jeedaalis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalis
-ka: (magac, lab, keli) dib ama dhinac eegitaan. Dh: daymood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel fog ka eegid. 2. Dibi sac wadaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeedaali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel fog ka eegid. 2. Dibi sac wadaalin. m.f.dh, jeedaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeedaali
v. gaze (at a distant object)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaali
(fal) dib u eeg: dhinac fiiri, dib u day. Jeedaali inuu soo socdo wiilkiii dabadhoonka ahaa. Dh: jalleec, daymoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeedaali
de: gaze (at a distant object)
lx: jeedaali
pd: (jeedaaliyey)
ps: v2a=tr
key: jeedaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedaalin
(Jeedaalin-ta)
Wax durugsan, indhaha ku raadin; fiirin; eegid; ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedaalin
m.f.dh eeg jeedaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) dib u eegis, dhan fiiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalis
-ka: (magac, lab, keli) sheedaalin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Observation Post
Rugta ambada jeedaaliska
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax kale, dhugasho oo fiiris. Dh: jeedaalis, dhawritaan, eegniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedali
(fal) la dhac jeedalka oo ulee. Dh: ulee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedaalo
(Jeedaala-da)
Dhugasho dheer (badanaa wax durugsan); fiiro; eegmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedaalo
m.dh Fiirinta wax meel dheer laga eego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeedaalo
vl. n. act of gazing at a distant object
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedaalo
-da: (magac, dhedig, keli) dib u eegitaan, dhinac fiirin. Midabka baal dahab sidoodii, ishaan daymada ka bogonoo, jeedaalada wow dawiyo nabadeey. Dh: jalleeco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeedaalo
de: act of gazing at a distant object
lx: jeedaalo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: jeedaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedalid
m.f.dh eeg jeedal². la-mid: jeedlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedalid
-da: (magac, dhedig, keli) shaabuug la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidaalis
m.dh la-mid: jidaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedakaris
(Geedakaris-ka)
Aqoon ku saabsan sida geedaha, inta la karkariyo, dadka loogu daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedakaris
m.l 1. Aqoonta isku daridda iyo diyaarinta geedaha laysku daweeyo. 2. Qof yaqaan geedekariska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geedakaris
m.l 1. Aqoonta isku daridda iyo diyaarinta geedaha laysku daweeyo. 2. Qof yaqaan geedekariska.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedakaris
m. n., [compound] technique of preparing medicinal herbs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedakaris
-ka: (magac, lab, keli) aqoon ku saabsan inta geedaha la karkariyo dadka lagu daaweeyo. geedaqore -ha: (magac, lab, keli) qof geedaha qora oo farshaxan ah. Dh: geedaqor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedakaris
de: technique of preparing medicinal herbs
lx: geedakaris
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: geedakaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) sheedda ka eegid; meel fog wax ka eegid. Dh: jeedaalin, sheedaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weedhaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg weedhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalis
(Daalis-ta)
Socodka ama hawsha kaddib daal iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalis
m.dh la-mid: daalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalis
vl. n. fatigue, being tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalis
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, daal ku keenid. I jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis. Dh: dakaamis.
daalis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg daalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalis
de: fatigue, being tired
lx: daalis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: daalis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeedal
(Jeedal-ka)
Suun adag oo dabo la qabto leh, oo fardaha orod lagaga keeno; nadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedal
jeedal¹: m.l (-llo, m.dh) Suun adag oo dabo la qabsado leh oo fardaha iyo wixi lamida lala dhaco si ay orodka u badiyaan; nadi. la-mid: jeydal.
jeedal²: m.l (baayoloji) Shaabuug qaab dherer yar leh ilaa 150 maykaroon/m. oo laga helo oogaada unugyada qaarkood, gaar ahan unugyada taranka ee socda. Tusaale ahaan isbeermatosowa, bakteeriya iyo qaar ka mid ah borotosowa.
jeedal³: f.g1 (-alay, -ashay) Jeedal wax la dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeedal
jeedal¹: m.l (-llo, m.dh) Suun adag oo dabo la qabsado leh oo fardaha iyo wixi lamida lala dhaco si ay orodka u badiyaan; nadi. la-mid: jeydal.
jeedal²: m.l (baay.) Shaabuug qaab dherer yar leh ilaa 150 maykaroon/m. oo laga helo oogaada unugyada qaarkood, gaar ahan unugyada taranka ee socda. Tusaale ahaan isbeermatosowa, bakteeriya iyo qaar ka mid ah borotosowa. m.f.dh, jeedalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeedal
m. n. whip, lash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeedal
-ka: (n) lash (laash); whip (wip) ~ shaabuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedal
(fal) shaabuug la dhac. Jeedal faraska ha ordee. Dh: shaabuugee.
jeedal -ka: (magac, lab, keli) suun adag oo dabo la qabto leh oo fardaha la la dhaco si ay aad ugu ordaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeedal
bw: karbaash, nadi, shaabuug
de: whip, lash
lx: jeedal
nt: jeedal (jeedlay) [v1=tr]
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jeedal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) baahi ama rabitaan aad u qab wax ama qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedlid
m.dh la-mid: jeedalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beedalid
m.dh la-mid: beeddalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beedalid
-da: (magac, dhedig, keli) oofasho darteed is bihinbihin oo labka isku nanabid. Qaalintu intay beedalidda ku jirto haddii la saran waayo way tebisaa. Dh: rimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dedaalid
m.dh la-mid: dadaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dedaalid
-da: (magac, dhedig, keli) si weyn oo shago u qabasho. Dh: dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaadid
(Eedaadid-da)
1. Silic iyo saxariir mudasho.
2. Xanuun la taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaadid
m.f.dh eeg eedaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad hore u fashay u dhibtood; cidhibta waxaad fashay eedid. Dh: eedis.
eedaadid -da: (magac, dhedig, keli) silic iyo saxariir mudasho. Dh: silcid, saxariirid, rafaadid. Li: rayn, badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaamid
(Eedaamid-da)
(xoolo) xanuun la ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaamid
m.dh la-mid: aadaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aadaamid.
eedaamid -da: (magac, dhedig, keli) riyaha xanuun la ciyid. Eedaamid ayaa ka dhamaatay xoolihii maanta xanuun dartii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geegaali
(Geegaali-da)
Waabaayo tan u daran oo aan laga kicin (ama geegali).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geegaali
m.dh Waabaayo aad u daran oo aan la kicin. la-mid: geegali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geegaali
m.dh Waabaayo aad u daran oo aan la kicin. la-mid: geegali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geegaali
f. n. deadly poison
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geegaali
-ga: (magac, lab, keli) beyda ta ugu daran ee aan laga kicin sunteeda. Dh: abguri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geegaali
cf: waabaayo
de: deadly poison
lx: geegaali
pd: (-da)
ps: n-f
key: geegaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalis
m.l la-mid: jafaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedalay
(fal) jeedal la dhac oo ku dhufo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeedalee
-yey / jeedaleysay: (v) lash (laash); whip (wip) ~ karbaash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedalee
-da: (magac, dhedig, keli) kebed ilaa lix xadhig oo kala nooc ah ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeraari
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo jeeraaro samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeeraari
v. train a horse by making it circle around oneself at the end of a rope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeraari
(fal) orod isa sii daa oo carar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeeraari
de: train a horse by making it circle around oneself at the end of a rope
lx: jeeraari
pd: (jeeraariyey)
ps: v2a=tr
key: jeeraari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidaalid
m.f.dh eeg jidaal². la-mid: jidaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaalis
m.l la-mid: madaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meehaali
f.g2 (-iyay, -isay) Meehaal samayn (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meehaali
-ga: (magac, lab, keli) sida ay wax noqonayaan sii oddorosid oo talada ku habboon meel dhigasho. Dh: malaysi, arrinsi, tashi, malaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax samayn ama hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeddalid
m.f.dh eeg beeddal². la-mid: beedalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeddalid
-da: (magac, dhedig, keli) rabitaanka gammaan oofanaya. Beeddalid geenyaduba way muujisaa markay faraska doonayso. Dh: orgood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeqaaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jeedaalin. Dh: beeqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfalis
m.dh la-mid: beerfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedqaadis
m.dh la-mid: eedqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feeraaris
(Feeraaris-ka)
Feeraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeraaris
m.l la-mid: feeraarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feeraaris
vl. n. separation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeraaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg feeraarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feeraaris
de: separation
lx: feeraaris
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: feeraaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heehaabis
-ka: (magac, lab, keli) eeg heehaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedalley
m.dh (baayoloji) Dir ka tirsan faylamka borotosoowa, xubnahoodu waxay leeyihiin jeedal loo adeegsado socodka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeedalley
m.dh (baay.) Dir ka tirsan faylamka borotosoowa, xubnahoodu waxay leeyihiin jeedal loo adeegsado socodka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeqaaqid
(Jeeqaaqid-da)
Fiirin; eegid; dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeqaaqid
m.f.dh eeg jeeqaaq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeqaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) marka qof sugayo wax aan la hubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeeraarin
(Jeeraarin-ta)
(fardo) kolka iyagoo xarig dheer lagu hayo, ay qofka jaraynaya, ku ag wareega hayaan, ama durdurina hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeraarin
m.f.dh eeg jeeraari. la-mid: jeeraro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeeraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef xadhig lagu xidhay u dheerayn, si uu u daaqo inta u dhow. Geenyada xadhigga u jeeraari. Dh: heeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadis
jermaadis¹: m.dh la-mid: jarmaadid.
jermaadis²: m.l la-mid: jarmaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meehaalin
m.f.dh eeg meehaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neecaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg neecaabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seeraaris
(Seeraaris-ka)
Tuuryo kor loo tuuro, si ay wax soke (derbi, aqal, geed, buur, ...) dusha uga marto oo dabadeed hoos iyo meeshii lala rabey ugu dhacdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraaris
m.l la-mid: seeraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraaris
-ka: (magac, lab, keli) tuuryo kor loo tuuro, si ay wax soke dusha uga marto oo dabadeed hoos iyo meeshii lala rabey ugu dhacdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheedaali
(fal) sheedda ka eeg; meel fog ka eeg. Dh: jeedaali.