeg jeelgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiisabeelid; xiisagoyn. Dh: nacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeesasho
(Jeesasha-da)
Jeensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesasho
m.f.dh la-mid: jeensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisgool
m.l (-llo, m.dh) Miis wareegsan oo fadhiga la dhigto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeeshood
-ka: (magac, lab, keli) wax maqan oon gacanta ku jirin isa siin oo heliddiisa niyadda ku qabasho. Ku yeeshoodka waxan yed ku jirin been dheh. Dh: talagal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raargogol
m.l Raar si gaar loo sameeyo oo loogu talo galo in la goglado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raargogol
-ka: (magac, lab, keli) raar si gaar loo sameeyo oo loogu talo galo in la goglado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeenyogooso
(fal) neef waydoobay qalo oo afarta lugood ka gooso.