jeebsiib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebsiib
(fal) qof aan ogayn jeebkiisa wax ugu jira kala bax oo ka xad.
jeebsiib -ka: (magac, lab, keli) qof aan ogayn jeebkiisa wax ugu jira kala baxid oo ka xadid.
jeebsiib -ka: (magac, lab, keli) tuug dadka jeebkooda baadha. Dh: gacanmacaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeebsiibe
-jeebsiibaka: (n) pickpocket (pik po-kit); thief (thiif) ~ tuugo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) U j.: cid dusha wax ka tusid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeedsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) U j.: cid dusha wax ka tusid. m.f.dh, jeedsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexsii
(fal) meel taagsin ah ama dhir badan, jiidhsii. Dh: caydhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedsiin
m.f.dh eeg jeedsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel taagsin ah ama dhir badan, jiidhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesi
m.l la-mid: jeensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeesi
-ga: (magac, lab, keli) daymooshaha meel kale. Dh: jeensi, jeesasho, jeesad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Fal, arrin iyo wixi lamida ah oo cidi samaysay in ay natijijo xun kala kulanto gayeysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eedsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Fal, arrin iyo wixi lamida ah oo cidi samaysay in ay natijijo xun kala kulanto gayeysiin. m.f.dh, eedsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedsii
v.caus: cause to regret
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedsii
-yey say: (v) penalize (pii nalaayz); punish (pan-nash) ~ ciqaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedsii
(fal) xumaan hore loo falay, ciddii lahayd ka aargudo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedsii
de: cause to regret
lx: eedsii
pd: (eedsiiyey)
ps: v2a=caus
key: eedsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gebiib
(Gebiib-ta)
Dhul cag'adayg ah oo digdigo ah; (ama gabiib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebiib
m.dh la-mid: gabiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebiib
f. n., [collective] flat firm land ~ soil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gebiib
-ta: (n) hard surface on the earth ~ gebi, gawaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebiib
a: gabiib
de: flat firm land ~ soil
lx: gebiib
pd: (-ta)
ps: n1-f-col
key: gebiib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Weel afka u rogid. geddiyid; daadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gebsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Weel afka u rogid. geddiyid; daadin. m.f.dh, gebsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebsii
v. overturn, turn something upside down (as a container of liquid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gebsii
-yey / say: (v) cause objects to fall out of a container; spill (ispiil)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebsii
de: overturn, turn s.t. upside down (as a container of liquid)
lx: gebsii
pd: (gebsiiyey)
ps: v2b=tr
key: gebsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jebsin
(Jebsin-ta)
Lafdhabarta inta u dhexaysa araxda iyo dibka oo ka kooban riciraha gacanjiiddo iyo dhakaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jebsin
m.dh (-imo, m.l) (daawo) Xubin ka mid ah laf dhabarta oo dhawr ricirood leh. la-mid: jibsin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jebsin
m.dh (-imo, m.l) (daaw.) Xubin ka mid ah laf dhabarta oo dhawr ricirood leh. la-mid: jibsin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jebsin
f. n. vertebra
jebsin [feminine] n. contraction (in labor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jebsin
-ka: (magac, lab, keli) xeyn yar oo xoolo ah oo ka soo go'day xoolihii ay la socdeen. Dh: goosin.
jebsin-ta: (magac, dhedig, keli) laf dhabarta inta u dhaxaysa adhaxda iyo dibka oo ka kooban riciraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeebid
(Jeebid-da)
1. Jeexid; goyn; dillaacin.
2. (ka jeebid) denbi ama gabood la falay, in le'eg oo ciqaab ah, gaarsiin; eedsiin; ka goyn; ka gudid; ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeebid
m.f.dh eeg jeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeebid
-da: (magac, dhedig, keli) qof labada gacmood ba ka xidhid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Jeebid
Jarid, xalluufin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JEEBIN
(Jebin) S Brachiaria reptans (L) Gardner & Hubbard Gramineae.
S Dichanthium annulatum (Forsk.)Stapf. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg jeedsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeensi
(Jeensi-ga)
Jeensasho; (ama jeedsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeensi
m.l la-mid: jeesasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeensi
-ga: (magac, lab, keli) xalasho muddo xilliroobaad oo la joogo, xilliga jeensiga dayreed waa wixii loo gaadho tirada 140ka ee sannadka dabshidka. Dh: xalad, fanjeedis, jeesi, gamashi, kaaye, af-keen, horraamis, jeedsi, jeesi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bebsiin
m.l (kiimika) Insaymyo ay dhiiqaan unugyada ku yaalla gudaha caloosha lafdhabarleyda, kaas oo dedejiya borotiinka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bebsiin
m.l (kiim.) Insaymyo ay dhiiqaan unugyada ku yaalla gudaha caloosha lafdhabarleyda, kaas oo dedejiya borotiinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax ku fillaysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deeqsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax ku fillaysiin. m.f.dh, deeqsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqsii
v.caus: give freely ~ generously; satisfy everyone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deeqsii
-yey / say: (v) make sufficient or adequate; suffice (sa-faays); satisfy (satis-faay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsii
(fal) wax ku fillaysii. Dadka meesha jooga oo dhan deeqsii raashinka. Dh: gaadhsii, le'ekaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqsii
de: give freely ~ generously; satisfy everyone
lx: deeqsii
pd: (deeqsiiyey)
ps: v2a=caus
key: deeqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedsiin
(Eedsiin-ta)
Xumaan la falay, in le'eg ku gudid; kaggoyn; ka jeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedsiin
m.f.dh eeg eedsii. la-mid: eedsiis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedsiin
-ta: (n) penalty (penalti); punishment ciqaabid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xumaan la falay in le'eg ku gudid; xumaan horay loo galay, ciddii lahayd ka jarid. Eedsiinta saamaxaadda ayaa ka wanaagsan. Dh: aargoosi, eedsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedsiis
(Eedsiis-ka)
Xumaan la falay oo mid le'eg lagaga gudo; ka goyn; ka jeebid; ciqaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedsiis
m.l la-mid: eedsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedsiis
vl. n. causing to regret
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg eedsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedsiis
de: causing to regret
lx: eedsiis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: eedsiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebsiin
m.f.dh eeg gebsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesiir
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo aan ninkeeda la dhaqmi karin. Dh: qumayo, basari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbiib
-ka: (magac, lab, keli) maro balawbalaw ah oo jidhka wada qarisa oo dumarku ku xijaabtaan. Dh: jilbaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leedsii
(fal) cid kale, inay wax leed ku dhifato ku qaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid in ay carrabka wax mariso gayeysiin. la-mid: leefi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefsii
(fal) wax la leefo sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelsii
f.g/lg2 (-iiyay, -iisay) Cid arrin ama wax kale oggolaysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yeelsii
f.g/lg2 (-iiyay, -iisay) Cid arrin ama wax kale oggolaysiin. m.f.dh, yeelsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yeelsii
v.caus: convince, persuade to do; compel, force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelsii
(fal) qof, cid ama wax kale, wax aanu doonayn inuu falo xoog ama xeelad ku oggolaysii. Fiinyee oo saca weysha yeelsii. Dh: ogolaysii, marsil. Li: diidsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yeelsii
de: convince, persuade to do; compel, force
initial: y
lx: yeelsii
pd: (yeelsiiyey)
ps: v2a=caus
key: yeelsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqsiin
(Deeqsiin-ta)
Wada gaarsiin; ku wada fillaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsiin
m.f.dh eeg deeqsii. la-mid: deeqsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yar ku fillaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqsiis
(Deeqsiis-ka)
Deeqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqsiis
m.l la-mid: deeqsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqsiis
vl. n. act of giving satisfaction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqsiis
-ka: (magac, lab, keli) cid wax wada gaadhsiin oo ku fillaysiin. Dh: fillaysiis. deeqsinimo -da: (magac, dhedig, keli) ku fiicanaanshaha wax isa siinta. Li: bakhaylnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deeqsiis
de: act of giving satisfaction
lx: deeqsiis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: deeqsiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jebsiino
m.dh Xannuun haweenka qabta marka ay foolanayaan; jajab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jebsiino
m.dh Xannuun haweenka qabta marka ay foolanayaan; jajab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefsiin
m.f.dh eeg leefsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax uu leefo siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
neefsiin
vl. n., [compound] resuscitation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
neefsiin
de: resuscitation
lx: neefsiin
pd: (-ta)
ps: vn1-f-cmp
key: neefsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reebniin
(Reebniin-ka)
1. Higgaadda, xaraf dhawaaqiis oo xaraf kale ku kor joogsada.
2. Wax laysu diido.
3. Joojis; qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reebniin
vl. n. leaving, reserving, holding back
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reebniin
-ka: (n) 1. the act of forbidding; prohibition. 2. the act of excluding; exclusion (ekis-kuluu-shin)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reebniin
de: leaving, reserving, holding back
lx: reebniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: reebniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yeelsiin
(Yeelsiin-ta)
(qof) wax uusan dooneyn inuu yeelo ama sameeyo, dirqi kaga samayn; waxaan qof oggolaadeen ama uusan jeclayn oo xoog ama kabbixiwaa loogu dirqiyo, inuu yeelo ama uu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelsiin
m.f.dh eeg yeelsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelsiis
-ka: (magac, lab, keli) oggolaysiis, yeelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jecleysiin
m.f.dh eeg jecleysii. la-mid: jecleysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jecleysiis
m.l la-mid: jecleysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeedhosiib
-ka: (magac, lab, keli) xeedhada burcadka lagu rido.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheefsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) quudsiin oo dheefta uu u baahin yahay siin. Dh: quudsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelsiin
m.dh eeg dheelsii. la-mid: dheelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fekersiin
m.f.dh eeg fekersii. la-mid: fakarsiin, fikirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyeysiin
(Geyeysiin-ta)
Badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyeysiin
m.f.dh eeg geyeysii. la-mid: gayeysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geyeysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aanu jeclayn, badid. Dh: gayeysiin, malkiisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heensiyid
-da: (magac, dhedig, keli) caano iyo wixii la mid ah, weelka inta ku hadhay ka laacid. Dh: heemin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jecleysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax rabitaankooda cid ku abuurid. 2. Is j.: wax rabitaankooda is xijin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jecleysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax rabitaankooda cid ku abuurid. 2. Is j.: wax rabitaankooda is xijin. m.f.dh, jecleysiin.