jeelbixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelbixid
(Jeelbixid-da)
Jeel goyn; xiisadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelbixid
m.f.dh eeg jeelbax². la-mid: jeelbax¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelbixid
-da: (magac, dhedig, keli) xool laga reebay jeelkii hayey.
jeelbixid -da: (magac, dhedig, keli) qof xabsi ka dhammaaday. Jeelbixiddii aabbaheed bay gabadhu dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Jeel ka bi'in. 2. Xoolo dhanaan ku filan siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeelbixi
v. fulfill ~ satisfy (someone else's) need
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelbixi
(fal) qof ama xayawaan, wax uu u hamuumay sii.
jeelbixi: (fal) qof xabsiga la dhigay, muddadii, dhammayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeelbixi
de: fulfill ~ satisfy (s.o. else's) need
lx: jeelbixi
pd: (jeelbixiyey)
ps: v2a=tr
key: jeelbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelbixin
(Jeelbixin-ta)
Jeel ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelbixin
m.f.dh eeg jeelbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelbixin
-ta: (magac, dhedig, kali) xoolo la siiyo wax dhanaan si jeelka looga reebo.
jeelbixin -ta: (magac, dhedig, keli) cid jeel ku jirtay ka soo daynteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelgoyn
(Jeelgoyn-ta)
Xiisaggoyn; jeelbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelgoo
f.mg2 (-gooyay, -goysay) Xiisag-goyn; jeelbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedbixid
(Eedbixid-da)
Eed ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedbixid
m.f.dh eeg eedbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg eedbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceedbixid
m.dh la-mid: caydbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeebid
(Jeebid-da)
1. Jeexid; goyn; dillaacin.
2. (ka jeebid) denbi ama gabood la falay, in le'eg oo ciqaab ah, gaarsiin; eedsiin; ka goyn; ka gudid; ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeebid
m.f.dh eeg jeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebid
-da: (magac, dhedig, keli) qof labada gacmood ba ka xidhid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Jeebid
Jarid, xalluufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelid
(Jeelid-da)
Wax u jeel qabid; wax xiisayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelid
m.f.dh jeel².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelid
-da: (magac, dhedig, keli) baahi badan u qabitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexid
(Jeexid-da)
Dillaacin; kalaggoyn; dhanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeexid
m.f.dh eeg jeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexid
-da: (magac, dhedig, kali) in ka jeexis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixid
(Ilbixid-da)
Ilbax gaarid; galtinnimo ka bixid; nolol reer-magaalnimo ah ku dhaqankeed gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixid
m.f.dh eeg ilbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel halkii hore ka wanaagsan gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelbax
(Jeelbax-a)
Wax jeelka bi'iya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelbax
jeelbax¹: m.l 1. Wax jeelka bi'iya. 2. J. ah: xoolo dhanaan ku filan cunay. 3. la-mid: jeelbixid.
jeelbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -xday; -bixi) 1. Jeelgooyn; xiisadhicid. 2. Xoolo dha-naan ku filan helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeelbax
jeelbax¹: m.l 1. Wax jeelka bi'iya. 2. J. ah: xoolo dhanaan ku filan cunay.
jeelbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) 1. Jeelgooyn; xiisadhicid. 2. Xoolo dhanaan ku filan helid. m.f.dh, jeelbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeelbax
v., [compound] satisfy one's own need
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelbax
-a: (magac, lab, kali) xoolo ceel dhanaan la geeyay, xiisihii jeelka beelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeelbax
de: satisfy one's own need
lx: jeelbax
nt: jeelbax (a) [vn2a-m]
pd: (jeelbaxay)
ps: v1=cmp
key: jeelbax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filbixid
m.f.dh eeg filbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelagid
m.f.dh eeg jeelag².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeldiyid
m.dh la-mid: jildiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jusbixid
(Jusbixid-da)
Jusbax samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jusbixid
m.f.dh eeg jusbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jusbixid
-da: (magac, dhedig, keli) marka la sheegayo ardey qur'aan ka baxaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalbixid
m.f.dh eeg kalbax². la-mid: kalbax¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilbixid
(Xilbixid-da)
Arrin ama wax kale oo xil leh, ama xil ka imaan karo, si wacan oo sharaf leh u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilbixid
m.f.dh eeg xilbax². la-mid: xilbax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydbixid
m.f.dh eeg ceydbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbixid
m.f.dh eeg ciilbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymbixid
m.f.dh eeg deymbax². la-mid: deymbax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymbixid
-da: (magac, dhedig, keli) qaan bixid; deyn saafiyoobid. Dh: qaanbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqbixiye
-ha: (magac, lab, keli) cidda bixisa samafal. Deeqbixiye waa Ilaahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degeltirid
m.f.dh eeg degeltir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
degeltirid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'inta jabadkii iyo gujufkii reerkii hore ee degganaa meesha kaga guuray. Dh: degeltiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelliyid
(Dheelliyid-da)
Doc culaysku u batay u liicid; dheelli noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelliyid
m.f.dh eeg dheelli². la-mid: dheelli¹ (2), dheellin, dheellis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedbiciid
(Geedbiciid-ka)
Geed dhirta dawada leh kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedbiciid
m.l Geed ka mid ah dhirta laysku daaweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedbiciid
m. n., [compound] medicinal plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedbiciid
-ka: (magac, lab, keli) geed dhirta dawada leh ka mid ah oo waxtar badan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedbiciid
de: medicinal plant sp.
lx: geedbiciid
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: geedbiciid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesbiciid
-ka: (magac, lab, keli) nuuc tigaadda ka mid ah oo u toostoosan una dhaadheer sida geesahsa ugaadha biciidka la yidhaahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexjeexid
(Jeexjeexid-da)
Jeexjeex badan u yeelid; dildillaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexjeexid
-da: (magac, dhedig, keli) dildillacin maro ama wax kale oo la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulbixid
(Ummulbixid-da)
Ummul ahaantii ka bixid; afartanbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulbixid
m.f.dh eeg ummulbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulbixid
-da: (magac, dhedig, keli) afartanbaxa haweenay dhowaan ummushay. Dh: ummulbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelid
(Beelid-da)
Wax waxtar ah oo hor loo haystey waayid, sida: indhabeelid; dhega-beelid, gurya-beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelid
m.f.dh eeg beel³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelid
vl. n. act of losing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beelid
-da: (n) the state of losing something. Ex: indho beelidda; becoming blind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad lahayd ama haysatay waayitaankii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelid
de: act of losing
lx: beelid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: beelid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
elixir
/ilikser/ (n) dareere awood sixir wata oo khayaali ah, oo biraha dahab u baddala ama cimriga dheereeya.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
élixir
élixir, n.m. - dawo jilicsan oo ka kooban maadooyin badan oo lagu qaso aalkoolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ilbax ka dhigid. 2. Meseggo iyo wixi lamida il ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ilbax ka dhigid. 2. Meseggo iyo wixi lamida il ka saarid. m.f.dh, ilbixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbixi
v. civilize; urbanize; acculturate someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilbixi
-yey / say: (v) educate (ejukeeyt); make someone civilized
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbixi
(fal) cid kale, bar wax aanay hore u aqoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbixi
de: civilize; urbanize; acculturate s.o.
lx: ilbixi
pd: (ilbixiyey)
ps: v2a=tr
key: ilbixi
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JEEBIN
(Jebin) S Brachiaria reptans (L) Gardner & Hubbard Gramineae.
S Dichanthium annulatum (Forsk.)Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedid
(Jeedid-da)
1. Meel u socosho; anbabbaxsanaan.
2. (u jeedid) wax indhaha ku hayn; arkid; fiirin.
3. (sii jeedid) dib u jeeda; qofka hadla haya dhabarka u duwa haya.
4. (soo jeedid) a) Xagga laga xigo ama laga hadla hayo u jeeda. b) seexasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedid
m.f.dh eeg jeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u jalleecsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) baahi ama rabitaan aad u qab wax ama qof.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeemid
-da: (magac, dhedig, kali) wax si siman u kala dhambalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexis
(Jeexis-ta)
Jeexid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeexis
vl. n. act of tearing, splitting, slashing, dividing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeexis
-ta: (n) the act of ripping; tearing apart
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexis
-ta: (magac, dhedig, kali) maro iyo wax la mid ah, in ka jeexid.
jeexis-ta: (magac, dhedig, kali) meel taag ah marid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeexis
de: act of tearing, splitting, slashing, dividing
lx: jeexis
pd: (-ta)
ps: vn2a-f
key: jeexis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jeexis
تمزيق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qeexid
(Qeexid-da)
Wax qeexan ka dhigid; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qeexid
m.f.dh eeg qeex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qeexid
vl. n. analysis, definition; manifest, customs declaration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qeexid
-da: (magac, dhedig, keli) caddayn koobid wadata oo lagu macneeyo shey qeexid la'aan uu fahankiisu adag yahay. Masalo geexid u baahan qo'aan sax ah lagama gaadho. Dh: caddayn. tafsiirin, bayaamin, qeexid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qeexid
cf: manifesti
de: analysis, definition; [ext.] manifest, customs declaration
lx: qeexid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: qeexid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qeexid
تَعْرِيف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reebid
(Reebid-da)
1. (ka reebid) Wax, waxay la socdeen inay raacaan u diidid, dib uga soo celin.
2. (ku reebid) a) Meel ku celin. b) Qof, in wax la siiyo ama wax loo dhiibo, ama uu wax hayo, ku talin, ka ballamid. c) Xaraf dhawaaqi ama yeerti, xaraf kale korkiisa ku joojin (sida: ereyga baal, dhawaaqa aa-du wuxuu ku kor joogsanayaa oo ku reebmayaa xarafka l).
3. Wax laga haro oo aan la samayn karin, ka dhigid; oggolaan waayid; diidid; mamnuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebid
m.f.dh eeg reeb². la-mid: reebis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebid
-da: (magac, dhedig, keli) cid dhaawac qabta buullada dabadeed wax uu ku hadho oo duunyo ah siin. Reebiddu waa xeer Soomaali soo jireen ah.
reebid -da: (magac, dhedig, keli) cid wixii ay la socotay ka soo soocid oo gooni u saarid: waxayla socdeen inay raacaan u diidid.
reebid -da: (magac, dhedig, keli) mamnuucid oo dadka ka reebid.
reebid -da: (magac, dhedig, keli) xaraf calaamad sukuun ah u yeelid; xaraf kale korkiisa ku joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seebid
m.f.dh eeg seeb². la-mid: seebin.