jeedakaqawle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedakaqawle
-ha: (magac, lab, keli) cid aragti iyo muuqaal ahaan la moodo budhcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagaalle
-ha: (magac, lab, keli) dhir aan deegaanka ahayn oo meel kale laga keenay oo ay dhici karto in lagu sumoobo. Dh: garanwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedamaal
m.l.u Dhirta faleenka, shalabowga, waabaayada leh dadka ka shaqaysta. la-mid: geedmaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedamaal
m.l.u Dhirta faleenka, shalabowga, waabaayada leh dadka ka shaqaysta. la-mid: geedmaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jabaqaale
naanays loo baxsho wiil carrabkiisu dhib qabo oo aanay ereyado si toos ah uga soo bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabaqaale
-ha: (magac, lab, kali) qof marka uu hadlayo ereyada qaar sheegi karin. Jabaqaale bal ra' dheh. Dh: carabey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagable
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan looxa cuna oo baalasha sare qolof adag ku leh. Loox ii kaydsanaa geedagable ayaa madhiyey. Dh: xar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedqaaqle
m.l.u Dhirta inteeda sunta leh. geedqodxeed m.l.u Dhirta inta qodaxda leh. geedquwaax m.l.u Geedka qasabka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedqaaqle
m. n. plant species, that has bitter fruits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedqaaqle
-ha: (magacwadareed) dhirta kuwa daratada leh ee cuniddooda lagu dhinto. Hashaan uurka uga soo gingimay tobanka geedqaagle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedqaaqle
de: plant sp., that has bitter fruits
lx: geedqaaqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: geedqaaqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed-qaaqle
m.l.u Dhirta inteeda sunta leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedaggable
(Geedaggabla-ha)
Cayayaan yar oo baalal leh, baalkoraadku qolof yahay sida kan geesoolaha; sida bulunbulyada si ka daran buu alwaaxda iyo qoryaha u cunaa, siiba kuwa qoyan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedaggable
m.l Cayayaan duula, qolof adag, oo cuna qoryaha iyo alwaaxda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedaggable
m. n., [collective] moth-like insect species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedaggable
de: moth-like insect sp.
lx: geedaggable
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: geedaggable
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedyaqaane
m. n., [compound] botanist
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedyaqaane
de: botanist
lx: geedyaqaane
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: geedyaqaane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimcabarqadle
m.dh la-mid: jimcobarqadle.