jeermis-dilid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermis-dilid
m.dh 1. (daawo) Hab looga tirtiro jeermiska qalab sida: dhar ama biro ayadoo la isticmaalayo jeermidileyaal. 2. (fiisikis) Kul, qiiqbiyood (oomaar), ama reeys iyo kuwo kiimikaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermisdilid
m.dh 1. (daaw.) Hab looga tirtiro jeermiska qalab sida: dhar ama biro ayadoo la isticmaalayo jeermidileyaal. 2. (fiisikis) Kul, qiiqbiyood (oomaar), ama reeys iyo kuwo kiimikaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermisdile
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. (daawo) eeg caabuqtire. 2. (daawo) Daawo disha ama dhaqda jeermiyada waxaana loo isticmaalaa in lagu nadiifiyo qalabka qalliinka iyo qalab kaleba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermisdile
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. (daaw.) eeg caabuqtire. 2. (daaw.) Daawo disha ama dhaqda jeermiyada waxaana loo isticmaalaa in lagu nadiifiyo qalabka qalliinka iyo qalab kaleba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermidile
m.l (-layaal, m.l/dh) (daawo) Walax kiimikeed oo disha ama reebta koritaanka bagtiiriyada iyo jeermiyada kale ee cudurrada keena isla markaasna aan sun ahayn oo aan wax u dhimeyn jirka, afka, nabarrada iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermidile
m.l (-layaal, m.l/dh) (daaw.) Walax kiimikeed oo disha ama reebta koritaanka bagtiiriyada iyo jeermiyada kale ee cudurrada keena isla markaasna aan sun ahayn oo aan wax u dhimeyn jirka, afka, nabarrada iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermitirid
m.f.dh jeermitir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeermitirid
-da: (magac, dhedig, keli) dabargoynta ilima'aragtayda xanuunnada ku dhalisa jidhka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeermistire
-jeermistiraha: (n) disinfectant (dis fak tant)-, antisepsic (anti-sap-sik) item ~ jeermisreeb
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermixiidmeed
m.l (baay.) Baktiiriya caadi ahaan ku jira xiidmaha, qaarkood waxay sameeyaan fitamiin k (vit. K). Waxay ka hortagaan cudurrada baktiiriyada cudurwaddada ah oo aasidh badan ayey meesha ku sameeyaan si jeermiga kale ugu dhinto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermitire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Daawo jeermiga lagu dabar gooyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermitire
m.l (-rayaal, m.l/dh) Daawo jeermiga lagu dabar gooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeermitire
m. n., [compound] disinfectant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeermitire
-ha: (magac, lab, keli) daawooyinka lagu dabargooyo ilima'aragtayda nafleyda dhibta ee xanuunnada dhalisa ama taageerta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeermitire
de: disinfectant
lx: jeermitire
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: jeermitire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeermisreeb
-ka: (n) disinfectant (disfaktant); antisepsic (anti sap-sik); antisepsis process ~ jeermis-tire
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeersilsilad
m.l (xisaab) Hab lagu raadiyo diiranaha fansaar dhawr doorsoome. Xigsinayn ayaa la sammeeyaa iyada oo la eegaayo fansaar kasta, jawaabuhuna waa la isku keenaa.